site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

OGEYSIIS

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): OGEYSIIS
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Management (Admin)

Friday, September 22, 2000 - 02:07 am
Fadlan la soco inayan SomaliNet raali ka ahayn in la caayo qabiilo Soomaaliyeed ama dad gaar ahaaneed. Qaybtan waxaan ugu talo galnay in dadku isku dhaafsadaan waxyaabaha la xariira siyaasada Soomaaliyeed laakin marnaba uguma aanu talo galin in dad kale dhibaato loogu geysto.

Meeshani wanaag iyo xumaanba waa loo adeegsan karaa marka waxaan idinka codsanaynaa inaydnaan xumaan sida cay isku dir iyo xaasidnimo u adeegsan.

Dadkiina qurbaha wax badan joogay waxaa markhaati ka tihiin in dadka kale ay kuu arkaan Soomaali ama African adiga iyo kuwa aad meesha kula sheekeysanaysid isku hal qof ayaa la idiin arkaa. Tusale ahaan Askariga Kenya nooma kalo arko qabiil hebel iyo qabiil hebel sidoo kale eleboorada caalamiga Soomalidu caan ayey ka tahay askarta joogtana qabiil kuuma fiirinayaan oo adiga iyo walaalahaada Soomaaliyeed isku mid ayaa u tihiin. Magaalooyinka waaweyn waxaa kadhaca in markay dhalinyaro Soomali ahi dagaal kuwo kale la gasho hadhow qof kale oo Soomaali ah looga aaro. Taas micnaheedu waa si kasta oo aad isu necebtihiin umadaha kale waxaa u tihiin hal qof.

Aduunka meel walba waxaa ku wada nool dad siyaasad ahaan, diin ahaan ama ethnic ahaan isu diidan isla markaana si nabad leh ku wada degan. marka walaalahayaga Soomaalida kale caynaya ama xumaanta u raadinaya waxaan ka codsanaynaa inay la socdaan dhibkii ku dhaca qof Soomaaliyeed inuu yahay mid Soomalida dhan dhacay.

Meeshan "Ra'yiga Dadweynaha" waxaan u fasaxnay inay dadku arimo qabiil ka sheekeystaan sababtoo ah Soomaliya dhan ayaa maanta qabiil ku dhisan. Baarlamaanka la soo doortay qabiil ayuu ku taaganyahay, dhamaan jabhadaha Soomaliya ka jirana oo kasoo horjeeda baarlamaanka qabiil ayey ku salaysanyihiin. Inkastoo dad aad qabiil u aaminsanyihiin hadana meeshani "Ra'yiga dadweynaha" inta xiiseysa siyaasada Soomalida waxay u noqotay fursad ay ku u ogaadaan siday Soomalida qurbaha joogta u isticmaasho qabiilka iyo heerka dulqaadkoodu meeshuu gaarsiisan yahay.

Marnaba ugu ma aanu talo galin in qabiilo lagu caayo.

Ogeysiis Gaar Ah:
SomaliNet ma ogola cay. Qoraalada lagu caynayo dadka kale ama qabiilada waan tirtiraynaa marka ugu horeysa oo aan firaaqo u helno. Arimaha qabiilka uga sheekeysta dhinacan "Ra'yiga dadweynaha" Laakiin fadlan cayda iyo neceebka la haga dheeraado.

Mahadsanid.

SomaliNet member.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.