site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AWDAL LIBERATION FRONT---ALIF------

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): AWDAL LIBERATION FRONT---ALIF------
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Saturday, September 30, 2000 - 12:08 pm
Xorriyadda Gobolka Awdal oo loo halgamayo ayaa keentay in la asaasaaso HALGAMAYAASHA SAFKA HORE EE AWDAL,"AWDAL LIBERATION FRONT-"ALIF"

Xisbiga ALIF ujeedadiisu waxay tahay

1. In lasoo celiyo Soomaaliweyn, lagu dhaqo sinnaan iyo caddaalad

2. In la difaaco diinta dalka iyo dhaqanka soomaaliyeed oo halis ugu jira in taliska Cigaal dhaxal wareejiyo.

2. In lasoo celiyo sharaftii, dhaqankii, Taarikhdii iyo Ilbaxii Awdal.

3. In Carradda AWDAL, laga dul taago Calankii xorriyadda Soomaaliyeed ee Buluuga ahaa. Dadka reer Awdal ee qabiilkasta lihina iyagu aayahooda ka tashadaan, nin dhoof ku yimidna aanu u amar ku taaglayn.

4. In lagu dhawaaqo, GOBOLKA BADDA CAS, magaalo madaxda SAYLAC. Kaasi oo ah Gobol cusub, oo Awdal la mataanno ah, oo isku xidhi doonna xidhiihka Awdal iyo Djibouti, dhaqaalaha la curyaamiyay ee beeshanna soo celin doona. Ku dahawaaqida Gobolkani cusubi waa kale ooy quweynaysaa Qaayaha iyo Qiimaha ay magaalada SAYLAC ku leedahay dalka soomaaliyeed.

Xisbiga "ALIF" waxa si Official loogu dhawaaqi doonaa shirwaynaha AWDAL, ee ka dhici doona Canada, dabayaaqadda bisha DECEMBER 2000, wuxuna si buuxda u hawl gali doonaa sannadka cusu ee 2001. Inta intaa ka horreysana waxa la isku diyaarin doonaa tabaabulshaha iyo tobobarka mujaahidiinta ALIF, oo ka dhici doona meelkasta oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ahba.

Xisbiga ALIF wuxu u furan yahay dhammaan waddaniyiinta Soomaaliyeed ee jecel dhulkooda, diintooda, iyo calankooda. Waxanan jecellahay inaad dhammaan codkiina halkan ad ka dhiibataa.

HOR ILAAHAYBAA LA IDINKU DHAARSHAY
HA HILMAAMINA DALKEENA
HA HILMAAMINA DIINTEENA
HA HILMAAMINA CALANKEENA

.............ALIF...............................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

djama

Saturday, September 30, 2000 - 05:32 pm
Alif, haddaad riyoonayso sifiican ayaa loo riyoodaa. Balse, aan ku warreystee war ma uhaysaa dadkaagii haddaad tahay gobolka aad sheeganayso? U maleyn maayo in aqoontaadu sii ridan tahay.

Maxaad ku haysatey Soomaali weyn oo aad ka waydey soomaali yar yar? Mise waxbaa la xoreeyaa ayuunbaad maqashay. way jiraan meelo xoriyad iyo tacabba u baahani soomaaliya, laakiin ma ha halkaad ka hadlayso.

djama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gadaboursi

Saturday, September 30, 2000 - 08:39 pm
many of us already heard about Alif.All of us in the great Gadaboursi diaspora are ready to join this great movement.This is the beginning of the total liberation of Awdal from foreign economic deprivation, oppression, injustice and segregation imposed by the Egaal clan fiefdom.

Viva Alif!! Viva Gadaboursi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, September 30, 2000 - 08:58 pm
Hanoolato ALIF Kusugay suugoo ku suguwaaye ayaa korumbo.Inbadan ayaan sugayn ALIF.Gadaboursi waa umad taarikh quto dheer oo ila 2000 oo sanadooda ka soo jeeda.Waa umad xadaarada qadiimi ya uu qoto dheer leh.Xadaaradaha Gadaboursiiga waxa ka mid ah Xadaaradii Zayla ee looyaqaanay(Adaal Empire).Xadaaradaa mar waxa ka madax ahh Amaam Ahmed Gurey.

Hanoolaato Alif!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, September 30, 2000 - 08:59 pm
Hanoolaato ALIF!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LUGHAYA

Sunday, October 01, 2000 - 01:42 am
ALLA KU AAWAY?

WAA GOBE HA NOOLAADO XISBIGA ALIF.

ALIF LA KOR DHEBAY IYO
IDINKA ILAAH WEEYIYE
HA WAARO ALIF

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAKI/BORAMA/DJIBOUTI/ZEYLA

Sunday, October 01, 2000 - 02:45 pm
"AWDAL LIBERATION FRONT"

"ALIF" = MAHAD-ASSE

Awdalland is Mahad-Asseland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad-Asse

Sunday, October 01, 2000 - 03:04 pm
Tolkeey Gadaboursi waxaan u sheegaynaa in ninka isku sheegaya Mahad-Asse ee halka xaarka ku soo daaya inuu yahay ninkii Mahad-Asse ugu doqon san oo hadalka ayuu ku baranayaa ee walaalaayaal noo dulqaata. Waa doqon doqonimo u dhashaye hadalkiisa waxba haka soo qaadina. Awdal waa dhul Samaroon tolkoo dhana xil ayaa ka saaran wanaageeda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fardous

Sunday, October 01, 2000 - 03:11 pm
Alla huuno mahadsanid. BAKI/BORAMA/DJBOUTI/ZEYLA inanka sheegta doqonimo aad ah ayaa ka muuqata. Anigu waxaan ku faani jirey in Samaroon doqon lahayn. Alla maantaan arkay nacas Samaroon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ikraan

Sunday, October 01, 2000 - 03:17 pm
Fardousa aad ayaad iiga qoslisiisay. Nacas Samaroon aan u bixino

