site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XORRIYADDA AWDAL OO LA ISKU DIYAARINAYO

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): XORRIYADDA AWDAL OO LA ISKU DIYAARINAYO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Thursday, September 28, 2000 - 03:02 am
XORRIYADDA AWDAL

Qooyska ugu ballaadhan Gadabuursiga deggen AWDAL ee 'Maxamad Case' iyo Qooyska Labaad ee 'Habar Cafaan', ayaa qaban-qaabinaya in lasoo celiyo sharaftii iyo Ilbaxii AWDAL.
AWDAl waxay gacanta u gashay Iblayska Cigaal iyo Cafaariintiisa oo ka dul taagay Calan lagu soo sameeyay Itoobiya. Somaliland iyo daba dhillifyadoodu waxay ku andacoonayaan in nabad ka jirto dhulka. Waxase xaqiiq ah in Nabadaasi tahay mid la isku Khuukhuninayo oo la isku cabsiiyo haddii an Somaliland la raacin waxa dhici doona dagaal. Sidaa daraadeed ayay dad badan oo reer Awdal ahi uga gaabsanayeen inay ka hor yimaadaan taliska Habar Awal.
Maanta haddii an nahay dhalinyarada Awdal waxan isku diyaarinaynaa inaan dhiigayaga u daadino una dhimmanno xoraynta Awdal.
Inaan soo celinno Calankii buluuga ahaa ee Xoriyadda Soomaaliyeed. Iyo inaan lahaanno awood iyo Ixtiraam an ugu talinno dhulkayaga oo IIDOOR nagu xukumin. Waxan ugu baaqanaynaa walaalahayaga kale ee Gadabuursi iyo Ciise inay kusoo biiraan halgankan xaqa ah een ku badbadinayno Diinta Islaamka ah iyo Dalka soomaaliyeed, oo halis ugu jira in Yuhuud iyo Xabashi, Iidoor u galiyo gacmaha.
Waxan u baaqanaa in dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee jecel soomaalinnimada iyo Muslimnimadu inay taageeraan halgankan xaqa ah.
Waxan ku talo jirnaa in sannadka cusub ee Labo kun iyo Koowdu noqdo sanadkii an Koow ka bilaabno xoriyadda Awdal. Kumanaan naga mid ah oo ku nool qurbaha iyo Kumanaan kale oo jooga Awdal ayaa diyaar u ah inay ku waayaan naftooda, dhidbidda calanka soomaaliyeed ee BULUUGA ah.

KUMANAAN IYO KUMANAAN,
KU KALAAMA KALMAD KALIYIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
KAARKU ISKU KEENIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
KAL CABSIYEED LAHANIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
CIIL KU KAYRAAMIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
KOLNA LIBIQSANAYNIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
KOORAYSTAY FARDAHIYO
KUMANAAN WALAAL AH BUU
ISKU KEENAY XANUUNKUYE
WALLEE LABADA KUNIYO KOOW
KALA GUURKII WEEYIYE
KASII KALAH NINKII
KU DHALAN AWDALOOWE
KOL DHOOWBAA CALANKII
KAAMIL LA SAARAYAAYE
KUN JEERBAA LA CIILTIRAYAA
GEESIYADII KADEEDNAAYE
KARAAHIDAN NINKII KEENOOW
KADAB GO'AAGII WEEYIYE
KURKIYO WAXA LAGU JARI
KURAAMIHIYO LAF DHABARTEE
KOLOLO'AAGAA LAGA MAQLI
KARINKII JIIFEEDE
KABASH-KABASHBAAD U ROORI
SIDII KOROMO GEELAADE
KAADSO HADDII LAGAA WAAYAY
KAALAY JIIFSAA LAGAA HELIYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aleybaday

Thursday, September 28, 2000 - 04:19 am
walee hadaad shaqadaa bilowdid waxaa ka shaqaynaya
niman la yidhaahdo jibriil abokor, oo ka dhashay
sacad muse.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dilla

Thursday, September 28, 2000 - 07:11 am
TO:AQIL ..CAQLI AAD LEEDAHEY MA JIRTEE CAQLI LAAWAYOW .SAMAROON (GADABUURSI) WALIGIIS AYUU TARIIKHD SOMAALIDA XOR AHAAYE HADDII SHEYDAAN AAN LA ARKEYNI KU ADOONSANAYO WADAADADA JINKA SAARA U TEG EE REERKA IYAGAA KU DABIIBIYE...

