site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

BOORAMA WAA BANDOO

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): BOORAMA WAA BANDOO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XOGOGAAL

Wednesday, September 13, 2000 - 08:30 am
Warar badan oo la isla dhex marayo ayaa ku warrammaya in Magaalada Boorama ee Caasimadda Awdal,lagu soo rogay Bandoo.

Dad badan oo Gadabuursi iyo Ciise ah oo u dhashay Gobolka Awdal,ayaa sheegay in Ciidamo badan oo laxaad leh kanay yimid, Hargeysa, Burco iyo Berbera, la dul dhigay Boorama. Ciidamadaai waxa u jeedadoodu waxay tahay, in cabbudhiyaan una caga jugleeyaan dhalinyarada iyo wax garadka Boorama o ka soo hor jeeda Taliska Cigaal, iyo Somaliland. Kuwaasi oo raacsan Soomaali weyn lagana cabsanayo inay Mudaharaadyo Sameeyaan. Somaliland kama maarmi karto inuu Gobolka Awdal ka go'o waayo horey waxa u go'ay, Goblka sool. Markaa haddii Awdalna ku biirto, qabiil kaliya oo waliba kala jaban ayaa isku soo hadhi doona, taasina, macno uma laha Somaliland. Somaliland waxay kusoo socataa HABAR AWAL LAND.
Soomaaliweyn arrintas way ka xun tahay, waxanan leennahay taliska Cigaal, cadaadiska iyo Cago juleynta jooji, reer AWDAL SII XORRIYADDOODA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOORAMA

Wednesday, September 13, 2000 - 08:54 am
TO: XOGOGAAL'

BOORAMA WAXAY AHAYD BADNOO MUDDO KU DHOOW, SADDEX SANADOOD. CIIDAMADA SOOMALILAND OO DHAMINNA WAXAY KU HAREERAYSAN YIHIIN GOBOLKA AWDAL. HASE YEESHEE HA WAR-WARIN WARBAAN KUU OGAHAY WIIGAN DABADIIYE. HALYEEYADII AWDAL, WAA DIYAAR, HABAR AWALNA WAA DABAR GO'EEDII.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qaran

Wednesday, September 13, 2000 - 10:01 am
isaaqa waan qiyaasayey inuu meel xun kudanbeen doono, walee qaabkiisu mahaboono. waxay u'egtahay in asoolarabuu diidaye, asagoo tuugtamayo inuu soomaaliweyn kusoolaabto!!!!! sommali waa dad aankala go'ikarin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maku dhagacdat

Wednesday, September 13, 2000 - 10:13 am
idoor balayaa haysata ilaahow amuurah sahal,walaalyashay reer awdal somaliwayn baa idin rabta oo idin dhinac taagan hiil iyo hooba ee duliga iska xoora.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 13, 2000 - 12:00 pm
TO:"boorama,qaran,makudhagacdat"

waxaan idiin sheegayaa isaaaqu wuu tashaday ee tashada,idinma rabno waan idin nacnay ee 'leave us alone"
ka boorama ka hadlayoow waxaan ku xusuusinsyaa,inuu ••••••• iyo askartii afweyne ay maalin cad kaa yaaceen markii aan dhulka qabsanay 1990gii.haddanu ••••• nahayna aanu magan gelyo kuu fidinay.oo aanu nidhi wey gafeene ha li iska dhaafo,laakiin waxaad ogaataa haddii aad mardambe aad gaftid in aanaan ku cafin doonin,dantu waxay kuu gu jirtaa inaad dariskaaga nabad kula noolaatid,waxba kuu tari maayaan kuwa ku leh soomaaliweyn baa ku garabtaagan,horey wax kuugu qaban waayeen oo inta ay kugu direen dadkii aad deriska ahaydeen ayay markii aad u baahatay iany difaac kula galaan ayay meel cidla ah kaaga tageen
dantaada raac saaxiib.

