site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Do U Want now how A/Qasim was elected? If yes have a look

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Do U Want now how A/Qasim was elected? If yes have a look
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi Wali

Sunday, September 17, 2000 - 05:16 am
Sir/Madam,

Waxey bulsho weynta somaliyed kujirtey cariiri iyo dagaal sokeeye more than a decade waxgaradki soomaaliyed waxey goaansadeen in dadka dowlad loo helo hadaba see lagu heley madaxweynahan is doortey?

Ninkan waxuu xamar ku jirey itixaad iyo qaar ganacsato hubeysan oo dalka lacago qaladan usoo sameesatey iney ku afduubaan duqowda beelaha iygoo iska dhigayo dad ilaah kabaqayo balse eey dantooda hoos kawataan, waxa magaalada muqdisho yimid koox gnacsato oo reer jabuuti oo u fududeeyey iney wadanka kalasoo dagaan alaabahooda baayacmushtarka madama xukuumad jirin sidoo kalena u balan qaadey hadi dalka ey kadhalato wax dowlda oo dhankiisa ah iney taagero siin doonto ganacsatada daneestayaasha sida Abuukar cumar cadaan & kuwa u ololeeyo.

War iyo dhamaanti gabagabada shirka wuxuu gaarey qolada baarlamaanka kujiro cod kaliya iney ku helaan 10$ thousand US dollar. Hadaba nin musuqmaasuq lagu soo doortey nabad makeeni karaa lacagtaa oo dhan waxa baxshey dowlada iyo ganacsatada Jabuuti oo ifilayo iney in return uu siiyo wax kale walaaleyaal marka waan u baahan nahey dowlad laakinn mid laaluush lagu soo doortey waxba dalka matareeso waxeyna ku soo celin doontaa burburki ilaah naga keeney sidaas darteed iska ilaalsha hana taagerina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadaad

Sunday, September 17, 2000 - 08:13 am
Yaa kuu soo sheegey warka mise waa waxaad adigu maskaxdaada iska siisey?

Thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Sunday, September 17, 2000 - 09:01 am
TO CABDI WALI
NACAS WAXAA MAQASHAY WAXAA LA SHEEGAA EE WAX SHEEG. HADAAD KA XUNTAHAY MADAXWEENAHA.
SAKIIN LAQ.BOON YAHOOW BOONKA DHALAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

David

Sunday, September 17, 2000 - 11:11 am
To Ladan.

Ilaa hada wax rumaysan in C/qaasim salaad madax weyne yahay ma jiro. Aduunkana wali wax taageero u fididiyey hindisahiisa ma jiro. Shirkii qaramada midoobay wuu iska fadhiyey sidii ay RAAQIYA OMAAR, ay yeeli jirtay mududadii burburka oo kale mooye. Kursiga uun baan banaaneyn. Adi waxaan ku weydiinaayaa, Maxaad dheertahay dadka boonta aad ku magowcoday, nasabnimaduna maxay tahay? Hadii la arkay dad nasab sheegan oo iyagu Boon ah ah ka waran, xaga dad la dhaqan, iyo akhlaaqda wanaagsanba? Boontu ma qabiilbaa, mise ,shaqsiyad xumo qof leeyahay?

Sanka maad dadka ka galinaysaa ,nin asi is sharaxaayo oon la ogyn inuu jiro iyo in kale?

Abaayo, game aa socda ee ha lumin ok? Lambarka xagso Boon iyo midgaana qofkii xun baa ah, ee Qabiil ma noqdo ok?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAAL_DIID

Monday, September 18, 2000 - 03:12 am
David

maxaa beenta kuugu wacan.
so ma ogid in uu ku fadhiistay kursigii UN ka ee soomaliya.
so ma ogid in iminka ooda laga qaadayo lacag tii IMF ay u meel dhigtay dalkeena hooyo tobankii sano ee la soo dhaafay

hadaadan adigu aqoonsan ha odhan cidi ma aqoonsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr Adan

Monday, September 18, 2000 - 05:04 am
waad salaamantihiin

horta in salad boy waa xaqiiq i nuu ka mid ahaa raga mafia ah dalka u samayey lacagta falisada ah

waxuuna xiriir la leeyahey nin ah ganacsade weyn oo reer Djabuuti ah oo la yiraahdo "IN boore" oo ah ni dhalanyara ah waxuuna ku soo galay hab lacageed madaxweynanimada sidaas arin inta badana ee somali oo dhan ay ogtahey

lakiin si loo helo qaran somaliyeed waan tagarasaney dawlad somaliyeed "xisaab tanu waxey imaneysaa markii la helo sharci iyo qaran mideysan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR SOMALI