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Sunday, October 01, 2000 - 09:19 pm
Xisbiga ALIF, Soomaali oo dhan ayuu u furan yahay. Waana digniin, ninka ma labaad xisbigan qoys ku sheega tallaabo ayaan ka qaadi doona, Awdal waxa deggen GADABUURSI, CIISE, CAFAR, OROMO, CARAB, ISSAAQ, ETC, marka la eego Taariikhdeedii. Intaas oo ummad ah ayaan xisbigani matalaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dilla

Sunday, October 01, 2000 - 09:27 pm
TO:Baki/Borama,zeyla,djibouti

WAXAA KULA YAABEY BAHDII SAMRONKA EE CAALAMKA JOOGTEY HORENA SI NIN WEYN ,KOR IYO HOOS LABADABA WAX WAAN KUUGU SHEEGEY BALSE DHEG XUMADA IYO MATAGA TOLKA DHEXDIISA KALA-BAX ...WAA LAGU GU GARTEY TAASI ..WAA HADAD SAMROON TAHEY UMA MALEYNAAYO IN AAN SAMARON TAHEYE ...!DIB UGU NOQO ODHAAHDEYDII AHEYD (BURO FOOLXUMANA WAA KUUGU TAALAA,XANNUUNA LOOMA GOYN KARO).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dilla

Sunday, October 01, 2000 - 09:35 pm

Monday, October 02, 2000 - 09:42 am
AYAAN LA DAGAALAMAYNAA

Waxan la dagaalamaynaa, Cadawga ugu daran adduunkiyo, CIGAAL baan la dagaalamaynaa.

An dabar gooynee alleylehe hooy, ayaan laga daalin hawshee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DARWIISH

Monday, October 02, 2000 - 09:56 am
Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in ay dadka reer Awdal ogaadeen cadowgooda,isla markaana ay samaysteen jabhad ilaalisa sharafta dadkooda,diintooda iyo midnimada wadankooda.
Intaas hadaam ka gudbo ,anagu hadaanu nahay dadka soomaaliyeed ee dega gobolada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer waxaanu hiil iyo hooba la garan taaganahay dadka reer awdal oo ah dad walaalahayo ah, marka aan sidaas leeyahay maaha wax hadeer bilaabanaya bale waxaa weligeed jirtay iskaashi ka dhexeeya beelaha aan kor ku soo sheegay.
Waxaan u malaynayaa in aad xasuusataan aasaaskii jabaha USP,taasoo ahayd jabhad ay isku bahaysteen,dadyowga dega gobolada waqooyi ee aan Isaaqa ahayn, markay Isaaqu samaysteen jabhad iyaga u gaar ah. LONG LIFE ALIF!

layla cabdi

Monday, October 02, 2000 - 09:58 am
war waxaan kuu sheegayaa xayawaan baad tahaye reer awdal uma baahna alif iyo waxaad ku hadlayside ka seexo magaalada walahi inaadan sidaas ku soo shaac baxayn lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayaxlaha

Monday, October 02, 2000 - 10:04 am
saxiib alif ma waxaad maqashay sidaas ayaa lagu soo shaac baxaa walahi inayna u baahnayn reer awdal alif sababtoo ah waxaad tihiin ayaa la iska garanayaa dabadhilifyadii reer jabuuti shilin ayaad doonaysaan inaad ku iibsataan dhulkiina hooyo saylac never taasi dhici mayso alifow sababtoo ah waa la idin yaqaanaa inaad tihiin dadkii dhinac walba ka yasnaa qiimana ma lihidin ee ha kala saarina samaroonka ok

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaroon

Monday, October 02, 2000 - 10:13 am
Waryaa ayaxlaha, arinta ALIF kuma khuseysee kabax. Gadaboursi only ayaa ka hadli kara. AlIF is for Gadabursi by Gadabursi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 02, 2000 - 10:19 am
MAXAYNU DOONAYNAA.

Waxaynu doonaynaa, doonaynaa,
dalkeena oo midooba, dugsiiyoow calankeena
ayaanu doonaynaa, doonaynaa.

MAXAYNU DIIDAYNAA ?

Waxaanu diidaynaa, diidaynaa
Dulliga istaacmaarka, dalkeenna oo la qaato
ayaanu diidaynaa, diidaynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xalane

Monday, October 02, 2000 - 10:22 am
saxib waxaan idiin sheegayaa dadkiina dibadaha jooga gaar ahaan waqooyiga america in aydaan ku ciyaarin aayaha dadkiina wadankii ku hadhay gaar ahaan borama sabatoo ah markaad biirta iyo pork ka dharagtaan ayaad neef neefsataan oo la magac baxdaan alif iyo wax aan la garanayn marlabaad ayaan u digayaa in ay joojiyaan dadka isku sheegay alif sababtoo waa la is garanayaa hadaan nahay samaroon ..waxayna joogaan canada iyo mn markaa walaalayaal samaroon waa samaroon ninkii damca in uu kala saaro wuu ku daali oo horey ayaa loogu daalay ..waxaanan u sheegayaa dadka isku haysta in ay ku yasan yihiin awdal in ay iska saaraan cuqdadda sababtoo ah awalbaad yasnaydeen ..lol
by every body

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 02, 2000 - 10:22 am
HEESTA URUKA ALIF ISKU AF GARTI MAXAY TAHAY?