TO:ALEYBADEY ..MAGACAA IGAGA FILAN MARKAA KUWII KU BADEY QAMADIGA DULCAD IYO HARTA SHEEKH WALI HUBKA MEY DHIGIN EE AFQADHMUUNAYAOW ..HUUSHTA AHI DHULJIIF AYAA LAGUUGU CADAYI....HADDAD GAABSAN WEYDO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Thursday, September 28, 2000 - 09:14 am
Sacad Muuse waa kuwii Nasabka xumaa ee dilay miskiinkii Macalinka u ahaa carruurtooda, isla markaana kana qabay Gabadha, ee waliba maganta u ahaa. Ninkaas oo ah, XASAN ABOOLLE.Idinka waxa idinku filan oo kaliya REER MAXAMAD. Waligiinna maskaxda ku haya inaan MAXAMAD CASE marnaba idin cafin doonin oo cidaamkiinna dhuuxi doonno. MIDGAYAHAYW, MIDGUHU DHALAY.

TO: DILA,

Walaal Dila, ma waxa ku gubaysa inaan meesha lagu darin magacii Makaahiilka. Haddii ad xor tahay bal ii sheeg calanka ka dul taagan Dila. Ma mid adigu ad soo samaysataybaa, mise waa mid laguula yimid o lagugu qasbay. Waa dhab ISAAAQ ma gumaysan karo GADABUURSI, hase yeeshee nasiib darro Imaanlawayaal innaga mid ah oo xitaa an ku dhalan Awdal ayaa innoo jabiyay, oo ku odhan doonna annagaa ISAAAQ raalli ka ah, Calanka Buluuga ahna diiddan. Taasi waa nasiib darro waana waxa an diiddanahay, dagaalka an kuu sheegayna waa mid xaq ah oo dhici doonna. Xitaa haddii ay noqoto inaan horta iska xaaqno xaabada na hor taala ee IIDOOR ku adeeganayo waan yeelli doonnaa. Anigayga halkan wax ku qorayina, afka uun kama hadlayo ee waxan diyaar u ahay, Ilaahayna igu og yahay, inaan u dhimman doono dhulkayga, waanan tagayaa, NEW YEARKA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Thursday, September 28, 2000 - 11:11 am
'''MA AYAAN DARNID AWDALEEY''28 SEPT 2000 ''

ILAAHAY KAAMA EEXANINOO
MA AYAAN DARNID AWDALEEYE
ODAYAAL HUNGURI QAATIYO
UMMADAADA BADHKOODOO
IRIQLAAWAYAAL NOQDOO
IIMAANKII KA TAGAYBAA
IIDOOR KAA IIBSADAYE
IYAGAANA CIILKIYO
IRDHADIYO XANUUNKIYO
ARAMIDAN KU HAYSATIYO
KUUGU WACAN ABAADKEE
EERSO WAA DHASHAADII
KUWAN KU AF DUUBAYE

HAYEESHEE IN BADANOOD
ASALKOODA TAQAANOOD
AB IYO KUGU LEH ISIROO
UURKANA KAA JECELBAA
DHAMMAAN KU EEGANAYOO
AROORYO SAMAADIYO
AYAAN WACAN SUGAAYOO
ILAAH KUU BARYAAYA
INAAD JOOGTO ABIDOO
NOQOTO ILAYS NUUROO
IFTIINSHA SOOMAALIYE

