site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa loogu diidan yahay in Somaliland ay goosato? waa wadan xor ah oo midaam ka jiro. ka wada dooda si cilmiyeesan!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Maxaa loogu diidan yahay in Somaliland ay goosato? waa wadan xor ah oo midaam ka jiro. ka wada dooda si cilmiyeesan!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Monday, September 25, 2000 - 10:40 am
Marka hore hadii aan taarikhda Somaliland dib ugu laabano in yar oo is xasuusin ah, Waqooyi xoriyada ay maanta heysato wexey ka hanatay Gumeystihii cadaanka ahaa ee Ingiriiska, dad iyo maal badan ayeyna u hureen, markey xoriyada qaateen ayagoon cidina qasbin ayey aygoo calankii xoriyada sida ula yimaadeen walaalahood somaaliyeed, ka dibna waxa ku cad taarikhda in dhalinyaradii wax ku baran jirtay dugsiga sare ee sheekh iney ahaayen kuwa ugu cilmiga badan ee wadanka wax ka soo hogaamiya, macalimiintii dugsiyada sare iyo jaamacadaha soomaliya wax ka dhigi jiray waxey u badnaayeen reer waqooyi, dowladii dhisneyd 10 sano ee Aden Cade iyo Cabdirashiid wax horumar ah loo taaban karo kama aysan fulin gobolada waqooyi, wax iskuulaad ah ama cisbitaalaad ama wadooyin ah oo loo dhisay ma aysan jirin, wax qabadkii dowlada oo dhan waxa lagu koobar koonfurta iyo magaalada muqdisho.

Ka dib waa xukunkii la wareegay ninkii dhiigya cabka ahaa ee Siyad Barre iyo xulufadiisii arinttii wexey noqotay ka dar oo dibi dhal, iska daa in wax loo dhisee waxaa la burburiyay intii ay reer waqooyi iskood u dhisteen ama ay Gumeystihii kal hareen, Gaani wuxuu ardey iyo odoyaal ku toogtay magaalada Hargeysa, anaga xamar ayaan iska qosleynay, anigu reer Muqdisho ayaan ahay weligeyna ma tegin Hargeysa ama waqooyi, tobon sano oo bandow ayaa lagu soo rogay Hargeysa, Gaani wuxuu u ley jiray dadka sidii filimada Kaaboyga, wax u hadlay xuquuul insaanimada iyo dhibaatada lagu haayo reer waqooyi ma jirin, nin walba danihiisa ayuu ka raacday, ka dib waxaa loo diray janankii bodygaarka u ahaan jirin Siyaad Barre oo amar lagu siisay inuu baabi'iyo inta ka soo hartay reer waqooyi, Ardayda reer waqooyiga markey dugsiyada hoose/dhexe ama sare ka soo baxaan waxa lagu qasbay ineey xalane ku soo xaroodaan ama ay shaqo iyo baasaboor u soo doontaan magaalada Muqdisho, imisaa gaari ayaa ku gadoontay iyagoo wada dhalinyaro yar yar oo soomaaliya maanta mustaqbal u noqon lahaa, wadooyinkii oo dhan waa la baabi'iyay si ula kac ah intii dhimasho ka soo hartana wadada ayaa gaani iyo Moorgan ka qafaali jireen.

Mar labaad ayey reer waqooyi iska xoreeyeen gumeysigii madoobaa oo ay marki hore ay moodayeen inuu walaalkood ahaa, ka dibna iney yihiin dad horumar, nabad jecel wexey iska markiiba sameeysteen maamul hoosaad ka shaqeeyay inuu dib u soo celiyo nabadgalyada ka dibna ay waxey doorteen baarlamaan iyo madaxweyne ay kuwada kalsoon yihin, wixii ka dhacaayay gobolada koonfureedna fara ma ay san gashay oo danahoda ayey ka raacdeen, marka aniga waxaa la yaabanahay sababta ay soomaali weyn ugu soo horjeedo in waqooyi ay iskeed u madaxbaanaato, oo loogu qasbaayo dhibaata iyo dulmiga aaan anagu ku jiro nala soo gal, maxaa loo fara gelinaaya hadii aan anaga koonfur dowlad dhisan weynay ma qasabaa inaan burburino tan waqooyi ka jirta, maxaase naga quseeya waxa ka dhacaaya waqooyi iyo Hargeysa, hadii aan la rabin in sidii Siyaad Bare dib loo bililiqeysto, Aniga wexey ila tahay Soomaaliyey in walaalaheen waqooyi iska daa in laga horjoogsado homarka ay gaareenee in lagu taageero iney dowlad gaar ah noqdaan sida Jabuuti si ay berito noo anfacaab ileen walaaltinimadu ma aha mid sahal ku go'eysee. markii anaga aan wax noqonana uma maleynaayo in walaalaheen waqooyi ay na diidi doonaan, balse waxa kaliya ay leeyihiin walaalayaal ha nala daayo. Dooduna wey furan tahay si cilmiyeelsan iyadoon aan la is cayneynin nin walba fikradiisa ha dhiibto.
Anigoo soomaali ah waxaa leeyahy SOMALILAND horumar ha gaarto. Xadiis nabigeenii nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ayuu ku yiri waxaad naftaada la jeceshahay la jeclow walaalkaa kale ee islaamka ah. Hadaba aniga waxaan jecelahay iney koonfur ama muqdisho nabad iyo dowlad ka dhalato marka sidoo kale ayaan la jecelahay walaalahey waqooyiga waana ku taageersanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

g

Monday, September 25, 2000 - 11:16 am
ok burciyo hargayso kaliya ha godo inta kalese NO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hargeysaawi

