site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dowlada Daktoorada ma u Qalantaa Aqoonsi??!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Dowlada Daktoorada ma u Qalantaa Aqoonsi??!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Monday, October 09, 2000 - 04:21 am
Waxaa maalintii Axada 8/10/2000 lagu dhawaaqay wasiirka koowaad ee Dowlada Soomaaliya. In kastoo horey loo sii saadilayay hadana ma cadeyn cida noqon doonta. Dr. Cali Khaliif, waa nin waxbadan aad maqasheen kana mid ahaa Dowladii la riday ee Jan. Siyaad Barre.

Dhaliilasha ugu eyn ee loo soo jediyay ayaa ah "Xatooyo xoolo dadweyne". Amaanada qofka mas'uulka ah waa arin weyn oo gor-gortan gelin. Hadii dadku wada ogyihiin in Dr. Cali Khlaiif dhacay xoolo dadweyne isaguna qirsanyahay sow maaha "Taariikhdoo dib isu qortay".

Eeda kuma eka Dr. Cali Khaliif ee waxaa la wadaaga ninkuu ka amar qaato ee daktirnimada wadaagaan Dr.C\aasim. Mugdi badan ayaa ku jira qaabkii loo doortay. Warar xogogaal ahna waxey sheegayaan in shirkii Carta ahaa "maqaar Saar" arintana lasoo go'aamiyay habeen gudcur ah.

Eedo dhamaad leheyn ayaa loo soo jeediyay C\aasimka madaxweynaha loo magacaabay. Ugu horeyntii xukuumadiisu waxey ku dhisantahay laaluush iyo lacag xaaraan ah oo loo qeybiyo horjoogayaasha si loo kasbado codkooda. Laba jeer ayaa lacag dhowr malyonoo doolar ah dibada lagu soo daabacay. Waa tan labaade mudaduu xilka haayay wuxuu muujiyay eexahso mugdi ku jirin: Galaal waa gudoomiyaha Gudiga Nabadgelyada Qaranka, Xasan Daahir waa Gudoomiyaha Maxkamadaha, C/aahi Cadow waa Gudoomiyaha Gudiga la Xaajoodka Itoobiya. Waxay ila tahay anaa qaldanoo cidu karti dadka kale arkin ayuu ku arkay C\aasim illeyn wuu ka dhashaye!!!.

Dhinaca baarlamaanka, waa goob ay isku arkeen dad meel kasoo wada biyo cabay oo mudo kala maqnaa. Dhinaca midigta hadaad fiiriso waxaad arkeysaa Moorgan oo shaarbaha salaaxanaya, Dhinaca bidix garka jiidi-jiidaya wiilkii Gaani ahaa, Dhinaca hore waxaa koofiyad qurux badan oo dhowr milyan joogta xiran Dr. Maxamed Sh. Cismaan, meel fogaa halkaa waxaa ka muuqanay Cumar Xaaji Masalle waa liis aan dhamaad leheyn.

hadaba Soomaaliyey idinkoo caroonin ama aflagaado la imaanin isticmaalayana caqliga Eebe ku siiyay iyo waayo argnimadaada waxaad jawaab ka bixisaa:

Dowlada Daktoorada ma u Qalantaa Aqoonsi??!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 09, 2000 - 05:29 am
Ewel ayaan ka shaki qabay Habrgidir aa madax laga dhigaa?????!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 09, 2000 - 05:31 am
Haa dowlad laàan ayey dhantaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galimeys

Monday, October 09, 2000 - 06:02 am
Soomaliyeey in aad iska dhaaftaan wareerka
iyo Qabyaalada taageera dowlada cusub.
Ilaa iyo hada hoosha si fiican ayeey u socotaa
oo ilaahey hala wada garab galo Soomalidan
ilaahey caafimaad ha siiyo.
ilaa iyo hada waa ninkii oogu fiicnaa oo la
doortey Reysulwasaaraha Galeydh.
Iyadoo aan rajeynayo in dadka reer waqooyiga aay
aad oogu qanci doonaan.
madamaa reer koonfureedka aay qaateen madaxweyaha
iyo gudoomiyaha Barlamanka
Qore Galimeys

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abwan

Monday, October 09, 2000 - 06:07 am
bal iisheeg adiga nin hufan oo soomali ah oo layaqaano. kabilow kuwa nabada diidan sida Cigaal iyo C/Yusuf labaduba maamulkooda kii Bare wuu kaalaaluush badanyahy Cigaal wasiiradiisa waxaa kamida kuwii Bare sida Macaawiye etc.., C/Yusuf kadaran.

kuwa kale sida Caydiid iyo Caato dadkeyba cunaan.

no one is prefect lets see today and hold the past

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.