site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AAWAY REER PUNTLAND.... MAXAA INOO TALO AH?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): AAWAY REER PUNTLAND.... MAXAA INOO TALO AH?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faarax-deeq

Wednesday, September 20, 2000 - 02:19 am
ASALAAMU CALAYKUM
Waxaan halkaan ku soo dhaweynayaa dhamaan dadka reer PUNTLAND, si ay uga wada tashadaad xaalada culus oo ay hada marayaan. maxaa yeelay walaalayaal waxaan og nahay in ay gobolada la isku yiraahdo PUNTLAND ay yihiin gobolo somaliyeed,arinta loo dhisay PUNTLAND ay ahayd sidii lagu gaari lahaa dawlad dhexe ee wadanka soomaaliya iyo qarannimo... maxaa keenay in ay PUNTLAND ay ka hortimaado ama ay qaadacdo jidadkii lagu gaari lahaa qaranimadaas?,,, maxayse ugu laysay boosaaso dad doonaya in ay helaan dawladaas dhexe oo raba in ay qaranimadoodii soo ceshaan?..maxayse PUNTLAND ay u burisay Cahdigeede qeexaya in ay raadinayso dawlad dhexe oo soomaaliyeed? maxayse PUNTLAND uga hortimid dawlada cusub ee lagu dhisay magaalada CARTA ee dalka JABUUTI? maxaadse umalaynaysaa in uu kasoo bixi doono shirka uu c/laahi yuusf ku baaqay ee uu isugu yeeray dhamaan cida ka soo horjeeda dawlada cusub shirkaas oo lagu qabandoono magaalada GAALKACYO?
maxaadse umalaynaysaa in ay ka dhicidoonto PUNTLAND hadii laisku dayo in laqabto ama la xiro SULDAAN SICIID?
dhamaan su'aalahaas ayaan waxaan doonayaa in aan ka wada hadalno. waxaana rajaynayaa IN SI FAAH FAAHSAN looga wada hadlo iyo asluub wacan ARINTAAN
W/CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaqsheegto

Wednesday, September 20, 2000 - 02:45 am
ASALAAMU CALEYKUM, WAAN IDIN SALAAMAY QARAABO WAXAAN IDIN IRI WALAALAYAAL talo waa tii illaahay ee kutbka haloo noqdo oo diinta halabarto c/laahi yusuf waa adeerkey ana wadaad baan ahay marka alow ducadeyda iga aqbal oo dadkeyga xaqa tus ilaahow yaaleytii qowmii yaclamuun ay dadkeyga ogaadaan diinta macaankeeda iyo janada iyo cadaabka waxa udhaxeeya hadaad kawada hadleysaan wax diinteena aan dhaawaceyn waad kawada hadli kartaan hadii kale alle dhexdiina wuu kabaxayaa ee wax uu alle kadhex baxay mahagaa jin kartaan ee alle usoo noqda diintiinana barta wax walbana iyada kahor mariya hadaad idhibsataan iga raali ahaada aayad ayaa oraneysay qaraabadaada u dig marka digideydii oo fiyay sidaas iyo adeecid wanaagsan ASALAAMU CALEYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Puntlander

Wednesday, September 20, 2000 - 03:19 am
Abdulahi Yusuf = Siyad = Aidid (identical)

Abdiqasim Camp (Reformed Siad camp) He managed to get everyone's support from hardline-Itihad to some warlords.

Wwo's better? At least Qasin is not one man ruler.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faarax-deeq