"iam iidoor,•••••,and iam proud of it"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYWALINJO

Wednesday, September 13, 2000 - 03:33 pm
soco af danyeer waaxid shumee qalnaad wiiqna saan u hadal bartina walaahi waxaa layiri DOOLI BOOD BOODKIIS MUKULAAL MAQNAANSHAHEEDA LEE WAAYE.
ar ma joogtidoo naf yar lee tahee dadkaa dhinac ka raac dabaal yahoow SOO JOOG LAGA WAAYE SOO JEEF AA LAGA HELAA.gob gob aa ka bad badiyeen inii gablantid aa kaga baqaa oo lagug diimo DAYNASOOR ahaan, lafahaaga la so faag faago ..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAM.SICIID

Wednesday, September 13, 2000 - 09:39 pm
THATS ALL LIE. BEEN BEEN BEEN
QOFKA KU YIDHI BOORAMA WAA BANDOO. ANNAGU ILAAHOW MU AHAADO SOMALIYADA KALOO DHANE BOORAMA CIDI WAX KA QAADI MAYSO ISAAQNA ILMAABTI IYO DAD IS DHALDHALAY AYAANNU NAHAY HADDAY DHAWRI WAAYAAN XAQAYAGANA GARI INAABTI MA TAQAANNO
WAXAANAN LA HADLAY XALAY 13/9 DADKA DAGGAN BOORAMA. WAXAYNA II SHEEGEEN IN AANAY JIRIN WAX BANDOO LA YIDHAA. CIIDAMADA AAD SHEEGAYSAA WAA CIIDAMO XADKA JABUUTI U SOCDAY KADIB MARKII AY JABUUTI CIIDAMADEEDII XADKA SOO DHIGTAY.

NABAD DIIDOW DILLAAC.

SAMAROON SICIID
MAGACAYAGAAD KA GARATAA IN AANU NAHAY DADKA UGU FIICAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 13, 2000 - 10:33 pm
Boorame bandoo ma ha.
Waa meeshii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal lagu doortay. Dadka Reer Boorame nabad iyo wanaag ayay doorteen inay kula noolaadaan dadka kale ee ay deris wanaagga leeyihiin, illaahayna qaderay inay meel ku wada noolaadaan. Haddba dadka doonaya in khalkhal ka dhex abuuraan dad meel wada degan, kana shaqeynaya isku dir iyo diradiraalanimo, waxaan garan la´ahay waxay ka istafiidayaan hadii dagaal ka dhaco Boorame. Waxay ahayd dadka reer Koonfureedku inay ku farxaan nabadda dhextaal reer Boorame iyo dadyowga kale ee ay jaarka yihiin. Somalilandna ma ah meel qabiil iska leeyahay ee waa fikrad xalaal ah oo lagu doonayo in lagu xaliyo dhibaatadii weynayd ee soo dhexmartay labadii qaran ee ay ka koobnayd Somalia ee isku darmaday 1960. In la is af duubo nabad kuma iman karto, taas maskaxda iyo caqliga geliyo. Somaliland is going to be here for ever!!!. Qof jecel iyo qof necebba. Waa xaqiiqo taalla oo aan laga gudbi karayn, mana aha ninka dhaliyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Way ka horeysay, wayna ka dambeynaysaa. Waxay ku timi rabitaanka dadka Reer Somaliland. The power of the people.
Somalia nabad ayaan la jecelnahay, waana walaalahayo, iyagana sidaas oo kale ayaa ka rajaynaynaa inay na la jecelaadaan. Sidaas ayuu isjecel ku iman karaa. Xaasidnimaduna waa xaaraan if iyo aakhiraba iyo weliba isku dirku. Somali meel kasta oo ay joogto nabad, sharaf iyo karaamo ha ku noolaato. Taas xoogga waa in la saaraa. Haddii ay joogaan Djabouti, Gobolka 5aad, NFD, Somalia iyo Somalilandba e. Maanta haddii ayna Djabouti xor ahaan lahayn oo ay ka mid ahaan lahayd Somalia, nabaddiina wax ka shaqeeya reer Koonfuroow lama heleen. Waxaad ku baxsanaysaan xornimada ay Djabouti xor idinka noqotay, haddii kale iyadaba, mar hore ayaad shidaafta u laabi lahaydeen, sidii aad noogu laabteen reer Somaliland, idinkuna isugu laabteen. Haddaba, waxaan idiin kula talin lahaa, nabaddan ay Djabouti idiin soo jeedinayso, waxaa keli ah oo ay wax idiin noqon kartaa, haddii aad idinku nabad isa siisaan, oo ka shaqeysaa nabadda. Somalilandna iska illowdaan. Taas waxay u noqon doonta idinka iyo Somalilandba narooryo iyo tillaabo wanaagsan oo taariikh leh oo illaahay idin garadsiiyay,nafo badanna aad ku badbaadin kartaan, haddiise aad qabka aan idinku arkay, ku socotaan, waxay natiijadu noqon doontaa, fashilkii hore mid ka khasaare weyn. Markana ma heli doontaa, Ina Cumar Geele kale. Talo maanta waxay joogtaa Reer Koonfureed ee bal aan eegno waxaad la soo shir tagtaan. Somaliland ayaanu cunaqabataynaynaa oo bakhtiinaynaa, isku diraynaa, iska horgaynaynaa iyo fikradaha aan shaqeynin ha isku hawlina. Somaliland waa meel xaq ku socota, oo aan weerar doonayn, hase yeeshe, diyaar u ah isdaafac, qiimo kasta ha qaadatee.
Si kastaba ha ahaatee, waxay talo joogtaa, Somalia ha ka tashato aayaheeda, Soamlilandna ha u dhaafto arrimaheeda gudaha. Waayo wax faa´iido ah ayayna ka helayn haba yaraatee.
Illaahay talada ha idin garansiiyo.
Asalaamu calaykum
Axmed Cabdillahi Cawaale
Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyare

