site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Soomaaliyeey Goormaad Heshiin !!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Soomaaliyeey Goormaad Heshiin !!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Olow

Wednesday, September 20, 2000 - 11:24 pm
Asalama alaykum

Waxaan la yaabey is nacaybka somalida kala dhex galay ee qofna uu qofka kale la rabin wax wanaag ah haddana waxaan ku andacoonaa inaan muslimiin wada nahay. Walaalayaaloow aan ilaahay ka baqno oo aan khayrka ka hadalno, maxaa inoo diidaya inaan afkeena barno warka wanaagsan? sow tii qaacidadu ahayd ama hadal fiican ku hadal ama afkaaga hayso oo ha hadlin. Somalidu waa dadkaas aan ka wada dhalanay oo aad wada aragtaan wax tarkooda iyo dadnimadooda, qolo qolo dhaanta ma jirto oo waa isku mid xitaa inta badan waa isku fikir.

Walaalayaaloow aan ku wada baraarugno inaan wax kheyr leh is wada farno oo aan iska dayno af lagaadad iyo hadaladda xun ee na kala fogeynaya.


Waa Olow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 21, 2000 - 02:43 am
olow waad salaaman tahay waxaan ku weeydiinayaa hala heshiiyo maxuma lakiin maxaa lagu sameeynayaa gacan kudhiiglayaasha iyo kuwii gabdhaha tirada badan xoogay oo wili ku faanaayaan??????????

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.