site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

IIDOOR --LAND

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): IIDOOR --LAND
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamad ali

Sunday, September 17, 2000 - 04:31 pm
SALAAN DABADEED GAARAHAAN REERKA DHULMAHANTA,WAXAAN U SHEEGAYAA MAANTA MA INA CIGAAL OO NISA AH HABAR-AWAL{naaga awal} KANA
AH CIISE MUUSE RIYOOLE DAAYEER DABA CASE AYAA

MAANTA GARAAD KEENII UU UGU XIDHANYAHAY BARBARA
OO AAD U KULU,WAXAAN TOLKAYOOW IDINKULA TALINAYAA
IN ARINTAAS AAN WAX KA QABANAA,DHINAC NA UGA SOO WADA JEESANAA.

MIDA KALE CIIDAMADA UU SOO DHIGAY XUDUUDAHEENANA WAA INAAN BUUFINAA,ARAGOODA LA WAYAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHULOS-DIID

Monday, September 18, 2000 - 10:35 am
Waar oradoo soo cadayoo, hooyadaa dhaliga weyn ka wase. I arkaay i arkaay, iqariyaay iqariyaay baa ku xigta. Hadaba kaalay oo daba rogoto wax ha kuu qabatee. Anigu mar alla markuu bilowda dagaal waxaan ku tala jiraa inaan laba naagood oo dhulbahante soo waso naasaha kaga soo hor gooyo walaalaheed iyo aabaheed.


Dhali weyne.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama mohamad ali

Monday, September 18, 2000 - 11:04 am
waa kii idin wasi jiray ee ina afweene oo manta wasa naagihii iidoor oo ku wasa kana kireeeya raga ajanib ka ah nawaliba raga
iidoor qadhmuune soomaaliyi way midowday idina waa dabar goiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colonel

Monday, September 18, 2000 - 03:21 pm
colonel

Aha....aha..aha...waxa la qoslayaa wixii maalintii carro madow ku dhacdey Iidoor Kaba gaal u qaade war hooy iidoor waa isnaqaan Dagaalkii waqooyi wixii idinka saarey oo Itoobiya idingeliyey in Harti uun ahaa haddana meeshaad gashaan la'arki doone!! maantase waxa Naag awaley idinku filan oo keliya Garxejis oo debinta ruugaya snm baan soo hubeynaynaa Gacanba idiinla tegi meyno annagu Cunaqateyna waan idiinku soo rogi haddii ALLA yirado oo baasaboorka iyo lacagtaba waa labedeli oo safaaradda soomaalida waa inaad soo martaan sida Burcaddiini aad dibadda u dirateenba loo soo eryey. Marka maxadba dagaalantaan Gaajaaba idin diliye!!!!! Alla doqonsanaa Naagawal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISKU DAY HEE

Monday, September 18, 2000 - 03:32 pm
NAAGAWAL WAX AAD TIHIIN BAA ISKA YAR
AWALNA MOORGAN AYAAD ADOON U A HAYDEEN HADANA ANIGA OO AH GABAR HARTI KA AHNA MAJEERTEEN AYAAD ADOON U NOQONEYSAAN ILAAHOW WADANKII NABAD KA DHIG GAAR AHAAN ADIGA WAA MIDKAN YIRI GABDHAHA DHULBAHANTAAN XUMEYNAYAA. ISAGOO DHAN AYAAN KAA JARAYAA CAR NIN RAG AH HADAAD TAHAY RAGANIMO LA IDINKUMA OGEEN AWALBEE QURUN YOHOW WACALADII INGRIIS AH.
F

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED

Monday, September 18, 2000 - 07:01 pm
DAROOD OO CIIDANKII "AFWAYNE" WATA AYAA WAX KA QAADI WAAYEY ISAQ MISE WAA DHULBAHANTE OO LABO QOF AH. DHULBAHANTOOW WAAN ISNAQAANAA "HABAR JECLO" ISKA SOO CELIYA KA BACDI UU KAALAYA ISAAQA KELE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAHRIIGHAYE

Tuesday, September 19, 2000 - 01:38 am
Ku:idoor iyo wixii lahal maala,

Idoor wagaashiyo Kufriga wacad aloow yaale, waa niman walaalo ah tano iyo waaga aakhiro eh.

Idoor marduuf qaade heley waa maqnuud falan eh.

War idoor idoorridaan kala daraan seegin, oo darkii lagau diriri jirey doqon ahaanteeda...!

War idoor ma hadaad Dhulbahante isku dhereriseen, walee waa yaabka yaabkiisa. War maaad joogtaan?, hadii kale tan kadhacda idoor salkiisa wuu yaabi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, September 19, 2000 - 06:10 am
Walaashay dhulbahante awalba naag ayaad ahayd maantana waxaad biloowdey in aad waxka sheegto idoor oo ahaa kii kugu wasi jiray ciida laascaanood. Tan kale dhulbahante wuxuu ahaan jiray suuliga yaga maxaa keenay in aad tiraahdo soomaaliya way dhisantay. Koonfur waa tii ku oranjirtay: (DHULBANTE DHUDHUTIYE DHULKA WASE KAMA KACE) Hadana waxaan habeen walba wasaa naaga dhulbahante oo jooga USA. Kii alangumeed oo aad ku sheegi jirtay Garaad waa uu ii xiranyahay Isagiina jeelkaan ku wasaa Naagihiina USA Ayaan kuwasaa Adigana Daaroodkaad sheegeysid hortiisa ayaan kugu wasayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jamac

Tuesday, September 19, 2000 - 07:06 am
DOOD FURAN OO KU SAABSAN NAAGAHA ISAAC


DDWAYNAW MAXAA KA JIRA NAAGAHA ISAAC WAY GOGOL
DHAAFAAN[ iyagoo rag qabo ayay rag kale wasan]


Waxaan sheekadan ka soo guuriyay buug yaala laybareeriga london oo uu qoray nin qoraa ah oo engris ah iyo taariikhyahanka soomaliyeed

Maxamad Rashiid Sheekh Xasan o ahaan jiray wariye
BBC London iyo waliba prof.wax ka qora taariikhda Soomaaliyeed oo hada ku nool Sweden.

