site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Madaxweyne cigaal iyo barlemanka somaliland maxa laguboon?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Madaxweyne cigaal iyo barlemanka somaliland maxa laguboon?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FIIDMEER

Tuesday, October 03, 2000 - 02:17 pm
Marka hore waad salaamantii dhamaan somalidiina halkan isugu timaada ee akhrisata rayiga dadweynaha.
Hadii aan idinsiiyo fikradayda la xidhiidha xadhiga Garaad abshir (Garaadka Dhulbahante) ee dhawaan lagu xidhay Berbera, kadib markii u ka soo laabtay kana qaybgalay Dawlad ku sheegtii lagu dhisay Carta(Djabouti).
Garaadku khalad weyn ayuu ka galay dalkiisa iyo umadiisa reer somaliland . Wuxu hore u ahaa ninkii ku jiray golaha guurtida ee kala gooyay dalkii hore loo odhan jiray Jamhuuriyadii Dimoqradiga ahayd ee somaliya. Wuxuna garadku si xor ah uga qaybqaatay shirkii lagu qabtay magalada Burco sanadku markuuu ahaa 1991 kii.
Waxa kale oo uu garaadku ka mid ahaa mudo sadexsanadood gudaheeda ah xubin guriga guurtida ah oo uu mushaaharo dawaldeed u xaadiri jiray.
Waxba ayaanan hadalka kugu daalinine mar hadii garadku talo xumo sameeyey oo uu sameeyey wixi dhacayba dhece e maxaa la gudboon dawlada sharafta leh ee somaliland?
Anigu fikrad ahaan waxan qabaa in xadhiga lagu xukumay garaadku aad u badan yahay maadaama dalkeena somaliland yahay dal ay ka jirto waxa la yidhaahdo (freedom of speech)ku. In laga fiirsado oo loo qoondeeyo sida tan ayaa ila gudboon. ( Si ilkona wax u cunaan carabna u nabadgalo)lollll.
Waa in Madaxweynuhu u qadaa (appeal) maxkamada guud ee dalka. laguna sameeyaa dib u noqosho, maadama uu garadku ogolaaday in uu ka noqday gafkiisa.
In lagu xukumo mudo gaaban oo aan ahayn 7 sanadood. (six months will be fine)
In laga saxeexo cuqaasha sharafta leh ee ka kooban 16ka oday inay saxeexaan in uusan garaadku ka qabgali karin dawlad somaliya laga dhisayo.
In lagu taqsiiro ganaax dhan $500.00.

Hadii aan u soo noqodo dadka reer Laascaanood, waa dad walaalahayo ah oo reer somaliland ah wax dhibaato ah oo anu isku haynona ma jirto. Dulbahantena wax laga sheegi karaa habayaraate ma jirto.

FIKRADAADA WAA DHIIBANKARTAA ADIGA OO AAN CAYTAMIN QOLONA WAXBA KA SHEEGIN. SIDAAS AYAA ILA GUDBOON DADKA HALKAN FIKRADA ISKU WAYDAARSANAYAN LA GUDBOON.
WASALAAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GARYAQAAN

Tuesday, October 03, 2000 - 11:14 pm
ku fiidmeer
sxb waad salaaman tahay waxaanan ku faraxsanahay rayigaaga wanaagsan ee aad soo jeedisay.
sida aad sheegtayba garaad ku sheega laxidhay wuxuu denbi kagalay dalka iyo dadkaba gaar ahaan dadka garaadka ka dhigtay,sababtoo ahlama arag nin xil reer loo dhiibtay oo magac qabiil matala oo aan goaan iyo geesinimo lahayn taas oo aan uga jeedo garaad kusheegu isagoo sida aad sheegtayba ahaa ragii goaamiyay gooni isutaaga S/LAND,isagoo kamid ahaa ragii ladhaariyay ,isagoo kamid ahaa golaha guurtida baarlamaanka S/LAND isla markaana mushahar joogta ah kaqaadanay dawlada S/LAND waxa layaab leh sida uu ku keenay in uu kaqaybgalo dawlad ku sheega lagu kakabay (jabuuti)balse hadii ay dhacdayba waxa lala sii yaabay isaga oo danbiila ah sida nacasnimada ah ee uu usoo maray dawladii iyo dadkii uu denbiga kagalay isagoo weliba xanbaarsan waraaqo sir ah oo kulidiya dawlada S/LAND.
intaasi iyada oo ay jirto hadana waxay ila tahay aniga maadaama uu qirtay denbigiisa tanaasilna uu bixinayo in sharafta s/land iyo shacabka uu metelayoba loo khafiifiyo xadhiga,shacabka uu metelayona waxaan odhan lahaa kani garaadmaaha ooberina xabashi buu afka iddinka gelinayaaye samaysta garaadadii la idinku yiqiinay ee lahaanjiray qawl iyo qoomiyad sida(GARAAD C/QANI).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salaax