Thursday, September 14, 2000 - 04:05 am
to: XOGOGAAL

Waxaan kuu sheegayaa saaxiib, Reer Borama iyo dadka kale ee jaarka ahi, nabad galyo ayay kuwada noolaayeen tobankii sano ee reer koonfureedkiinu is dilayseen, isna dhacayseen, hadii aad ka xuntahay oo aad doonayso inaad khalkhal geliso xasiloonida ay dadkaasi kuwada noolyihiin ma soconayso.

Idinkaa buka oo boqol idiin talisaa oo kolba heshiis khayaali ku salaysan la idiin soo macmalaa sida kan hada ina geele idiin soo macmalay ee faqashtii aa rideen toban sano ka hor dib ugu soo doorateen. Markaa waxaan ku leeyahay reer borama talo iyo guubaabin midna kaagama baanhee taada ka tasho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amnasty

Thursday, September 14, 2000 - 04:19 am
Gabadhii meeyey mucaaradka ahaan jirtey ee Reer Boorama? xaggey ku dambeysey? miyey xirantahey? qofkii ogow fadlan ila soo xiriir.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 14, 2000 - 04:43 am
war gabalkii wuu dhacay ummaddii way tashatay, kuwa aan tashan, is qabta oo dadka ku dayda, waala idinka kaga roon yahay boorame waa bandoo!.
qolooyinkiina hamar intaa waxaad ka naxaysaan horumar-ka ay gaareen dadka qaarkii,dadka aad ka hadlaysaan waa dad horay u maray oo waxaad isku jirtaan inta dayaxa iyo dhulka isku jiraan, adinkana wali noloshii banii'aadamka ayaadan ku noolayn ee waxaa idin leeyahay, dadka deris wadaaga ah iska daaya dantooda meel bay isla dhigeene adinka is daba qabta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BORAMA

Thursday, September 14, 2000 - 06:57 am
TO: SAMARROON SICIID

Kadib dhicitaankii Siyaadk Barre, Ciidamada Isaq ee SNM Boorama ayay galeen iyagoo hoggaaminaya Ciidamo kale oo amxaaro leedahay. Dad badan oo rayid ah oo Reer Boorama ahna way xasuuqeen. Markaa qaar sidaadoo kale dhuuni qaatayaal ah ayaa idaacadaha ka hadlay, oo yidhi, SNM waan la soconnay, waxa la laayayna ma ahayn Soomali, ee waxay ahaayeen OROMO. Imikana waxad leedahay, Ciidamada Somaliland(Isaq), Saylac ayay galeen oo Jabuuti ayay u jeedaane, annaga nooma jeedaan. Waar an kuu caqli celiyo, anigu waxan ahay dhaladkii Samarroon, ee Awdal u dhashay 100%. Maantana dhag xumo iyo sharaf darro tan ka wayni ma soo marin Umadda reer Awdal, kuwo Adiga oo kale ah oo Fataaliin ah ,ayaana halkaa na dhigay. Taariihkda meel xun ayaad ka gali doontiin, Awdalna way xoroobi oo calankii Buluuga ahaa ayaa la dulsaari dhawaan.
IIMAAN LAAWAYAAL, ALLAHA IDIN SOO HADEEYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Thursday, September 14, 2000 - 07:08 am
Iidow isaga baxa boorma reer boorama waa mutacalimiinta soomaaliya oo idinaka aqoon badan.
Waxaan ahay ragii kaa soo eryay buuhoodle iyo laascaanood hadana waxaan kugu heystaa boorame iyo saylac waana la hubaa inaad adigoo caga cad ka bixi doonto. If you try force all somalis will do something together.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAM. SICIID

