site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Living in the west; somali women

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Living in the west; somali women
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Monday, October 09, 2000 - 08:32 am
ugu yaraan 15kii sano oo la soo dhaafey waxaa wadanka soomaliya ka socdey dagaalo sokeeye oo aad u qaraar taas oo keentey in dad aad u tiro badan oo soomali ah ay u soo qaxeen wadadmada reer galbeedka

dumarka soomaaliyeed oo qeyb weyn oo ka mid ah waxey la ku;meen dhibaatooyin fara badan

waxaa aad ugu adag dumar fara badan oo soomali ah in ey shaqooyin helaan hadii ey xijaaban yihiin\

qaar badan waxaa aad lloga cunsuriyaa schoolada luqadaha iwx


waxaa kaloo aad u fara batey gabdhaha soomaaliyeed oo guursanaaya daka ajnabiga ah kuwo muslim ah iyo kuwo kalaba

waxaa jirta in qaarkood ay dhibaato kala kulmaan sida ayaga oo dhaqanka qofka kale ka ku dhibtooda


gabdho soomaaliyeed oo la wareystey sabata ay ajnabiga u guursadeen waxey sheegeeen in ey u arkaan rag badan oo somali ah in ayna diyaar u aheyn in ey qaadaan responsiblty


qaar kalana waxey sheegeen ineyna u arkin wax difference ah maadaam ey haweeney moslimiin ah yihiin kuwa sidaa yirina waxaa u badan gabdhaha xijaaban


marka aniga oogabar soomali ah aadna diinta ugu dheer una jecel waxey iila ekaatey arin adag in jawaab loohelo

aniga experincigeyga walow aan aad ugu faraxsanahey nolosheyda aana sidaa ahaa mudo 12 sanadood ah hadana aad baan u dareemayaa inaan rabi lahaa biio somali ah


waxaan aad u jeclaan lahaa dadka soomaliyeed oo ku nool carigaan inaan ogaado waxey ka qabaan


please ceyda wey reeban tahey


any experience


wasalm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BURCAWI

Monday, October 09, 2000 - 08:53 am
SsALAAN QAMAR;

WALAAL WAAD KU MAHADSANTAHAY ARINTA RUNTA AH EE AAD SOO BANDHIGTAY.
ARINTANI WAA ARIN XAQIIQ AH ANIGU WAXAAN U MALAYNAYAA WALAAL DHIBAATADU IN AY INTAA KAWEYNTAHAY WAA AYO WAXAY IILA MUUQATAA IN AYNU ISWEYNAYNO MARKA AYNU LA JOOGNO WALAALEHEENA SOOMALIYEED, MARKA AYNU ARAGNO QOF UMAD KALE AHNA AYNU KABAHA U QAADNO MARKAA WALAAL ANIGU MA GARANAYO DHIBAATADA.

WAXAAN KALOO ARKAY IN SOOMAALIDA MARKA INAN SOOMAALIYEED GABADHOODA SOO DOONO AY UDIIDAAN BECAUSE HE IS THIS QABIIIL OR THAT QABIIL
MARKA NIN UMADKALE AHI U YIMAADANA AY YIDHAAHDAAN WAA MUSLIM. BAL TAA KA JAWAABA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Monday, October 09, 2000 - 10:51 pm
War waa burcaawi oo marqaankii ka baxay!!! waxaan ku waydiiyey dadka aad nasabkiisa caayeysid miyeysan dhibaato kuula muuqan? Anigu waxaan aaminsanahay in dadku jidka toosan kusoo laabtaan ayna isbadalaane miyaad isbadashay? Arintaan iyo hadalkaan macaan ma dhabay kaa tahay?