Thursday, September 21, 2000 - 08:16 am
ASALAAMU CALAYKUM
TO: xaqsheegto.
WALAAL aad baad ugu mahadsantahay hadalkaagii aadka uwanaagsanaa,walaal horta waxaan ahay ninkii meeshaan furay waxaan u furay in aan kawada tashano aayaheena dambe walaal sida ka muuqata hadalkayga ma aha mid diinta ka hor imaanaya qofkii meeshaan u isticmaala wax diinteena dhaawacaya waa isaga dushiisa waana mid isaga u taala walaal hadalkaas ma hadal xunbaa?
WAXAAN MAR LABAAD KU CELINAYAA MARKII HORANA AAN SHEEGAY IN SI ASLUUB AH LOO WADA HADLO
AAYAHA OO LAGA WADA TASHADANA MA'AHA MID DIINTA DHAAWACAYSA.C/LAAHI YUUSUFNA HADII UU ADEERKAA YAHAY REER PUNTLAND OO DHAN BAAN KALA FOGAYN.
C/LAAHI YUUSUFNA MEESHAAN WAX LOOGUMA DHIMINE WAXAAN KA WADA HADLAYNAA AAYAHEENA INAGA OO DHAN
MARKALE AYAAD WALAAL MAHADSANTAHAY
W/CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CALOOLEY

Thursday, September 21, 2000 - 06:11 pm
CABDULAAHI YUUSUF: GACAN-KU-DHIIGLE

Cabdulaahi Yuusuf waa gacan-ku-dhiigle
dad cun ah, intuu meesha joogana nabad
islaax ma jirayso

Hadda waxaan sugnaa waa dagaal dhexmara
sida la leeyahay Ciise Maxamuud iyo Cumar
bal marka aan aragno.

Dagaalku mar buu fiican yahay, haddana
waxaan filayaa in lagu jiro.

Cabdulaahi Markuu isku dayo inuu xiro
dad u dhashay gobaladaas waa dagaal.
Ciise Maxamuud ciidankiisa waa diyaar
Cumar Maxamuudna ciidankiisa waa u
diyaar, inkastoo Cabdulaahi ciidankiisa
ay u badan yihiin Cisse

Si kastaba ha ahaatee, tan ka dhacda
meeshaa fiirso
Nabadeeeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yussuf maxamuud cali

Thursday, September 21, 2000 - 06:48 pm
Asalaamucalaykum warax matullaahi wabarakaatu.
Anigoo ku hadlaya magaca soomaali nimada kana sii ah ,REER PUNTLAN.
Waxaan u sheegayaa walaaladayda somaaliyeed, inay tix geliyaan caqliga saliimka ah fekerkiisa
.
C/LAAHI YUSSUF waa ladoor tay dadkii saana doortay . run ahaan tiina shaqao aad u fiican ayuu u qabtay.inkastoo dadkiisu suuro geliyeen isna wax badan buu kulahaa in meeshii loo doortay uu wixii loo doortay ilaa xad suuro geliyey ,sida nabad gelyada, iskuulaadka, caafimaadka iyo wax yaalaha kale ee muj tamaca uwada dhexeeya,
Qof ahaan anigoo aan qab yaalad u hadlin waxaan qabaa c/laahi yusuf iyo ina cigaalba inay ka fiican yihiin oo ka sharaf badan yihiin ,c/qaasin salaad xasan.
Sababtoo ah dhulkay labadooduba joogeen dadku nabad gelyo ayey ku noolaayeen in tay madaxda u ahaa yeen, c/qaasin xamar buu u dhashay masuuliya ugu haraysaana xamar bay kasaaran tahay, isagoo jooga ayuu dadkiisii kala nabad gelin waayey, marka muxuu ku kasbaday c/laahi inuu isaga raaco, masa u qalmaa inuu daba fadhiisto nin isagu,dadkii cid ugu xigay oo intaa dagaalamaya ku kala hagoogan waayey.
Qof ahaan waxaa qabaa c/laahi inaanu diidi karin qara nimada soomaaliya,laakiin wax mac quula haduu sheego waa in laga qataa,
Inagoo dhamaanteen cadaalada ku dhwaanayna. ma waxaad ku talin lahaydeen meel nabad gelyo ah lagu daro meel dab ka baxayo.
Waxaan cabdi qaasina oran lahaa, ugu horay, hadaladiisa haka fiirsado intaanu odhan, dadka oo soo dhawaysanyo ee uu la tashanayana ha' ahaadeen dad cadaalada u dhow,kolay lahelimaayo nin soomaaliyoo cadaaliyee, hana ogaado qabyaalada inaytay tii cidwalba baabi isay,
shaqasi,iyo gobol kastaana leeyahay qolo ku filan inay difaacdo, nin walbaana qolo yahay.
Isaguna c/qaasim ahaan uu kamid ahaa dadkii is nacayb soomaalida ee qoloda ku dhisnaa abuuray, kana mid ahaa kuwii ugu waa waynaa,inay dadka walaaha ahi is nacaan.
Ugu danbayn isagoon dhulkiisa nabad ka keenin muxuu kula kad layaa nin nabad haysta,
Haduu nabadgelyo iyo cadaalad wax ku raadiyo, waa waxaan rabno ,haduu laakiin yidhaahdo waa laydoortaye khasab igu raaca.
Wuxuu noqonayaa inaam wanaag raadin.
hana u ogolaado inay,cigaal iyo c/laahiba kana raganimo badan yihiin kana caqli badan yihiin.
YUSSUF MAXAMUUD AW CALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yussuf maxamuud cali