Buugas waxaa la yidha Somaliland culture {Dhaqanka isaaca},lana qoray 12/1999.
waxaanad ka helaysaan laabareeriga wayn ee london
waxaana ku qoran dhaqanka dadka ku nool woqooyi,gaar ahaan isaaca,oo uu naagahooda kaga

hadlayo isagoo sheegaya inay yihiin naago aad u dhaqan xun naagnimona aan lahayn,waraysiga aan la yeelanay ragbadan oo soomaliyeedna waxay noo sheegeen inay tahay arin dhaba ah.

markaa dadwaynoow la socda qoraaladayda danbe oon arintaa wax kaga sheegi doono.


wada shaqayn wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhulos-diid

Tuesday, September 19, 2000 - 10:41 am
Waryaa Dhuloos iyo dhilooyinkoodiiyoow dhagaysta, waa la idinku yiqiin kolba ninkii qoodha wayn inaad hoos timaadaane, wax walboo dhaca aniga maanta waxaa ii muuqday dhulbahante(dhulbalaadh qadhmuun)naaga hooda. Hadada aan kula hadlayo naag dhulbahante ayaan latuntaa. ilaah baana igu og mar ala markaan cuno(waso) uma arko naage waxaan u arkaa prostitute. Sababtoo ah naagta qudha ee magaalada oklohoma laga wada cunaa waa iyada. Dhulbahantaa maanta raganimo sheegtay. Isaaaaq waa xariire, haday maanta iga yeelayaa waxaan isku dayi lahaa inaan noqdo ninka ilaaliya uskagiinaa laxidhay. Ilaah baana og sidii ciraaqiyuuntu yeeleen nimankii dhulbahante inaan yeeli doono. Waar hadaad dhulbahante tihiin saxarada yadaa idinka saraysa. Dhulbahante=dhilodhashay, dhulbahante=dhaliwayne, dhulbahante=dhibiqsade, dhulbahante=dhanliwaa. Ilaahay ku mahad naqay hadaanay isaaaq ahayn gob mar horaan idin madhin lahyne. Anigu waxaan qudha oon sugayaa oo aan ilaahay ka baryaa inuu maanta dhulbahante nacasnimo layimaado, habar-jectlo waatii casharka idiin bartaye walee iyo bilee majoogayo Oklohoma. waxaan diyaar la ahay oo aan go'aan ku gaadhay in la is waydiiyo meeshay dhulbahante=dhilooyinkoodii mareen. Hadaan ahay nin kujiray navy seals mudo dhan toban sanadoo oo ku takhasusay gorille warfare inaan isticmaalo inta itaalkayga aha. Run ahaantiina waxaan fasax qaadanaya bisha october just to head start the destruction.


Kanaxoo nafta waa huuro.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Tuesday, September 19, 2000 - 10:53 am
Ijiid aan ku jiide waa gacmo daalis.
Hebelbaa caytamaayey,iyo oo muxuu i
caayi colbaa nahaye.
Sheekadu waxay tahay:
"Dameer aan ku taagnahay ha isk dhuus
dhuuso."That is the main thing to say.

Caaqil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halane

Tuesday, September 19, 2000 - 11:17 am
dhuloos haddii garaad kiinii la xiray aadna soo daysan karin waa ciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, September 19, 2000 - 02:01 pm
I don't know why the Dhulos are upset now. Wasn't the grad a sell-off to the Iddor. He is their subject. Live with it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, September 19, 2000 - 03:52 pm
qaldaamiintaay somali wey midoowday qabiil somali ee la caayo ama haween somali oo wax lag sheego qaldaan baa noo keenay waanu arkeynaa haddii aad somali oo dhan ka xoog badan tihiin anigoo reer koonfur ah waxaan sheegeynaa somalida in cidda habarkuuley awal cali banjar la yiraahdo aysan caqligoodu dhaafsiisneyn wr dee anagu anagu anagu hadaan iqaldan nahy qaldkena ha nagula raaco waa cajaaibe somaaliyeey dhibka meeshuu nag soo galay waanu aragnaa waa dad aan dagal aqoon nabdna aqoon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aymuqleeye

Sunday, September 24, 2000 - 03:42 am
Qowdhan
Inkastoo ay xuntahay in dumarka la caayo hadana ninkaas wuxuu sheegtey in uu jiro buug uu qoray nin Ingiriiska iyo Beytat-gabayo ah oo tiriyeen rag caan ahaa sidii Khaliif Shiikh Maxamuud
`Hablihii miiganaan jirey maxaa magane soo dhoofshey
Maka iyo Mediina maxaa geerashka u meershey
Masjidkii Ilaahey maxaa loo mushkiladeeyey'

Xalkaa Waxaa ka cad in dumarkii reer waqooyiga la kululaystey oo wax laga sheegey marka xagey ka jirtaa dhibaatadu.

Anigu waxaan maqli jirey oo Iidoorka oo "laan jecel (Qaadka)" iyo Reer Cigale "Laan jecel (Dumar jecel)". Marka waxaa jirijire in Dumarka Soomaalidu haday joogaan meel ragoodu howlo kale ku mushquul sanyihiin sida Jaadka inay heli jireen meelo kale oo ah dhul Soomaaliyeed oo ay ka guursadaan laakiin Dhibtu waxay dhacdey markii Soomaalidii kale i.e.,sida reer Cigale iyaguna jaadkii barteen oo waliba ay ku dareen naago Uraago ah iyo Xiiran, marka dumarku maxay samaynayaan oo waliba Reer Waqooyi iyo Reer Waqooyi Bari ay hadana jeclaadeen "Laan" oo ah Land sida ay u dhahaan Somaliland iyo Puntland marka Dumarkaa iyo anagaba Allaha na xafido

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Tuesday, September 26, 2000 - 08:04 am
iidoor waaku daadsan tahay!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 27, 2000 - 11:46 am
War cayda dumarka dhaafa waa ceebe. Nimankiinaan qaadka iyo donut shops isku caaya lakin gabdhaha somaliyeed sharaftooda ilaaliya. Kolley ani qaldaan isuma keey dhaamo. Dhuloos iyo Isaaaq = qaldaan lee.
Byeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/Y

Thursday, September 28, 2000 - 03:08 am
Salaan,

Horta waa iga suaale meeshan ma joogaa nin dood kar ah oo geed la soo hoos fadhiistay rag odayaal ah oo af miishaar ah. Hadal bilssh ah iyo cay waxba ma taro,soomaalina ways taqaanaa.

