site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Qof kastoo soomali ah waxaad qoreyso ha noqdaan wax muhiim ah oo ummada ka faaiideysato.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Qof kastoo soomali ah waxaad qoreyso ha noqdaan wax muhiim ah oo ummada ka faaiideysato.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Monday, October 02, 2000 - 12:35 pm
Waxaan soo gubney wadankeenii hooyo,haddana waxaan joognaa dhul shisheeye ma rognaa ciidiisa ee ma ka daba geynaa keenii.Haddaba waxaan hadalkaas u leeyahay waxaa ilaah noogu deeqay qalab aan si deg deg ah wax isugu gudbin karna kuna kala faaideysan karno.
Laakiin nasiib daro ma noqonin taas ee anagii ayaaba is cuneyno, halkaan xabad ma taalo ee internetka ayaaba kula yaaban isna waydiiyey (Alla dadku cawaandisana oo wuxu maxay ahaayeen ma soomali ayaa i soo gashey oo ii isticmaaleysa sidii xabadii ka dheceysay qorigii shilkaha ahaa.)waxaa la doonayaa qof walbo inaad ka faaiideysato oo dadka walaalahaa ah aad u soo gudbiso wixii fikrad ah ee aad dhaanto, hadii kale waxaad ku roontahay shibta ee iska aamus,(af daboolan dahab waaye)haddii kale ku soo rayi wanaagsan oo aan ka wada faaiideysano.Ma haboona inaad isku catdaan la iskana dhaadhiciyo ama la isku khasbo in qabiil qabiil dhaamo amaba ka awood badan yahay ileen waa tii qeerkeen naga reebtay.qof walbow adiga is xisaabi dib isugu noqo yaaney kaa hoos bixin, qabiil warkiisa waa dhamaadey aakhirana waxba kuuma taraayo cadaabkii jahanamo kaama badbaadinaayo,ogsoonow inaad dhimaneyso, dhiig la daadiyana waxba kuuma tarayo.Miyaadan dhiiglaheyn wadankan aan ku noolnahay wax kale iska dhaafee waxay badbaadsaden dadka aalkuliistaha ah,macnaha waxay ogyihiin qiimaha nafta beniaadam ay leedahay.Qofka soomaliga ah danta caruurta soomaliyed,hooyoyinka,aabayasha iyo abootoyinka ayey ka hormariyaan danahooda khaaska ah....


Aan ka wada hadalno doodu wey furan tahay iyadoo aysan ku jirin xumaato iyo caay labadaba.!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.