site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Warqad ku socoto Madaxweynaha(Copy from Xidigta Banadir)

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Warqad ku socoto Madaxweynaha(Copy from Xidigta Banadir)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Monday, September 18, 2000 - 04:48 am
MUDANE MADAXWEYNE HA NOQON!!!


Ugu danbeyntii toban sano kaddib waxay ummadda Soomaa-liyeed ku guuleysatay inay dhista-an gole shacab oo iyaga matala, xildhibaanada la soo doortay ayaa iyagana si Dimoqoraadi ah u soo doortay Madaxweynaha KMG ah ee dalka Soomaaliya Md. C/qaa-sim Salaad Xasan, waxaana leey-ahay hambalyo Mudane Madaxw-eyne.

Mudane Madaxweyne wa-xaa tahay mudanihii u horeeyay ee si xor ah ay u soo doorteen mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliyeed ee ka wakiilka ah shacabka Soomaaliyeed taas oo macnaheedu yahay waxaa laguu huwiyay calanka ummadda Soo-maaliyeed oo muddo toban sano ah ka dhex maqnaa calamada ka-le ee dunida waxaana caleema saarkaagii ka soo qeybgalay goob joogna ka ahaayeen mudanayaal sharaf leh oo ka kala socday dow-ladaha kala duwan ee dunida, ku-waas oo marqaati ka ahaa mas’u-uliyada culus ee laguu dhaariyay.

Dhanka kale mudane Ma-daxweyne waxaa tahay Madaxw-eynihii ugu nasiibka xumaa ee la doorto waayo waxaad Madaxwe-yne u noqotay dal magac ahaan u jira balse aad u burbursan dhaqa-ale ahaana dhulka yaala isla mark-aana ah dal aan dad leysku haleyn karo lahayn, waayo waa dal ay:

Waxgradkiisii hore ay gaboobeen.

Odayaashiisa qaarkood dhiiga da-dka uu u yahay biil.

Culimadiisu qaarkoodna ay noqd-een hoggaamiyayaal ciidamo be-eleed.

Aqoonyahanadiisuna ay maskax guureen (Brain Washed).

Ciidamadiisuna ay aaminsan yih-iin inay howlgab yihiin.

Ganacsatadiisuna ay ka lacage-ysteen dhibaatada dadka iyo day-acnaanta dalka.

Dhalinyaradiisuna halkii ay qalin ka qaadan lahaayeen ka qaatay qori, caqligooduna ku garaadeys-tay cadiifad qabiil.

Haweenkiisa (siiba da’ yarta) lagu barbaariyay dhiilo dagaal iyo cadi-ifad qabiil.

Qaxootigiisa dibadda ku nool ay aaminsan yihiin in dadka ku haray dalka ay yihiin dad dad qalato ah dibna loogu laaban karin.

Dadkiisuna kala qaxeen kalana aamin baxeen laguna dhex beer-ay is nacayb, cadownimo iyo is fiir.

Dadkiisa qaar lagu beeray cuqdo oo ay ciishoon yihiin.

Dadkiisu qabiilka ay u heystaan inuu yahay Qaran.

Dadkiisu waxsoosaarka u yaqaa-naan dhaca iyo dilka dadka.

Dadkiisu qaar ajnabi ku yihiin oo aysan kala socon karin kafiil la’-aan.

Dadkiisu aaminsan yihiin inaysan waxba qabsan karin beel la’aan.

Dadkiisu kala go’an yihiin oo qeyb walbaba ay isku koobtay waxay ugu yeereen qad cagaaran.

Dadkiisu qaar aaminsan yihiin ha-ntida ay heystaan (Mid Qaran ama gaar ahaaneedba) inay tah-ay mid ay ka xoreysteen cadow shisheeye ah.

Dadkiisu lagu beeray kibir iyo isla weyni ku saleysan beelo hubey-san.

Dadkiisu u hiiliyaan inta qaldan.

Laga qiimeeyo lagana sharfo dila-yaasha hubeysan ee aan nixin.

Dadkiisa oo dhan wada daalan yi-hiin maskax ahaan & jir ahaanba.

Dadkiisu qaadiro siyaasadeed wada heyso.

Dadkiisu ay asluubta ka luntay wi-xii xuna ay ku faanaan.

Dadkiisu ay iloobeen sida loo sha-qeysto.

Dadkiisu sida badan aragtidooda ay qaldan tahay sida xuna wax u arkaan (Pissimists).

Dhalinyaradiisuna ay ku xaragoo-daan qoriga, qaadkuna uu u yah-ay quud.

Dadkiisu ay qaar inay iyagu wax

noqdaan mooyee aan cid kale wax u ogoleyn.

Dadkiisu is wada quursadaan.

Dadkiisa oo dhan isu wada carey-

san yihiin.

Dadkiisa wixii san ee loo sheego aysan rumeysaneynin.

Dadkiisa oo dhan isla wada quman yihiin.

Dadkiisu ilowsan yihiin inay iyagu dalka leeyihiin.

Intaas iyo in ka daran ayaa ku hor yaala.

Markaa Mudane Madaxweyne waxaa laga arabaa inaad noqoto nin ad adag, dulqaad badan, qun-yar socod ah aadna u fiiro dheer, iskuna kalsoon, isla markaana ah-aato nin mowqif leh, waxaad la ku-lmi doontaa dad fara badan oo wej-iyaal kala duwan leh oo jecel inay kula taliyaan, markaa ha noqon si-da laastiik hadba meel loo jiito.

Iskana jir dibindaabyada oo wax-aa horay loo yiri (Abeeso yeysan dhul u ekaan kugu dilin, wadaadna dad u ekaan [Taasna ulama jeedo culi-mada ee raali ha iga noqoto] waxa-an ula jeedaa dadka daacada isga kaa dhigaya hadana ku marin hab-aabinaya).

Ha noqonin nin shaki badan, de-gdega, is bedbedela, ha noqon nin mara ku dheg ah oo meeshii uu qa-bsado aan deyneyn, waayo waxaa xilka mas’uuliyada iyo talada dalka kula wadaaga Golaha Baarlamaa-nka Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne ogow inay dowladu tahay mid Dimoqoraadi ah oo ay saxaafadda iyo dadweynuh-uba u madax bannaan yihiin inay soo bandhigaan aragtidooda siyaa-sadeed ee ku wajahn dowladda cusub.

Markaa u yeelo dulqaad hana ka caroonin waayo dadku isku aragti maaha.

Ugu danbeyntii waxaan Ilaah ka-aga baryeynaa inuu kuu fudude-eyo xilkaaga isla markaana noqoto mid la mahadiyo, dhanka kale Gol-aha shacabka waan ogsoon nahay inay mas’uul ka yihiin umadda So-omaaliyeed kuna dhaarteen u hag-ar bixida dalkooda, markaa waxaan leeyahay inay ogaadaan inay mas’-uul ka yihiin Soomaalida meel kas-taba ha joogtee.

W/Q: Abshir Cali Warsame

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.