site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Su'aal ku socota dadka kamida jabhada USC

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Su'aal ku socota dadka kamida jabhada USC
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Just a thought

Tuesday, September 26, 2000 - 04:04 am
Reer USC waxaan idin weydiiyey Xamar markaa qabsateen maxaa uga dhigteen a ghost town? Maxaa idiin diiday inaa magaalada badbaadisaan? Maxaa idiin diiday inaad dadweynaha hubka ka ilaalisaan?

Adduunka dhan way dhacdaa jabhad magaalo qabsata laakiin wali aduunka kama dhicin jabhad intay magaalo qabsato sidaas ka dhigta. Tusaale ahaan SNM markay magaaloyinka Somaliland qabsatay haba yaraatee magaalooyinkii dhibaato maloo geysan, oo kaliya waxaa is badalay xukunkii.

Reer USC, nin ku takhasusay arimaha Africa ayaa la waydiiyey sababta Xamar ay saas u noqotay Adisababana u noqon weysey, wuxuuna ku jawaabay Adis Ababa waxaa qabsaday jabhad rabtay inay xukunka waddanka qabsato oo qorsheheedu diyaar u ahaa laakiin xamar waxaa qabsaday dad mowqifkoodu ahayn dowladnimo ee uu ahaa bililiqo iyo inay ka taajiraan handida dowladaa.

Hadaa tihiin reer USC malaga yaabaa khaladka aad Soomaliya dhan ka gasheen inaad mar qirataan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yahuud neceb

Tuesday, September 26, 2000 - 04:53 am
waan baqney in afweyne dib ugu soo laabto oo sidii iyo si ka daran uu inoo gumeysto.
Geed weyn oo xididdo dheerna haddaad tiraahdo waan siibi dee aduguba garo daaro farabadan baa dumaya. wexey ku wanaagsantahey in la gooyo geedka. Afweyne mar haddii la goyn(dili) waayey, markaa dee waa in la rujiyaa(buriyaa), kana cabso in uu ku soo laabto booskiisa. Saas darteed duqii xaal ha qaato, muqdishowna waan xaalmarineynaa. Daarroodna xaal baan siineynaa gabdhana waan siineynaa annagana waan ka guursaneynaa.
ma yahuud baad tihiin oo wali hadal haysa Hitler, war maruun naga joojiya waad nagu waasheene. ma yahuud baa wax idin galey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAUD

Tuesday, September 26, 2000 - 05:50 am
Walaal, waa su'aal fiican aniga kula hadlaya USC aad ayaan u taageeray markay rabtay inay soomaaliya qabsato laakiin walaahi hadaan ogaan lahaa in mowqifku ahaa sidaan waxba kuma darsan lahayn. Waxaa kaloo ogaataa in dagaalkii 1991 wax USC la dhahaa iska yaraa qabiil walba meel ayuu ka dagaalamayey oo magaalada dhinac ayuu qabsaday kadibna anagaa qoryaha isku jeedinay oo qabiilba kii ka tabar yaraa ayuu dulmiyey.

Cillada u weyn ee nagu dhacday waxay aheyd ma aanu garanayn waxaan u dagaalamaynay, qorshaha ugu weyn wuxuu ahaa siyaad halaga saaro waddanka ama hala dilo. Tii markay suuro gashay ayaa la is weydiiyey maxaan ku xijinaa? Waa la isku khilaafay ilaa abgaal iyo habar gidir si xun isu dagaaleen. Kadib habad gedir iyo murursade, habargedir ito xawaadle, the list goes on and on. Ilaa aakhirkii ninkii noogu magaca dheeraa uu ku dhintay gacan wlaalihi ay sacad isla yihiin.

