YUSUF | Monday, October 09, 2000 - 02:33 am || Taariikh: 1.10.2000 || || Somali Forum || || Akhriso B. Martida || || Saxiix B. Martida || BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA [1. Arar][2. Warka][3. Ganacsi][4. Qubane][5. Doodda][6. Haweenka][7. Diin][8. Dh/yaro][9. Murti][10. Iidheh] AL-ITIXAAD IYO DOWLADDA CABDULQAASIM MAXAA KALA HAYSTA Sida aan wada ognahay, madhabta wadaaddada al-Itixaad waxay ku salaysantahay in aanan siyaasadda la faragelin, Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyay ee xukunkii Siyaad Barre sii liicayay wadaaddadaasi waxay ahaayeen kooxdii ugu xoogga badnayd wixii dalka joogay kolka laga eego dhinac kasta, ama ha ahaad mid urureed ama habaysnaanta iyo taageerada ay ka haysteen dadwaynaha Soomaaliyeede. Sikastaba arrinku ha ahaadee, Al-Itixaad way ku fashilmeen in ay la wareegaan maamulka dalka intii uu liicayay xukunkii Siyaad Barre sababtuna waxay ahayd, qaar badan oo madaxdooda ka mid ahaa ayaa aaminsanaa in aananay bannaanayn in siyaasadda laga qaybqaato. Kolkii dagaallada sokeeye billowdeen, waxay ka qaybqaateen dagaalladii qabyaaladeed ayada oo koox walba taageerayso qabiilkeeda, halkaas ayaa kolka waxaa ka soo baxay kooxo al-Itixaad ah oo qabiil ku salaysan, qabiil kastana wuxuu yeeshay al-Itixaad asiga u gaar ah, sidaa darteed waxaad arkaysaa in qabiilada diiday in maxkamadaha laga furo meelaha ay joogaan ay yihiin qaar aanan lahayn wadaaddo qabiilkooda u daacad ah. Dhalashadii dowlladii Carta Kolkii Ina Geelle ku dhawaaqay barnaamijkii uu ugu tala galay soomaaliya ee lagu soo dhisay dowladda cabdulqaasim madaxda ka yahay, wadaaddada habargidir ee al-Itixaad al-Islaami, ee badankoodu ka dhashay beesha Cayr, waxay ku dadaaleen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dowladda cusub ee laga abuuri doono Carta. Sababta keentay in wadaaddaasi xiiseeyaan ka qaybgalka dowladda soomaaliya ee la filayo waa danaha dhaqaale ee ay ku haystaan dalka dhexdiisa iyo heshiiska ka dhexeeya ayaga iyo ganacsatada, halkaas oo loo baahday in la helo nabadgelyo si Itixaadkuna cantoobyada uu ku hayo bulshada u sii xoojiyo canacsataduan ay taageero uga helaan ayaguna dhaqaale ku kabaan, kolka waxaa loo baahday dowlad u adeegta danaha labadaas kooxood ee runtii ah dano dhaqaale iyo kuwa diimeed oo isasoo dhexgalay. Hadda iyo dan, kolkii al-Itixaad ay gogosha boorka uga jafeen dowladda cusub oo ay dadwaynihii Muqdisho joogay ka dhaadhacsheen in ay dowladda Cabdulqaasim tahay lamahuraan ayay hadda u soo jeesteen soomaalida qurbaha ku nool. Al-Itixaad oo soomaalida qurbaha joogta taageero dowladda uga raadinaya Inkasta oo aanuu al-Itixaad tartanka taageero u raadinta dowladda cusub kaligiis ku ahayn, oo ay wehliyaan kooxo kale oo ay ka mid yihiin al-Islaax iyo Qabyaaliistayaal kale iyo ganacsato, hadana waxaa muuqata in wadaaddada al-Itixaad ay horyaal u ahaayeen kicinta iyo taageero raadinta ka socota wadamada ay soomaalidu ku nooshahay. Meelo badan ayaa laga dhigay xaflado lagu taageerayo dowladda Cabdulqaasim ayada oo cinwaan looga dhigay taageeradaas "bulshada soomaaliyeed ee meel hebla joogta oo xaflad taageero ah qabatay" runtii ma aha bulshada waxa qabtay xafladda ee waxaa badanaa abaabula kooxa al-Itixaad ayaga oo ku adeeganaya magaca bulshada soomaaliyeed, sida ka dhacday meelo badan sida Maraykanka, Canada, Malaysia iyo Carabaha. Sababaha keenay Loollanka siyaasadeed ee al-Itixaadku galay Hadal iyo dhammaantiis, waxaa muuqata in al -Itixaad ay galeen bad cusub oo ah loollan siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waana arrin ka soo horjeeda falsafaddooda, maxaa wacay kuma jirto madhabtooda in adduunka la isku mashquulsho siiba labada arrimood ee aan soo sheegay. Ugudambaystii al-Itixaad wuxuu noqday kooxda ilaa iyo hadda sida daacadda ah ugu adeegta dowladda Cabdulqaasim madaxda ka yahay, sababtuna waa: 1.In al-Itixaadkaas badankoodu ku qabiil yihiin madaxwaynaha. 