Thursday, September 21, 2000 - 06:58 pm
YUSSUF MAXAMUUD WA CALI
Waxaan lahad layaa somalinet shaq siyaad soo (update) gareeya waxaan walaalayaal idinka codsanaynaa inaad warar aad meesha soo gelinaysaan raadisaan siday wax uga jiraan.
waxaan dhowr jeer ku arkagay warar igeliyey kharash badan si aan u xaqiijiyo jiritaan kooda ugu dan bayna aan waxba jirin , ha ugu badnaadeen waraka aad ,LAASCAANOOD KA SOO SHEEGTAAN.
FADLAN WALAALAYAAN WARKA AAD SHEEGAYSAAN HA AHAADO MID CAD. XITAA HADUU TUHUN KU JIRO HASHEEGINA.
QOF AHAAN ANIGA WAB PAGEBAAN LEEYAHAY WAXAANAN HUBINA MAGELIYO.
ADINKANA SIDAASAAN IDIIN RAJAYNAYAA.
IGANA RAALI AHAADA SAAXIIBAYAAL.
WAAD MAHAD SANTIHIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaqraac

Thursday, September 21, 2000 - 08:23 pm
AL SALAAM ALYAIKUM
TO XAQSHEEGTO

GAZAAK ALLAH ALF KHEYR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaqsheegto

Friday, September 22, 2000 - 03:41 am
Asalaamu caleykum,,, walaal faarax deeq walaal hadalkaaga oo dhan maxuma laakiin tanoo kale ayaan kabaqayey maxaa yeelay dadka badan kooda diinta kuma dhaqmaan marka walaal aniga waxaanba is iraahdaa qiyaamihii ayaaba taagan maxaa yeelay hadey dadkii dadka isugu dhawaa is dagaalaan walaal dagaal waa laga hishiin jiray tan iyo qaabiil iyo haabiil odayaasha nabada way heli ogaan jireen inta geedadka hoostooda lagu xaliyo walaal waxa kale ee aan isku dhahaa waa qiyaamihii waxaan arkaa dadkii oo guryo iskugu faanayaan hebal guryuu soo dhistay kidaa wakidaa marka astaamaha qiyaamaha ayey ka mid tahay waxaan kaloo arkay culumadii diinta inay dhinteen iwm adiga isku soo wada dar dar, walaal ma,idinla tahay qof aan diin laheen inuu dad hagaamin karo kalaa walaahi xitaa gurigiisa kama adkaan karo marka aniga uma maleenayo inuu dagaal joog sanayo allaah wuu awoodaa ilaahayow dadkaan hanuuni walaal walaahi qof walba haduu diinta barto oo uu ku dhaqmo wadanku wuu hagaa gayaa ee qof walbow wax walba allaah dartii uga tag walaal xaqraac wa,iyaka Asalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

f-deeq

Saturday, September 23, 2000 - 08:50 am
asalaamu calaykum
to:CALOOLAY IYO YUUSUF MAXUUD CALI
WALAALAYAAL waxaan u arkaa in aaydaan ka hadlin
wixii loogu talagalay in looga hadlo meeshaan
waxay ahayd in aan ka tashano danteena iyo waxyaalaha inagu soo wajahan laakiin ma aha in dad meeshaan lagu caayo ha ahaado madaxweynaha cusub ama ha ahaado c/laahi yuusuf amaba cid kale
waxaan idinleeyahay ilaaliya nidaamka iyo anshaxa
waxaan aad u dhibasanaynaa in cid wax loogu dhimo
meeshaan
waxaan u mahadcelinayaa walaashay xaq raacdo
hadaladii wanaagsanaa ee ay noo sheegtay
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhafoorqiiq

