site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bal Mar iisoo Jeesta waa "Kuusow" eeeeeeeeeee.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Bal Mar iisoo Jeesta waa "Kuusow" eeeeeeeeeee.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Thursday, October 05, 2000 - 04:36 pm
Waan idin salaamay dhamantiin marka hore. Marka xiga muda ayaan ka maqnaa Somalinet qaybta Discussion-ka lakiin hadan si joogta ah ayaan u akhristaa qaybta Newska oon u arka inay Somalinet si fiican noogu soo gudbisa akhbaarta., loo baahan yahay. Sababahaan u imaan wayey qaybta discussionka iyo meelahaan ku 'dharbooqtami' jiray waa anigoo mashquulay. Lakiin wali sidii baan idiin jeclahay hadaad tihiin walaalahay Somaliyeed oon u jeclahay inaan idinla 'hasaawo'.

Calaa kuli xaal waxaan maanta isoo celiyey oo igu kalifay inaan mar labaad ku soo noqda qaybtan. Waxaan rabaa inaa laba kalmadoo idin iraahdo. Bal marka hore ninkii waqti hayoow, bal fiiri maqaalka quruxda badan ee uu soo qoray "Maxamed Abdiraxmaan Somalinet" Maqaalka cinwaankiisu waa "TAARIIKHDA AMXAARADA IYO WADDANKA SOOMAALIYA" waxaadna si toos ah uga gali kartaa http://www.somalinet.com/news/snet/05Oct2000154802.shtml halkaas hadaad tuujiso.

Halkan waxuu si sharaf ah u run ku dhehan tahay u shegayaa Maxamed wax Somali iyo Eithopia ka dhaxeeya. Colaada na dhaxtaalana inay tahay mid aad u qota dheer oo na dhaxtaalay ka awoow ka woow. Inkastoo qoraago uu si qurux leh u magacaabay dhamaan sababaha ay Eithopia uga soo horjeed Somali is raaceed, hadan waxa kaliya oon ku dari lahaa in ay tahay Sababta ay Eithopia noogu diidan tahay inaan nolaana oon hawada Africa isag neefsano ay tay kaliya 'Somaali oo Ah Dad Muslim ah oo Walaalo ah oo isku dhaqan ah isku af ah isku wax walba ah' .

Markaa waxaan oran lahaa, walaalahay Somaaliyeed ee ka dhacsan xaqiiqda inay ogadaan in Eithopia ku orodkeeda aysan haba yaraaatee wax ka heleen maslaxan mid guud iyo mid gaar waxay ahaataba ugu jirin qofka ku ordaa Eithopia. War hadii aan idinka tusa geed gaaban. Ma Alihii na abuuray baan ka ognahay xaqiiqda. Ilaahay Subxaana watacaala ayaaba yiri' Yahuud iyo Ansar idinkama raali noqonaysa ilaa aad diintooda raacdanba moyee'.

Calaa kuli xaal Ilaahay ha isku keen soo duma quluubteena, wax yar baa noo dhiman ee.

Kusoow
Safiirka

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.