ILAAHOW,RAXMAANOOW
UMMADAYDA SOOMAALIYEED
U GURMO IDAYL AHAANBOO
UL IYO DIIRKEED KA YEEL
ILAAHOOW CALANKAYGA
ASTAANTA BULUUGA LEHEE
GEESIYAAL U IISHEENIYO
ASTUR CIIDAYADA HOOYO
ALLAHAYOOW DEGAANKIYO
AQALKAAN KUSOO KORAY
UDUBKIISA ADKEEYOO
AWDAL KA ILAALI CADOW
NAGA QABO ILAAHOOW
IIMAAN LAAWAYAASHIYO
KUWA DIINTA INKIREE
U ADEEGAY AMXAARIYO
IBALAYSKIYO YUHUUDA'E
DUCADAYADA EEBOOW
NAGA AQBAL RAXIIMOOW

AWDALEEY DHEH...............AAMIIN.............
UMMADDAAY DHEH..............AAMIIN.............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jibriir Abokor

Thursday, September 28, 2000 - 11:39 am
Waar gadabguursi sadex meelood labaa raacsan Somaliland, ee dantiina ku toosa waligiinba waydinkii ku hoos noolaa Jibriir Abokor.
Waliba Maxad Casee waa raacay somaliland ee beenta
dadka ka daaya waayo xamar inta cirka ayay idiin jirtaa ee halkeydin geli hadaad wax is moodaan.
Boorame waa meel ku taal laba buurood dhex dood
markaa ha ka dhigina magaalo.
Reer koonfurtu daraadayo ayay idinku yaqaanaan waayo "gudabuursi ayay idiin yaqaanaan".
Hadaab dagaal rabtaan saacad wax ka yar ayaan ku qaban Boorame markaa nac nacda daaya huush yahay wax is mooday, miyaad ilowdeen dagaalkii Qosol wayne ee mayd kiinu hadh beelay ee dhalinyarta Jibriir Abokor idiin geysatay uhuhuhuhuhuhuh.
"Liibaan Akhwaan" miyaad ilowdeen, dawarsigii aad
ku noolaydeen meel walba. Markaa Faqashta aad u naagaynaysaan wax ha idiin tarto ilyartaay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Thursday, September 28, 2000 - 01:17 pm
TO JIBRIIL ABOKOR

ISAAAQA RUNTA AHI, HA II REEMEE, MAXAY RARO DHAWRTU LEEDAHAY.
WAAR JIBRIIL ABOKOR MA ISAGAABA ISAAAQA AH.

MA IDINKAA MAXAMAD CASE CIDHBAHOODANA GAADHI KARA, HUUSYAHAY QUDHMIINI. CAR WAA INOO NEW YEARKA IYO DAGAAL WEYNE AH GADABUURSI IYO ISAAAQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Thursday, September 28, 2000 - 01:19 pm
Saaxiibayaal reer owdaloow waxaad tihiin gobta soomaalida,mutacalimiinta,iyo indheergaradka intaba. Waan ka xunahay in iidoor qudhmoone uu sidaa idiinla hadlo waase nacasnimada yibraha isaaqa loo yaqaan, aan dib u soo celino USB isla markaana karbaash kala daala wasaqdan asalka xun leh ee iidoor, kana fekera waxa ku kalifay iney boorame ciidamo keenaan oo ay keeni waayaan Laascaanood,Buuhoodle,iyo meelo kale oo fara badan
Gedabuursow saaxiibayaal dowlad ayaa la sameystay
ee wadankiina ka sura calankii buluuga ahaa kana baxa riyada iidoor ee aan weligeed la gaadheyn.
Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dilla