Bal aan dood aan idiin bilaabo waa yaryarkan Dhulos. Taariikh ayaa raga kala saarta dagaana waa la yaqaan cidia wada dagta. Hadaan Dhulos iyo Habar Jeclo u gar naqo oo aan ka faaliyo tii hore iyo ta maanta yaa ii jawaab celin doona.??

Waxaas ayaanu samayn doonaa waa mid aan gartay... Waxaas baanu samayn jirnay taasna waa mid meel loo raaci karo oo la gundhabi karo.

Dhulbahante ilaa tan iyo waagii Kite Fiqi (1800-1865) ayaan dooda ka soo bilaabayaa. Hadaadan taariikh aqoon baro oo wax mecno le ku dood. Nimanka Dhulos horta in badan ayay dagaalameen H.J waligay maan maqal H.J ayay dagaal ka badiyeen ( Reer Daahir)laakiin mid bay H.J kaga duwanyihiin waxa weeye EDAB DARADA iyo Daaddaansiga.

Faarax Af Xakame aabihiis oo geesi ahaa ayaa wuxu maqli jiray Kite Fiqi oo H.J ah oo geesi ah, wuxu daydayaba maalin ayay ceel iskaga soo hor baxeen. Wuxu yidhi odaygii Cabdilaahi waar ma waxad tahay Kitaha la sheego , intu kite qoslay ayuu yidhi haa . wuxu yidhi goormaan kugu soo beegaa ( goormaynu dagaal galnaaa) Kite wuxu ugu jawaabay marku reerkaygu labada doox ee hebel iyo hebel u dhexeeyaan ayaa inoo balan ah.

Maalintii dambe ayaa dagaal la galay odaygii Cabdilaahi ayuu Kite qabtay rag badan Dhulbahante waa laga laayay. Cabdilaahi si fiican ayaa loo soo dhaweeyay. Beelihii Dhulbahante na geeri ayaaba loo diyaar garoobay oo odayga tacsiyad ayaa loo sameeyay. Dhowr cisho ka dib ayuu Kite laba nin ku daray Cabdilaahi oo aw yidhi marku beeshiisa gaadho ka soo laabta.

Markii aw soo galay Cabdilaahi oo nool ayay dadkii yaaban waa nin dhintay oo soo noolaaday. Cabdilaahi Af Xakame walaashiis ayuu siiyay Kite Fiqi hase yeeshe Kite wuu diiday oo walaalkiis ayaa loo meheriyay Af Xakame walaashiis.taasi waa taas.

Mid kale nin la odhan jiray Geele Goormeed oo geesi ah ( Habar Awal/Ciise Muuse) ayaa dhowr goor Dhulbahante geel ka dhacay. Maalintii dambe ayay Dhulbahantii dileen Geele iyo 30 nin oo la socday. Habar Jeclo iyo Habar Awalna col bay ahaayeen. Sidaas Dhulbahantii kumay aamusine nin la odhan jiray Samatar Roogale ayaa soo gabayay, hase yeeshe halku uga gabyi lahaa H.A ayuu Isaaaq u gabyay wuxu yidhi:

Wallee reer ••••• kama bogsado burunjidii Geelle
Wallee baaba'aan maanta baday beerku ledimaayo
Boqol sano wallee sooma dego banankan Tuur-Uuska

Kite oo ay yihiin Dhulbahantu reer Abtiyaashii Geele Goormeed col yihiin oo in badan dagaal dhex maray ayaa ka xanaaqay gabayga intu colkiisi heegan galiyay ayuu sidatan u geeraaray:

Inkastuu is gumeysto
Ama uu is garaaco
••••• guudka sareeto
Aniga iiga gudboone
Haddaanan Geelle u aarin
Oo warmahayga guduudin
Duul gumaan ka dhashay.

Dhulbahante colaadi ma dhex ool Kite jilibkiisa isla markaana way dhaleen. Dhulbahante ma filayn in kite oo ay dhaleen Ciise Muuse uga hiilin doono. Kite oo dareensan arintaas ayaa habeenkii la dul fadhiyey oosha la gebagabaynayey ayaa colkiisii faray inay yidhaahdaan WAR YAA GEELLE GAROOMMEED LAHAAYEEY, si loo garto halka ay ka duulayaan iyo ujeedada weerarkooda.
Waxa kale oo Kite faray colkiisii SOocane in ninkii ay magliga marshaanba yidhaahdaan AAR GEELLE.
Kite waa libeystey xoolo aad u badanna waa soo qaaday, 62 nin oo DhayLiqe oo abbaanduule caana ahaa ku jirana haadka ayay u wadheen.
Xoolihii uu qaaday wuxu lix habeen ku hayey CEELDHAAB, laba iyo toban habeenna Caynaba ayay dul joogtey. Markii xoolihii Dhulbahante ka daba iman waayey ayuu yidhi.

Ceeldhaab lalabihii haddaan lix ugu hoynaayey
Caynaba haddaan labiyo toban uga ladaabsiiyey
Dadku kala lafweynsane hadaan laayey Hagar Aadan
Oon Xaga-Garaad kula legdamay libin miyay seegtay

Lixkun iyo lag mooyee haddaan guluf ku leexeeyo
Senge laqana mooyee haddaan lugo ku soo duulo
Lufankiinna soo hadhay haddaan Laasane u daayo
Lafta Muuse kama dhalan haddaan garanta kaa laabo

Kite Fiqi (Alla ha u naxariistee) oo xoolihii uu gacanta ku dhigay faraskiisii dhexmarinaya ayaa haddana geeraaray oo yidhi;

Geelan baatirta weyn
Badankiisa la yaabay
Nirgii boodhka hurdaan
Nugaal hoose ku beermay
Candhadiisa Bullaasiyo
Burca taagan la moodo
Inteeroo boqollaalahoo
Balanbeelyo darmaana
Oo sida Biinta u duushoon
Bahday maanta u haysto
Boodow kaa celin maayo

Laba goor marku ku celiyaya ayay naag Dhulbahante maalintii dambe barooratay " waar Geelaw goblan dhal badana".