Qamar: dhibaatadaan xal maleh intaan aan ku dhexnool nahay dhulkaan gaalaad. Adigu dadkaan wali muslinka ah ayaad ka hadlaysaaye ka waran kuwa diintaba ka baxay ayagoo og iyo ayagoon ogayn labadaba. Dhibaatadu aad bay ufara badan tahay waxaana moodaa in anagoo aan dabaal aqoon nalagu sii daayey bad waynta. Mahadsanid Abaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Tuesday, October 10, 2000 - 06:51 am
To burcawi and Sahal

Walaal aad baad ugu mahad san tihiin fikradihiina labadiinaba waxaad moodaa inaad taabateen arrimo muhiim ah

aad ayaan ula dhacey markaad tiri sahalow anagoo dabaal baran ayaa badweynta nalagu sii daayey


aniga waxaan aad u adaneynayaa sababta keentey in quruumihii muslimiinta ahaa oo naga soo horeeyey

ay wali ku joogaan jinsiyadoodii anaga cusubna aad moodid ianaananba laheyn meel aan ka soo jeedno

wasalam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 10, 2000 - 05:21 pm
To: Qamar
Asalaamucaleykum W.W.

Walaal waad ku mahadsantahay arinta aad kahadashay
iyo sida aad u faalaysay.
Aniga oo ah wiil soomaaliyeed ,kuna noolaa wadanka maraykanka 20kii sanadood ee u dambeeyay,kuna dhaqma diinta islaamka,had iyo jeerna yaqaan wixii ii dan ah.
Eedda ah in wiilal badan oo soomaali ah aanay diyaar u ahaayn guuka ayaan jeclahay inaan ka hadlo.Waxaan aqanaa wiilal badan oo soomaali ah oo la sheekaysta gabdho soomaali ah ,iyagoo niyadoodu ay ku jirto guur,gabdhahaa qaar waxay yidhaahdaan aboowe wali diyaar ma'ihi.Marka waxaa layaab leh haddii aanay diyaar ahayn iyadoo ah 20 plus years ,goormay diyaar noqon doontaa.Gabdhaha qaar waxay codsadaan in loo dhigo aroos weyn ,in loo dhigo furniture qaali ah iyo dahab qaali ah.
Marka anigoon hadalka ku dheeraan who do we blame?

Ps: Waxaa jirta hees uu axmad naaji qaado oo arintaa ka hadlaysa.waxaan filayaa inaan xoogaa ka xasuusto,waxaanan rajaynayaa innan sax ahay.
"Gutiino xariir iyo garbasaraan laqaadan jirin markay gudoonsadeen baa sidaasuu gurigii ku jabay,
heeyaa hey heyaa ala sidaasuu gurigii ku jabay.


Marka walaal ha'uqaadan inaan gabdhaha soomaaliyeed eedeynayo.

sidaaaa iyo nebedgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Wednesday, October 11, 2000 - 07:25 am
to anynmous

walaal waa jirtaa in gabdho badan oo soomali ah adeesadaan hadalkaas laakiin aniga runtii uma helin jawaab sababta keentey taas iney dhahaan

bal inta aana anoo agdabh ah godob ka galiin gabdhaha kale waxaan ku invite gareyneynaa dumarka soomaliyeed iney fikradooda iyo sida ey arkaan nolosha yurub eey soo bandhigaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Wednesday, October 11, 2000 - 09:30 am
qamar,

walaal horta waad ku mahadsantahay sida daacada ah ee ee doodaada noogu soo bandhigtay. Laakiin su'aal weyn baa qabaa.waana tan.

Xijaabkan weyn ee haweenka soomaaliyeed qaataan ee aan haweenka kale ee muslimka ahi qaadani ma mid ilaahey soomalida keliya quraanka ugu sheegay baa oo ay soomalida oo keliya ku qasban yihiinbaa?.

Waxaan maalin walba aragnaa gabdho muslin-ah oo soomalida ka diin jecel oo diintoodana wata dantoodana raacanaya--jaamacado aadaya, meelo sare ka shaqeeya iyagoo wata "qamaar" oo keliya.

