site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Shakhsiyaadkii muhiimka ahaa ee somalia qarnigii 20aad

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): Shakhsiyaadkii muhiimka ahaa ee somalia qarnigii 20aad
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 27, 2000 - 03:03 am
Ka dib markii aan daraasaad iyo cilmi baadhis
dheer aan ku sameeyey.Halyeeyadii somalia ee
qarnigii tegay. waxaa soo baxay laba nin oo u dhigma halyeeyadii africa sida lamumba & Nakruuma
Ka dib markii aan eegay halgankoodii,diintoodii
daacadnimadoodi,halgankoodii iyo midnimo jacaylkoodii.Raggaas oo ku shahhiday shirqoolkii
gumaysigii reer Yurub.waxay noqdeen.Allah haw
naxarriistee 1.Faarax Oomaar 2.Maxamuud xarbi
FAARAX OOMAAR waxaa laga hayaa waddankaygu wax
shan loo qaybiyo wuu ka yar yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KOSHIN

Wednesday, September 27, 2000 - 05:48 pm
Aniga oo kugu raacsan. Fadlan Ha hilmaamin
Geesiga ladagaalamey Gumeysigii. Sayid Mahamed Abdulle Hassan. Taariikh dheer oo ka yaabisay aduunka ayuu kataga. Laxiidhii INDIAN UNIVERSITY.
Thank you.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdi

Thursday, September 28, 2000 - 07:45 am
Asaalama Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu


Siday aniga ila tahay Halyeeyayada Soomaaliyeed waa ay fara badan yihiin mana ahan kuwo lagu soo koobi karo baajinkan.

Haddii aannu ka soo qaadano magacyadooda qaar ka mid ah halyeeyadaas:

13kii syl, Maxamed Cabdulle Xalane, Muuse Galaal, Sheekh Xassan Barsame, Maxamuud Mire, IWM.

Waxaa kaloo iyaguna jira rag xagga aqoonta aad uga qeyb qaatay Sida Macalin Jaamac, Juxaa Xaaji, iyo qaar kaloo badan.

Salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bilan

Thursday, September 28, 2000 - 08:02 am
Walaall hadaad darraasad iyo cilmi baadhis aad ku sameysey halyeeyadii soomaaliyeed maad ku soo koobteen labo qof jirtoo ay ahaayeen qeyb ka mid ah tan hore hadaadba ka tagtey dadka aad magacooda loo yaqaan oo xataa dadka somalia ku xeeldheer ay aad curubka ugu dhuftaan sida ahmed gurrey daraasadaada dib ugu noqo mise mabaadba baasin


Page kalaan ku arkaayeye dooda ahmed gurey oo aan aniga ruuxaaga ka qeyb qaatey

hadalka aan soo gaabshee wlaal me sabab kalaa jirta oo aadan u xusin

intaa baa kuugu filan hadal ee soo naqtiin


Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdi

Friday, September 29, 2000 - 03:58 am
Asalaamu Calaykum

Walaalle Bilan, waxaan filayaa inaadan dhuuxin su'aasha moowduuca oo odhanaysa: "Shakhsiyaadkii muhiinka ahaa ee qarniga 20aad".

Sida aan wada ogsoonahayna Axmed Ibraahin "Guray", wuxuu ahaa qarnigii 15aad, haddaadan adigu qarnigaan nala joogin!!, moowduuceenu waa qarniga 20aad Gureyna Allaha u naxariistee ma nooleyn qarnigan.

Haddaan wax kale jirin, amaba aan laga hadleyn qarniga labaatanaad halyeeyadiisii, umaan arko inaan ka hadlo Imaam Axmed Gurey, "haddaadan qudhaadu ulajeedo lahayn, aanse ku weydiiyee maxaa asaga keliya kugu koobay?":O!

Bilaneey Ina abti bal adigoon hubsan xiwaarka moowduuca ha ku deg-degin inaad warcelin ka bixiso.


Salaama

Cabdi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish2000

Saturday, September 30, 2000 - 01:01 am
Anon!! kadib markaad cilmi baaris dheer aad sameysey ayaad ilowdey Sayid Maxamed cabdille xasan mise kas ayaad uga tagtey?. Haddii aadan qabiilayste aheyn xaasid baa tahay,waana runtii laba kala daran.