Ninkii dhoof ku yimidbay, geeridu dhibaysaa
Wakhtigii dhammaayoo, wuu dhaqaaqi doonaa

NINKII HAYA HEESTAA OO DUUBAN, FADLAN NALA SOO XIDHIIDH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

j/yoonis

Monday, October 02, 2000 - 10:24 am
alif ma joojinaysaa waxaad wadid mise waxaan idinku celinaa meeshaad ka timaadeen eed garanaysid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayaxlaha

Monday, October 02, 2000 - 10:25 am
alifoow waxaad iiga soo jawaabtaa horta yaa idin gumaysta ood xoraynaysaan ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 02, 2000 - 10:47 am
Anigu mahi reer Awdal, laakiin waxaa jirta fikrad aan weligey aaminsaa ahna in ruux, qoys, xaafad, magaalo, iyo gobolkasta uu aayahiisa ka tashado ayna cid kale ku jajuubin xoriyadoodana ka qaadin dhan kastaba ha ahaatee, marka haddaan nahay Soomaali aynu doodeyno in nabadgelyo buuxdo la helo waa in xornimada qofwalba ay noqotaa " arrin aan muran ku jirin", waxaan meeshan ka arkaa dad badan oo arrintaa diidan, walaalayaal haddii ay sidaas tahay maxaa Maxamed Siyaad loola dagaalamay haddii ay sidiisi lagu dhaqmaayo? Waxayna ila tahay inaan fikrad lasku cayn isla markaana laysugu handadin. waad mahadsantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 02, 2000 - 10:59 am
WALAALAHAYGA REER AWDALOOW, MUXUU INAGA DOONAYAA TALISKA CIGAAL iyo dadkiisu?

Isku duubnideenay diidayaan, diidayaan
kala daadidinteennay, doonayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Monday, October 02, 2000 - 11:11 am
waxaan jeclahay in aan mid uun halkan ka idhaahdo, waxayna tahay in hadii aad tahay gadab guursi waligii xor buu ahaa walaaladiisna wax buu la qeebsan jiray ee nacas yahow garo halkay dantu kugu jirto oo magaca ha naga dilin. Hadaad dadka wax u tarayso oradoo wadankii taga hadii kale dadka colaad aan jirin ha dhex dhigin
somaliland gadab guursi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAMARROON1

Monday, October 02, 2000 - 11:43 am
TO: WADDANI,

AFKA ALLAHA KU GOOYO.
GADABUURSI WAA SOOMLIWEYN?
AWDAL WAA SOOMAALI WEYN

XUSUUSO MAAH-MAADA TIDHAAHDA

"WAAD BAAHAN TAHAY, BAKHTIGA LOOMA CUNO".

DANTA AWDAL IYO HORUMARKA AWDAL WUXU KU JIRAA, XORRIYAD AWDAL OO CIDINA U AMAR KU TAAGLEYN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOORAMA

Monday, October 02, 2000 - 11:50 am
Magacuba i deeq
Alleylehe maskax ayaa ku urutay magaca
iyo micnaha ALIF
[indhi kuxul geel maxaa, ka kasayaa]

nooloow, ALIF, uruqdayada, iyo uurkayaga intaba waan idinka taageersannahay, idinlana dhimanaynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Makaahiil

Monday, October 02, 2000 - 11:55 am
Tolkey Gadabuursiyoooooooow i maqla. Somaliana ma doonayno Somalilandna ma doonayno. Waxa aadan shaqadiina ahayn ayaa isku dilaysaa. Let's forget
about both Somalia and Somaliland bullshit. Tolkayoow waxa dan inoo ah Awdal Republic

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAD CASE

Monday, October 02, 2000 - 12:05 pm
TO: MAKAAHIIL

MA XUMA AWDALLAND, MASE TAAGEERSAN TAHAY INAAN KA DUL TAAGNO, CALANKA BULUUGA AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Makaahiil

Monday, October 02, 2000 - 12:13 pm
Waryaa Maxad Case, Calan cusub oo Awdal Rep. u gaara ayaan sameynaynaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 02, 2000 - 12:21 pm
MAXAYNU QABAN DOONNAA KADIB MARKA
AYNU XORRIYADDA QAADANNO?.

Waxan dhisi doonnaa
1. Dikadda SAYLAC
2. Jasiiradda SACADIID
3. Warshadda Kaluunka ugu weyn Bariga Afrika, ee
SAYLAC
4. Taallooyinkii; AXMED GURAY, XAADI DIIDE, XAAJI
JAAMAC SAYLICI, XAAJI KUULE,
FAHIYE GADH-CASE, ETC. Iyo waliba tii SAYID
MAXAMAD CABDULLE XASAN

5. Carwo lagu soo bandhigo tariikhda saylac
6. Waddo laami ah oo isku xidha Djibouti ilaa
GABILEY.
7. Gaadiidka Badda oo u kala goosha Djibouti
ilaa LUGHAYA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAD CASE

Monday, October 02, 2000 - 12:29 pm
TO; MAKAAHIIL

WALAALKAY MAKAAHIILOOW I MAQAL, WAXAN AHAY CURADKII "MAKADOOR" EE ADIGA KAA WEYNAA. WAXAN KAA SUGAYAA IXTIRAAM IYO IS MAQAL.
WAXAN KU LEEHAY, AWDAL WALIGEEDBA WAXAY LAHAYD CALAN U GAAR AH, INAAD XUSUUSANTAHAY MOOYIYE, MARKA CIYAARAHA GOBOLADDA LA QABANAYO, AWDAL CALANKEEDA AYAY LA IMAN JIRTAY, IYADOO CALANKII BULUUGA AHAANA DUSHA KU WADATA.

HADDII AN AHAY CURADKAAGI, WAXAY DUCO KUUGU JIRTAA, INAAD ILA DHIDIBTO CALANKA BULUUGA AH, OON KOR SAARNO, CALANKII AWDALNA BARBAR DHIGNA DHIGAYNA.

DUCO QAADO, OO HALYEEYADAN HAWSHA WADA EE "ALIF", HIIL IYO HOOBA U HAGAR BAX.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Makaahiil

Monday, October 02, 2000 - 12:44 pm
Walaalkay Maxad Casooooooooooow i maqal. Ixtiraam
walaaltinimo iyo jacayl tol labada waan kuu hayaa. Marka ila fahan wax. Sidee Alla kaa dhigay. Markaan ku leeyahay Awdal Rep. waxaan u jeedaa dal xor ah oo madaxbanaan oo calankiisu calan kale hoos iman. Curadkii Makadoorooooooow i maqal. Naga daa soomaaliyada aad nadaba wado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 02, 2000 - 12:51 pm
MAXAYNU QABAN DOONAA(cont...)