Taasi waa taas, qarnigaa 19 hadaan ka soo gudbo oo kii 20 doodo keeno. Waxa dhacay Wadaadkii ayaa "halgankiisii" bilaabay Wadaadku markii hore dadku way wada raacsanaayeen nabad ayuu ka dhex dhaliyay afarta qabiil ee Bari iyo Hawd daga H.Y iyo Ogaadeen , Habar Jeclo iyo Dhulbahante. Dagaalkii ugu horeeeye la galay wuxu ahaa 1899 Burco . Ka dib kaas oo rag badani ku dhinteen ayay qabiiladii iska hor yimaadeen Ogaadeen dagaalkii wuu ka baxay iyo Habar Yoonis, niman u badan H.J iyo Dhulbahante kana mid ahaayeen ( Sheekh Sudi ( Aadan Madoobe) iyo Ismaaciil Mire iyo Suldaan Nuur ( H.Y) ayaa raacay.

Wadaadkii ayaa wuxu bilaabay inu xasuuqo umada soomaaliyeed waxanu odhan jiray hadaanay nala socon way naga soo horjeedaan oo gaalada way la simanyihiin, isla markiiba wuxu dilay Garaadkii Nuugaal ee dhulbahante kii Warsangalina wuu dhagnagdeeyay oo 80 ayuu ka jiray intu geed ku xidhay. Rag badan oo raacsanaana oo ay iska hor yimaadeena caruurtoodii ayuu laayay.500 oo Majeerteen ah waakii Ilig meesha ku magac dheer bohosha ka tuuray. Dhulbahante oo awood lahayn oo markaas u badnaa ciidamadiisa (Cali Gari) ayuu dhibaatooyin badan u geeysatay. Odaygii Cali Dhuux ayaa marku ka quustay Dhulabahante ayuu intu Berbara u cararay ka soo gabayay isagoo reer tolkii canaananaaya wuxu yidhi Cali Dhuux:

Daminaantaa reer tolkay loogu daw galaye
Hadaan anigu daar dheer ka koray oo dalaq idhi Saaxil
Dabada hayska raacshee bal maan daysto hadalkaya

Qabiil kaste markay Daraawiishtu dhacday ee geel iyo xoolaba ka idlaysay Dir iyo Daaroodba ayaa carda waxa yimi oo India ka yimi Major Muuse Faarax Igre 1903 5000 oo ciidama ah oo u badan H.Y ayuu farado iyo qori loo deeqay. Ina Cabdilaahi Xasan waakii u cararay Nuugaal waxa badan ayuu dagaalku socoday. Ciidankiii Muuse Faraax waxay mari kari waayeen waxii la odhan jiray Haaruunka ( Castle) qalacadii Taleex oo ay Daraawiishtu intay gasho qaoriga ka soo jeediso. Ka dib markay Ingiriisku qalcadii dayaarada ku weerareen ayay ragii meel banaan ah iska heleen. Wadaadkii Qoraxlay ayuu u cararay hadana Caro Ogaadeen. Halkaas niman badan oo geel qaad doon ah ayaa kaga damba tagay, Xaaji Waraabe ayaa watay guutadaas waxayna u badnaayeen H.Y / H.J/ Dhulbahante ninmankiii geelii Hagoogane ee wadaadku dhacay ka sii dhacay. dhamaadkii Wadaadkii oo la jabiyay geeliina laga qaaday ayaa u cararay Jimaa meeshay dagto Oroomado ( Aruusi Oroma) halkaas ayuu ku dhintay.

Cali Dhuux ayaa maqlay isagoo faraxasana wuxu yidhi:

Waa lagu digtaa hadu duul kuu darnaana jiraye
Bal dayaay wadaadkii waakaas sii dabayshadaye


intaasi waa ilaa 1923gii inta dambe la socoda 1923-1954..1960-1977.. 1977-1990 waan soo wadaaye.

Nabdeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Las Canod

Thursday, September 28, 2000 - 06:24 am
Thanks for information, this is the way we should exchange views not like xayaawan!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, September 29, 2000 - 10:12 pm
Hey you guys, saying "Idoor", Which is worse Allah
Doori iyo Idoor? Whenever we want to trick the ogadeen fools we used to say Idoori( which means exchange),and They called us Idoor. Daroods are called Allah doori and theres nothing worse than being subjected to allahs wrath.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

J.H/Y

Friday, September 29, 2000 - 11:44 pm
HAIL H/Y
H/Y HISTORIAN did you study history or what
salaam anyway


GOD BLISS H/Y

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, September 30, 2000 - 07:17 am
To all the Dhulbahante brothers:

Stop rationalizing with Idoors.They are suffering from the following:
1-Multiple personality disaster
2-low self-esteem
3-Missing their Kafir masters e.g. the nasty British, Amhaaro/Mengistu/Yuhuud
4-They are upset because they couldn't find anybody to sell the Somali people
5-They are a very small minority in the north and they anxious and very scared the day, the silent majority of the warriors of Awdal and the brave horsemen from the great Sanaag and Sool, will unleash their anger on the children of Bucur Bacair-Idoors.
6-They have nothing to show for their dump self destruction and suicide.
7-Dhulbahante, Warsangale and Gadaboursi have not really yet fought with them.The organized crime family the SNM were only attacking defenseless civilians.
8-they are upset because there dream neverland is on the very verge of collapse.
9-Idoor were never known with bravery, i wonder if they borrowed some temporary bravery from Mengistu.
8-Idoors are nothing but toothless paper tigers who have lately resorted to unrealistic empty threats against their detractors the Dhulbahante, Gadaboursi and Warsangale.
9-They are angry because they lost the diplomatic war.
10-They are angry because more than 90% of the people of Sanaag, Awdal and sool are against thier dream fiefdom.
11-They are angry because the non-Isaak majority refused to be sold out to Ethiopia, Yuhud and others.
12-They are angry because Somalis finally discovered the facts and figures about the real Idoor
13-They are angry because the non-Isaaks know the piles of skeletons in Idoor closet.
14-They are angry because groups trying to bring Egaal, infront of a court for his sellout of NFD to the Sawaahile are emerging.
15-Do you know the scandalous Ahmed Yusuf Dualeh accused of selling out Djibouti,NFD,Haud and reseve area to the French, British/Kenyia and Ethiopia is the current minister of education of the Idoor fiefdom.On top of that he has been found red handed with acts unbecoming of muslims/somalis.
The conclusion what we are dealing with here are seriously ill people with multiple problems.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Concern sis

Saturday, September 30, 2000 - 07:29 am
Anonymous
Look who is talking? for your information u are the one who needs help! by any chance are u writing from Mental Hospital....if yes good News....if no,you need to admit sooner than later.........lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/Y

Saturday, September 30, 2000 - 09:28 am
Salaamu calaykum,

Markan sii wado taariikhda 1921 markii wadaadkii jabay ayaa reero badan baa xoolo iyo hanti la'aani ku dhacday. Qaar daraawiishta ayaa geeli ka dhacday qaarna Muuse Faarax Igre ayaa dhacay oo laayay waliba nimankaas waxa u badnaa (Dhulbahante, Warsangali, Muuse Ismaaciil (Gadhweyn)).

Dhulabahnte oo saboolaysan ayaa wuxu u soo qaxay dhanka H.Y. Taas waxa ka horaysay niman Habar yoonis ah ayaa u qaxay dhanka Dhulbahante 1890gii ayagoo abaaeri haysa. Dhulbahantii ragii way laayeen xooliina way ka dhaceen.Markii ay arkeen Dhulabahnte oo soo qaxay ragii waaweynaa ee xasuusnaa ragaas 30 sanadood ka hor la'laayay ayay rag badani yidhaahdeen waa in maanta loo aaro, oo Shirshoore lalaayo. Shir baa lauga wada dooday Ismaaciil Cigaal Bulaale (Reer Sugule(Reer Amaan) (1870-1930) ayaa u dooday Dhulbahante. Wuxu yidhi raga ha la soo dhaweeyo oo wanaag iyo nabad ha lagula dhaqmo, tii horana ha layska iloobo xumaani xumaanuun ayay keentaaye. Dhulbahatii iyo H.Y way xididoobeen , oo maalintaas raga badan oo H.Y ah ayaa hablo la siiyay , ninka la magac baxay Cali Dhuux Aadan , Ismaaciil Bulaale oo ku magac dheeraa Ina Baashe ayaa walaashiis siiyay.

Halkaas ayadoo arin marayso ayaa nimankii ka soo laabtay Dagaalkii Wadaadka oo hub iyo hanti badan haysta ayaa dagaal ku qaaday Ogaadeen , sideed ceel ayaa Ogaadeen laga qaaday (Doolo) waa markay Habar Yoonis Ogaadeen u bixisay Hadhuudh Daatay macanahii haruur daatay macaa waxa boobi kara cid kaste.

Ogaadeen oo ka quustay dhibaatadaa maalintaas dhacday inay wax ka qabtaan oo la wada dagay Xirsi Cismaan iyo Reer Subeerna xidideen ayaa Cali Dhuux iyo niman Dhulbahte ahi low badan ka dhacay ogaadeen , markay ogaadeen racada ka daba direena , Cali Dhuux meel ayuu wiil ugu xidhay habeenkii. Ogaadeenkii ayaa ku mmurmay habeenkii oo dhan ayagoo is le wali lowdii meesha ayaa lagu hayaa , inay isla habeenkaa sduulaanqaarna waxay ku doodeen subaxii. Subaxii markay arkeen wiil kaliya ayuun bay ogaadeen sida loo khiyaameeyay.
Cali Dhuux ayaa gabyay isagoo higaadinaaya Ogaadeen:

Wiishaan reer Subeer u xiray wiil u fura waaye.
W... markay tihdaahdaba baqay wagac ka siiyaane


Gabay noocaas ah ayuu mariyay Cali Dhuux. In yar ka dib ayaa Cali Dhuux baa yimi ceel ka mid ah Doolo (Camuud) oo markaas u gacan galay H.Y. Cali Dhuux aya hashii ku soo daayay Ceelkii , inan yar oo la odhan jiray Jaamac Xirsi Guuleed( 1898-1968) 25jir ah( Ina Dube) Reer Caynaashe, ayaa hashii ul kaga dhuftay, Cali Dhuux ayaa markaas gabay calaacal ah ka mariyay ceelka dushiisa:

Cartanay Camuud iyo laysu diid Ceelkii reer Dalale
Ragi ku caawai jiray baa cidi ka noolayne
Cabdilaahi in Yuusuf baa ciidan hoos galaye
Niman baa caamir iyo u noqday caasho kale

Ina Dube ayay hadan is af dhaafeen oo u hanjabiyay Cali Dhuux , Cali Dhuux baa yiri caruur baad tahee:

"Daahaba maad eegine ina Dubaw ragi waa iga dambeeyaaye".