Saturday, September 23, 2000 - 01:26 pm
Nabadgelyo korkiina ha ahaato,Anigoo ku dhashay Xamar,asalkeyguna yahay Puntland,Waqti aanyareyna
ku nool Qurbaha.Waxaan aad ula yaabaa markaan halkan ka aqristo,Kuwa ku doodaya midnimo Qaran
eedaynayana maamulka Puntland,Taageerayana kuwa
Dawlada cusub ee Somalia sheeganaya.Hadaba mid
iga dhegeysta:Anoo intaan ka liita,Jabhad ah So-
maliduna dhoormagac ii bixisay ayaan diiday dulmi-
gii leygu hayey.Hadaba maanta oy reer Puntland ddhulkooda aayihiisa ayaga ka tashanayaan,Ha u fadhina in aan marlabaad isu dhiibno haraaga keli-
taliyihii Siyaad.Diyar ban unahay difaca Puntland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, September 25, 2000 - 08:18 am
PUNTLAANAYEEY WADANKA DHISMIHIISA DHINAC KA RAAC OO GOOSIGA AAD SHEEGANAYSID JOOJI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirizak

Monday, September 25, 2000 - 10:44 am
Maxaa noo talo ah? Inaan hawiyaha xuduud ka xirano haday somalinimo rabaana lala xisaabtamo oo danbigii ay qaranka ka galeen lagula xisaabtamo.

Xaafada Cabdicasiis ilaa Waabari dadka dhisay waxay u badnaayeen reer Puntland hadana dhamaan wixii dhaqaale ahaa waa la biliqaystay dadkiina way laayeen iyo waxay kufsadaan ayey ka dhigeen. Enough dhib waa nagaaray ee aan dadkaas xuduud ka sameysano farahana ka qaadno.

Mareexaanku wuxuu habargidir u hor ordayaa wax kale maaha ee wuxuu ogyahay danbiguu ka galay majeerteen.

Somalinimo cid diidan aa iska yar laakiin waxaan ku talin lahaa xataa c/lahi yusuf oo hawiyaha mar walba u dhuunta xabad ha lagu dhufto meeshana haloo dhiibo nin ultra puntland hardliner ah oo hooyadi ama walaashi xamar lagu kufsaday si uu ula xisaabtamo dadkan cawaanta ah.

Xuduud la yaqaan waa in laga sameesto. Ninkaan is dhahayey waa loogu qaataa ayaa madaxdii mooryaanta Puntland ku casuumnaya. waa aduunyo gadoon. War 1991 ma hilmaantyeen iyo masaakiintii guryahooda lagu qaqalay just because waxay u dhasheen qabiilka daroodka.

Hadaba waa laka noolyahay ee dadkaas yaanay nasoo gelin ilaa aan ku wada xaajoono gogol 50/50 loo simanyahay oo ka dhexeysa •••••• iyo •••••••.

ma hilmaanteen caruurteenii lagu guray ceelasha gaalkacyo qabiil ay ka dhasheen owgi. ma hilmaanteen in •••••• iyo dhamaan canaasirta kale ay u tashteen in dhiiga ••••••• xzlaal yahay maalkoodana lala wareegi karo. Ma hilmaanteen inaa xamar wax ka dhisteen. Nimankan magaca soomaalinimo hada wata intee jireen marka meydka daareoodka in la aaso xataa mamnuuc laga dhigay.

maxaa ka celinaya inay hada markay xoogeystaan sameeyaan mid lamida.