Sheekadu si kastaba ha ahaatee waan ka shalaayaa inaan dagaalkaa qabiiliga ah gacan ka geystey aniga kaliya maahane waxaa ial mida kumanaan qurbaha jooga oo markii hore laga dhaadhiciyey dowladaan qabsanaynaa siyaadna waan dilaynaa laakiin lacagtii ay direen lagu laayey walaalahood. Waxaa kaloo ogaataa •••••• dadkuu iska dilay 10 mar way ka badantahay kay ••••••• ka dileen. ••••••• magaalada waa ka baxay laakiin xabadii ilaa iyo hada waxay ku dhacaysaa dad ••••••.

Dhinaca magaalada gubatay waxaan u eedeynayaa jabhadda aan ka mid ahaa ee USC sababtoo ah hadaan mowqif fiican wadan lahayn qofna lama dileen wadana lama biliqeysteen maantana •••••• dowlad ayuu ahaan lahaa.

Wa bilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, September 26, 2000 - 06:44 am
Salaan kadib:
Daauud aad ayaad u mahadsantahay wax dhacayana ilaah un baa garan laakiin masidaan mooday mise siday noqotay ayay xaajadu noqotay, laakiin bal soo deg.
Markii Afweyne xamar kabaxay waxaa la is lahaa waa cusub ayaa beryaya markii uu is magacaabay Cali Mahdi!! waxaa xaflada ugu borotokool sareeyay Xuseen Kulmiye miyaanayn halkaas ka cadayn inaan lala dirirayn dawlad??

Mida kale wixii dhacay dhece laakiin dadka qoriga xamar kusitaa waa dad badidoodu laga keenay miyiga lagana dhaadhiciyay in laguumaysto kadibna sidii miyiga loogu celin lahaa ay noqotay wax adag marka waxaan kuwaydiinayaa
Fikrada ah in dadka Usc ah la guumaysto sidee u tir tiraysaan mise weli aamin santihiin haday aargoosi tahay xataa inaad gaarteen meeshii aad rabteen

Dadkaan magaalada baabi,iyay maaha dhal magaalo ee sidee kayeelaysaan?
Maantay dawlada idinkaa hogaaminaaya raalina waan idiinka nahay ee idinku malaga yaabaa inaad hasha naga gaagixisaan?
Wanaag haloo wada hadlo cayda ciyaalkaan u daynaynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHEEKO-WADAAJIYE

Tuesday, September 26, 2000 - 07:22 am
KU: SU'AAL QABAYAASHA IYO U JAWAABAYAASHA

AAD IYO AAD BAAN UGU FARAXSANAHEY SIDA WACAN EE AAD ISKU DHAAFSANEYSAAN SU'AALAHA IYO JAWAABAHA ISKU DHEELI TIRAN, EE AAN CIIL IYO XAMAASAD TOONA LAGU ARAG.

HADDABA HALKAAS KA SII WADA KAFTANKA IYO SHEEKADA. WAXAA LA YIRAADAA, "AAN SHEEKEYSANNO WAA AAN HESHIINO."

WARGALIN: HADDII EY IDIN SOO GAARAAN KUWA SOO QORA HADALADA SUUQA IYO SHAAHA KORKIISA, ISKU DHINAC UGA SOO WADA JEESTA OO U SHEEGA IN AAN BOOS UGA BANAANEYN BOGGAN.

WA IDINKAAS!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Tuesday, September 26, 2000 - 07:48 am
Salamu Alaykum.