2.Ayada oo badankoodu yahay ganacsato ama ganacsato gacansaar la leeyihiin. 3.Ayaga oo doonaya in ay awooddooda madhabeed dalka ku sii adkeeyaan, maxaa yeelay soomaalida badankoodu waxay raacsanyihiin madhabtooda mana doonayaan wadaaddadaasi in soomaalidu madhabado kale qaataan. Arrimahaas iyo qaar kale oo aanan malaha loo jeedin ayaa ka dambayn kara taageerada indhala'aanta ah ee al Itixaadku la garab joogsaday dowladda Cabdulqaasim, laakiin waxaa hubaal ah in ay soo foodsaari doonaan dhibaatooyin aydoloojiyadeed oo kaga yimaada xagga siyaasadda kana soo horjeesta madhabtooda diimeed, kuwaas oo keeni doona kala dillaac ku yimaada ragga madhabta al-Itixaad laftooda. Somali Forum Free Email Free Guest Book Free Home Page FAALLADA WARKA QABYAALAD SHARCIYAYSAN IYO QABYAALAD AANAN SHARCIYAYSNAYN! Kolkii Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle lagu yiri: maxaad dowladda aad Soomaaliya la doonaysaan qabiil ugu salayseen, wuxuu ku marmasimooday "Qabiil-qabiil baa laysu dagaalay, kolka in qabiil-qabiil loo heshiiyo ayaa lama huraan noqotay". Weedhaasi, wixii maalintaas ka dambeeyay waxay noqotay falsafad ay ku howlgalaan dhammaan qabyaaliistayaashu kuna cadgoostaan ayaga oo ku marmarsimoonaya in qabiil-qabiil loo dagaalay, ayna kolkaas lama huraan noqotay in qabiil-qabiil loo heshiiyo. Halkaas waxaa ka cad in ragga sidaas ku doodaya oo ay hormuud u yihiin nimanka hadda madaxnimada loo doortay iyo kuwa taageera intaba, in ay si caqliyaysan u sherciyeeyeen qabyaaladdii dadwaynihiina ka dhaadhacsheen in qabyaaladdu tahay wax lama huraan ah oo ilaahay inagu jarribay dhinac looga taagsadana aanay jirin. Intaas kolkii ay isugu toostay bay waxay billaabeen in ay kolkaa dowladda cusub guud ahaanba falsafadeedu ahaato "qabiil-qabiil" sidaa darteed, nimankii loo saaray in ay dowladda cusub u qoraan ciidan booliis ah waxay ciidanka qoriddiisa ka billaabeen qaraabadooda iyo taageerayaashooda intii kalena waa la iska illoobay! Guddiga uu madaxda u yahay General Muhammad Nur Galal oo maalmahanba ku howllanaa sidii ay u qori lahaayeen ciidan doladda cusub in uu garab u noqdo loogu talagalay ayaa maalmahan ku mashquulsanaa sidii ay u qori lahaayeen liiskii ciidankaas ayaga oo u xulaya hadba sida ay dadku u kala qabiil sokeeyaan kolka laga eego galaalka laftirkiisa iyo madaxwaynaha cusub iyo intii la halmaasha. Hadaba su'aasha iswaydiinta mudani waxay tahay, haddii ciidanka booliiska ee dowladda cusub uu noqdo Galaal iyo Cabdulqaasim ina adeerradood oo soocan sidee dowladda cusub loola heshiin doonaa? sideese dalka maamulkiisa loo wadaagi doonaa. Taas waxaaba ka daran, haddii xaalkii askartu sidaas yahay, maxaan ka filanaynaa golaha wasiirrada, maareeyayaasha iyo agaasimayaasha, maamulayaasha iyo inta la halmaasha tolow ayaguna ma waxay noqon doonaan Cabdulqaasim Salaad Ilma adeerradiisa oo miiran mise dad kale ayaa farxi doona? |
abdikarim hassan | Monday, October 09, 2000 - 03:19 pm anigu waxaan raacsanahay in culimada dalka loo dhiibo, aad baana ugu faraxsanaan lahaa xukun islaami,markaa yuusuf aan su,aal ku waydiiyey maxaad wadaada ka rabtaa waad ogayd sida ula dagaalameen amxaarada dalkana u difaacen markii uu soo kiraystay amxaarada cumar xaaji --- masle, waxaan qabaa haddii aqoonyahankii -------- kaalintiisii gabay inay iyagu xukunka somaliya la wareegaan waa sida keliya ee soomaaliya ku badbaadi karto, markaa yuusuf qabiilna waxaad rabtaa in aad taageerto, kibaatkii ilaahayna waad diidan tahay. |