site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Somaliyeey Maxaan ku Tari karaa Halganka Ogadenia ka socda

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Somaliyeey Maxaan ku Tari karaa Halganka Ogadenia ka socda
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MIRE

Monday, September 25, 2000 - 03:02 am
Sida aan lawada socono Somalida gumaysigii wuxuu u kala qaybiyey 5 Qaybood. Brtish S/Land, Italian S/ Land, Ogadenia, DJibuti, and NFD.
Kadib xoriyadii 2da gobol ee waqooyi iyo koonfur iyo midowgoodi waxaa soo raacday Djibuti oo gooni isutaagtay, waxaana gacanta gumaysiga ku hadhay NFD iyo Ogadenia, Waxaana ogsoonahay in 10 kii sano ee lasoo dhaafay dagaal sokeeye ka dhex socday somalidii xorta ahayd.

Isla 10kaa sanana waxaa socday dagaal bubaysan oo lagula jiray mustacmarka xabashida, dagaal kaas oo mudan xusid gooni ah, maxaa yeelay waxay gudanyaan xil somali oo dhan ka saaran ladagaalanka isticmaarka xabashida kaasoo mudo dheer aan kusoo wada jirnay, balse 10kaa sano iyaga (waa somalida reer Ogadenia) ku gooni noqday
Marka su'aashu waxay tahay, maxaa inagala gudboon inaan walaalaheena xornima doonka ah ku taageerno ka-somali ahaan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CULUSOOW

Monday, September 25, 2000 - 03:11 am
Waa inaan garab iyo gacanba siinaa walaalahaayna dhiban ee reer S/Galbeed Ogadenia iskana dayno qabyaalada foosha xun iyo ku qaraabashadeeda waa dad iyo dal walaalaheena oo dhiban kuna jira dhibkaan ka baxnay 40 sano ka hor inkastoon hada inagu gacmaheena isku gooracnay.
Ogadenia ha xorowdo, somaliwayn ha israacdo, cadowgeedu ha dhacyo hana dhinto.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.