Anigu waxaan qabaa arinka Somaliya waxa uu uga duwan yahay wadamada kale, waa qabiil. Mida Itobiya, markii jabhadu ay u soo jirto 90Km waa isaga tagay Mingiste, hase yeeshee Madexweynihii Somaliya waa diiday inuu ka tago. Sida aan wada ognahayna ninkasta oo ka mid ahaa dowladii hore qaasatan dadkii baabi'iyey shacabka soomaliyed cidoo doono haka dhashee reerkiisa ayaa soo dhaweyey, taasina waxay ku tusaysaa inaan dowlad lala dagaalameen ee lagu dagaalayey qabiil. Mida kale waxaan la yaabanahay ragiinan Xamar uun ka hadlayo, meeyey goboladii kale markii la cunayey gobolada kale oo gabdhaha la kufsnayey ayadoo magac dowlad la wato, oo guryaha madaafiic lala dhacayey, xoolaha la leynayey, Hargeysa ilaa iyo Xamar inta u dhaxeysa, maxaa dhacay oo aad isu su'aali weyseen, mase Xamar waa caasimad ayaad ka wadaan. Hadii aan isku dayo inaan koobo hadalkeyga, waxaan oran lahaa waxaan ku dagaalameynay qabiil oo awalba jabhadaha lagu dhisay, maxaa yeelay dowladiiba dadka qabiil ayey ku baabi'inaysay, hadii qabiil meel isugu tagana waad garaneysaa oo waata meel walba ka taagan.
taas ayaana sababtay burburka Xamar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxubo

Tuesday, September 26, 2000 - 09:01 am
Walaal Soomaali cillada na haysata waa anagoo aan aqoon sida loo doodo. Doodaan waxay ku saabsantahay USC iyo Xamar ee maxaa ula soo boodday arimo kale. Meeshani waa free oo qofku wuxuu rabuu dadka waydiin karaa sidaa daraadeed maxaa kuu diiday inaa dood cusub furto ciwaana uga dhigto dowladii Afweyne iyo siday dadka u gashay. Hadaa fiiriso meeshan lagu sheekeysanayo iyo dhamaan meelahay soomalidu isku aragto wax alga wada hadli karo ma jirto sababtoo ah hadaa damacdo inaa dadka kala hadasho hal subject waxaa dhacaysa in dadkii meesha joogay ay ku leeyihiin maxaa dadka kale uga hadli weysey.

Hada waxaan akhrinayey qoraal kale oo joornaalka panorama uu uga hadlay dagaal wade Bood aa ay dadku leeyihiin waa anti-abgaal. Qofku danbiguu galo waa laga hadli karaa khasabna maaha in qofkaas dad lamida laga hadlo.

Calaa kuli xaal qoraalkaada waxaan u arkaa mid ka baxsan topiga laga hadlayo.

Intiina kale, sheekada waan ku faraxsanahay sida sharafta hel oo aad u wada hadlaysaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 27, 2000 - 11:06 am
Jawaab

Su'aasha ahey maxaa USC ay u burburisay xamar ayaa waxaa ka dhiibanayaa ra'yigeyga waana sidan
Xamar waxaa markii hore soo galay niman la yiraahdo reer indho bood ku haaye oo habar gidir iyo duduble ah, wexey bilaabeen iney xamar gaari gacan ku gadaan dacas, taas oo aan weligeed la arag, ka dibna nin waalan oo maanokoopia Laasareeti lagu daaweyn jiray ayaa hogaamiye u noqday waa Ceydiid, sababtoo ah ayagoo dhan wexey gedi jireen dacas marka nin waalan iyo iyo nin garaashele ah ayey hogaanka u dhiibteen oo ugu aqoon badnaa dhamaantood, dhulka aay ka yimaadeena dhagax ayaa laga cunaa xamarna wexey ku arkeen canbe iyo babaay, yaa xamar isbaaro ka yiqiin? yaa in naagaha la xoogo siiba habraha 90 jirada ah keenay? yaa in fiilooyinka dhulka laga baxsado keenay? war soomaaliyey maxaad isu indho tireysaan wax kaste waad ogtihiine.

hadana waad ka sii darteen oo waxaad u sii dhiibateen XUkun ku meel ah ha idinka saarto hee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 02, 2000 - 11:04 pm
meesha dhagaxa laga cuno waalayaqaanaa oo qaraxa ah waa busland,baayo bari laga reysay iyo babaaygii bololka ahaa,marna bada xasharaad ka raadso jaajiyahay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.