site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KHALIIF SHEEKH MAXAMUUD

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): KHALIIF SHEEKH MAXAMUUD
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALI

Saturday, September 30, 2000 - 03:38 pm
Khaliif Sheekh Maxamuud, wuxuu ahaa
gabyaa, aftahan, halyeey, naftii-hure
geesi, wadani,Alle ha u naxariistee.

Khaliif Sheekh Maxamuud wuxuu ka dhashay
Majeerteen, Cali Saleebaan.

Qof kasta oo soomaali ah waxaa ku waajib
ku ah inuu xuso, xasuustana, sida loo xuso
Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/Y

Saturday, September 30, 2000 - 08:05 pm
Salaan sxb,

Khaliif waa laguu yaqaan sxb ee maad gabaygii soo daysid aan kaaga jawaabee. Hadaadan aqoona maxaad banaanka u keentay sxb. Halyey yuu u ahaa ninkaasi ma wax kaste ayaa laysu sheegayaa. soo daa wuxu ku caan baxay ninku ama iska daa...waan kaa war sugaayaaye.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Saturday, September 30, 2000 - 08:14 pm
H/Y, war amuu wadnuhu ku istaagaa hadaan sheego gabaygii. War caga dhigo waad marqaansantahee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamoud

Sunday, October 01, 2000 - 12:10 pm
H/Y saxiib,

Sheego gabayga aad rabtid iyo qoladaa tahey,
anaa gabagiisii kuu soo fatahaya.

nabad gelyo...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/Y

Monday, October 02, 2000 - 01:42 pm
Salaan,

waxan filayaa in aan qolada aan ahay iska cadaan tahay ..Habar yoonis .

To Sahal miskiin anaa kaa badiya gabayda ninkaas miskiinyaw . Ado Majeereen ah ayaad doonaysaa inad gabay bartid H.Y ka cadaw iyo ka tolba anaa kaa badiya.. ee suaal aan ku waydiiyo , gabay ma waxad ku baartay ..ninku waa majeerten msie suugaan oo dhan ayaad jescshay.. ta labaad imisa nina ayaa u soo jawaabay.. hadaanay qabyaalad kaa ahayn waad ka jawaabi kartaa suashan dambe.

Nabdeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Monday, October 02, 2000 - 04:27 pm
H/Y, Gabaygii hurgumo ee uu ku guubaabinaayey soomaali oo dhan si ay heeryada saaran iskaga qaadaan waxaa ka jawaabay niman badan oo uu ku jiro Abwaanka Cali Cilmi afyare iyo nin isxaaq ah oo aanan magaciisii hada xusuusan. Tan kale anigu ma ihi ninka bilaabay Mawduucan. Waxaa bilaabay ninka isku magacaabay Somali. Inkasta oo aan anigu sheekadaan mid la mida ku qoray Cinwaanka magaciisu yahay Qawmiyada Majeerteen. Hadii aad jeceshahay Jawaabtii ninka tolkaa ah iisheeg waan kuusoo qorine. Hadii kalena hurgumo ayaan kuu soo qorin. Mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

burcaawi

Monday, October 02, 2000 - 04:47 pm
majeerten futo xume gormuu gabay bartay war bal daya mesha isaga tag yaan ku soo gabyine wax yohow naagta ah buraanbur baa la idinku yaqaanay ee waa maxay gabaygaad ka hadlaysid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suldaan Cali Yuusuf

Monday, October 02, 2000 - 05:20 pm
Iidoor marduuf jaadda helay waa makhnuud falane

intaasaan ka hayaa gabaygii Khaliif. Alla gabaygu macaanaayee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samia

Monday, October 02, 2000 - 05:51 pm
burcaawi makhnuud

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 02, 2000 - 06:07 pm
suldaan gabaygu wuxuu ahaa:
Iidoor marduuf jaada helay waa makhnuud falene. Hilib maraqle iyo roodhigay miisanahayaane.
Macno dawladi leedahaba uma muraadaane.
Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malaf leeye.
Madaxiisu waa tii tukuhu maalin wayne cunaye.
Maskaxdiisu waa tii tukaha looga dhigay miile.
Malabay macaansanahayaan waasu maali'iyo.
Walee ama magaalada Barbara haadku malaflee ama sida mawaashiga ratiga meherad lagu saar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUBXAAN

Tuesday, October 03, 2000 - 05:26 am
TO:ANON AND EVRY ONE:

SAAXIIBAYAAL JAWAABTII WAA TAN

"IIDOOR MARDUUF QAADA HELAY KAA MARTABO ROONE WAA NIMAN MAHIIGAA KA BADA AMASE MALAAYIINE.MASKAX XUME MALAY XADHIG KU DAME MURANA NAAGOODLE,MASAYRKII TOLKII LAGU NACIYO GABAY MAJEERTEENLE"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 06, 2000 - 11:14 am
Burcaawoow saaxiib majeerteen wuxuu gabayga bartay markuu daarood noqday. khaliif dhabayocona waa halyey soomaaliyeed.
naayaa saamiya waaa ceeb erayga aaad isticmaashay hadaad gabdhayagii tahay hadii kalena aashaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/Y

Friday, October 06, 2000 - 02:06 pm
Salaan,

To: Sahal waxa ka soo qayb qaatay Hurgumo intaan garanaayo aan hubo waa afar nin. Maxmuud Dheeg (Ciidagale) oo laba maanso ku le. Dhirbaaxo Jaan (Habar Awal) oo isna laba tixood oo miimlaya ku le. Khaliikh (Majeerteen) oo isna sedex ku le. Iyo Cali Cilmi Afyare (Majeerteen) oo tix kaliya ku le.

Ragu qaarna dawlada ayay la socdeen iyo waayahii jiray meeha..dagaalkii xabashda oo somali midnimo loo rabo waanaa . Dhirbaaxo Jaan iyo Afyre. Labada kalena dibada ayay joogeen oo gabaydooda xoogaa wxay lahaayeen freedom ay ku sheegaan waxay rabaan. waanaa Dheeg iyo Khaliikh.

Waxan aad ula yaabaa afar yaryar oo majeerteen ah oo atagoo muus iyo cambe Xamar ku dhuuqaaye oo afarlay ka maqlay Khaliif oo gidaar kaste la taagan:

Idoor Marduuf qaada helay waa makhnuud falane????

Erigaa Makhnuud gabayga kumba jiraba ee sharfta ha ka dilina ninkaas Khaliif sabab aan kuu sheego waxaas haduu aw ku hadli lahaa reer tolkii ayaaba la yaabi lahaa.

Idoor Marduuf qaada helay waa majnuun falane
Macno dawladnimo leedahay uma muraadaane.
Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malaf leeye.
Madaxiisu waa tii tukuhu maalin wayne cunaye.
Maskaxdiisu waa tii tukaha looga dhigay miile.

Intaas gabayadu waa ka dheeryihiin laakiin qodob qodob ayuu nin kaste ka jawaabayaa, ninkii garanaya ayuun baa yaqaan Dhirbaaxo Jaan sidatan ayuu uga jawaabay afartaas tuduc.

Idoor Marduuf qaada helay kaa martabad roone
Intay sharaftii maydheen kufriga uma maciinaane
Ma ay marteen Amxaaro sidu yahay Majeerteene
Muxiba dirayaa Hawiyye iyo moofo dubayaaba
Waa niman masuul qaadi kara magacna kaa roone
Habar Gidrtaa Mudug joogta iyo Sacad kaad maagtay
Murusade iyo Cayr iyo Abgaal mudane weeyaane
Waa niman halkaad marteen maro ka saarnayne
Waa niman midnimada jecel midhaha Soomaale
Waxba hays marmarin waa dadaaan kula masuugayne
Maskax xume malay xadhig ku dabe murana naagoodle
Maseerkii tolkaa lagu nacayiyo gabay Majeerteen dhe.