Sayidku,iska dhaaf soomaaliyee wuxuu safka hore kaga jiraa hadduusanba ugu horeyn halyeeyadii ugu waaweynaa qarnigii 20aad ee ku caan baxay gumeysi diidka iyo u dirirka xuquuqda shacbigooda.

Sayidku soo ma aheyn ninkii ugu horreeyey ee ingriisku dullaan cir ku qaado?

Soo kama mid aheyn dagaal yahannada fara ku tiriska ah ee 20 sano hor istaagnaa quwaddii caalamka ugu xoog weyneyd waqtigaas?

Soo maaha si dhab ah mid kamida abwaanada caalimigaa marka taariikhda la eego ee Afrika kasoo baxey?

Soo maaha ninka carabta iyo afrikaankuba ay kufaanaan?

Soo maaha ninka aabaha u ah dhaqdhaqaaqa gobanimadoonka soomaaliyeed?

Runtii qabiilka sayidka shaqa kumalihi xataa qof aan saaxiibanahay oo qabiilkaasa majiro,laakiin sayidku waa nin uu ku faano qof kastoo soomaali ah oo wadani ah.

Ugu danbeystii waxaa iga talo ah TAARIKHDA BEEN LAGAMA SHEEGI KAREE YAAN LA ISKU DAYIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Saturday, September 30, 2000 - 02:17 am
Asalaamu Aleeykum

wiilkii jeclaaday wuxuusan kasban

Cabdi aqoontu maha mid la sheegto ee waa labartaa


Taariikhda soomaalida yaa uugu fogaa ku dadaalka difaaca diinta iyo dalka,hadii laga hadlayo waa macruuf waa geesigii ahmed gurey.wuxuu difaacay diinta.waxa kuxigay sayid maxamed waxa uu difaacay diinta waxa uuna doonay dawlad soomaaliyeed.halku dhagiisii baa waxaa kamid ahaa

Anaa diiday gaal daa cuf daba galkiisiiyee
Dal ka malihid anaa ku iri daalin ii col ehee
Anaa diiday maan tuu lahaa deeqdan iga hooye
Anaa diiday dagal in aan lagalo doora weeynaha ee
Marka hore dalkuu idin ku oran duun yo dhaafsada ee
Marka xigana dabaqad ayuu idin dareensiine
Marka xiga dushuu idin kararan sida dameeraadee
Maxaad iiga ga digtaan baruusiin lasoodagi ee


cabdi taariikhdu waa qorantahay sayidkana nin moos goobeen jiray hala tartansiin yaan taarikhdu xaal kaa qaadin ee waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guuleed

Saturday, September 30, 2000 - 02:50 am
hadee aynoo xagaa aqoonta ka hadalno father of education aabihii tacliinta;MAXMUUD AXMED CALI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Saturday, September 30, 2000 - 10:47 pm
walaalayaal ninka yiri waxbaan soo baaray, waxaan umalanayaa anigaa in uu yahay qof wareersan oo waxa uu soo baaray ama uu darsay ay dhamaystir aan lahan. ragga uu magacaabay waa run oo waxay ahaayeen halgamayaal,balse laguma soo koobi karo hagamayaashii soomaaliyeed hal,labo iyo saddextoona,ee waxaan ku dhihi lahaa barista wali siiwat (faanoole fari kama qodna),akhritayaashana wxaaan dhihi lahaa raali ahaada
thanks abdullahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Sunday, October 01, 2000 - 01:33 am
sida raggaas oo dhan ay sheegeen ninka halkan bilaabay nin wax og maahan ama waa xaasid,labadaas aad sheegtay way kamid ahaayeen halgamayaal laakiin waa laga horeeyaa,
haddii hadalkaaga aad tidhi difaac diin iyo dal
waxaa number kow ah SAYID MOHAMED ABDULLE,
waxaa number two ah SHIIKH BASHIIR,qarniga labaatanaad IMAAM AHMED GUREY waxuu ahaa qarniyadii hore halyeeyna wuu ahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR-TROUBLEBOY

Sunday, October 01, 2000 - 12:43 pm
HABAR KASTOO SOOMALIGA SIDA LOO QORO YAR BARATAY HATIRAAHDO (HADDEE CILMI BAARIS AYAAN SAMEEYAY)WARYAA DUQU MA'OWOOWGAA BUU AHAA?SXB LAMA YAQAANE MAXAA DIB U DHIGAY TAARIIKH WAXAA LEH RAG LA YAQAAN NIMAAN LA'AQOONNA MA LEH.,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdi

Monday, October 02, 2000 - 07:21 am
Salaama

Gurey sxb waad ka dhacsan tahay xiwaarkee bal dib u yara jaleec.