8. Waxaynu dhisi doonaa, iskuulo, cosbitaallo, qasabado, from Lowyacaddo to Ceelbardaalle

9. waxaynu xoojin doonaa xidhiidhka walaalaha GADABUURSI IYO CIISE, oo ah dhal iyo dhasheed.

10. Xidhiihka walaalaheena DIR iyo guud ahaanba Soomaali weyn.

11. Waxaynu si rasmi ah oon mar danbe carqalad
lahayn u furaynaa xuduudka Awdal iyo Djibouti.

12. Dadka reer Djibouti, si free ah ayay usoo
gali doonaan Goblka Badda Cas iyo Gobolka
Awdal, laman waydiin karo VISA.

13. Waxan ka dalbi doonnaa, madaxda Jabuuti inay
laban laabaan kuraasta Parliamanka Djibouti,
ee Gadabuursigu leeyahay.

14. Waxan, xoojin doonaa Horumarka JAAMICADDA
taariikhiga ah ee CAMMUUD.

UGU DANBEYN AYAA, ABAABULAY URURKA "ALIF"

Waxa abaabulay

1. Barbaarta Badda-Cas ee LONDON iyo PARIS
2. Dhalinyarada AWDAL ee CANADA iyo USA
3. Xisbigii hore ee mucaraadka Af-weyne ee
Samarroon oo magaciisu ahaa SDA, Somali
Democratic Alliance

Waad mahadsantihiin
GUUL

ALIF

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAD CASE

Monday, October 02, 2000 - 01:23 pm
TO: MAKAAHIIL,

WALAALKAY IGA YAROOW,
"NIN YARI INTUU OOD KA BOODO AYUU ARRINNA KA BOODAA" AYAY SOOMAALIDU KU MAAHMAAHDAA.
QAYB-QABSI SOOMAALIYEED CAALAMKA AFRIKA/ISLAAMKA, IYO ADDUUN WEYNAHA KALABA MA AQBALAYAAN. HADDII AN SIDA IIDOORKA SAMAYNANA WAXA DHULKEENU HALIS UGU JIRAA INUU GACAN CAADAAWE GALO OO AMXAARO LAGU DARO. MARKAA MA SIDAASI AYAAD RABTAA. INAGOON MAGACA SOOMAALIYEED KA BIXIN AYAAN LAHAANAYNAA ISMAAMULKEENNA IYO MADAXBANNAANIDEENA.
ADIGU HADDII AD TAHAY WAXAN KU SAARI DOONNAA CUMAAMADDII UGAASNIMADA, ADIGUNA ANNAGA NOO DAA ABAABULKA IYO ABBAAN DUULNIMADA AWDAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habar Yoonis

Monday, October 02, 2000 - 03:22 pm
Salaan,

Laa xawla waar nimanku qaylo badnaa.. Ma Jabriil Abokor oo garawga wada cuntaan ayaa sidaa indkaga qaylisiyay..lol.

Somaliweyn hadaad rabtaan horta markii horaba mxaad ku lahaydeen??????????? bal ii sheega. Darod ayaa idin isticmaali jiray mantana waydinkaa banaan ka cabaadaya barina inta hadhay ee Somaliland joogta ee Huush waa laydin dabar goayn doonaa. Ina Cigaal waaba miskiine niman aan garanaayo oo Hawd ogaadeenka la jooga haday meesha qabtaan ..H.A iyo Huushba badaan ku guri lahaa.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habar Awal

Monday, October 02, 2000 - 03:34 pm
Habar Yoonis ma iyadaa hadli karta ragoodii iyo dumarkoodiiba waan isku darnee. Intii yarayd ee soo hadhayna cagdheer ayaa iska le if you know what I am saying

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habar Cafaan

Monday, October 02, 2000 - 04:00 pm
To: Habar-Yoonis

Haddii an su'aasha hore kaa qanciyo, markii horaba annagu Soomaaliweyn waxba kuma haysan oo idinka ayuunbaa na hortaagnaa, Af-weynana u naagayn jiray.
Marka labadna, Somaliland waxba kuma haysanno an ahayn Nabad gelyo la isku cabsiiyo "Hostile Peace".
Ugu danbayn, waxan doonayni, maaha daan-daansi iyo gar darro. Kaliya waxan leenahay, "waar Iidooroow gobolkayaga Awdal noo dhaafa, oo qudhinkiina, iyo shagaaftiina, iyo ciidankiina ka gurta. Haddii ad taasi nabad ku diidaan, oo ad yeeli waydaana, markaa dhimasho ayaan ka xignaa, waxana dhammaan doonta lacagta ad adduunka kaga cunaysiin, Nabad-gelyo ayaa jirta SOMALIALND. Magac danbe oo la yidhaahdo SOMALILANDna, maalintaas ayaa maqalkiisa ugu danbayn doonta.
Marka ad dhulkayaga ka dareertaaan, arrinta la xidhiidha inaan Calan buluuga ah iyo calan kale midkood qaadano, taasi waa wax Samarroon u yaalla

Imika iyo haatanna anigu waxan codkayga ku taagerayaa, dhalinyarada abaabushay ALIF oon leehay 'Allaha idin barakeeyo'.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabiley

Monday, October 02, 2000 - 04:24 pm
ALIF waxay khusaysaa dadaka u dhashay Awdal.Dadaka
Ethiopia ka yimid xabashida ha iska horayaan.Dadkii lahaa Awdal waxay ku tashadiin inay halgan hubaysan ay ku xoreeyaan wadankoodo.Sdaa darteed wax lagaa waydiinnayaa aayah Awdal majiro.Mudu badan ayaad ku ayaad ayaad ka shaqaynayseen dhibaatada Awdal.Wakhtigaa waa laga gudbay.Awdal waxa iskala dadka udhashay.
Ninkii dhoof ku yimid bay geerido dhibaysaa.