Reer Punt talo hadii la rabo kuwa Jabuuti tagayna yaanay soo noqon c/lahina xabad ha lagu dhufto magaca puntland wuxuu ku gadanayaa asoo somalia jago ka hela.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, September 26, 2000 - 06:17 am
Salaan kadib:
Nabada W/bari C/laahi ma keenin ee waa mid rabaani ah miyaadan ogayn dadka meeshaas dega iyadoo aan dagaal la.aqoon inay dagaalami jireen, sida wadamadan yurub iyo ameerika ay ahaayeen 1700-1800 meesha laga yaabo beelaha kale inay xabada dhuuso u yaqaaniin, marka kuwaana haday bilaabeen dadkaasna way kasoogudbeen.
C/laahi walaa M/abshir Walaa KingKong midna waxbarashada waxba kama qaban oo waa arin iska cad.
Dhinaca caafimaadka bulshada iyo sooshal ama ijtimaaciga waxba kamay qaban.

Hadaba walaal nin waliba dantiisuu wataa kuwa carta isugu tagay cid dirsatay majirto mid waliba isaga ayaa isgeeyay allaahuma marka laga reebo isimada, dadka isku sheegay inay inay ergo ahaayeen kuraas raadis ayay ahaayeen waxayna ka faa,iidaysteen dhibta dadka iyo dalka haysata marka bal eeg nin walba dantiisa ayuu raadinayaa.

Waxaan arkaa hadaan nahay W/Bari in aan dadku is arkaan shirbalaaran la qabto loogana hadlo aayaha gobolka
C/laahi waa inuu xilka iska wareejiyaa maxaa yeelay waa faashil aan siyaasad waxba ka aqoon wuxuu ku shaqaystaa mid kasta oo bahdii nacday ayuu wasiir ka dhigtaa bal fiiri (jini Boqor) ayuu wasiir ka dhigtay (Max,ed Xaaji Adam iyo waxlamida oo gobolka denbi ka galay haba ugu badnaati Kismaayo.

Soomaali wax la qaybsigeeda waan aamin sanahay laakiin afartuug oo danohooda wataan makucayaari karaan sharafkii gobolka sidaas darteed carta tagtay laakiin waxay ledahay gor-gortankeeda.

Kama soo horjeedo wixii carta ka soobaxay maxaayeelay waxaad rabtay hadaad waydo waxaad ka badin waydo ayaa lasameeyaa!

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shire

Tuesday, September 26, 2000 - 10:04 am
Walaalayaal c/yusuf anagaa dooranay waxaana u dooranay inuu •••••• naga difaaco, waayo hadey wax qbad kale tahay dad badan ayaa uga haboon
balse xaalada maanta lagu jiro iska hor imaad
inoogama baahna, waa inaan ilna kula shaqeynaa
cidda aan dooraney ilna kula gorgortanaa cadowga
waayo Qabiilka kaliya oo soomaaliya lahayste ku ah waa Harti, sidee dhexdeena uga abuuri karnaa
qalalaaso markaanaan kalsooni kahaysan dawlada
cusub,hadii dawladu ay sheegayso run daka koonfur
lahaystaha ku ah ha u ogalaato xaqooda iyadana aan
aan ku tusaale qaadano, ragga dawlada Soomaaliyeed kujirana ha loo sheego inay Muqdisho
tagaan iyo cidda ay dowladda yihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

PUNTLAND

Wednesday, September 27, 2000 - 06:11 pm
CLAAHI YUUSUF ISAGA LAGA DIFAACO PUNTLAND
MAXAA YEELAY CADOWGEEDII BUU SOO GALIYEY
DADKII U DHASHAYNA QAARNA WUU LAAYEY QAARNA WUXUU YIRI MASOO GALI KARTAAN WADANKA
WAA GACAN KU DHIIGLE U BAAHAN IN MAXKAMAD LA SOO TAAGO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali Nuur Muse

