site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XAGUU KA SOO BILAABMEY FANKA IYO SUGAANTA SOMALIDU?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): XAGUU KA SOO BILAABMEY FANKA IYO SUGAANTA SOMALIDU?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SEYLICI

Wednesday, September 27, 2000 - 09:02 pm
Waxaan rabaa in aan wax ka ogaado meesha iyo taariikhda fanka somaaliyeed uu ka soo bilaabmey...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHAYRREH

Thursday, September 28, 2000 - 01:44 am
TO: ZAYLICI

WUXU KASOO BILAABMAY AWDAL, WAXANA KEENAY, CABDISINIMO IYO KHADIIJA BALWO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Thursday, September 28, 2000 - 01:59 am
Salaan,

Horta waxad kala saartaa Fan iyo Suugaan.

Suugaan waxa la mid ah Maanso , ama gabay , geeraar , jiifto, baraanbur..etc.

Fan waxa la mid ah hees, music le. Markaas sxb Cabdisinimo waa lagu yaqaan ee suugaan ninkaasi shaqo kuma lahee beenta iska daa.

Suugaanta soomaaliyeed waxay jirtay intay soomaali jirtay lakiin fanku wuxu bilaabmay bartanadii qarnigan.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHAYRRE

Thursday, September 28, 2000 - 03:38 am
TO: SOMALI

CABDISINIMO WAAD MAQASHAY, WAANAD KU MAHADSANTAHAY, HASE YEESHEE KHADIIJA BALWO MA MAQASHAY, GABADHII UGU HORREYSAY EE SOOMAALIYEED EE SI PUBLIC AH U HEESTA. KHADIIJA WAXAY KU DHIMATAY DALKA SUCUUDIGA, KADIB MARKII AY GUDATAY XARAMKA.
SUUGAANYAHAYNKU WAA FANNAAN, FANNAANKUNA WAA SUUGAANYAHAN. MARKAA WAXBA HAKALA QAADIN, QIRANAIN AWDAL TAHAY HOOYGII AQOONTA, ILBAXA , FANKA IYO SUUGAANTA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abwaan

Sunday, October 01, 2000 - 05:26 am
salaama calaykum waxay ila tahay sida runta ah intii af soomaaligu jireyba suugaantuna way jirtey hase yeeshee tadawor bay soo martay ama maraaxil kala duwan bay soo martay suugaantu sida waqtigii uu bilaabmay fanku taas oo ahayd waqtigii magaalooyinka la degay ee miyigii laga yimi fanku isagoo ay ku xidhantahay hadba sida loo adeegsado haddana fanka laftiisu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha mujtamaca soomaaliyeed baa'biyey ama burburiyey markaa dadkan ku faanaya fanku gobol hebel buu ka bilaabmay waxaan odhan lahaa wax lagu faano maahee iska aamusa asal ahaan fanku ma ahayn dhaqankeena waa mid transfer ku yimi oo inagaga yimi dhaqamo kale wuxuu ahaa mid sida xumaan iyo faasiqnimo walow ee meelo wanaagsan lahaa hadana dhalinyarada aad buu u lumiyey

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.