Waa yaabe maxaa haweenka soomaaliyeed ku raray "xijaab"kaan saa'idka ah. May qaataan qamaar oo keliya?. Waxaan anigu qabaa inaan Ilaahey dan iyo xaajo ka lahayen maradaad qaadato hadii aad is asturto.

waxaan filayaa inaad iisoo jawabto adigoon igu magacaabin diin diid,islaan necbe, cilmaani iyo magacyo kale oo la mid ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Thursday, October 12, 2000 - 06:33 am
Walaal ahmed

MArna u maleynmaayo inaan kuugu wacaayo magacyadaad sheegtey waayo aniga ma ahi qofka qalbigaaga ku jira ee og iimaankaaga

walaal horta aniga in kastoo aan aad iyo aad u jeclahey diinta islaamka hadana cilmigeyga xagaas ah aad buu u yar yahey

mana joogi xad aan kaga jawaabi arrinkaas

marka aniga qof ahaan sida aan u arko waxey tahey inay tahey sidii ey haweeneyda muslimada ah u aragto in ey tahey oo ey ka tolan karto dharkey doonto

laakiin maadaama aan anigu xirto qimaar ma aha inaan wax ka sheegi karo waxa haweeney kale oo mulimad ah ay ugu aragto in ay mid keyga ka duwan gashato

aniga meel aan mar ka shaqeyn jirey waa xussustaa waxaan ahaa qofka kalya oo muslimka oo wata xijaab waxaa igala shqeyn jirey gabadh kale oo muslin ah oo aan markii hore qaadan jorin laakiin mudo ka dib igu soo biirtey

aad ayaa meesha nalooga jeclaa

marka aniga waxey ila tahey in ey adkaan laheyd in la ii qaato shaqo noocaas oo kale ah hadii aan xijaabkaas oo kale sidan lahaa

maanta nabadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Olow

Thursday, October 12, 2000 - 11:09 pm
Aslaama alaykum

Qamar waad ku mahadsantahay mowduuca aad furtay oo runtii ah mid muhiin ah in laga hadlo.
Arinta ah dumarka soomaaliyeed ee ku nool galbeedka aan u kala saarno laba qaybood . Qabyta koowaad waa dumar ragoodii uga soo horeeyeen wadamadaan aan ku noolnahay oo ka daba yimid.Iyo qaybta labaad oo ah Dumar yimid iyagoo da' yar oo aan reer lahayn. Haddaba qaybta dambe ayaa ah qaybta la yiraahdo dhaqankoodii wax badan baa iska bedelay, sababtuna waxay tahay maadaama ay keligood nool yihiin waxay isku dayaan inay horumar ka sameeyaan meesha ay ku nool yihiin ha ahaato shaqo ama wax barasho labadaba taasna waxay sababtaa in gabdhahaas qaar ka mid ahi ay dhex galaan dhaqamadii dadka ay la nool yihiin, oo ay bartaan meelaha lagu caweeyo sida baararka .
dabadeed waxaa dhacda sida aan ku arkay meesha aan ku noolahay in gabdhahaasi ay lumiyaan hamigii ahaa inay guursadaan wiil soomaaliyeed , sababtoo ah waxay iska dhaadhiciyaan in wiilasha soomaaliyeed aysan rabin gabar reer magaal ah! oo disco tagata oo ay u arkaan qof aan sharaf lahayn.
Wiilashiina ulama dhaqmaan gabdhahaas sida gabdho soomaaliyeed oo gayaankooda ah ee waxay u arkaan inay la mid tahay tan gaalada ah , haddii ay dhacdo inay la shakeystaana waxay uun ka doonaan wax aan ilaahay raali ka ahayn oo ku sii abuura gabdhihii niyad jab . Taasina waxy sababtaa inay gabdhahaasi ku dambeeyaan inay la noolaadaan rag ajnabi ah.

Haddaba anigu waxaan qabaa in dumarka soomaaliyeed ee ku nool galbeedku aysan dhibaatada keligood qabin balse ay iyagu u nugul yihiin , inta badan gabdhaha soomaaliyeedna waa gabdho asturan oo ku dhegan diintooda iyo dhaqankooda.