Thursday, September 28, 2000 - 09:18 pm
TO:jibriil aboker,xoolow yahow adigu waa siduu AQLI kuu sheegee ••••• iyo gadabuursi wali ma dagaalamin..somalidaana ku maahmaahada (GUDUMOOYOW IMA GOYSEEN HADDDAN BADHKEY KUGU JIRIN)..markaa caada qate naga mid ah ayaa been kuu sheegey ..nabadana cid adiga khaasatan rara dhawrta ah(jibriil-aboker )kaaga daba xumi ma jirto ..oo duhur cad ayaa waxaa yaa isaaaqaay kaaga siiyey shaley ceelbardaale iyo caada reer-maxamed oo qudha somaalina kuma taqaan ee ciir cab yahow adigu afka qadhmuun ka jeedi )MAXAD -CASE).IYO DARAAWIISHTA MA GAADHI KARIDE...


..HUUSHTA IYO HAASHTA,
...DUULKAN WADA HILAABAN ,
....EE HEYBTA KA ISAAQA AH,
OROD DAMEERAHAAGII...RAAC!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Cige

Thursday, September 28, 2000 - 09:40 pm
Waar nimanyahaw maxay isla waalayaan nimankan gadabuursi. Waar ayaa idinku hasta gobolka awdal.
Waar sowdinkan wadanka dhisay, sowdinkan wadankiina idinku xukuma, sowdinkii la heshiiyey ••••• ood kula heshiiseen dawlad madax banaan.
Waar dagaalada somaalia intii uu socday sowdinkii dhistay Jaamacad. maxaad u dhisan weydeen intii Siyaa barre wadanka xukumey, sowtii wadan markuu somalia ahaa laggugu xukumey.waar sowtaad dad noqoteen markii dalku ka xoroobey siyaad barre.

Waar ma waxaa idin dhibaya oo kali ah calanka ku qoran magaca ilaahay mise wax kale.
Nin ••••• ah ama habar awal ah kama taliyo oo xaqiiq ah gobolka Awdal.
Waar maxaa idinka maqan gadabuursiyow.
Waar sowdinka kule wasiiro iyo xildhibaan dawlada soomaliland. Waar bal i sheeg maxaad ku lahayd wax wasiiro ah dawladii siyaad.

Waar nimanyahaw isku xishooda oo ha iskaga ciyaarina dalkiina iyo qarankiina.Waar ha noqon nina nin dhargey oo alxamdullilah dhahayn.
Waar hoy ka joog ma ahe sidan si idiin dhaanta ma halysaan oo wallaahi xaqiiq ah.
Waar haduu ku dhibayo calanka ay isaaqu sameeyeen dee sameyso calan ka taagan Awdal oo hoosyimaada calanka somaaliland.

Waar nin kuu taliyey kuma dilin ee ka joog.
Waar hadii waxkale ay ku dhibayaan dee soo sheego.
Intaasi waa dardaaran ee madax adayga iska daaya.

Somaliland waad u dhalantay ama diid ama doon.

Sidaa iyo bye bye bye bye bye bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jibril Abokor

Friday, September 29, 2000 - 07:15 am
TO: Axmed Cige

Runta ayaad ka hadashay, waxaanse kuu sheegi lahaa waxaa halkan ku baroorta Gadabuursiga qabiilo yar yar oo ka mida. Waxa ay u hadlayaan sidii uu Makaahiil Samaroon waligii gumeysanayey. Ku dheh
Makaahiil baa soo socda, iyagaa kala carariye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Friday, September 29, 2000 - 12:00 pm
TO: JIBRIIL ABOKOR(HUUSH) (RARO DHAWR)

