site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SHIRKII JABUUTI DARBIGII UU KA BOODEY BAA DOWLADA CUSUB HORE YAALA

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): SHIRKII JABUUTI DARBIGII UU KA BOODEY BAA DOWLADA CUSUB HORE YAALA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Isticmaardiid

Wednesday, October 04, 2000 - 06:07 am
Shirkii jabuuti waa lagu guuleystey, sababtoo ah waxey si fudud uga tilaabsatey majaxaaba qabiil, taas oo ah midta maantey hor taagan dowladda cusub oo umul galisey.

Soomaliya waxey u baahan tahay dhowr qof oo daacad ah, Illaahood taqaan, iskuna kalsoon, oo hogaanka u qabata ayagoon qof iyo qabiil toona aan si gooni ah u qancin ama uga cabsan.

Sidaas darteed, dowlada cusubi ha iska dhaafto OKOROSHADA oo ha u dabaasho maamulka sidii la quman iyo wixii ugu qoran distuurka.


U bareera howsha sidii nin arkey hashii uu jeclaa oo ey geesaha kaga jiraan intii habar-dugaag sida libaaxyo, waraabayaal, dawacooyin iyo haada hilib cunka ah oo kor heehaabeysa.

Ka dibna, been masheegtada taariikhda baad dhinac ka galeysaan, wanaag ama xumaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISTICMAARDIID

Thursday, October 05, 2000 - 04:34 am
SOO DEG-DEGGA, SOO DEG-DEGGA!

Soo degdega oo noo keena magacaga dowladnimo, kadibna, bal dhawra sidaan iskaga dhicino: tuugada, Soomaali diidka, iyo dhammaan inta isticmaaradda cusubi ku adeegato ee xaamqaadayaasha, hungurigoodu maankooda qariyey.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.