site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

RAGOW MAXAANU IDIN MOODNAY?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): RAGOW MAXAANU IDIN MOODNAY?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahiima Hinda Layla

Monday, September 25, 2000 - 05:20 am
Ragow maxaanu idin moodnay
Ma waxaad noqoteen
Mise waxaan loo noqondoonin.

Waxaanu idin moodney rag
Waxaadse noqoteen ragla'aan
Waxaanse loo noqon doonin rag raadis


Dibjiroow dugaagow
Duuf iyo dhareerow
Dantiisa moogaw
Daqonkaan naxaynow
Dabayl iyo dhaxaniyo
Dugsigii madhnaayaw
Dab baxaayoo diiranbaad ahayde
Dabkii dambasoobayow
Duligii laga guustee
Daryeelka kii aan lahaynow
Daanyeer kii la nacayow
Diinta ka aan lahaynow
Dumar ka hooseyow
Daadahee mijintaada
Damiir laawow
Dugso marfashkaaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abwaan

Tuesday, September 26, 2000 - 02:06 pm
KU: FAHIMA HINDA LAYLA
SISTER

MID OGSOONOOW MAANKANA KU HAY ''RAGGU MA WADA XUMA DUMARKUNA MA WADA WANAAGSANA HADDII UU NIN XUMI KUGU SOO BAXAY OO OGO INAAD MID WACAN HELI KARTID RAGNA HA U WADA AANAYN WAX YEELADA AAD QOF KA TIRSANAYSO AMA XUMAANTA AAD NIN KA TIRSANAYSO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN RAGA

Wednesday, September 27, 2000 - 01:26 pm
to:Fahima,Hinda iyo Leyla

Gabdhahani aad bay u mahadsan yihiin.Hadalkii ugu wanaagsanaa ee aan meesha ka akhristo ayaad soo qorteen.Tallase yar ayaan idinku biirin lahaa,waxaan idin leeyahay, meesha aad tidhaahdeen waxaan loo noqon doonin rag raadis!
ka bedela oo waxaad tidhaahdaan waxaan loo noqon doonin "laga roone".
Raggana waxaan leeyahay warniman yahow saddexdaa gabdhood ha la qabto.Waa gabdho wata dhaqankii hore oo raadinaya nin ragga.Si waa yeelnimo ku jirto ayayna hadalkoodii u soo gudbiyeen.
Ugu danbayntii GABDHOOW "Could you please come forward and tell more about tour selves".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Wednesday, September 27, 2000 - 05:20 pm
To,
Layla,Fahiima,Hinda.
Salaamu calykum walaalayaal, runtii aad iyo aadbaan
u jeclaystay ra'yigiina wax runana waad sheegteen
oo inan rag intiisa badani u baahantahay in loo sheego.
Mid yarse aan idiin sheego kala saara raga waayo kuli
ma wada xuma sida aynu inaguba u wada wacnayn,qaar wax
garad ah oo badan ayaa jira, markaas waxaan idin leeyahay
dee ilayn rag la'aan joogi mayno eh raga inoo kala reeba
oo inta xun uun u heesa.
Wa salaamu calykum.ILAHOW MEEL AAN RAG JOOGIN HA NA
JOOJIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xassan

Wednesday, September 27, 2000 - 06:18 pm
slmu calaykum.....

Fahiima, uurkutaalada iyo taaha ka muuqda maansadaada wuxuu tibaaxi karaa waayo (waqtiyo) aad ku soo gubatay, ogowse rag inuunan isku mid wada aheyn.. Barasho Horteed Hana Wada Nicin....

Xassan.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HOORAAYE

Wednesday, September 27, 2000 - 11:00 pm
gabdhow marka hore waad salaaman tihiin mar labaad waxaad ka hadasheen arin wanaagsan laakiin waxay ubaahan tahay in laga fiirsado hana ku deg-degina .

tan labaad waxaad sheegteen intayadii xumeyd ee maad hubsataan intayada fiicana.

bal arintaasi ka fiirsada raggu isku mid ma wada ahee oo raadiya kan fiican .

waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

imaaaaan eed

Thursday, September 28, 2000 - 03:59 pm
salamu calaykum .fahiima. hinda. layla.

walalayal ad bad u mahadsantihin sida wacan ee aad ugu misteen ragaa. waxan idinku daraya idinko an waxba kategin bal aniguna

abidkeen rageeni arligii kamarayo
odayadii runta ahaa abwanki wacnan jiray
intii lo erganayee adunyadu ku olayd
akhiray uhooydeen iyo iilkii hose
aynigi kacamiyo uruka manta jooga
waa wada asqooben ayantoda moye
ayaha dalkodiyo umadaba ma eegan
marku somajirte majintisa qaate
murqanka u fariistu miyirkuba ka gura
marwadii hawenkiyo midii u milkiday iyo
maamulkisa gurkiyo meherki ilowyo
maqashii udaadshe miyirli ida uu dhalay
moskay ku nolyiin mamogado weligii
marwo oodhan idilkee inta marmaskana xidhay
dumarkii mashxarado manta waxay gudoomen
nimankii majirte murqankun unoola
inaan lo muraad hayn melkasto ayjogaan
marhadanay midnimadiyo macnihii dalkodiyo
maamulkii islamkiyo noloshodii mogayn
waa inlaga maregtaa marfishkoda lo huro

hablow waydinkaa
imaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MASLAXEEYE

Saturday, September 30, 2000 - 06:07 pm
TO: FAHIIMA IYO HINDA LAYLA:
MAXAA DHACAY, AARTLIRIGA AA SOO DEYSEEN MAXAAS AHAAY, BUN HADII LA WAAYO BUN LEE LAGU BADELAA,EE BIIRO IYO WIISKI LAGU MA BADELLO.
TAN LABAAD SABATA KEENTAY IN NAAGO QAARKOOD OO SIDAA U SII TIRO BADNEEN RAACAAN AJNABI QAASATAN GAALADA WAXAY TAHAY RAGA QAARKOOD OO NAAGAHOODII QAADKA BARAY,SIDAAS DARTEED NAAGIHII WAXAY U SII GUDBEEN QAMRI IYO DAROOGO,TAN XIGTA DAGAALADII SOKEEYE NAAGIHII DHIBAATOOYIN FARA BADAN AYAA LOO GEYSTAY, GAARSIIYAY NACEEB AY U QAADEEN RAGII,
LAAKIN WALAALAYAAL WAXAA MEESHII KA BIXIN WALAALNIMADII, DIINTII. HADII MID IDN XUMEEYAY SUUQA WAA LA BUUXAA AFKIIN LEE HA IDIN CIILIN, GAAL INUU KU SII DULEEYO AYUU DIIN LA'AAN KU DHIGAA EE GAF HADUU DHACO GADAAL LOOMA RAACO.
WAA MASLAXEEYE

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.