Nin oday ah oo la odhan jiray Faacuul Aadan Jugule oo ceelka markaas ragii u sareeyay ah ayaa loo yeedhay, Cali Dhuux hashii waa loo waraabiyay. Faacuul ayaa lagu yidhi niku sidaas ayuu u gabyay, Facuul Aadan ayaa intu qoslay Cali Dhuux ku yidhi" Waar gabay majeeraha calaacalka ka du oo gabay cid wax laysaka tirinaayo ayaaban jirne". Inakstoo dad badani ku murmaan halku Cali Dhuux gabagiisii diradiraa ahaa ka mariyay rag maalintaas joogay ceelkaas ayaa cadeeyay oo aw ka mid ahaa Jaamac Xirsi (Ina Dube oo soo gaadhay 1968kii)oo maalintii dambe Cali Dhuux u jawaabaay.
Cali Dhuux:

Doqonkii Ogaadeen ahaa Doolo laga qaadye
Loo diid Danood iyo haduu dagi lahaa ciide
Niman baa dalkoodii iyo Xukuma labada daaaroode
Dartoole iyo Faafan oo wada duraabaaya
Dagaantii Xagary ku till daaqeed ma hayaane
Al doog gaduudkii Wardheer kama durduraane
Dawadeedu waa Jeernaly uga dul geeraare
Wardheerna dagaal kama dhicin dig iyo baaruude
.............................................etc
Habar Yoonis bay uga durkeen dagaladoodiiye.

Ina Dube ayaa u jawaabay isagoo le:

Deyn qaadka gabay waa xun yahay dira diraaluhuye
Duq gaboobay waxa u roon afkii inu daboolaaye
Marse haduu duleeddada ka ciyo waa darxumo weyne
Damenaanse Caliyaw rag waa laga dambeeyaay
Darbo waxaad Islaan kula jirtoo dab isu dhiibtaaba
Dux ka guro dibnuun baad u dhiman duuga weligaaye
...........................................etc
jeer an daqiiqaha ka dhigay Doolo laga caagye
Wardheer baan diniin laga cabayn duraha jiilaale
Waataan wadaan qudha la darayn toban diraacoode
Docnaba looma qoyn jeer aan degay Afmeerkiiye
Darandoori looguma horayn dararka Gaafawe
Dukaanada waxaa dhigay ragi dahay Wadaadkiiye
Waxanan ugu dabaal degay markaan helay dalleentaase
Aan dirirka kakga qaaday kii dawlada ahaaye

Waxa aad iyo aad loola yaabay nimankii shalay aad dayseen Ogaadeen dhacay ayaa maanta Ogaadeen H.Y ku soo diray. Arintaas waxay dhibtay Ismaacaail Cigaal Ina Baashe, oo rag badani ku canaanteen maalintii hore ragaas adigaa naga hor joogsaday. Ismaaciil wuxu ahaa gurtida talada ee Suldaanka H.Y. Ismaaciil ayaa sidan Cali Dhuux ugu soo jawaabay isagoo dareensiinaaya abaalkii oo aan gudan.

Dulaabta maansada anaa deeqsi ku ahaaye
Indhaweydba waataan dedoo diiradii rogaye
Hadba aniga oo daayey bay igu danqaabaane
Bal an dayo dibnuu waxay barten dihashadiisiiye

Sidii dirirka rooboo bishuu di'i lahaa jooga
Ama ramad diraacdii dhaloo oon la dubayoobey
Oo maqasha laga duubayoo ololku deexaanshey
Ama dawri aar oo in badan duur cidla ah jiifey
Oo debedda neef ula dhacoo miciyihii deyshey
Dadoow maqal damaashaadku waa diririgtaydiiye

Dacwad waxan ka idhi geelayaga loo dardaarweriyey
Dacwad kalan waa Cali haduu gabayga deyn waayey
Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga

Dacwad waxan ka idhi geelayaga loo dardaarweriyey
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh
Doollaaba lagu sii wadaa dayrta maanta ahae
Dibna u laabmi maynoo dalkii doogi ka idlaaye
Darka Qarandi deexdi Cammuud waa dar noo xidhane
Dixda Raygaleed iyo Gargaar waanan deyn karine
Dumbuqyaaba laga soo guriyo degello waaweyne
Anaa doonnanaystaye baqaa looga diir wadhaye
Daw hadday lahayd Jeerinleey waan dul tegayaaye
Degina maayo jeeroon ku furo degelki Gaafow'e
Daahyaale geeli la helay waa dir lumayaaye
Dabarkiisa waxan loogu lumin amase loo daalin
Ninna nama daneeyeen haddii lay dalleensadoe
Deeq looma siin wiilashaan deyr ka xoogsadaye
Diishaaba laga soo rogiyo Daaqatiyo Faafe
Meeshaan ka daadegi jiraan dabaqna saarnayne
Ma nalooga daray sow raggii dulli jirey miihin
Mise doorkanaa xoog ka dhacay duudda Habaryonis

Afartaa ma daaldaalinine daw ma ku hagaajey
Ma daleeyey arartaydu waa dahab sidiisiiye
Dacwad kalena waa Cali hadduu gabayga deyn waayey

Nin da'yari danbaab iyo ha galo diradirayntaase
Diintii Rasuulkiyo haddaad daacadda u jeedid
Oo adan dariiqada ka bixin duudi Nebi aadan
Oo madaxu deyrkaa ku yahay waa digniin dhabahe
Sideebaad dawaar ugu rogtaa dunida geestaada
Ma dugaaga cunayaad tihiyo haadka daba jooga
Mise derisnimaa kaaga dhiman hadalkan deelqaafa

Adaa Dir iyo ••••••• dhexdhigay dabiyo baaruude
Daca gelisey reerihi ahaa ul iyo diirkeede
Mugga haatan dirir uumiyuhu waa is dilayaaye
Doqon iyo ogaadeen haddaa dalaw ku sheegaysey
Waxa daarahoodii kharibey duulka reer Gorode
Dunjiga reer Subeer oo dhanbaa duudsi loo naqaye
Adaa dalawadoodii dhacoo ceeb ku daababacaye
Weyl baan dabraabaad na tidhi waana didayaane
Nimankaad dadkii wada tustee daawo uga yeeshay
Waa maxay barordiiqdan aad ugu danookhyeysey

