site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Daraasad ku saabsan sida Soomalaidu u isticmaasho internetka ?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Daraasad ku saabsan sida Soomalaidu u isticmaasho internetka ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdidhuh

Tuesday, September 26, 2000 - 11:33 pm
Daraasad ku saabsan internetka iyo Soomaalida.

Daraasad lagu sameeyay Soomaalida iyo isticmaalka internetka ayaa lagu ogaaday natiijoyin la yaab leh. Dadka degan gobolada waqooyi galbeed ee Soomaaliya si gaar ah Reer Isxaaq waxay internetka ka dhigteen meel ay ku soo gudbiyaan si xoog lehna ugu cabiraan fariintooda ku salaysan kala goynta waddanka iyo soo bandhigidda aragtida Somaliland. Gadabuursiga, Dhulbahantaha, Warsengeliga iyo otherska la degana waxay la daba taagan yihiin mucaaradad aan kala go’lahayn taas oo ka dhigtay in websiteska oo dhan ay harqiyaan articles iska soo horjeeda oo mowduucaas ku saabsan. Somalilanders oo lagu yiqiin inay balwadda iyo qaadka ku mashquulaan markan waxay burka u qaateen siyaasad iyo gobol gooni ah.

Fikrad taas la mid ah oo isa soo taraysa ayaa iyana waaydan dambe laga akhristay internetka taas oo xambaarsan aragtida Puntland iyo inay state noqdeen. Dadka u dhashay oo sheegan jirey in ay horsedaan wadaninimada iyo midnimada umada soomaaliyeed ayaa maanta u taagan gooba goobaynta waddanka. Waxaa laga dhadhansan karaa articleska puntlanderska in markii ay Soomaali weyn boos ka waayeen ay madaxnimo jacaylkoodii iyaga iskula noqdeen.

Guud ahaan Hawiyuhu isticmaalka internetku sidaa uguma badna oo aqoontoodu ma gaarsiisna kuwoodii soo gaarayna magac fiican kuma laha oo waxa ay ka badin la’ yihiin waxbaanu eryanay, waddankii innaga ayaa idinka saarnay, iwm. Habar gidirna internetka dhexdiisa iyagoo bililiqo ka raadinaya ayaa la shegay inay isku dhaceen qolo kale oo iyana isla hawiyaha ah oo iyana bililiqo doon ah.

Dadka koonfurta u dhashay ee isku jirka ah sida Biyamaalka, Bagadiga, Banaadiriga, Abaa jibilka, iyo inta soo raacda internetka si ilbaxnimo leh ayay u isticmaalaan inkastoo laga helayo qaar badan oo ka mid ah dadkaas oo ku can baxeen isticmaalka hadalada adag ee laga xishoodo oo ay ka mid yihiin galmoodka, aflagaadada iyo inay la baxaan magacyo aragagax leh lagana cabsado oo dhamaantood galmoodka iyo xiriirka lab iyo dhedig ku xiriira sida wasaaye, jaqsiiye iwm.

Isku soo wada duuboo, waxa cadatay in dadka Soomaaliyeed aanay si haboon uga faa’iideysan adeegsiga intrnetka iyo taknoolijiyada casriga ah waxaan la soo jeediyay in siminaar degdeg ah loo furo kaas oo goorta la qabanayo dib aga soo sheegi doono. Seminaarkaas waxa uu ku saabsan yahay EDEBTA internetka looga baahan yahay ee maaha sidee loo isticmaalaa internetka inkasta qof walba sidii uu aqalkiisa sida uu ku yahay uu la soo dibad baxayo.

Abdidhuh@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guledyarre

Wednesday, September 27, 2000 - 12:34 am
to cabdidhuux.

afkaaga caana lagu qabay war ninku waa suxufi wayn. ilaa iyo mudo intee le eg ayay idinku qaadatay cilmi baaristan. wax ilaa iyo hadeer la idinka bili li qaystana ma jiraan lol.
anigu waanla dhacay arintaad cilmi baarteen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hakker

Wednesday, September 27, 2000 - 04:24 am
to guleedyare,
hadduusan joojinin dacaayadda si dhab ah ayaan uga biliqeysan, emailladana waan ka akhrisan, hadduu rabo lockdown ha isticmaalo ma ha iska daayo. Wallee cayaarbaad moodi ee adoo soo taagan oo wax qoraya ayaan computerka oodhan kaa formataareyni abdidhuuxow haddaad dacaayadda joojin weysid/!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.