site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Soomaalida ma qabto hogamiyeyaal waddani ah. Discuss

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Soomaalida ma qabto hogamiyeyaal waddani ah. Discuss
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Saturday, September 30, 2000 - 10:51 am
Waxaa u muuqati dadka indheer-garradka ah in Soomaalida eynan laheyn hogamiyeyaal lagu tilmaami karo waddani oo daacad u ah in ay ka saraan sharaf xummadda maanta heysato dadkooda . Ma waxey idinla tahay in ragga xukunka u ordaayo in-ay ka fikiraayaan danta ummadda Soomaaliyeed. Maya. Waa daneystayaal u shaqeysanayo calooshooda iyo cadowga Soomaaliya. Haddaba arrintan ninna yuusan u arkin qabiil (maangaab), maxaa yeelay ma idinla tahay in shisheeyaha uu fiirinaayo qabiilka u talinaayo waddankeena. Tan keliya ay qiimeynayaan waa ku heynta jaahilnimadda iyo ka fiideysasho dhaqaale dhulkeena iyo dadkeena meelkasta ay joogaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEESI

Monday, October 02, 2000 - 12:35 am
WAA RUN LAKIN WAXAY QABAN HOGAMIYEYAL AH QABILISTE IYO CALOSHIS USHAQEYSTE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Monday, October 02, 2000 - 02:13 am
haa waa cabdala deerow •••••

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habeen

Saturday, October 14, 2000 - 04:52 am
what a breakthrough we are finally finding our direction.let every true somali thank Allah a million times for this recent development of peace and goverment- we cannot afford to loose anymore. No turning back to old days, may Allah support more and more...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Saturday, October 14, 2000 - 06:06 am
comments to wadani
way qabaan hogaamiyayaal daacad u ah dadkooda iyo dalkooda balse waxay balo ka dhacday dadkii oo kii shar ka taliya uun daba yaaca iyo kan dhaha yaa reer hebeh eheey oon dantiis maahee tu kale dayin.
marka sxb dhibaatadu waa shacabkee aynu ka daba harno dhiigya cabyada raacnana kuwa danteen iyo tan guuud wada .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali_boy

Saturday, October 14, 2000 - 06:40 am
Waddani -
Waxaan ku aragti dhowahey dr- troubleboy. Soomaalidu waa ay leedahay dad waddaniyiin ah oo jecel dadka iyo dalka Soomaaliya. Laakiin ma kula tahay in WADDANI IYO QABIIL QOF WADA NOQON KARO. Jawaabtu waa maya. Marka waddani shacabka soomali maanta ma rabo sida uu u badan yahay oo qabiil lee u cad.

Talo - waxaan ku talinaa in shacabka wax loo sheego wada hadalkane la badayo oo danta guud aad looga hadlo. Si aysan sheekadu ugu badan qabiilka lee sida ay maanta tahay. "Qabiil hebel waxa uu heley wasiir hebel - ee anagane waan in aan helnaa wasiir hebel" iyo wixii la mid ah.
Bal ka waran hadii aan dhiig yacab aadan maanta dhiig yacab dhihi karin, tuugne tuug dhihi karin oo QABIIL ayuuba matelaa oo ku dhaarto.

Talada toosan ALLE hana waafijiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tashiile

Saturday, October 14, 2000 - 07:01 am
WADDAANI

Hadalkaagu waxuu u muuqdaa nin wadaninimo heyso, dhinaca kalana nin dowlada cusub diidan, sidaas owgeed, baan lagula ra'yi qeybsan karin. Waase kuu bannaan tahay ciddii aad duufsan kareysid, aniga iyo intii ugu fikrad ahise ciidan kuuma heyno.

Lifaaq: Soomaalidu dad wanaagsan iyo dad liitaba waa leedahay, waxaana tusaale kuu ah, oo aad ka fahmi kareysaa Internet-kan, maalin kasta waxaan aqriyaal qoraalo tiro badan oo ey soo qoraan dad Soomaali ah, kuwaas oo ey ka muuqato jaceylka dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

DADKU WAA SIDA FARAHA!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.