Viva AlIF!!!!(Wadani Awdal-Australia)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 02, 2000 - 07:32 pm
To: Ma xalane, J/Y

Qaarbadan oo iniga mid ihi waligood wax raga nima ah kumay kicin.Waxa dhilinyaradan AILF ka gilgisheen waa halka liidata uu marayo halka magacicii Gadaboursiga ad gayseen.goor maad ka bixi doontaan daba dhilifnimo, jaajoosnimo, Axmaaro iyo Idoor ad u naagaysaan.Hadaanad dhiig lahayn anago waxan goosanay inan cadaw shisheeyi ihi ana ka talin wadankayaga.Waxan jeclananlahaa adoo raganima iska daya oo Idoorka si toosa ula soo safta.Hadaad leedihiin waxba nagama galin Awdal faa iidadeeda uun baan rabnaa ee waxba nagama galin.Anaga ayay Awdal waxnaga galeen oo u diyaar ah inan u dhimano.Yaa ilaw wi kara wixii dabadhilifkii waynaa, gacan ku dhiiglihii tolaawwi ku sameeyay Awdal.Maxaad ku faani dadka wax aamin san ee mabaadida leh.Ku soo biir halgan ka inta ay goori goortahay!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 02, 2000 - 09:20 pm
DHAWAQA ALIF

Kii dhuumanaaye, dhabarku muuqdoow
waa dharaar lagu dhawrayaaye
Dadkaaga dhinac ka raac, hooy-hooy
dhinac ka raac, yaanad lumine, dhinac ka raac

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 03, 2000 - 02:17 pm
GABAYGA XISBIGA "ALIF"

---------KUMMANAAN IYO KUMMANAAN--------

Kummannaan iyo kummannaan, kuududay sabaaniyo
Kummannaan iyo kummannaan, ciil ku kayraamiyo
Kummannaan iyo Kummannaan, kacay oo gadoodiyo

Kummannaan iyo kummannaan, kal cabsiya lahayniyo
Kummannaan iyo kummannaan, kolna libiqsanayn iyo
Kummannaan iyo kummannaan, u kaynaansan diririyo

Kummannaan iyo Kummannaan, ku kalaama Huunno iyo
Kummannaan iyo kummannaan, kaliyo laab is jeceliyo
Kummannaan walaalo ahbuu, isku keenay xanuunkuye

Wallee labadakuniyo koowdu, kala guurkii weeyiye
Xaqii la kaldhowrayaybuu, Kariimku na siinayaaye
Kol dhoowbaa la saarayaa, Kulmiye calankeeniiye

Kun jeerbaa la Ciiltirayaa, dadkeenii kadeednaaye
Geesiyadaii la katibaybaa, kolley loo aarayaaye
Kasii kalahoo orod ninkii, ku dhalan AWDALoowe

Kuwii keenay karaahidan, kadab go'oodii weeyiye
Kurkiyo waxa la gooynayaa, kalxamahiyo boqnaha'e
Kobbo dhiigaa la siini iyo, kalax dhunkaaleede

Sidii koromo buubaalay, kabashle roorayaane
Kololo'oodaa laga maqli, kadinkii Gabiilaye
kaadsadaa laga waayaye ,kaalay jiifsaa laga heliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 03, 2000 - 02:58 pm
SIDUU WAX U DOONAYAA XISBIGA ALIF?

Marka hore dulqaadbaanu leenahay
marka xiga digniin baanu bixinaa
hadday nabadu durgtona
dagaal kama cabsoonoo, dalkayagaan xoreynaynaa

Dulqaadkii iyo dignintii imika way dhammaadeen, kaliya waxa hadhay inaan "QUDHMISLAND" ka go'no. Col iyo nabad midkii la doonaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 03, 2000 - 03:00 pm
SOMALILAND=QUDHMISLAND

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 03, 2000 - 10:52 pm
TALLAABOOYINKA UGU HORREYA EE XISBIGU
QAADI DOONI MAXAY YIHIIN?

Waxan waraaqo u diri doonnaa.

1. UN, oon taabsiin doonno waxa u qarsoon
SOMALI QUDHMISLAND.

2. Urka Midoowga Africa/Caalamka Islaamka ah, oon
ku taageeri doonno, inaan marnaba la aqbalini
QUDHMISLAND.

3. Dhammaan dadka reer AWDAL inta u adeegta
taliska CIGAAL, oon ka dalbi doonno inay
casilaan jagooyinkooda oo idil, marka laga
bilaabo Askari ilaa Madaxweyne xigeen.

4. Ciidamadda AWDAL ee haatan sita magaca QUDHMISLAND oon ka dalbi doonno inay si deg-deg ah ugu kala biiraan Guutooyinka "ALIF" oo kla ah:
Code N0 Code Name Base

A4. HORSEED Zaylac
A3. HORDEEQ Lughaya
A2. HORMUUD Baki
A1. HORYAAL Boorama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 03, 2000 - 11:12 pm
HADDII DAD RRER AWDAL AHI
ISKU DHIIBI WAAYAAN ALIF
OOY WALIBA DAGAAL KALA HORYIMAADAAN MAXUU "URUKU KA YEELI DOONAA ?

jawaab.

La dili maayo kuwaasi.
hase yeeshee hubka iyo dharka ayaan ka dhigidoonaa, iyagoo qaawanna suuqa ayaan ku sii dayn doonaa. Waayo iyagaa is ceebeeyay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

••••••

Wednesday, October 04, 2000 - 12:08 am
GADABUUURSI BROTHERS WAXAAN IDIIN RAJEYNAYNAA GUUL
WAA IDIN TAAGEEERAYNAA HIIL IYO HOOOBA,,,
TUUGADA ISAAAKA SOOMALIDIIDKA AXMAARADA WAA INAAD HILFAHA U QAADAAN,,,

GUUL AWDAL LONG LIVE UNITED SOMALIA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 04, 2000 - 12:25 am
Thank you, DARWIISH
Thank you, ••••••

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 04, 2000 - 01:38 am
----------EEBBOOW------------0CT 4, 2000

