site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HABARGIDIR IYO ABGAAL OO DAGAALO QARAAR DHEXMAREEN!!!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): HABARGIDIR IYO ABGAAL OO DAGAALO QARAAR DHEXMAREEN!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Friday, September 22, 2000 - 05:43 am
Wararka ka imaanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalo qaraar ay ku dhexmareen Habargidir iyo Abgaal meesha loo yaqaan Barmuuda. Dagaalkan oo dhacay subaxnimadii Jimcaha 22/9/2000 ayaa soo qaaday maleeshiyada ka amarqaadata Xuseen Caydiid. Sida ay wararku sheegayaan markii ay maleeshiyada Ceydiid la kulmeen difaac adag ayaa waxay gar-gaar ka codsadeen maleeshiyada Cusmaan Caato. Dad ku dhow labaatan qofood ayaa ku dhintay afartan kalena way ku dhaawacmeen dagaaladaasi.

Labada maleeshiyo ayaa weli isku horfadhiya Barmmuda iyadoo labada kooxoodba u ciidan dirsadeen beelohooda xarumaha kale jooga. Gar-gaar iyo rasaas aan la qiyaasi karin ayaa kusii qul-quleysa goobtaas dagaaladu ka dheceen.

___________

Hadaba walaalayaal iyadoo dhibaatooyinkaa iyo dagaaladaa ay jiraan ma idinla tahay inay
suurtogal doonaan in hubka lagu wareejiyo dowlada cusub ee Habargidir?????!!!!. Yaan qalad la'ii fahmin, waan jeclahay inay dhisanto dawlad soomaaliyeed oo caadil ah, hasayeeshee, C\aasim xukuumaduu madaxda ka yahay oo aan leheyn itaal badan hadii lagu wareejiyo maxaa dhici kara?? Illaa hada waxaa noo muuqanaaya in Dowlada C\aasim ay calanka u sidaan ilma adeeradiis sida Galaal, Xasan Daahir, Firimbi iyo kuwo la mid ah. Qabiil uu idinka dhexeeyo dagaal iyo looltan ma u dhiibi leheyd hubkaada si laguugu laayo????!!

Waxay ila tahay in laga fiirsado talaabooyin badan oo hadhow laga shaleyn doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAACAD

Friday, September 22, 2000 - 05:56 am
TO:AHMED1:

SU'AASHU WAA MAYA,SABATA OO AH WAA SIDA AAD SHEEGTAY DAWLAD KU SHEEGU WAX AY HAYSTAAN MALAHA WAA DAD WADA DAMBIILAYAAL AH,HADII HUBKA LAGU WAREEJIYNA WAXY SAMYDOONAN WAA LAGARANAYAA.MARKAAS SAXIIB WAX DAWLAD LAYIRAAHDAA MA JIRAAN.SABABTA AAN SIDAAS U IRI WAXAY TAHAY DADKA LAGU SOO DOORTAY CARTA WAA DAD CALOOSHOODA U SHAQEYTAYAAL AH OO AAN CIDINA KA DAMBEYN,CIDNA AAN DAN IYO MURAAD TOONA KA LAHYN,OO BADANKOODU QAXOOTI KU AHAA WADAMADA QURBAHA AH,WAX UU MADAXWEYNAHA JABUUTI SOO DHOO DHOOBAYNA WAX SOCONDOONA MA AHA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, September 22, 2000 - 06:56 am
Inta soo socota ayaa ka daran!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LUQMAAN

Friday, September 22, 2000 - 11:20 am
Asalaamu Aleykum dhamaan..

Ahmed saaxiib dhabcan waa sdiaad usheegtay runtii laakiin anagu hadaan nahay Somali PPL dhabcan Munaafaqnimo waa inoo caado iyo dhaqan....

Dadkii ina gumaaday Soomaali ahaan ayaa hadane raba in ay dib mar labaad inoo laayaan ..CAJIIB..

Cadilqasim waxuu wataa rag criminal ah oo gacan ku dhigla ah asagan ayaana ka mid aha raggaas..Taariiqda ayaa ka run sheegi karta ..xilligii Reer waqooyi la dhameenaayi asaga ayaa ka ATOORE Ahaa dhabcan Morgan iyo Inkaar Qabe alla ma U naxariiste AFWEYNE..Lacnatulaahi Caleyh ayaanna KAABA LAADARIIN ka ahaa...

Waxay ahaataba CUB kaan ku jirnaa ee NASIIBKEEN haddan MARYOOLEEY nahay..

Dhamaan qof walba oo Soomaali ah dowladaan HALAAG iyo BA' ee u wadaa ee ALLA HA INA BADBAADIYO

AAMIIN.....

PEACE..Walaalkiin....LUQMAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wariye

Friday, September 22, 2000 - 11:56 am
Bermuda abgaal ma dagana ee dadka beenta ka dhaaf.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLIM

Friday, September 22, 2000 - 03:49 pm
AAD BAAN UGA XUMAHAY IN AAD KU FARXAYSO DAD SOOMAALIYEED OO MUSLIMIIN AH DHIIGOODA DAADANAYA,WAXA AAD U SOO QORTAYNA WAA MUNAAFAQO, ILAAHAYBAANA KAA ABAAL MARINAYA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, September 22, 2000 - 08:50 pm
WAA IDIN SALAAMAY MAKA HORE TAN LABAD WAXAAN AXMED KUU SHEEGAYAA HUBKA AAD HEYSO YAA HAYA?
TAN KALE DADKAN KU DHINTAY MEESHAAS SAAKA ILAAH HA U NAXRIITO WAXA AY GEYSTEEN BAAY KU GEERIYOODEEN IYAGAA MADAX SHABEEL LEEFAY OO RAG DILAY MARKII HORE.
MARKA NINWALIBA WAX UU GEEYSTO YAALAGA GUGAYAA
A/QAASIN ISAGA AYEEY U TAALAA SIDUU SOMALIA U XUKUMI .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, September 23, 2000 - 02:29 am
Walaal waxaan aad ugu xumahay in weli Somalia ay ku badan yihiin dadka waxma gartka ah waayo waxay aheed in maanta laga hadlo sidii loo badbaadiyo ummadda Somaliyeet, balse waxaan weli wadnaa kuwii dalkeen dumiyey uu riyooday 60kii oo dalka ukala qaybiyey qoloqol yirina waxaa xukumaynaa qabiilkayga oo madaxweyna ayaan ahay, sida Cigaal, Abullahi Yusuf, Caato, iyo ina caydiid, waxay dhamaantow iska xeer taagan yihiin Muse SUUDI , oo inta awood leeyihiin oo kale leh, marka meesha aan kaga gudbi laheen kuwaas iyo kuwa la mid ah oo aan ka fakari laheen in Somaaliya mar uun istaagto oo dalka iyo dadka la badbaadiyo, lana hilmaamo waxala wixii dhacay, miyaan E-mail isku caynaa, oo warlords aanu noqonaa, mise dalka ayaan addunka la tartansiinaa, oo ka fakarnaa aayaha ummadda Somaaliyeed, oo u baahan in rageedii waddaniyeenta ah in ay wax u qabtaan.
Sidaa awgeed waa in qof walb uu ka qayb galaa meelwalba oo SOMALIA waxa u tarayso sidii loo badbaadin lahaa.
JEELKA SOO KORAYA.
FAISAL ALI JAAMAC.------ Udhashay dowlad lamagac baxday SOMALILAND---- BURCA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haber Eji

Saturday, September 23, 2000 - 07:57 am
Marka u gu horeysa Madexweyne maku salaamin, sidaad ogtahayba Haber Eji & Ayaanle ceyr is ma jecla, waxaad gudoomiye ciidan ka dhigtay nin Ayaanle Ceyr ah, sidee kurabtaa Haber Eji kugu sooraacaan maadaama ay yihiin hubin mihiim ah, Baarlamaankan kursi kuma lihin. Tankalana waxaa cadaatay in aad magaca ceyr lacag kusooqaadatay, Anagoo nalagadilay 11 shalay ah & 4 maanta ah, taasoona waxbaa aadan ka qaban.

Peace..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaayow

Saturday, September 23, 2000 - 08:21 am
To: Dhamaan..
Waryaa ilaahay ka cabsada beenta iyo qurunka is ka daaya.. Habargidir iyo Abgaal iyaga ayaa walaala ah iyaga ayaana heshiin kara, tankale dagaalkii jimcaha wuxuu ahaay mid aan loo qasdin waxaana bilaabay rag mooryaaan ah oo aan cidna ka amar qaadan hadana waa lajoojiyay dagaalkii..
Hadii aad ku farxayso in Abgaal iyo Habargidir diriraan alaha ku caafiyo waad jirantahaye..
Anaga waan heshiin karnaa waana diriri karnaa..
Remember it is up to us not you......
Shacabka Abgaal iyo kan Habargidir si toos ah ayay u taageereen dawlada cusub ee loo doortay ina Salaad Boy.. Happy with that!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geesi bermuuda

Saturday, September 23, 2000 - 10:37 am
warka runta ah ee bermuuda,

aniga waxaan ka tirsanahay geesiya bermuuda oo jilibka u dhigay weerarkii habargidir ee jimcihii
waxaa wax lala yaabo wararka qaladka ah ee laga faafiyey dagaalkaas waayo xussen ceydiid aabihiis baa wax naga qaadi waayey, way jirtaa inay na soo gaadeen anagoo dagaal ku tashan halkaasna waxaa nooga geeriyooday sadex mujaahid oo uu hoobiye ku dhacay kadina waan is abuubulnay waxaana halkaas aan ku gubanay laba tikniko ah shankalena waan ka dilnay tiro gaaraysa 30 waanka dhaawacnay weerarkoodiina halkaas buu ku joogsaday ilaaiyo hadana meedkooda ma duugankaraan ileen gardaro ma guulaysatee by geesi,bermuuda,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,guul,,,,guulaysta cawa iyo maalin,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

odey

Saturday, September 23, 2000 - 10:42 am
war hoy isku xishooda waxyahow miran..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, October 08, 2000 - 11:19 am
talo iskuma kaa sheegto ayaa horay loo yiri, war dunidii way tegay oo qolo walba halkeeda ayay iska abaabushay oo ka tashatay inay wax ka sugto cid kale, ummadiina ma isweydiiseen markee dawladnimo idiinku dhaweyd! waxaan u maleenayaa inay tahay too late inaad maanta ka hadashaan dawlad iyo wax la mid ah inta ay maatadiina maalin walba qaarna xabadda leefayso qaarna cagaarshow dilayo, waxaa talo iga ah iska ilaawa marin habaabinta geele iyo saaxiibkiis ina booy, ee intaad isku tegtaan wax garadkiina oo dhan dhista dawlad goboleed la mid ah kuwa meelo badan oo soomaaliya ka jira si bal loo helo cida wax laga weydiiyo qeybtiina.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.