Ahmed

Xijaabka waxay culimadda islaamku ku tilmaameen dhar qariya qofka dumarka ah dhamaanteed , oo aan ku dheganayn , haddaba is weydii adigu haddii gabadhu ay qaadato qimaar iyo shaati iyo surwaal, ma xijaaban tahay gabdhaasi.
Mida kale waxaad ogaataa in uu xijaabku yahay shay uu ilaahay soo dejiyay , haddii ilaahay aayad soo dejiyana uma haboona qoka muslimka sheegtaa inuu
qiyaarkiisa la yimaado oo yiraahdo saas baa ka roon.

Waad salaaman tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Friday, October 13, 2000 - 08:00 am
To olow

walaal waan kugu raacsanahey inta aad sheegtey laakiin ma fahmine yaa ;la qaba dhibaatada

iniga waxaan mar mar iila muuqataa in dumarka laga gardaran yahey

laakiin bal aan taas u bandhigno dumarka soomaaliyeed
qamar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Friday, October 13, 2000 - 10:48 pm
olow,

saaxiib culimada hadii aad meel noo dhigto. meelkasta islaam waa joogaa e maxaa soomliyeed muslinka kale ka soocay?. Waxaan qabaa in culima isku sheega soomaaliyeed ay godob ka gelayaan gabdhaha soomaaliyeed.

anigu waxaa qabaa iney gabdhaha soomaaliyeed qaataan wax dadka kale ee muslinka ahi qaataan--qamaar , shaati iyo surwaal. gabdhaha soomaaliyeed kama diin jecla gabdhaha muslinka kale. oo waxaa badan gabdhaha xijaaban oo dandaaba in ka badan inta kuwa qamaarka iyo shaatiga qabaa danbaabaan. taasna waxaan ceeb aheyn islaam uma keeneyso. waayo waxaa badan gabdho badan oo soomaliya oo xijaaban oo la seexda niman ajnabi. waxaa roonaan laheyd ineyan xijaabnaan laheyn hadayba waxaas samaynayaan.


Marka xijaabkaani wax sharaf ah ma keenin. dhibaato uunbuu keenay waa sidaan qabee. Gabdhaha soomaaliyeed waxay u baahan yihiin iney shaqo helaan.iney berito haddii ninkeeda ay is furaan caruurteeda u shaqeysan karto. Alle ma dhihin haweenka hala curyaamiyo sidaana waa curyaamis. Waxaan ku noolaan jirey canada waxaana ogahay iney jiraan haween badan oo wadaado ah oo xijaaban oo aan hataa welfare office-ka tegi karin mudo badana joogey wadanka. waxaan aqaanaa kuwo badan oo ragooda aan ku qanacsanayn oo ula dan u geeysey iney caruurtooda darteed ula joogaan niman aan u qalmin sababtuna ay tahay iney ka baqayaan iney keligood wajahaan addunkaan gaalada maadaama guriga lagu heyn jirey oo ay xijaaban yihiin.

anigu ma diidani diinta ee waxaan qabaa in loo baahan yahay in culimo "waaqici" ah la raadiyo oo la iska dhaafo dhegeysiga kuwaa reer baadiyaha ah ee aan la socon aduunka ee raba haweenka iney gumeystaan.

xijaabkaan qaabka darani wuxuu xataa kalifey inayan gabdhihii soomaliyeed ee xijaabna arki karin niman soomali ah oo badan oo aan wadaado aheyn laakiin muslim fiican ah. oo ay xerada ugu jiraan qolyo gardheer oo keliya.