Monday, September 25, 2000 - 11:38 am
Ku Axmed


Waa xaaji hadalkaaga waxaa ka muuqda qabyaalad
dood cilmiyeedna ma noqon karto waxaad ku hadleyso
markaa waxaan kula talinayaa waxyaalaha aad ku
hadleyso wax ka badal.
BY:Hargeysaawi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BASEEY

Monday, September 25, 2000 - 01:51 pm
ahmed,

saaxiiboow waan kula qabaa fikradaada sababtoo ah reer waqooyi dhafooka bistoolad ma uga heen markii ay soomaaliya la midoobaayeen waxa hada kala g'o kayeersiiyey waa dhibkii loogaystay iyo iyadoo aysan jirin communication dhab ah ee ka dhaxeeyey dadka southka.sidaa darteed soomali oo dhan desperate ayey u tahay in dowlad la helo therefore, waxaa jira dad badan oo burburkii soomaaliya ka dhacay qayb weyn ka soo qaatay rabana in ay ka faaiidaystaan shacab rabo in ay dib u soo noolaadaan hadii la rabo in dib la isugu soo noqdo waa in aan kasbanaa oo la doodnaa uguna tagnaa goofkooda madaxana raali galin u keenaa
sababtoo ah dhibaato xoog leh ayaan ku haynay hadii ay noqon leheed mid dowli ah iyo mid qabali ahba. marka hadii jujuub iyo myth aan ula tagno sheekada waa sii xumaanee waana sii fogaanee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fartiinn

Monday, September 25, 2000 - 06:56 pm
marka hore soomaali land ilaa intee dul le eg ayey ku fadhidaa
beelaha daganse ma uwada dhan yihiin goosashada
mise qofna waxuu rabo ayaa latix galinayaa qofna waa lagu tumanayaa
hadaba qabiilka ••••• ladhoho haday rabaan ayagu hargaysa burco barbara balse laascaanood ergaabo boorame midna madoonayaan soomaali kale go eeda
ee cigaal intaad dadka afduubi lahayd waad afduubtay maantana xaqbay uleehihiin in ayrabitaan kooda muuqiyaan.
kamaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAUDWAAYE

Thursday, September 28, 2000 - 08:27 pm
ERIGABO WAA KU WAALATEEN.MA LIHIDIN MANA
HELI KARTAAN.HALKAN IYO MEELO BADAN OO
AAN AKHRISTAY WAXA IIGA MUUQATA IN DAROOD
NABADGELYO DOONAYN,WAXA QUDHAY GARAN
KARAANA AY TAHAY QORI CAARADII.HA DEGDEGIN
WAA IS HURANEE.LASCAANOOD QAADO.GUDABIRSI
IYO BORAME NA QAADO.UMA BAAHNIN.WAXAAN SE
KUU SHEEGAYA INAADAYNO TEGAYN.ATTENTON
BAA DOONAYSAAN.MAANTA LASCAANOD DHULBAHANTA
HAYSTA OO LACAG KA QAATA SOMALILAND IYO
PUNTLAND.WAAR IDINMA XUKUNO,IDINA DOONI
MAYNO.IDINKU CAR BAL WAX GAADA,OO MEESHA
DOONTAAN QABTA.IDIN MA HAYSANO, WAQTINA
UMA HAYNO DAD AAN GARANAYN WAXAY DOONAYAAN.
WAA IDIN BARYANAAYI NAGA TAGA IDIN DOONI
MAYNO E.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Sunday, October 01, 2000 - 09:04 am
Ku: Hargeysaawi

Aniga ma ahi Qabiileysti waayo uma aanan dhalan reer waqooyi weligeyna ma tegin Hargeysa iyo agagaarkeeda, waxaan ahay NIN MUDULOOD kna dhashay magaalada Muqdisho, balse aniga fikradeyda ayaan dhiibtay iyo sidey ila tahay, adigase bal fikradaada dhiibo iska daaye qabiilkee, maxaad ugu diidan tahay iney reer waqooyi aayahooda ka taliyaan oo ay dowlad xor ah noqdaan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wasakh

Friday, October 06, 2000 - 12:48 pm
couse your ass belong to darods....lol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shaati guduud

Tuesday, November 07, 2000 - 03:27 am
reer waqooyi waawalaalayaasheen mana rabno in ay caruurtooda iyo haween koodaba ay dhibaato soo gaarto waayo dadka raga ah ee waqooyi marabaan in ay wadan kooda wax taraan waxey rabaan in ay dadka kaliya ay baraan qaad cunida oo uu waxsoo saar kooduna noqdo oo kaliya qaadka sidaa darteed waxaan kanaxeynaa caruurta iyo haweynka waqooyi mana sii neyna marnaba wax madax banaani ah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.