EEBBOOW, Arligaygii Hooyo, uruguu qabaaye
EEBBOOW, Degaankaygii AWDAL,umalbaa u dheere
EEBBOOW, waxa na asqeeyay, qudhmista iidoore

EEBBOOW, waxay inkireen, inay soomaali yihiine
EEBBOOW, Amxaariyo Yuhuudbay, u adeegayaane
EEBBOOW, waxay rabaan inay, Gaalo noo af-duubaane

EEBBOOW, Ixtiraamiyo duulku, malaha aayatiine
EEBBOOW, Odayiyo inanba, aqli isma dhaamaanaane
EEBBOOW, Waxay ololiyeen, calankii Ummadda'e

EEBBOOW, Awliyadii iyo, cuqaashiibaa inkaartaye
EEBBOOW, Uruqdiyo jiidhkiyo, adhaxday na qoomeene
EEBBOOW, soo hadee Issaaq, intay aakhirana seegin

EEBBOOW, Ururi Soomaali, uliyo diirkeed ka yeel
EEBBOOW, Ilaali Diintiyo,isirkiyo dhaqankayaga
EEBBOOW, Ubbad iyo waayeelba, u adeeg dadkayga.

----------AAAAMMMMMIIIIIIINNNNNNN------------

waa "ALIF"

GUUL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 04, 2000 - 02:10 am
--------MA TAAYADIIBAA SAMAATAY------OCT4, 2000

Ma tobansaniyo dheeraadbaan,ku jirnay taxaab
Ma dhaaxuu cadaw na tamcoo,turunturro na gaadhay
Ma dhaaxaan tiiraanyiyo ciiliyo, taaha qarsanaynay

Ma taayadiibaa samaatoo, hurdadaan ka toosnay
Ma nacabkii na tumaatiyaan, tuurayna heeryadiisa
Ma taariikhda Awdalbaan, tusaynaa Caalam waynaha

Ma geesiyadii la tirtiran, taallooyin u dhisaynaa
Ma calankii laga takhalusaan,tagaynaa mar kale
Ma inay nabadu tarantaan, tuutaha u qaadanaynaa

Taajiroow ILAAHOOW, adaan ku tuugaynaaye
Tasbiixiyo Adigaan, xamdiga kuu tiraabaynaaye
Na taageer Allahayoow adigay, taada noqotaaye

waa "ALIF"

GUUL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 04, 2000 - 04:15 am
ILAA IYO IMIKA IMISA QABIIL
AYAA KU JIRA AMA TAAGEERSAN
URURKA ALIF?

1. Gadabuursi
2. Ciise
3. Dir
4. USP(Dhulbahante, Warsangali)
5. Haawiye oon hadda ka helnay, dhanbaal qarsoon
6. Gadh xajis, oon gooni isku waraysannay, kuna
heshiinnay calanka buluuga ah

MADAXDEE AYAA TAAGEERSAN XISBIGA "ALIF"

1. Madaxweynha Soomaaliya, C/Qaasim
2. Madaxweynha Djibouti, Ismaciil O. Geelle

Waxan ku raja waynnahay inaan dhawaan, la xidhiidhno, dhammaan madaxda caalamka oo idil, iyo dhammaan ururada Samafalka ee Adduunweynaha.

waa, Sayid ALIF
waa innoo sahan danbe iyo guul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 04, 2000 - 04:33 am
Q.BAL HADDABA AN IS WAYDIINEE
AYAA KA HOR JEEDA ALIF

A. waxa ka hor jeeda dhammaan

1. Danbiilayaasha
2. Dib u socod yaasha
3. Dhuuni qaatayaasha
4. Dhagar qabayaasha
5. Iimaan laawayaasha
6. Iriqlaawayaasha
7. Looma aayaanada
8. Looma ooyaanada
9. Soomaali qudhmiyayaasha
10.Gunnimmo qaatayaasha
11.Gobannimmo uma dirirayaasha iyo
12.Gabraaratayaasha

meel kastaba ha joogaane

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 04, 2000 - 04:45 am
Q.BAL HADDABA AN IS WAYDIINEE
AYAA KA HOR JEEDA ALIF

A. waxa ka hor jeeda dhammaan

1. Danbiilayaasha
2. Dib u socod yaasha
3. Dareen laawayaasha
4. Dammiir xomo yaasha
5. Daacad laawayaasha
6. Diin laa wayaasha
7. Degaan laawayaasha
8. Difaac laawayaasha
9. Dhuuni qaatayaasha
10.Dhagar qabayaasha
11.Dhoohanayaasha
12.Iimaan laawayaasha
13.Iriqlaawayaasha
14.Ixtiraam laawayaasha
15.Astaanlaanwayaasha
15.Aqoonlaawayaasha
16.Abaabul laawaayasha
17.Looma aayaanada
18.Looma ooyaanada
19.Looma adeegayaasha
20.Gunnimmo qaatayaasha
21.Gobannimmo diidayaasha
22.Gabraaratayaasha
23.Garmaqaatayaasha

meel kastaba ha joogaane

Waa Sayid ALIF
waa innoo sahandanbe iyo guul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awdalman