Thursday, September 14, 2000 - 10:53 pm
TO BORAMA:

Horta anigu aabahaa caayi maayo adigana ku caayi maayo, Waayo adigu waxaad tahay nin aan ahayn reer Borama, waayo reer Borama sidaas way ka caqli badan yihiin ciidamadan aad ku sheegayso Issaaq!! waxaa ku jira kuwayaga Samaroon. Waxaanay Tageen oo ay joogaan maanta xadka Djibouti. Ee haddaad rabtid inaad wax tartid iska aamus oo Xamar hagaajiso oo dgaalka kala socda ka jooji. Annagu amma Somaliland aanu ka Tirsanaano amma Somalia waxaanu si AWDAL ahaana uga fakaraynaa danahayaga Beeleed oo aanu nahay kuwii eega nabad inaanu kula noolaano jaarkayaga, Cidii nasoo doonatana aanu iska celino.

Midda labaad s.c "SNM" waxaay is lahaayeen dagaalka sii wada ilaa iyo Borama waxaana heshiiyay Odayaashii labada reer oo SNM iyo innagaba Dagaalka Odayaashaa anaga joojiyay.

PLS anigu ilaahow AWDALLAND inaan la baxo aan dan ka helayo waan la baxayaa.

DARWIISH:
Afkaaga caano lagu qabay BORAMA waxaa ku yaalla Jaamacad heerkeedu aad u sareeyo. Una dhiganta Jaamacadaha Adduunka, Waxaana badanaa ay mutacalimiinta wax ka dhigaa Boramawi

Midda kale BASKET sportiga la yidhaahdo annaga cid nagu haysataa ma jirto ilaa immika.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Thursday, September 14, 2000 - 11:15 pm
SALAAMU CALAYKUM.
walaalayaal waxaad eegtaan qofka la magac baxay XOGOGAAL IYO BOORAMA waa qofkeliya waxaad taa ka garan kartaan hadalkiisa fiiriya iyo qoraalka waxaad kale fiirisaan time-ka uu qoray maqaalka waxaa u dhexeeyay labada maqaal 15min markaa isaga ayaa furay page-kan isaga oo iska dhigaya XOGOGAAL isla markaasba isaga ayaa isu jawaabay oo haddana isku magacaabay boorama waanad garateen in aanu ahayn nin boorama u dhashay ee uu rabay in dad wada degan isku diro.waa lagu gartay.ninka layiraah samaroon walaal waxgarad baad tahay anigu nin ••••• baan ahay waxaan u arkaa samaroon in ay yihiin dad sharafleh oon isku dad iyo deegaanba nahay xumaana uma qabo
walaalayaal qabiilka iska dhaafa ilaah ka cabsada halkanna joojiya cayda oo wax wanaagsan soo qora walaalayaal ha u jawaabina dadka buka ee dadka isku dira hadday page furaan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BORAMA

Friday, September 15, 2000 - 12:34 pm
TO: WALAALKIIN,

WAAD KU MAHADSAN TAHAY, FIKRADDAADA IYO FIIRADAADA. ANIGU MA AHI QOFKA DOODDA BILAABAY, WAASE SUURTO GAL INAAN KA FOGAYN MEESHA DOODDA, LAGU BILAABAY. SADDEX MAGAC ILLAAHNA WAXAN AHAY, SAMARROO. MA DIIDANI, LA ISKUMANA HAYO IN GADABUURSI IYO ISAAAQ, AY YIHIIN GACAL, SIDOO KALE GADABUURSI, IYO CIISENA YIHIIN, GACAL. WAXASA LA ISKU HAYAA, IN MABDA'A, QALLAFSAN OOD WAQLIGIINBA KU HAMIYAYSEEN, AHNA KALA QAYBSI SOOMAALIYEED, GADABUURSINA WALIGII IDNKALA QAYB QAADAN, AD NAGU QASABTAAN.

WALAAL, GUNNIMMO, DHEREG LEH, GOBANNIMMO, GAAJO LEH AYAA KA ROON. GUMAYSI, HABAR AWALNA GUULLAHAY, AYAAN KA MAGAN GALAY.

