site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sideen u xadidnaa magaalooyinka badanaaya,una badbaadinaa kaymeheenna dabar go'aaya!!!?by dr-troubleboy

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Sideen u xadidnaa magaalooyinka badanaaya,una badbaadinaa kaymeheenna dabar go'aaya!!!?by dr-troubleboy
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Saturday, September 23, 2000 - 12:03 pm
dhulkeennu wuxuu ahaan jiray mid ku caan ah kaymo waa wayn,xoolaha duur joogta iyo dad lajoogtaba.
laga soo bilaabo 1960's dadka soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo usoo kici timaaya dhanka magaalooyinka kana soo dhammaanaya dhanka baadiyaha,taasoo keentay inay magaalooyin faraban abuurmaan kaymihiina yaraadaan taasoo ah kuwo laga dhigay qayb lagooyay, qayb la gubay iyo qayb la magaaleeyay.
haddaan usoo laabano duur joogta ayaa iyana ah sidaad dhammaan uga war qabtaanba kuwo hijrooday(guuray ama ka dhammaaday)carriga soomaalidu dagto taasoo ah mid ay sababo badani keeneen.
dad la joogta ayaa iyana ah kuwo ku nool kaymaha taasoo dhalisay tiradoodii oo yaraatay markii kaymuhu yaraadeen.
roobka ayaa ah mid isna kaynta ku xidhan oo isna sii yaraanaaya!!!!
gabagabadii
sideen u xadidnaa magaalooyinka una badbaadinaa kaymaha?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaasmiin

Wednesday, September 27, 2000 - 09:57 am
comments to dr-t-b
salaan dabadeed runtii waan la dhacay ra'yigaaga waxaadna tahay inan ka horreeya beesha uu ka dhashay,waayo soomaalidu maahan kuwo ka fakara wax yaalahaas waxay ka fakaraanba waxaa weeyaan qabiil sidii qabiilka kale ula dagaalami lahaa!!!
anyway waynu ubaahanahay in la xadido magaalooyinka badanaaya haddii aan taasi dhicinna dhulkeenu wuu nabaad guuri doonaa!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.