Thursday, October 05, 2000 - 10:10 am
Waa la ini salaameytiin marka hor. Hadii aad samaroon tihiin ma tihiin dad dhulkooda jecel waxaana taa cadey kara Taariikhda. Laakiin intaan anigu oggahey waxaa ii cadaatey innaad tihiin dad danta shaqsi ahaan ka hormariya ta shacbiga. Ma anigaa zayliciga keeney waa wax jirey. Tusaale waxaan u soo qaadana yaa dadkii ay dawladii hore ku qadhaaban jirtey ee markii xidigo garabka loogu toley ku isticmaali jirey burburinta dhulka awdal.
Ma nin aan ogaynbaa jira waxey gaysteen Cawaale Bustaale iyo Geedi Carabloo oo ka tirsanaa saraakiishii dawladii hore. Waxey noqotey iney Saarihii Borama burburshaan, Quruxdii Magaaladana iyo tii dalkaba dantooda ka raaceen.
Arintu si kastaba ha noqotee waxa dhacdey inaa meeshii aan aniga, Aabahey, iyo Awowgaygii 10 naad ku korey si dhibyar loo baabasho. Waxaa intaa ka sii dareyd markaa aniga iyo saaxiibadey la noo diidey inaan ka gudubno Seerahii iskaba daa waxkale.
Inkastoon kadhashey samaron taasina tu isbadaleyso ma aha oo dhiigbaa iigu jira laakiin inima jecli.
Ururkan aad sheegteena waxey noqon uun sidii Cawaale Bustaale iyo Geedi Carabloo. Kuwiina Cigaal Nacabna hadal wax ma taree orda oo tage wadankii waxna ka qabta hadiikale hadalka yereeya.
Hadii aad jooyin waydaa magacyada aad iskugu wacaysaan sida Macaahiil, Maxad Case and so on aniga waxaan iskugu wici doonaa JIBRIIL YONIS-HABARCAFAAN. Meel soke ha ka ficirina ee meel dheer wax ka arka. TA UGU MIHIIMSAN EEN KU DARSAN WAXAA JIRA DAD ISKUGU WACAYA SAMAROON LAAKIIN AAN AHEYN OO DOONAAYA INAY DHIBAATO USOO JIIDAAN DADKA REER AWDAL.
Taasi waa sitey ila tahey, peace for now.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qaboojiye

Thursday, October 05, 2000 - 10:28 am
TO:AWDALMAN:

waa markii ugu horaysay ee aan internetka ku arko,nin gadbuursi ah oo si fiican udooday.walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay.anigu waxaaan doonayaa nimanka yidhi waanu halgamaynaa oo awdal baanu xoreynaynaa.ayay ka xoreynayaan,ayay ladagaalamayaan.walaal awdal waaa xor weligeedn xor bay ahayd,cidina cid ma gumaysato,cidna lama gumaysan karo.calanka buluuga ah bal ii sheeg wixii aad ku haysatay ww aanad iminka haysan.hadaabad leedahay telehones,e_mail,jaamacad.
waxaas oo horumar ah waxaa samaystay dadka.walaal dakeenu waxay u baahanyihiin oo kaliya nabad,sidaa ay maantaba nabada ugu noolyihiin.xukunk awaad nici kartaan,laakiin dagaal iyo rabshad wax lagu deg dego midna ma wanaagsana.markaas ha laga shaqeeyo,sidii dadka waxloo tari lahaa,kol buugaag iyo qalimaan loo dirana.ugu dambeyntiina izaaq iyo gadabuursi waa dad wadadegan oo jaar ah oo is dhalay oo uu ilaahay isbaday.

nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 06, 2000 - 12:57 am
ALIF, ilaahay ka cabso olyateyshan ma ka shaqayn jirtay waagaagii hore? Saxib anigu Iidoorna maahi Gadabursina maahi lakin ololayntaadu waxay madaxayga ku soo riday kacaankii barakaysnaa lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waraabe

Friday, October 06, 2000 - 11:19 am
Talo ku socota Gadubursi:

Taageera ninkan la baxay ALIF caqli iyo maskax baa ku aasan ragna dagaal waa galin karaa ,qabiilda somaliya ninkooda fiican lugaha ayey gooyaan laakin talo ahaan taageera ninkaan ALIF,
Anigu ma ihi gadabursi iyo Isaaqba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Saturday, October 07, 2000 - 10:25 am
Kaan nala- hayn yeelkadiisa
hagog xume yeelkadiisa
ma halbay naga qaadayaaneey
horaanu u maraynaa

Sayid ALIF Sayid AWDAL sayid SOOMAALI
waa innoo sahandanbe iyo guul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Sunday, October 08, 2000 - 11:24 am
TO: AWDALMAN

Fadlan bal kusoo celi waxa ad tidhi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Sunday, October 08, 2000 - 11:33 am
To: Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya, Mudane: Cali Khaliif Galayr.

RE: TAAGERO IYO HAMBALYO

Annaga oo ah ururka dhalinyarada Soomaaliyeed e AWDAL LIBERATION FRONT,[ALIF] una halgamayna midnimadda soomaaliyeed iyo Madaxbannaanida AWDAL. Waxan jecellahay inaan kuu soo gudbinno, taageeradayada, kuuguna hambalyayno jagada wasiirka koowaad ee laguu doortay. Waxan kuu rajaynaynaa horumar iyo guul; madaxweynaha dalka Mudane C/QAASIM iyo mudanayaasha baarlammaankana oo dhanna sidoo kale ayaan u rajaynaynaa.
Ilaahayna waxan ka baryayna inuu mideeyo Ummadaa soomaaliyeed garansiiyana wadada xaqa ah.

GUUL.

ALIF

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

awdal

Wednesday, October 11, 2000 - 10:31 am
Sallaan, sallaan ka dib wallaal Aqli waxaa tidhi ku soo celi waxaan idhi. Si fiican uma aan fahmin; laakiin faacfaahin ima aanad siin.
Wallaal waxan kaloon ku darsanlahaa runtii laba qof uunbaan ka cawdey ee ma aha innaan dhamaan dadka isku wada daro. Taasina waa figrad shakhsiyaad. Inima jeclina waxaan uga jeedaa siyaasadiina. Waxaan aniga ila tahey dadka siyaasiyiinta ahi inayna noqon kuwo dantood raacayaal ah laakiin ay noqdaan kuwa ka sheqeeya wanaaga gobolka iyo wanaaga gobolka hadii kale ay siyaasad dhecgalin ama ka baxaan.
Qofkasta oon wanaaga, nabadgalyada, iyo wax tarida dadka hada ku nool Awdal ka shaqeyn kuna dhashey ama ka soo jeeda wuxuu iila egyahey ku dantiisa gaar raacey. Mana matali karo gobolka waligii. Somali meelkastooy joogaana qadarin iyo wallaal tinimo ayey ugu leeyihiin.
Dabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Wednesday, October 11, 2000 - 10:53 am
To: Awdalman,

Waad mahadsantahay inaad kusoo noqoto hadalka. Haddaba an kuu jilciyo, labada oday eed ka cabatay, ka hore FAARAX CAWAALE BUSTAALE, Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo ee wuu dhintay.
Aniga xagaygana wuxu ka qoran yahay halyeey Soomaaliyeed, wuxuna ka mid yahaydadka ururka ALIF u samayn doonno taallooyinka.
Odayga labaad GEEDDI carrabloo wali wuu nool yahay, Ilaahayna ha raajiyo cimrigiisa. Geedi waxa lagu yaqaannaa daacadnino, iyo Soomaalinnimo, umana malaynayo inuu waligii xaq darro ku kacay.