Wednesday, October 04, 2000 - 01:22 am
garaadka waxay habargidir u balanqaadeen inay
naagta ugu quruxda badan haawiye haddiiba ay jirto
naag haawiye oo qurux leh, waxaa kaloo garaadka
loo ballanqaaday in la siiyo dhuloos gaar ahaan
ali khalif oo ah ninka garaadka ku qalqaaliyey
in uu carta tago haddii waayo madaxweyne prime
minister, markaa hala yaabina garaadku wax bad-
suu islahaa malaha cigaal baan siin lacag ku filan
garaadka, ilayn waa la ogyahay dhuloos waxay ab iyo sinji u leeyihiin hunguri sida garxejiska.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fiidmeer

Wednesday, October 04, 2000 - 01:48 pm
Ku. Garyaqaan:
Saaxib aad ayaad ugu mahadsantahay tallada aad soo jeedisay kadib markii aad akhriday, talo xumada uu garaadku sameeyey.
Saxiib dadka in yar un baa fahmi karta xigmada meesha ku shirta.
Markale aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sida talada aad u aragto.


Peace I am out.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shoodhe

Wednesday, October 04, 2000 - 02:40 pm
cigal and his administration should resign right now, because cigal is easy going man, he cannot represent our people. it is clear that he absolutely cannot even rul or control part of somaliland. how can cigal releases the garaad abshir who was found guilty by the supreme court of somaliland. somaliland is now like a restaurant where the owner runes, if cigal does not resign there will be nothing called somaliland. as everyone knows cigal is trying to get position in the somali goverment, that is why he is misusing somaliland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil Hayaag,Toronto

Wednesday, October 04, 2000 - 10:46 pm
Fiidmeer saaxiib horta adigu si fiican ayaad fikradaada u dhiibatay,waxaanad hadashay garaadkaa. Laakiin dhowr nacas ayaa kaa daba hadlay oo aan afkooda iyo dhegahoodu is maqal.
Waxaan kun iyo kow reer shixisaxaaqow idiin sheegnay dhulbahante ma ogola mana maqli karo Somaliland wuxuuna ka diiday gumeysigii ingiriiska, taariiqda soomaaliduna way ka horeysay ta reer shixisaxaaq ka bilaabo ee 1884, markaa fiidmeerow hadii aan diidno miyaanaan xaq u laheyn, mida kale hadaad qabiilada qaar cabudhin kartaan sow ma ogid inaanaan anagu kuwaa ka mid aheyn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Wednesday, October 04, 2000 - 11:17 pm
ku fiidmeer
sxb waad kumahasan tahay sida aad usaxday in aan asiibay rayigii aad soo jeedisay ee ahaa maxaa laga yeelayaa garaad ku sheega la xidhay .
waxaana war ku helay in shalay lagasii daayay xabsiga caasimada hargeysa kadib markii uu qirtay denbigii khaayinmwadaninimad ahaa ee lagusoo xidhay in uu ahaa gaf uu ka galay dadka iyo dalka iyo shacabka uu metelayaba kadib markii ay yimaadeen cuqaal,culuma aw diin waxgarad iyo shacabka reer sool qaar kamida iyagoo dawlada iyo madax weynahba uweydiiyay cafis iyo in uu tanaasil kabixinaayo arimahaiyo mawqifka dawlad kusheega lagu kakabay (carta)iminkana uu kamid noqon doono waxna uu laqaybsan doon dadkiisa iyo dalkiisa S/LAND.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somalia