Marka Hore waxaa laga hadlayaa waa "Halyeeyada Qarniga 20aad", marka xiga ninna aqoon kuuguma faanin, tan saddexaadna maahan aniga "Cabdi" shakhsiga daraasaadka sameeyey, ee waa ninka beyjka furay "anonymous".

Guray sxb ka fiirso intaadan qorin.

Guuleed waa runtaa sxb Ma'ud Ax'd Cali wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ka tilmaamanaa qarnigii tegey ee 20aad.

Salaama.

Cabdi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Wednesday, October 04, 2000 - 05:36 am
Asalaamu Aleeykum

Abdi xaal qaado

mida kale ilduufku waa dhacaa ee arinkaan waan saan usheegay u jeedadana karaac hadalku wuxuu ku dhacayaa lama yaqaankaa korkuxusan.mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugule

Sunday, October 08, 2000 - 10:57 am
aniga waxaan dhihi lahaa waxaa ugu magac iyo sharaf sareeyay qarnigii labaatanaad
1) mohamed siyaad barre
2) mohamed ali samatar
3) ismail ali abokor
4) abdulqaasim salaad
5) mohamed hashi gaani
6) mohamed saciid hersi "morgan"
7) mohamed farah aiydid
8) abdirahman jamac barre
9) maslax mohamed siyaad barre
10)ahmed omar jees
ka dib daraasad dheer iyo u kuur galid sida hagar la'aanta ay wax ugu qabteen ummadda soomaaliyeed ayaan helay natiijadaas kor ku xusan.
waxaana cod ka qaaday ilaa 100 qofood oo soomaali ah oo isugu jira kuwa wadanka jooga iyo dibadiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa

Friday, October 13, 2000 - 06:52 pm
Sugule lol@@@@@@@@
Sugule wallaal ma maanakoobiyaa hada lagaa soo daayay mise malaariyaasi xun kuugu dhacday oo Feebare xoogan oo ayaa ku haaya. sikastaba ha ahaatee alaha hakuu siyaadiyo caqliga hadaadan kaftameynin.

Abdulahi Ciise, Aaden Cadde iyo Abdirashiid Ali Sharmarke waa rag taariikhda Soomaliyeed baal weyn ku leh, Jiilka hada jooganaa ay aad u xasuustaan,, Faarax Oomar iyo Mohamuud Xarbi dhalinta hada joogtaa taariikh fiican kama heyso.

Sayidkana dhib iyo dheefba waa lahaa inkastoo qabiil ahaan in loo buunbuuniyay eey cadahay.

Waa walaalkiin
Juxaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadane.

Saturday, October 14, 2000 - 11:03 am
Xagee ku helmaanteen First General of Somalia, ilaah ha u naxariistee geesigee waynaa,
General Daa,uud Cabdulle [Faynuus]
Rag badan ayaa jiray oo noolaay qanrigii 20th, waxaa kamid ahaa aqooyahankii waynaa:
Dr. Ismaciil Jumcaale Cusuble iyo kuwa kale oo badan oo soomaali ah sida ragaan soo socda:
1] FAARAX GOLOLAY.
2] XASAN GEEDI ABTOOW.
3] XAAYOW GAASHAANYARE.
4] SH. DAA,UUD CULUSOW.
5] XAAWO TAAKO.
6] SH. ALI JUMCAALE
Iyo kuwale oo badan, marka taariiqdu waa dheer tahay..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mussa

Sunday, February 11, 2001 - 11:31 am
waad salaamantihiin,soomaaliyeey ma waxaan ka hadalaa shaqsiyaadkii inoogu wanaagsanaa mise ninkastaa wuxuu qoraa afar ina adeeradii ah hadii ay sidaa tahay waatan afartii ilma adeeraday.maxamuud xarbi faarax ,xassan guuleed abtidoon,ismaaciil cumar geele,faarax wacays cabdule [faarax faras]wabillahi towfiiq.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.