Intaa ka sokow, waa laga yaabaa inay jiraan dad innaga mid ah oo marka ay siyaasadda galaan noqda danaystayaal, sida Daahir RIYALE, C/Raxmaan tol waayay IWM. Dadka qaarkood waxa ugu wacan inay waayeen taagero, qaarna waa wax ay u dhasheen, oo lama badali karo.
Xisbiga ALIF wuxu raadinayaa, nabad galyo xal ah oo waarta, oon cidna ku xidhnayn. Waxan raadinaynaa jihada ugu fiican ee dadka reer Awdal iyagu aayahooda ka talin lahaayeen, oon Muqdisho iyo Hargeysa midkoodna looga talin. Waxan ku dadaalaynaa inaan dib u dhisno dikadda SAYLAC iyo jasiiradda kaliya ee dalku leeyhay ee la yiraahdo SACADIIN.
Waxan ku taamaynaa inaan ahaanno isku dan iyo isku dookh. Haddii taasi kuu cuntana, waxan kaa sugaynaa taageeradaada iyo inaad hawsha dhinacaaga ka gasho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 11, 2000 - 02:21 pm
CIDDII DISHAY XASAN XAAJI CALI BIDAAR, "XASAN-APPOLE"

Ururka ALIF wuxu dhammaan taageerayaashiisa ka codsnayaa inay ku dhaqaaqaan in nolol lagu soo qabto qofki dilay "Xasan Appole", 12 sanadood ka hor.
Qofkii hawshaas gala AAKHHIRO IYO ADDUNBA wuxu heli doonaa abaal gud weyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 11, 2000 - 02:42 pm
Dadka jecel amxaaro iyo Gaalo waxan leenahay

MAXAA GAALKA KAA GALAY
MAXAA GOONI KUU XIDHAY
GUMAYSTAHA KU DABA DHIGAY
GARO WALAALKAA GACAL KA DHIGO
GARAB KA DHIGO

iyo

SOOMAALIYOO HAL AH
HEERYADA GUMAYSIGA
NINKA HOOS ORDAAYOOW
HEBED YAHAY LAGAA BADI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TO AQLI

Thursday, October 12, 2000 - 10:55 am
Wallaal waadku mahadsan tahey innaad u jeedadaada si fiican u soo cadeysey. Wax yaalo badan ayaan figradaada ku raac sanahey waxna kugu ma raacsani. Inta aan kugu raacsanahey waxaa ka mida:
Ala ha u naxariisto Cawaale iyo wixii kale ee dhinteyba Geedina Illahey nafta iyo caafimaadka ha u daayo. Meela kuma kala tagno oo waa adeeradey, muma se raacsani dhul baabiintoodii.
Inta aanen kugu raacsaney waxaa ka mida:
heero ayey ahaayeen waa run dadka qaarkood hiiro ayey u ahaa yeen laakiin dadka qaarkood heri uma aheyn iyoo carruura iyey dhirtey hadhsanaayeen gudumooyin ku jareen. Waxaan se filayaa innaaned wax baden ka garaney dadka ama aad sideetamaadkii meelkale ku maqneyd.
Mida kale Dahir Riyale aad sheegtey wax aan ka sheegi karnaa hada ma jirto. Hadii aad heyso wax cadeyna ah innuu dantiisa u sheqayste yahey sheeg.
Arintu si kastaba ha ahaatee, waxaa dadkeena u dana iney isku tagaan oo ay wax go,an meel dhigtaan aaney wada hadalo wax walba ku dhameystaan. Markaas waxaa kala cadaan noonta ninka dantiisa u socda iyo ka danta bulshada u socda.
Qofkasta oo codka dadka ka horyimaadaana waa ka aan anigu ka hor imandoono. Waa jiraan dad u dhashey dulkan oo waaya arag badan leh laakiin hadii ay daka shacbiga hadalkooda ku socon waayaan waan u soo soconaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Thursday, October 12, 2000 - 01:48 pm
TO: AWDALMAN

Waryaa bariinaye ma barideen.
Waxan ku leehay, ninka la yiraahdo DAAHIR RIYAALE, isagaa ayaa afkiisa uga sheegay dhallinyaro badanoo Sammarroon ah, inuu meesha ubadkiisa ku korsanayo, eenu cid kale u fadhiyin. FULL STOP.
Ninka la yiraahdo, TOL WAAYAY, wuxu ka mid yahay dadka uruka ALIF uu maxkamadda soo saari doonno.

In la wada hadlo madaxda xisbiga ALIF diyaar ayay u yihiin, anigu kuma jiro madaxda waaweyn oo waa la iiga da'weyn yahay. dhalinyaro badan ayaa tagi doonta, Jabuuti iyo AWDAL sannadka cusub ka hor oo soo xaqiijin doonta waxa dhabta ah ee meesha yaalla. Haddii ad rabto inaad kuwaa ku biirto, fadlan noo soo sheeg, waxan bixin doonnaa tigidhkaaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 16, 2000 - 05:50 am
Waan ka gaabsatey innaan arintan ku sii fogaado; waxaase cad innaan wax wanaagsen uun dadka la rabno dhamaanteen. Markaad kaad ka soo noqonotaan Awd war buuxa ayaa la iniga sugaayaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.