site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sideen u aamini karaa nin wali la xiran kuwii lacagaha soo daabacday

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Sideen u aamini karaa nin wali la xiran kuwii lacagaha soo daabacday
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaale

Monday, September 18, 2000 - 12:24 pm
kolay nin ay ka qarsan tahay ma jirto, waxaa beryahaan danbe si cadaan ah loo soo daabacanayay, lacagta shillin-ka somalia, oo waxaana ka danbeeyay, ganacsato dhiig miirato ah, iyo kuwa ilaahay ka furtay, oo shaarar wadaado soo xirtay, markaa waxaan la amkaagsan nahay in shaqsi ka raali ah oo wali la xiran qolooyinkaan u soo xeedatay, dhaca iyo boobka masaakiinta, inuu yiraahdo waxaan ahay daacad waxaana rabaa inaan soomaaliya ka baa bi'iyo eexda musuqmaasuqa, laaluushka,qabiil ku dhaqanka.
horaa loo yiri ninkaad kabaha ka tolonayso kabihiisaa la eegaa, been iyo run meel wada galaan,qiyaamada iyo daacadnimada meel wada galaan, musumaasuq iyo hawl karnimi meel ma wad galaan, qabiil iyo qaran-na meel ma wada galaan.
bal dib u daalaco waxa laga keenay jibouti waxa ay tahay iyo sida ay uga socon kadho soomaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, September 19, 2000 - 03:32 am
wax ka socon maayaan, ninka honey moon-kii ayuu ku jiraa afartankii xoogaa ayaa uga haray, warkiisa danbe yaa isweydiin doona!.
ismail shuluq ayaa maqlay inuu u balan qaaday inuu xarun ka samaysto dalka jibouti.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 20, 2000 - 01:08 am
Warba adinka maa haya nimanyahoow ninkaan Ismaaciil shuluq meel lacag laga daabacdo ma yaqaan oo hadda wuxuu rabaa in la soo baro meelaha lacagta lagu daabaco iyo sida lacagtaan loo soo daabacdo, Jabuutiyaanka iska dhagool waaye Fransiiskana waa noo kiskiseeyaa uu ku waashay wadaaygaa Ismaaciil shuluq ahaay, Kan waa la i doortay ku waashay aa hadda rabo meelaha lacagta lagu soo daaabacdo, asagana wadaadadii aaba ku dheggan oo hadda xaalkaan lacagteena noo soo gud ku haayo ee walaahi soo ku soo noqon lahaa aaba la isku heestaa,


Ismaciil Shuluqeey ii Salaad Booy hadda waxeey bilaabaayaan lacagta Jabuutiga seey u daaabici lahaayeen oo waxooda ooga caddeesan lahaayeen,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.