Monday, September 18, 2000 - 05:31 am
Dear Abdi Wali

walaalow ilaahay ka cabso oo u toobad keen.
Ninkan madax weynaha loo doortay been ayaad ka sheegaysaa. ama itixaad ha noqodo ama jini ha noqodo soo isaga ma aha midka doonaya in uu dhibaatada naga bixiyo, waad aragtaa wadankeenu siduu yahay dhibaatada taala.
war nin yahow adaa raaxo mindhaa ku jir oo yurub ama mareykanka ku raaxey sanaya ee miyaad ka war qabtaa dadka dalkii jooga sida ay ku noolyihii miyaad ogtahay haweenka iyo Ciyaalku in aysan nabad ku seexan habeen kaliya.
war duliyahow ninka jaanis sii,
qof bini aadan ah oo aan iin laheen majiro alow yaa adiga ku baara wax aad tahay.
please ha fiirin ITIXAAD, QABIIL, IYO WIXII UU SAMEEYAY DOWLADII HORE.
ee fiiri WAX HADA NAHAYSTA IYO SIDAAN UGA BIXI LAHEEN.
SOMALIYA HA NOOLAATO, SOMALIYA HA IS RAACDO, MADAX WEYNAHA CUSUB DAACAD HANAGU MAAMULO.
GABAR SOMALI OO KA DAASHAY "NAC NACDA"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kooshin

Monday, September 18, 2000 - 05:43 am
madaxweynaha somaliyeed hanoqdo midkii soomaali oo dhan isku soo aruuriya oo isku keena beesha kala luntay 10ka sano hana looduceeyo duqa alllaha u fududeeyo xilkiisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jibriil

Monday, September 18, 2000 - 07:55 am
SALAAMU CALAYKUM
MADAXWAYNAHANI WAA MADAXWAYNE U DHASHAY HABAR GIDIR IYO MAREEXAAN.WAA MADAXWAYNE AY SOO DOORTEEN WIILASHII KORNAYLADA AHAA EE DHIIGA DADKA KU MAYDHAN JIRAY SIDA MOORGAN.HADDII AAD SIYAASIIN TIHIIN TAAGEERA ANIGA CADAALADA AYAA WAX WALBA IIGA MUHIIMSAN.MADAXWAYNAHA MA AHA MID UMMADDA SOOMAALIYEED U DHAN THAY.ISAGU WUXUU DOONABA HA AHAADEE.PUNTLAND ITYO SOMALILAND WAY TASHADEEN,DHIBNA MA HAYSATO.HAWIYOOW TASHADA.YAAN LAYDIN SIRIN.MEESHAN QABYAALAD BAA TAALA AAN RUNTA ISU SHEEGNO.KOLKA AAD TASHATAAN EED DHEXDIINA HESHIISAAN SOOMAALI INTEEDA KALE WAY IDIN SOO DHOWAYN.HADDIISE AAD DABAD KU SOO KAXAYSATAAN RAGII DALKA BURBURIYAY DADKANA ISKU DIRAY SOOMAALI BADAN AYAAN IDINKA AQBALI DOONIN.NIN WALIBA TIKNIKO WUU HAYSATAA,DHI9IGYACABIIN MEEL WALBA WAY JOOGAAN .CIDNA LAGAMA XOOG BADNA EE YAAN BEEN LAYDIIN SHEEGIN.
WIIL SOOMAALI AH OO KHIYAALIGA NECEB.jos_4000yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR SOMALI

Monday, September 18, 2000 - 08:20 am
Walaal Jibriil Suaal iiga jawaab

WAXAAD II SHEEGTAA, YAA ISU SHARAXAY MADAX WEYNA NIMADA IYO HOGAAMINTA SOMALIYA OO AAN AHEEN DAD DOWLADII HORE EE SIYAAD BARE KATIRSANAA?

walaalkiis hadii aad adigu aqoon yahan tahay oo aad cilmi leedahay maxaad isu sharaxi weyday.

DHAMAAN DADKA KASOO HOR JEEDA DOWLADA CUSUB EE SOMALIYA. HADII AAD CILMI IYO KARTI LEEDIHIIN MAXAAD ISKU SHARAXI WEYDEEN SI AAD NINKAN AAD XUMAANTA KU SHEEGEYSAAN UGA REEN LAHEYDEEN OO IDINKAA LA IDIN DOORAN LAHAA.