MAKAAHIILKA MA WAXAD U HAYSATAA INAY WASAKHDAADAASOO KALE YIHIIN. IN SAN IYO IN XUNBA WAA LAGA HELAA SIDA DADKA KALE OO DHANBA. QAYBTA KA MID AH MAKAAHIILKA EE AWDAL KU DHALATAYNA DIYAAR AYAY U YIHIN INAY HALGANKA NALA GALAAN. WAXANA KA MID AH REER NUUR IYO REER AXAMAD OO MARNABA AN RAACI KARIN JIBRIIL ABOKOR IYO QUDHMIS.
HA IS ODHANIN GADABUURSI ISKU JABI, WAAYO GADABUURSI WUUKA AQLI IYO AQOON BADAN YAHAY GUDDAAFADDA IIDOOR. NEW YEARKANA WAXAN KUU MUUJINAYNAA INAAN DAGAAL XAQA AN KU HESHIINNI DOONNO OO GOBOLKA AWDAL IYO GOBOLKA BADDA CASE-SAYLC, LABADABA LAGA TAAGI DOONNO CALANKII XORRIYADDA SOOMAALIYEED EE BULUUGA AHAA.

TO: AHMED CIGE

HEES SOOMAALIYEED AYAA HALKU DHIGEEDU AHAA, "GUNNIMMO DHEREG LEH, GOBANNIMO GAAJO LEH AYAA KA ROON". TAASI AYAAN GARAWSANNAHAY HADDII AN NAHAY REER AWDAL. CIGAAL IYO IBLAYSKA UU HOGAAMIYAAYI WAXAY KU KACEEN WAXAN AN TAARIIKHDA SOMAALIYED WALIGEED KA DHICIN, OO XITAA ISTICMAARKII UNA KU KICIN. TAASI OO AH IN UU GOOYO XUDUUDKA U DHEXEEYA AWDAL IYO JABUUTI OO WALIGOODBA DHAQAALAHOODU ISKU XIDHNAA. HADDII CADAWNIMADA INTAA LEEG IYO GUNNIMMADDA INTAAA LEEG AYDAAN U ARAG WAX LAGA DHINTO, DEE WAA NASIIB DARRO.
CALANKA BULUUGA AH EE AD SHEEGAYSO, WAA CALANKA KALIYA EE ADDUUN WEYNAHA U SHEEGI KARA IN SOOMAALIYA AY TAHAY DAL XOR AH. WAANA CALANKA KALIYA EE NOO SHEEGI KARA INAAN NAHAY XOR HADDII AN NAHAY REER AWDAL, ILAA CALANKAASI AN KA TAAGNO FROM SAYLAC ILAA GABILAY JIIFSAN MAYNO, JOOGSANNA MAYNO, DHIMASHAANAN KA XIGNAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUBXAAN

Friday, September 29, 2000 - 12:17 pm
TO:AQLI;

WAAR NACASNIMADA IYO DULINIMADA LAFADHIISO,MAXAAD QAAADI KARTAA XAARWEYNAYAHOW XAARWEYNUHU DHALAY,WAAA NU OGNAHAY INAAD TAHAY MINORITY,OO AAD KA CADHAYSANTAY,RAGGA MAJOORATIGA AH EE JIBRIIL YOONIS,OO ILAA WELIGOOD IDDIN XUKUMIJIRAY,KASOO BILOW,AADAN IZAAQ.DAGAAL DAGAAL,SOO SOCO WAAD HELI WAXAAD DOONAYSO,MARDAMBAN KUU NAXARIISANMAYNO,MAR BAANU ISKA KIIN DHAAAFNAY,MARKAASINA KHALAD BAY AHAYD.SOO CELI CALANKA BULUUKIGA AH HADDAAD NIN XINIINYO LEH AAD TAHAY LAGA ROONAYAHOW.GEBILAYANA HA SHEEGAN,HANA KU RIYOON.MIDNA OGOW DAWLAD SOMALIYEED OO AAD U BASAASTAA SIDII CAADADA IYO DHQANKA KUU AHAYD MAJIRTO MAANTA,XAGEEG GELI XAGEED QABAN XAGEED U CARARI,MAJABUUTIBAAD U GELI,AHHHAHHAHHAAAH,U MALAYNMAAYO SABATA OO AH CIISANA NAF KUUMA HAYO.MARAKAAS,SOO SOCO WAXAAAD HAYSO SOO DAA."DOOFAAR URAAAYYE FOOQAL URAAYE"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DARUURAHA

