site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AAD BAAN UGA XUMAHAY SOOMAALIDA KU NOOL NORWAY (ISKANDANEEFIYANKA IYO YURUBTA KALE) OO LACAGTA CARRUURTA MEESHA U JOOGA - DHIBKA KA DAMBEEYANA AAN OGAYAN!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): AAD BAAN UGA XUMAHAY SOOMAALIDA KU NOOL NORWAY (ISKANDANEEFIYANKA IYO YURUBTA KALE) OO LACAGTA CARRUURTA MEESHA U JOOGA - DHIBKA KA DAMBEEYANA AAN OGAYAN!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin ku nool Norway...

Wednesday, October 04, 2000 - 05:28 pm
ANIGOO KU NOOL NORWAY, HADDA AYAAN SAFAR KA AHAY OO XAASKAYGA AYAA IGU RAACDAY....

Waxaa naloo ku sheegay inay yurub oo dhan siiba Iswiidhan, Denmaarki iyo Norway - yihiin dalal lagu noolaan karo oo aad diintaada xor u tahay, dhowr sano ka dib - dhibaatadii Norway ayaa naga badatay oo Soomaaliya baadiyihii aabbahay ka yimid inaannu geed cidla ah ku dhimanno ayaa nooga fiican. Dugsiyada hoose iyo dhexe - maaddo diimaha oo ah masiixi ayey carruurtii ku khasbeen, qofkii ajinebi ah oo wax barta - iyagoo leh qaxooti baad tahay ayeysan shaqo siinayn oo dad yurubta kale ayey soo kireystaan. Soomaalida dhallinyarada aan xaaska ahayn ayaa taksi wada haddii ay leysanka gaariga haystaan, kuwa aan leysin haysanna shaqooyin nadaafad (dhul dhaqid ah) ayey qabtaan, sida kale xaasaska lacag carruur oo fara badan ayey siiyaan, cunuggiiba ilaa afar boqol oo doollar bishii (haddii ninka iyo naagtu aysan is sheegan waa looga sii badiyaa laakiin ilmahaasu magacii hooyada ayey qaataan oo aabbo la'aan ayey u qoraan ama ilmo aabbihii uu hooyadaas ku cidleeyey oo uusan kolna soo booqan karin ama sheegan karin), marka soomaalida aad bay ubadkii uga dulloobeen (diin ahaan iyo dhaqan ahaan). Wadaaddo badan iyo xaasaska waxgaradka ah ayaa reerkoodii kala guuray. Laakiin dumarka intooda badan iyagoo og dhibaatada ayey lacagtaasi u caddahay oo raggii waxgaradka ahaa naftii ayaa haysa (war sug ann bishan hebel wax u diree ama dumarkii ayaaba raggii qaadka la fadhiya oo habeen iyo maalin ka badsada), ragga dumarka kari waayeyna qaad ayey kolkaas reerka iyo asxaabta ka shaxaadaan oo wakhtiga ku socdaba war uma hayaan. Aniga gabadhayda heesaha ciidal-masiixiga ayey dusha ka qabadsiiyeen oo waaba khasab in la barto xilliga diseembar ee X-mass, sannadkii hore taleefashinka ayaa laga soo saaray kol ay diidday inay kaniisadda fasalka ugu raacdo si loo soo khatimo ciidda masiixiga, kolkaas fasalka ayaa lagu xiray, tv ayaan ugu yeeray, dib dambana dugsi uguma noqon. Marka ibtiladan Alle ha naga qabto. Iswiidhan ayaa xagga diinta ugu roon oo dugsiyada carruurtu diin masiixi kuma bartaan, Denmaark xoogaa ayey Norway ka fiican tahay, laakiin Norway ninkii joogaa xaalkeeda og...balse 10ka sano ee dambe aannu ogaanno in soomaali sii joogto. Iyagaaba si xad dhaaf ah noo cunsuriyeeya oo hadda annaga ayeyba noogu neceb yihiin ajinebiga, dad pakistaaniyiin ah ayaa ku nool laakiin waa ay u gali waayeen oo carruurtooda iyagoo yaryar ayey dalkooda geeyaan, kolkay qaangaar dhaafaan ayey shaqo (dukaankooda/ taksigooda) u keenaan, laakiin dadkaasi waa dad dal dhaqan leh...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, October 04, 2000 - 06:23 pm
•••• you theo whether u need post some thing a made breife massege ok

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.