WAAD MAHAD SAN TAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qiiraysane

Saturday, September 16, 2000 - 02:42 am
BORAMA
Walaal Borama. waxaad haysaa uun habarawale. walaal shaydaanka iska naar waad wanaagsantahay oo aad baan ugu farxay sidii aad mar labaad u hadashay. Laakiin walaal waxaan anigu hadaan ahay nin reer waqooyi ah diidanahay in ay ii TAliyaan GAANNI IYO MORGAN AMMA ALI SAMATAR.

walaahi walaal haddaynu nahay gobolka waqooyi amma ha ahaado Darood amm Hhawiye e walaal waxba igama saarna. Laakiin markay tahay GADABUURSI aniga ayaa isku mashquulinaya in aan ku dadaalo sidii aan nabad u wada noolaan lahayn amma aan la baxno SOMNALILAND amma wax kale eh. Anigu walaal aniga oo 11-jira ayuu dagaalku dhacay waxaanan arkay iyadoo Somaliyi ay na rushaynayso oo aan Geeddeeble iyo Shiinaha joognay reer annaga agtayada daganaa ilaah baan ku dhaartee iyaga iyo qaraabadoodii oo 40 ku dhaw qof kamuu bixin waxaa kaloon arki jiray sida maydka ay cagaftu u aasto. Markaa walaal u garaab dadka jooga "SOMALILAND" in ay markay maqlaan XAMAR ay xasuusanayaan dhibaatadoodii.

Waad mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

watcher

Saturday, September 16, 2000 - 08:00 am
To: Amnasty
The lady you are talking about is radiyo Ali Awadan and she is a great warrior of civil rights, human rights and social justice.She is well and alive.Radiya has participated in the reconciliation conference in Djibouti and she delivered a great speech in the conference.According to some reliable sources she is presently in Borama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BORAMA

Sunday, September 17, 2000 - 08:07 am
TO: QIIRAYSANE,

Walaal kaliya waxan jeclahay inaad ogaatiin xaqiiqda hadii ad tihiin walaalahayo ISAAAQ, een dal iyo degaanba wadaagno. Xaqaiiqdaasi waxay tahay inaad ogolaataan marka hore xorriyadda Binu'aadamka ood Reer Awdal marka horeba ad siisiin madax bannaanidooda, una ogalaatiin inay maamulkooda lahaadaan. Markaa dadkayaga Reer Awdal iyagay u taalla waxa an ku heshiinayno; ama an ku heshiinno inaan Somaliland ku biiron, ama somaliweyn ku biirono, ama Jabuuti ku biirnno, ama iskayaba isku taagno. Hunguri aniga iima hayo dawladda Xamar, habaar qabayaal Haawiyna inay i xukumaan uma odorasayo. Waxa igubaysa in ug horrayntaba SomaaliLand, tahay fikarad aydaan kala tashan Gadabuursi iyo Reeraha kale ee Woqooyi ku noolba. Isla markaana ad hal, maalin uun kusoo duusheen Awdal, qasabna kaga dhigteen inay idin ogolaadeen. Dadkayaguna way idin yeelleen iyagoo door bidaya NABAD GALYADA. Kadibna waxad keenteen Caga juglayn, Cadaadis, iyo cunaqabatayn joogta ah ood Dadkayga ku soo rogtaan.
sida ad sheegtay, dhibaato badan ayaa Isaaaq soo gaadhay, oo dawladdii Af-weyne idin gaadhshsiisay. Marka ugu horreysana waxan jecelahay inaa isla garano, in dhibaatadaas aanay Soomaali weyn idin gaadhsiin ee Dawladdii Dalka maamulaysay idin gaadhsiisay.
Waxa kale oon jecelahay, inaan isla garano, in wixii ad u dhimanaysiin ahayd Xorriyad, ood diidayseen Gunnimmo. Haddaba idanka oo taa og, maanta maahayn inaad GADABOURSI ka yeeshaan, sidii idnka Af-weynne idanka yeelay. Ma ku fikirteen wali in Gadaboursi isaga oon Awdal meelna uga cararin uu iska kiin xorayn karo, Soomaalilandna ku baaba'in karo( in minutes) muddo yar gudaheed. Maku fikirteen in Gadaboursi yahay dad tiro badan oo saddex Jamhuuriyadood kala deggen, haddii ay united noqdaanna wax weyn ka ridi kara Somaliland. Maku fikirteen wali, in haddiiba Gadabuursi idinkula heshiiyaan Somlailand, aynu nahay labo Gobol oo isku biiray, xaqna aan u leennahay in Kuraasta Baarlamaanka an kala qaysanno, half and half.
Fili maayo inaad waxaas oo dhan ku fikirteen, waana loo baahan yahay inaad, sida ugu dhakhso ugu fikirtaan, sida ugu dhakhso baddanaa u ridaan Taliska Cigaal.

Waad mahadsantahay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.