Dadkaba haatan godob duuga baa kugu dahsoonayde
Duhurkaaba lagu toogan laa dayrta maanta ahe
Ma daguugan tahay sow ma ogid deynka idin jiifa
Naftan Dawguduud lagu guree sidatan duurkaas ah
Waa odayadoodaa disheen eed ku digateene
Idinkaa duqyaal iyo xidhxidhay sheekhyo daahirahe
Halkii Aw Xuseen lagu deldelay waa dalluun qodane
Dubbuhu wuxu ku dhacay Bihina Cali degeladoodiiye
Ku daaduunme reer Carab sidaad uga dig siiseene
Da' roontii kacdaba waydinkii gooyey reer Dalale
Sidaan lagu dareemaynin baad ugu damqaysaaye
Inaan nimanku diirdiiranayn waxaw daliilkiiya
Dooyiyelkibaad tahaye maa lagu daqiiqeeyo
Guutada markuu Macallin Doon kula dawaafaayey
Eed sida wadaad soo dikriyey doobta karinaysey
Ragaad qoodhadogoblow lahayd sida damayr weyda
Ee saca daroorriyey baqaa daadshey qalabkiisa
Anagaa ku deyrane xigtana ugama diirtaane
Iminkana halkii daganta waad docadocaysaane
Hadduu awr duleedka uga dhaco waad dudubisaane

Afartaa ma daaldaalinine daw ma ku hagaajey
Ma daleeyey arartaydu waa dahab sidiisiiye
Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga

Deris kuguma sheegine markay diiftu kugu tiilley
Adigoo dullooboo sidii daabax lagu moodo
Dalkayaga markaa timi haddii laydin derejeeyey
oo duunyo waa fududahee dadab laguu heelay
Oon gabadh daruur u eg aroos kuugu dalaqsiiyey
Uu kuu dabaadegey qabiil daabad wada fuulay
Oo dun iyo shaal heensihii laysku wada duubay
UU danabka Maadhiinyaruu kugu dinnaahyeeyey
Oo ay durbaan kuu tumeen dumar wixii joogey
Meeshaan abaal door ah oo debecsan eegaayey
Haddaad guuto noo soo duntoo daabcaddo u dhiibtey
Nabsi daalay baan kula sugiye duugga bal an dhawrro

Bari iyo galbeed ayay gabaydaasi ka soconayaan, ilaa Garxajis ( H.Y iyo Ciidagale) iyo Absame (Ogaadeen iyo Abskuul) Habar Jeclo iyo Shirshoore.Mudo badan ayaa laysku dilaayay waxa u dambeeyay Guba gabayagii Samatar Baxnaan markii isha iyo xiniinyaha laga toogtay. oo aw Yawle u soo tiryay Samatar oo dhaawac ah.Samtar waxa gabagiisa ka mid ahaa :

Muslin meel xun la dhigay waa inad mastuurtaaye.

Cali Dhuuxii bilaabay maansada iyo dabakna wax ugu dambaysay isagoo le:

Sidii geshaantii baan guur u sugayaaye
Aniga iyo hablaha galmoon waanu gudboonahaye
Godubtaydu Habar Yoonis waa lagama goosataane
Ogaadeenka noo soo gabyoow waa gar xaajaduye

Ceelkii ugu dambeeyay ee Hara Caynaba ayaa markaas H.J Dhulbahante ka qaadeen. Waa dagaalkaa Samatar ku dhaawacmaday.

Mudo ka dib mar ay tahay 1950 ayaa Ergo H.J ah Dhulbahante laayeen. Taariikhad soomaaliyeed Ergo la laayo laba goor ayuun bay dhacday , mar Ergo Majeerteen ah ayaa waxa laayay Warsangali 1863 oo waxa caan aha gabaygii ninkii la odhan jiray Aw Muuse Ismaaciil "Darba Daalay". Kaas ayaa ku xigay 5 nin ayay Dhulbahante dileen, Maxamuud Daain (1864-1990) ayaa gabay ka mariyay isagoo H.J aar goosta le:

. Meeshiyo Duraaye iyo halkiyo duudi Nebi Aadan
2. Dilkaa maanta dhacay waa midaan da'ina sheegayne
3. Ergo dadabta lagu gawracaa dunida waw koow'e

4. Dayac dhacay Shamsada duugantee dacal madoobaadey
5. Reeraha daqiiqaha noqdee doorki laga laayey
6. Diricyada agoomoobey iyo dumarka ooyaaya

7. Aqallada dabayshanahayee daaha laga gooyey
8. Dawlaabta naagaha xidhay iyo Duubcad iyo Weerka
9. Dunjigiisba reer Muuse waw daawo oodanahe
10. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

11. Dalkii aragte qayrkeenna waakaa Dannood tegaye
12. Dayrtiyo diraacdaba miyaan Doox la qabanaynin
13. Dixiyaa Madheedhka leh miyaan Debec la geyneynnin

14. Daadka laguma oga Caws, haddaa degi lahaydeene
15. Deegaanta iyo geedihii laysu dacareeye
16. Sidii niman an duul adag ka dhalan laysasoo dadabye

17. Dirindiir bannaan laguma furo deero iyo Cawl'e
18. Didibta Ceelafweyn iyo Huluul duunyo hanan waaye
19. Intaad Daba Wareeg iyo Yanqarax dib ugu guureyso
20. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

21. Dohda Siraw duggii Faafan iyo degeladii Dhiito
22. Habaryoonis way durugsatee Doollo malahayne
23. Dalal iyo haddaa reer Ugaas deriso qaateene

24. Reer Maxamedkii lagu dirraa sooma didiyaane
25. Dagaal wuxu ka dhacay geelashii dooxa loo rogaye
26. Duqna kama eryado Ararsamii damaca waallaaye

27. Hagar Aadan waxa loo deldelay dayr-rinkuu xadaye
28. Dubbihii ku dhacay Khaalidbay dibu xasuustaane
29. Dacarbuu marshee iga Wallaan abid la daayeene
30. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

31. Duhurbaa la galay Reer Warsame dalawadoodiiye
32. Dildilaha iyo laamaha markii lagu daliigyeeyey
33. Ina Dhookirkii soo dunshee daraf ka raacaayey