Friday, September 29, 2000 - 12:41 pm
aduunyadan markaad dad unaxariisato xaga danbe ayey kanacnacleeyaan ,waxaan lahadlayaa nimankan iskumagacaabey"Gadabuursi ee caytamayaw sidaad isku sheegtey matihid gadaguursi oo dhan ee waxaad tahay in yaroo fidneysan oo raaxada iyo nabada qabanle horana uahaa Basasiintii afweyne ,markaa idinka JIBRIIL ABAKOR ,Ayaa basbaas afka iyo maalo kalaba idinkaga guridoona hadaad edab iyo akhlaaq diidaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habargidir

Friday, September 29, 2000 - 12:47 pm
Walaal anigu reer waqooyiga makala aqaano. Markaan xamar caday joogno Issaaq, gadabuursi iyou dhulbahante qaldaan ayaan u naqaanaa. Markaa iga raali ahaada su'aal ayaan ini warsanaa. Waxaan maqlay Jibril Abukar midgaha Isaaqa waaye. Run miyaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jibriir Abokor

Friday, September 29, 2000 - 01:07 pm
Waryaa Habar gidir, Jibrir Abokor waa rageedii Gudabuursiga xasuuqi jiray, ee adigu maxaad iskaga dhigaysaa habar gidir midganow.
Adigu waxad tahay kuwii ilyartii ee liibaan akhwaan odhan jirtay, ee calanka Somaliland ku mahadnaqa waayo anagaa idin naqaan inaad garaac ahaydeen ood ka dhalateen Gudabuur.
Ceel berdaale afka ka dhiga waa bustaanadii Jibrir Abokor ee hadaad ku soo dhawaataan sidii aad ogayd ayaan idiin geli doonaa.
Anagu Gadabguursi oo dhan ayaan xasuuqnaa balse ka waran haduu ••••• oo dhami isasoo raacana one minute ayaa lagu waayi ilmo Gudobuur ee is dhowra.
Intii horee ayaa la idiin dhaafay markaad tidhaahdeen Abti iga qabo tolkaa.
Maanta Gadabgursi waa Somalilanders ee kanaxa oo nafta waaya waligiinba calooshaad ka bugtaane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habar Awal

Friday, September 29, 2000 - 01:46 pm
TO: Habargidir

Waa runtaa. JIbril Abukar waa midgaha Issaaqa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Friday, September 29, 2000 - 02:32 pm
TO: SUBXAAN

LABADA DHANBA MAAD KU DISHAA, LAB IYO DEDDIGSE KEED TAHAY, SAMARROON IYO IIDOORNA KEED TAHAY.
JIBRIIR YOONIS IYO JIBRIIR ABOKORNA KEED TAHAY NINKA AD LA FICILTAMAYSAA WAA TAFIIRTII AXMED GURAY, WAA TAFIIRTII, XAAJI DIIDE, WAA TAFIIRTII JAAMAC ZAYLICI, WAA TAFIIRTII XAAJI KHAYRRE. WAA DHALADKII AWDAL, WAA MAXAMAD CASE.

GAAGAABSO, OO AAMUS YAAN GAADH LAGAA QABANE

WAXAN SADDEX MAGAC ILAAH KUUGU MARAYAA, INA MARKA LAGA BILAABO SAYLAC ILAA GABILEY AN CAWAALOOW CALANKA BULUUGA AH KA DUL TAAGI DOONNO.
XUSUUSNOOW GOBOLKA AWDAL WAXA KU DHAWAAQAY OO KEENAY MUUSE RABIILEH GOOD. XUSUUSNOOW BOQORTOOYADA AWDAL WALIGEEDBA WAXA KA TALIN JIRAY MAXAMAD CASE.

TO: HABAR GIDIR.