Thursday, October 05, 2000 - 12:53 am
alla maxaad been isku sheegteen,.
waryaa isaaak uraaayo waxba meesha kuma haysaan
iska aamusa qariirada aduunka miyaad ka aragteen wadan la yiraahdo somalileend waa maya,,..

iska nacnacleeya,, garaad abshir waad qafaalateen,, ama afduuubateen,, waa iska caadi in dad la afduubto dunida graad abshir waa nin ka mid ah barlamaanka cusub ee wadankeena hooyo somalia.. ma aha cadawga umada soomaliyeed axmaarada isaaqa ama falaashada degta waqooyiga somaliya..

mar dhaw xiryihii qaxootiga ee ithoopiya waan kuugu celin isaak uraaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Thursday, October 05, 2000 - 01:17 am
In my opinion SOMLILAND, is QUDHMISLAND.
And sooner or later they will be part of Ethiopia.
Because they can't stand or their own and their women love Habashi men.

Sayid ALIF

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fiidmeer

Friday, October 06, 2000 - 04:59 am
Horta waad salaamantihiin dhamaan.
Waxan aad uga xumahay in dadka qaar idinka mid ahi halkan ay caytameen, qabyaalad ka hadleen sida ninkan(SAYID ALIF) IYO SAAXIIBKAY SOMALIA.

Horta waxa rabaa in aan u jawaabto Sayidka oo si ciyaalnimo ah u caytamay, ninku hadii uu qabyaalad intuu ka hadlo caytamona raganimo uu leeyahay ma jirto. Saxiib anigu wax qolo ah oo aan caayay ma jirto waxan ka hadlay oo kaliya runta jirta oo ah arimo na khuseeya hadii aanu nahay reer Somaliland .
Aan ku xusuusiyo e waxanu isugu jirnaa qabailo faro badan oo cidwalba leh (Dhulbahante, Warsangeli,Isaaq, Ciise, iyo Samaroon). Talayaduna waa mid runtii nagu kooban oo ay tahay xaqna aanu u leenahay hadii aanu nahay Somaliland in aanu ka hadalo anagu dhexdayda oo keliya.
Waxan kale oo an raacinayaa in dadka kale na daayaan oo aanay na khayaamayn iskuna kaaya dirin oo ay naga dhex baxaan hadii aydun tihiin reer Somaliya.

Maxa nagu kiin saliday ee aad isugu kaaya diraysaan? Inataa belaayo nagu dhacda ayuunbaad ilaahay noo baryayasaan ! Anaguna waanu idiinsoo ducaynaa in Ilaahay idin heshiisiiyo oo nabadi idinka dhex aslaxdo.

Waxan aad ugu faraxsanahay talaabada uu Madaxweyne cigaal ku sii daayay Garaadka oo runtii aan u arko in ay tahay talaabo aad u wanaagsan oo isu keeni karta dadka somaliland wada degen. Waan ogahay in dadka qaarkii u arkaa si kale, taasina waa khayb ka mid ah democratidayada.
Marwalba wey jiri doontaa in laysku af garanwaayo talada oo ninba meel si gooni ah u arki doono,taasina waa iska ok, kol hadii aanay xabadi jirin sida hadda ka taagan Muqdisho.

HADII AAD DOOD KA QABTO HADALKAYGA PLEASE HA KA HADLIN WAX KHABYAALAD AMA CAY AH WAANAD II SHEEGI KARTAA WIXI TALO AMA TUSAALE AH.
SALAAMU CAYLKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

north-somalia

Friday, October 06, 2000 - 05:18 am
shoodhe, waa run oo hada kadib wax soomaaliland ladhaho majirto ee qows walboow taada raaco, waanu is ognahay shabag baaba la'isudaadin. war dhamaatay, cigaal hooyadi ha'ugeeyo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.