34. Degdegsiinyo waatay afdhuub ugu dadaaleene
35. Waxa Caalin shiishka ugu deyey waa dirkuu qabaye
36. Darandoorigii Ina SHibbiin Doollo laga sheegye

37. Dunjigii Barruhu waa yaqaan daw rag loo maroe
38. Doqonniimo Baale iyo Cali bay degel la jiiftaaye
39. Dibu celiye rimaydii lahayde Daawad iyo xiise

40. Haddii laga dultago Aadan waa dili lahaayeene
41. Daleel lagama faanee baqay kaga dareersheene
42. Degelkii Higloolay wadheen danabbadoodiiye
43. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

44. Qabiil waliba dalab buu yaqaan lagu dirsoocaaye
45. Axmed Yareba Dooyiyo colbuu daabax ku ahaaye
46. Darka Caynaboo laysku xidhay Daawad sibirteeda

47. Dil iyo shiish dagaal iyo buruud laysku wada daabay
48. Gortuu duqeeyey bay dhunkaal dib uga yaaceene
49. Dadoo idili waa wada ogaa diiqmadii Hagar'e

50. Waatay dillaamaha baqaha dumarka jiidheene
51. Ninka dirira iyo geesigaa dir u lahaydeene
52. Adoogaana danab buu ahaa maanta lays dilo'e
53. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

54. Ba Farooyo Duubbaa la jaray dayrtan maanta ahe'e
55. Cali Faarax dooyiyo xarrago duube oo dhigo'e
56. Aw Nuur halkii lagu deldelay kama dareeraane
57. Dilkii Xaaji Muuse yuu ••••• diidey gogoshiiye

58. Darraa laguma ledo Maxamedow Daarihii Yurube
59. Wax Idaacaduu doonayaan war ay dayaanshaane
60. Ku denbowney xaajada intaa dibu dhigaysaane
61. Miyaan ina Ducaalow nugaal daniba kaa haynin

62. Haddaad daacad tahay iga Wallaan laga danbeeyeene
63. Dusha Laasadaar iyo Jeddaan laga dareereene
64. Deex uma aroorteen lo'dii dacasha dheerayde
65. Haddii duub la gubo jeer danbaa dogob hulaaqaaye
66. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

67. Damalkoo la gooyo iyo marada didibka mooyaane
68. Dacwi gabay illeen iguma jiro dayrtan maanta ahe
69. Daandaansigii aan aqiin waan dabranayaaye

70. Dusha sare anuunbaa ka jira daar nin fuulaba'e
71. Jeeroow dil kale soo noqdoo qolo ku daaduunto
72. wallee aniyo Daaarood ka dheer duudsi nabadeede
73. Iminkana rag ways daba socda duugga bal an dhawro

Ka dib dagaal ayaa dhacay oo ilaa 60 nin oo Dhulbahte ah ayaa dheeraad noqday oo 5 loo dilay, markii la heshiiyay H.J 30 nin oo kaliya ayay ogalaatay inay magatoodii dhiibto. Markii horena waabay diideen inay nin qudha mag ka dhiibaan. Maxmud Daalin oo H.J raba inay magata 30 nin diibaan ayaa hadana gabayay :
1. Gubataye adduunyadan maxaa galabta ooyaaya
2. Maxaa reero guuyow ahaa gelengel loo saaray
3. Maxaa oday gaboobiyo barbaar gumuc la lefsiiyey

4. maxaa geesi lagu eeran jirey Guduri loo loogey
5. Giddigoodba ----------- iyo gaanki Hagar Aadan
6. Iyo Geed Quwaaxii soke ee geelayaga quuday

7. Goonyaa Nugaal Godan miyaa Galaw ka dhiilleeyey
8. Nin kastoo is gaafaba dharaar gacanta maw taagney
9. Go'o iyo Cadaadleey miyaa guunyo laga waayey

10. Berkedii gudboonaa miyaa guura lagu dhaafay
11. Gumucii Birroole yaad lafaa galayax mooddaaye
12. Gudguduudka waaberi markii guuto nala saaray

13. Goortii Horweynnada gingiman lagu galaa feedhay
14. Gurboodkiyo markii Geeljirkii geesta loo mariyey
15. Galaayuuska qaylada kolkii la isku soo gaadhay

16. Gegidii Xargaga maalintay Goodir ololaysey
17. Sowtii raggii Good lahaa goobo dhigay maaha
18. Gorgorkiyo sowtay dhergeen gudurigii maaha
19. Galgashiyo Galaal niman ogaa nama guhaadsheene

20. Gaashaanku weligiiba waa nagu galoollaaye
21. Kobtii Geeri laga eegayaba waysku gudubnaaye
22. Gashi Bixinta dheeraadku waa gob iyo caadkeede
23. Allaylehe bagaa rag isu galay laysba garan waaye

24. Geyigii Nugaal Godan haddaan rag uga googooyey
25. Garoowe iyo Qawlaba haddii gaadhka lagu meershey
26. Geeddiga Ugaadhyahan hadduu goorna furi waayey
27. Gadhcas iyo Majeerteen hadday garagaleen maanta

28. Gabbalka iyo waagaba hadduu gaade dami waayey
29. Oon geel tolkay dhaqay nin kale gorof ku maalaynnin
30. Oo aanay Caynaba golweyn gobo' ka qaadaynnin
31. Sow geeri waa loo dhashaa gama' haddeer maaha

imika waxa ii hadhay oo kaliya qaybtii sedexaad.. 1960-1990.

wali doodu way socotaaa murankaan diidayaa hadhaw meesha waa lasy yaqaane.

nabdeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Concern sis

Monday, October 02, 2000 - 12:56 am
H/Y
what can I say? Afkaaga caano iyo Malab lagu qaby.
please,please tell me where do u live?
I really need to know you....I mean you just make me wonder there is (few good man) left on this earth...lol, cuz I rule out B4.
peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/Y

Monday, October 02, 2000 - 03:23 am
Salaan,

Well sis Iam in North America some where..lol just but it that way. By the way why not speake soomaali????????????????? since u are into this??? or are you blond and blue..lol

bye

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.