Dheeg oo oo Shiinlaydii Cabdi Iidaan furay oo Hadraawi furi kari waayay ayaa isna gabay laba tixood ah ku soo galay oo aan mid kaliya khaliif ka soo jawaabin waxu yidhi sidatan: waa kii koobaad:

Qayilaadaad nagu cayday iyo qadad geedaysan
Ee aad adigu soo qaaday baan kaa qancinayaaye
Qorma nabada ciidaydoo qabaw anoo jooga
Kolkaan calankiiyoo meel qotoma qun uga soo toosay
Kolkaan hawshii soo wada qabsaday qaybtii igu aaday
Ee aan qadeeyay oo dhargay baan qaadka iibsadaye
Qol dugsoon haddi lay goglo iyo qaac barkimo taalo
Anagu qaayankeed xarago waanu u qalanaaye
Waa qadiimad lagu dheeryoo ka qaday maandhawe
Hadii aad qadooday oo Amxaar qaranji tuugayso
Qurugyada waxa nooga jira qabowgii Maandeeeqe.

Sidaas weeyaan gabayadu mar kii kale aw ku soo laabtay Dheeg waa tixi dheere sidatan ayuu ku soo galay:

Murtida iyo macnaha gabayga iyo muunaddiyo luuqda
Waa martabad saroon uumiyaha Mawle wada siinne
Mulki kaleba soomaaliyeey waa ku murannaaye
Maansiyo kolkay gabay tihiyo midha la luuqeeyo
Sow Miidhayadan reer Isaaq lama mihiibsiinnin
Mankiisiyo Mullaax iyo Laf iyo gabay macaankiisa
Macdantiisi sow Eebahay naguma soo meerin
Milgaa hadalku lee yahay haddii maalin nala siiyey
Uma mumo nin murudkii hadhiyo moodki xaabsadaye
Majeerteen ha noo soo tirsheen maansa-Boolida'e
Iyagoon malcaamado u gelin miinkiyo hingaada
Oon Macallin wax u sheegin bay mus isku qaadaane
Dar maqiiqayoon u hubsan bay eedday maansaduye
Murtidiyo Af Soomaaligii waad ka madhantiine
Nin Mallaay ku koray baan xikmada miiqna loo darine
Haddaan lays makeekiyin xaqana laga mildhaawaynin
Murti gabay Ogaadeenka waysugu majiibnaaye
Maandhoow Dhulmahantahana ways midha naqaanaaye
Warsangelina marar waa tirshaa maanso loo boga'e
Midna ma tihid saddexdii qolee loo malayn jiraye
Maandhoow Khaliif gabaygi wuu kaa maroorsamaye
Mid horoon ogaa iyo kaniba way kaa memeleene

Ogu dambayn hadii murtida gees kaliya laga eego oo farlay laga barto ninkii yeela taas ayuun bay u darntay . Ee waa iga talee nimankan afarlayda laa yaacaya suuqa yaanan banaan lagaa helin, ee ama duuxa murtida ama iska daaya gabigeedaba. Sabab hadaad ragggeedii is hashaan dhabigay ku diri.

Dood fiican iyo nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Friday, October 06, 2000 - 06:16 pm
H/Y well done. Waxaad mudo maqnaantidba ma intaas ayaad soo heshay. Run ahaantii anigu wakhti badan mahayo cajaladii jawaabtii aad tiri khalif Sh. Max'ud kama uusan jawaabin ninka reer waqooyiga gabaygiisii waa uu kajawaabay waana la iisoo wadaa; markaa kadib ayaan hadii aadan wax ka qabin kuu soo qorin. Laakiin gabaygiinu wuxu murti lahaan lahaa hadii uu run ahaan lahaa. Khaliif wuxuu ahaa (If you will) gabayaagii qarnigii lasoo dhaafay mana aha nin lagu eedayn karo inuusan gabayga aqoon. Thanx.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amaan