WAA RUNTAADA, DUULKU WAA MIDGO, MIDGO DHALAY, HORTA MA ARAGTAY SIDAY U URAAN. SIDA YOONIS CALI NUUR OO KALE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habar Yonis

Friday, September 29, 2000 - 07:24 pm
Mr: Aqli

Miyo ilaaway midgaankan yuhuudka eh Muusa Qalinle:
Qulunqool hadaan ku geeyay oon Qadaw ku waydaarshay, Qosolbuu toolkay ku seexdaa qaansa leeyahay.Idoors are a very small minority in the morth today.Most of those left from their suicide and sef destruction are seertoolayaal, Dhilooyin, mentally ill and handicapped.

Gadaboursi never fought against us except few skirmishes Reer Nuur and Reer Mahamed routed the Jib.Aboker(Hoosh) in Ceelbardaaleh .Whether we like it or not, the 21st century belongs to Gadaboursi.I am afraid they will be our masters.They are more educated, intelligent, measured and trustworthy.

If you go back to history we collaborated with the British, Ethioipia and the French.I think we are not true Somalis.I am a habar Yonis myself and i sometimes doubt about what is becoming of us.
For the last 10 years we created so many enemies.
I am really concerned about our existence because all Somalis are against us.

Our great friend Mengistu who gave us so much weapons and money is out of the picture.What is all this childish hollow threats. I think we are dreaming.The civil war proved that no clan can defeat another clan.Stop these stupid dreams and come to the reality.We are passing through the most isolated time in our entire history.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEGMO LAQAS

Saturday, September 30, 2000 - 10:29 am
TO: DARUURAHA

DABADAADA ILAASHO,YAAN DARUURAHA LAGUGU GAYNINE

TO HABAR YOONIS:

fili maayo inaad tahay habar yoonis, anigu sida an sheeko anigoo yar ku maqlay, habar yoonis waa dhaladka iidoorka waana ku ugu soomaalisan uguna gobsan -casala,. sideed u ammaanni kartaa mangistu, waxad tahay YUHUUD yuhuudi dhalay. samarroon waa soomaali daa'iman. forever.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colaad

Monday, October 09, 2000 - 02:44 am
Habaryoonis waa dad dhalad ah oo isaaq oo la yaqaan midgaan habaryoonis ma tihide ha soo hadal qaadin habaryoonis uma qalantid eh, gudabiirsay Ingiriiska ayaa hore u sheegay oo yidhi gudabiirsay haduu kuu yimaado war buu sidaaye ka dhur haduu kaa tagona war buu kaa sidaaye iska ilaali waqtigiiskana wuu ka ilaalin jiray darajada, hadeerna waxaan idin odhan lahaa ina cigaal aad buu idiinku roon yahay markaa loo eego gobolada kale hayadaha ugu badan wadanka somaaliland waxay joogaan awdal, waxaa wanaagsanayd inay SNM cidhibta idin mariso maanta sidaas uma hadasheen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIBAAXHAWD

Monday, October 09, 2000 - 03:37 pm
Anigoo hadalkayga badinayn dhamaanba walaaladayda
samroon siciid waxaan halkan ku leeyahay abaalgudka
isaaq weligiin ma gudi kartaan anigoon taariikh dheer
ka sheekaynan, shirkan ugu dambeeyey ee carta markii
la yidhi samaroon ha la raaciyo midgaha iyo sanweynta
iyo kuwa kale ee yaryar, nimankii isaaq ee meeshaas
joogay way ku dhaarteen in aan laydin raacin qoloyinkaas
waayo samroon siciid halkuu ku aasan yahay waad og tihiin
inta nin ee isaaq idiin dhalayna waa ogtihiin inta
gabdhood ee ay idinka qabana waad ogtihiin.Markaas
qaldkii aad hore u gasheen ee faqash idin raaciyey
iyaga oo aan waxba idiin qabanin maantana borame
halka ay marayso waad ogtihiin ee iska ilaaliya qaladkii
oo kale oo nimcadiina iska jaqa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.