Wednesday, September 27, 2000 - 06:50 pm
Xaggee aadeen wixii yaraa ee aan qoray? Waxaan iri, raggani waa kala aragti waxayse u wada hadlayaan si fiican oo xushmad leh. May Somalida kalana sidaa oo kale yeesho?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MJ

Saturday, September 30, 2000 - 05:05 pm
Punland kan isku magacaabow,horta •••••••• ma tih-
id mid udhashay,Puntlandka aad leedahay C/LAHI ha
laga xoreeyo,waayo waxaad ilowday meesha in aysan
Dhulmooryaan ookale ahayne,Ee aanu si Dimuqradi ah
Talada isugu dhiibno isagana qaadno.Marka teena h-
adaan u soo noqdo,waxa keliya oon idin leeyahay y-eynaan iskalumin ismaamulkeena,yeynaan ku ordin u-
na hanqaltaagin kuwa baaba,eena iyo in aynu hoos
nimaadno jecel.Aynuna usii gogolxaarno in aysan
Da,aha nagu xiga aanan denbi ka geline,Ee ay noogu
hanweynaadaan,ayna ugu faanaan sida aan ugu ilaal-
inay uguna sii dhisnay Dalkeena Aabbo PUNTLAND.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xareed

Saturday, September 30, 2000 - 09:28 pm
Anana waynu idin maqalnaa oo idin aragnaa,
Maalinta qiyaamo xisaabkeeda horteed,
Waynu idin xisaabin,tiirkana la idin soo
istaajin.
somali inteeda kaleh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq

Thursday, October 05, 2000 - 10:49 pm
assalaaamu calaykum....
waxaan ahay wiil reer puntland ah...
waxaana ka imid hada puntland oo aan soo mooganahay wax yar,ha ahaatee sidaan malaynayey
ma aysan noqon..puntland waxay ahayd meel aad is oran kartid waxaa ka dhisan maamul,si fiican u shaqeeyey.marka laga fiiriyo dhinac,dadkuna ay aad ugu faraxsan yihiin maamulkaas dhinacyada uu ka shaqeynayo..hase ahaatee waxaad moodaa in uu jiro is fahmi waa u dhaxeeya maamulka puntland iyo shacabkiisa ..taas oo ah mawqifka uu maa mulku ka taaganyahay dawlada cusub ee lagu soo dhiasay CARTA..waxaad moodaa in khilaafkaasi uu weyn yahay.. hadaba aniga ra'yigayga waxa ay ila tahay..PUNT LAND in ay aad ugu khaldan tahay mawqifkaas..lana doonayo in ay wax ka badsho mawqifkeeda..waana sidaas sida ku qoran dastuurkeeda ay iyadu dajisatay....laakiin dhinaca nidaamkeeda waan soo sheegay waana si aad loogu farxo..
puntland waa in ay dhinac karaacdaa SOOMAALI WEYN..ayna dowr weyn ka ciyaartaa mawqifkii lagu yaqaqanay oo ahaa in ay san ogolaanin in ay somaliya kala go'go'do.taas weeye taan ku naqaanay shacabka reer puntland,kana sugeyney maamulka puntland....
wasalaamu calaykum.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Monday, October 09, 2000 - 06:53 pm
puntland waxaan kula talin lahaa
in ay wadanka wax ka dhisto oo ay taageerto dawlada cusub

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, October 11, 2000 - 10:32 am
buntland waa dawlad goboleed aan u baah nayn
somali weyn.....waxaan kula talin lahaa in ay dowladeeda habayso tuugada ay soo sii dayseyna ay xir-xirto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaamuud

Wednesday, October 18, 2000 - 01:27 am
hahahahahahahahahahaha
walaahi caabaadkiinaa baxay waraa wey idinka daba timid yaa ar majertenaaa waa yeereysiin waligiin waa oyneesiin markaa saa haddana iljeex madaxweyne noqotay waligiin wax maheleysiin waayo wey idin taqaan iljeex. iljeex waan necban jiray laakiin haddaan jeclaadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JEYTE

Wednesday, October 18, 2000 - 02:32 am
MEEDJEERTEEN BARBAARTA ABGAAL AA XAMAR KU SUGEE

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.