Friday, October 06, 2000 - 09:52 pm
WELL DONE H/Y,ROUND OF APPLAUSE FOR H/Y

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wu tan clan HY

Saturday, October 07, 2000 - 12:59 am
Runtii anigu waxaan ahey nin Habar yoonis ah. Xamarwaa ku dhashey. Waxaan ina leeyahey qabiilkasta oo soomaali ah waan arkey. Marka waxaan ogaadey,markaan xamar ku nagaa Hawiye dad ma aheyn, Mareexaan ree baadiye (miyi)ayey ahaayeen.Dhalinyarada Daarood oo aan saaxiibada la'haa aad ugu badnaa
waxey ahaayeen Majerten & Warsangali.Marka Majerten waxaan hubaa iney dad wanaagsan yihiin. Marka waxaan kaloo layaabey qofka kule majerten gabayaa maleh war hadii loo hadlo qabiil ahaan majerten waa dad aad uquwad badan oo Gabayaa anaa shan kuu tirinkara oo dhan leh, oo madex leh. Marka mawanaagsanaa maseyr kee raga aan la tartano majerten waa laf daaroodka ka mid ah ogow. Soomaali majerten waxey uheysataa inuu dad neceb yahey laakinse waa gob inta badini.

Big up for habar-yoonis waa are unstopable.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wu tan clan HY

Saturday, October 07, 2000 - 01:01 am

Tuesday, October 10, 2000 - 10:41 am
Salaan,

Sxb intaa iyo in ka badan ba waan hayaa, ee ogaw inaan gabay ka baran ina adeerkay oo kaliya oo aan tix galiyo raga kale cid kaste ha ahaadee.

Majeerteen haddii lay waydiiyo yaa u gabayi jiray in aan isku difaaco waan aqaan... Khaliif iyo Xaaji Muuse Ismaacii 1790-1860. Dhulbahantena waan kaa badiyaa cidii u gabyi jirtay Ogaadeena daaba oo waa batiyaashay.Abskull waa lagu yaqaan.

Ee laakiin adigu ma sheegi kartaa 5 kaiya oo Ciidegale ah ama H.Y ah..lol ma sheegi kartid sxb sabab nin gabay yaqaan ah oo aabihii ka dhaxlay ayaanad ahay waxad taqaanaa, afartii ilma adeeradaa.Hadii aan kuu tiryo inta Ciidegale oo kaliya ka gabayda waad yaabi lahayd oo ilaa 12 ayaan kuu hayoo anoo nin dhaliinyaro ah odayaalna hadii la waraysto waad yaabi lahayd. Waxan ku qoslaa eriga ..waxa ka so qayb qaatay ama u soo jawaabay"NIN REER WAQOOYI AH".. reer Waqooyi??????? ma Isaaaq kaliyaa???? ta kale yuu ka ahaa oo aw ka sii ahaa.. ninkan khaliif ee Cali Saleemaanka ah waa laguu yaqaane...lol

Sxb ugu dambayn gabyga iska daa rag baa Gaashaamo iyo Gunta Hawd uga dhashee..waa hadaad taqaanidba..
nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali saleeban

Tuesday, October 10, 2000 - 12:24 pm
khaliif waxaa dilay gacan ku dhiigle cabdulahi yusuf saa ula soco waana in loo aro ninka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Tuesday, October 10, 2000 - 10:03 pm
H/Y hada istus tus iyo waxay kaa gaartay halagu yiraahdo suugaantuu yaqaan. Aw muuse hadaad taqaanid waa iska kaa cafiyey. Teeda kale ha ila yaabin hadaan ninka kula tolka magaciisa garan waayey. Si aad ku fahantid waa inaan ku iraahdaa nin reer waqooyi ah. Runtiina reer waqooyi Isaaq baa lagu tilmaamaa marka laga hadlayo. Sida reer bari loogu tilmaamo Majeerteenka. Ma majeerteen kaliya ayaa daga bari? Jawaabtu waa maya. Warsangali, dashiishle iyo qabiilooyin kale oo badan ayaa daga. Habada nin yahaw marlabaad kugula tartami mayo Suugaan iyo Gabay ee anigu waxaan xusay ninkaa khalif sh. Max'd. Hadaba maadaama aad u egtahay nin logical ah waxaan ku waydiiyey Khalif Sh. Max'ud xagee buu kaga jiraa Gabayaashii qarnigii lasoo dhaafay? Ma heerarka ugu sareeyaad ku tirin lahayd. Ma kuwa dhexe? Mise kuwa hoose?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.