NA NAC DA ISKA DAAYA EE WANAAGA KA TALIYA
XUMAANTA HA EEGINEE.
GABAR SOMALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr adan

Monday, September 18, 2000 - 08:37 am
Gabar somali waad salaamantahey marka hore

waxaan kugu hambalyeynayaa magaca aad sidatid oo ah G somali ah

Walal Gabar Somali Waa Run waa laga doortey MKMG
Carta Lakiin waxaa is weydiin leh sidee loo doortey, Ma u qalmaa mana buuxshey shuruudaha madaxweynaha laga rabey , ma lagu samayey baraataan hab nololeedkiisa, suaalaah oo dhan
jawaabteedu waxaa weeyo MAYA sabatoo aheyd ma
loo hayn wakhti iyo awood lagu xusho madaxweyne dacaad ah sidaa darteed wuxuu isticmaaley INI salaad boy lacatiisa iyo kaalmo lacgeed oo ka heley Djabuuti.Hadaba Walal GABAR somaliyeed waa xaq inan u sheegno wax runta ah ee uu yahay ini salaad boy.
anugu waxaan jogey Djabuti, habeenkuu doorashadu dhaceysano waxaan ahaa goob joog indhaheygaana ku arkey.

Lakiin si loo helo dawlad somali ah ee aduunka ka jirta waan taageersaney dawladeena cusub.

Gabar somali walal yeey ku qadin caadafnimo qabiil ileyn ini salaad boy somali oo dhan buu u yahey madaxwene ku meel gaar ah dadka hayska xejin
waana laga sheegayaa waxii run ah
wixii been ah lakiin ma banaana

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Monday, September 18, 2000 - 01:31 pm
Aad ban uga xumahaey dadka qaar iney qaado cadifad qabill marka qof qaldan waxlaga sheego. Ninkan marna madaxweyne mmudno iyo wax u dhow waxuu ahaa kii keeney bururka dalka hadana gafkiisii hore masixi karo sabatoo ah wali ceyr yaa beerihi islaamka kujiee, sidoo kale anaga madooneyno gaani, rafle, morgan iyo A/qasim midna balse waxaan rabna nin Ilaah kacabsado yaqaanaan xuquuqda aadamiga uu leyahey.

Bro David aad baan ugu faraxsanahey jawaabta aad bixisey,

Mahadsanidiin cary on the good work

Wadani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar Somali

Monday, September 18, 2000 - 02:43 pm
Walaalayaal waad salaamantihiin
waan ka xumahay hadii aad qof alaale iyo qofkii idinku raaci waaya waxa aad sheegtaan in uu qabiil dartiis u sameynayo.
walaal aniga iyo madax weynaha wax naga dhaxeeyo haba yaraatee majirto soo ma aydaan garan.
waxa kaliya oo aan u hadlayaana waa dhulkeyga oo aan jecelahay oo aanan rabin dhibaato intii nasoo gaartay in ka badan in aysan nasoo gaarin.

on the other hand i was born moqdisho,and my family are from puntland,and i grow up in egypt.
so hada "dhiig laawe miyaan ahay" Ha Haa Puntiland nabad weeye lakiin dadkeyga intii sii kale ayaa dhibaato haysataa

ilaahay ka cabsada uun baan idin leeyahay oo nabda ka taliya
waa runtaa oo wakhti ma aydaan haysan aad ku kala ogaataan wax uu yahay madax weynaha lakiin walaalkiis somaliya wey u dhamaatay wadan kii magaciisii tir tirmay lacagna maxay tareysaa.
mida kale ninkan madaxweynaha ah ma waxaad u maleyneysaa nolol fiican in uu ku jiri doon
hell no. dhibaato aad u ween ayaa ku soo food leh.
nabadey waa ii dhamaatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Monday, September 18, 2000 - 11:03 pm
Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Waxaan jeclaan lahaa inaan hadal idinku darsado. Gabar Soomaali your point is well taken. "Ninkaan wuxuu dhaamaa wax la'aan si nabad iyo nolol loo helo" waa saas hadalkaagu hadaan sifiican u fahmay. Wadani and dr adan you too made very good points. "Madaxwaynaha cusubi iska daa inuu noqdo ninka uga haboon shaqada ee wuxuusan dhaamin xukuumadii duntay" Hadaba si daan hadalkiina ka fahmay waxaad leedihiin ninka noocaas ah xukuumadiisu ma waarayso. You know what! i agree with that too. Laakiin su'aashaydu waxay tahay: waxaan ognahay in dadka ku shiray jabuuti ay badankood ubadnaayeen dad dambiile ah hadaba meeye shacabka intoodii fayoobayd? Meeye Culumadii? Maxay isku soo sharaxi waayeen? Itixaadse ma dad wanaagsanbaa mise waa dad agenda kale wata? It's open debate for everyone.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.