qamar,

waad mahadsan tahay walaashiis jawaabtaas iyada ah ee aad i siisay. Walaal ceeb ama aha iney gabadha muslinka ah guursato nin muslin ah oo ajnabi ah. Hadaadna heli karto nin fiican oo muslim ah ha cafin.
sababo badan ayaa jira walaal oo gabdhuhu u guursanayaan rag kale.
1-haweenku raga wey ka badan yihiin
2-naag kasta nin bey rabataa nin kaste naag ma rabo. qaar badan beyanba guur uga cadeyn amaba xil diyaar u ahayn.
3-rag badan oo soomaliyeed waxay qabaan ajnabi taasoo ah naagihii soomaliyeed ee ku soo aadi lahaa waa ku raga la'aan yihiin.
4-haweenku raga weyka hor qaan gaaroobaan. gabadha soomaliyeed 18 waa diyaar ana anoo 30 jira weli diyaar ma ahi.
5-gabdhaha soomaaliyeed wey dhib badan yihiin. ninka ma fiiriyaan raganimadiisa ee waxay isku mashquuliyaan waxyaalo yar yar. aroos noocaas hal iidhigo, raga oo lagu cacayaaro oo ay aad uga helaan, baabuur. wey yar tahay gabar soomaliyeed oo ku leh ninkaan rabo hanti ku xiri maayo sababtuna waa xor ma aha oo waxay is leedahaya waa lagu caayaya hadii lagugu guursado guri qabyo ah.
6-qurbaha is araga raga iyo haweenka ayaa aad u yar. Gabdhuhuna ma fahmayaan ninkaad maalin is aragtaan # sii haduu macquul u muuqdo. waxay is leedahayay raqiis baad u muuqaneysaa.

.... iyo asbaabo kale oo badan.

Ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huska

Saturday, October 14, 2000 - 02:35 am
Asalamu Calaykum.

Ku: Ahmed

Walaal waa siduu kuu sheegay xijaabka walaalkeen Olow, mida kale waxa uu kuu raaciyey inaan qofka wax dooran karin hadii illaah uu amar soo dajiyo, taasna aayad qur'aan ah ayaa noo sheegtay (Suuratul Axzaab). Marka walaalow maxaad ka leedahay arinkaas, ma waxaad na leedahay arinkan ma jiro amse fikradaada ayaad ka hor marineysaa. Mida kale waadiga yiriyee wadaadada reer baadiyaha ah, adigu ma waxaad noqotay reer magaal markaad timid dhul gaalo, mase horay ayaad u aheyd?. Waxaan rajeynayaa inaad dib u fiiriso waxaad qortay. Mida aad tiri surwaal mey qaataan, miyaadan maqlin in rasuulka(SCW) uu lacnaday dumarka isu ekeysiiya raga(ama siduu yiriye).

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Saturday, October 14, 2000 - 05:07 am
Hi Ahmed

Walaal inkastoo jawaabtaada hoose eey aad macquul u tahey qofkasta oo si caqligal ah u fikiraayana kugu raacayo hadana kuguma raacsani taada kore ee ku jeedey olow

waa marka horee aniga wali ma arag gabar soomaaliyeed oo xijaaban oo nin aan qabin la tumaneysa waa arkey kuwo wadan jirey mid aad u weyn tuurey oo wax yaabaha ey sameeyaan aniga ahaan iila muuqatey insane subxaana laah

tan kale oo aad tiri gumeysiga walaal taas waxba kama jiraan oo 89% ama ka badanba gabdhaha iyagaa iskood u qaata

gabdhaha aan ka hadlaayana inta badan waa gabdho kaligood socda nool qaar badan oo ka mid ahna schoolo dhigan jireen somalia

kama hadlaayo haweeney aan madrassa aadin laakiin xijaab qaadetey ilaahey dartiis

meeqaa jirta kuwa aan xijaab qaadan laakiin aan garaneyn sida loo aado xafiisyada yaa gumeysanaaya iyga

aqoonta iyo aqoon la aanta waa shaqsiyan aniga sida ey iila muuqato

mar labaad waa ku mahadsan tahey sida cilmiyeysan oo aad u soo bandhigtey fikaradaada

to huska

walaal waa wanaagsan tahey si aad ah waana ku mahadnaqayaa sida aad u soo daliishatey quraanka iyo sunnada nabiga SCW

qamar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Saturday, October 14, 2000 - 05:15 am
To ahmed

waa kugu raacsanahey in gabdhaha soomaaliyeed u baahan yihiin mustaqbal aniga ahaana sida aan horeyba u sheegey waxaan xirtaa qimaar


hada waa inaan baxaa laakiin si fiican baan u shrxi doonaa waxaan ka wado markaan soo noqdo insh alah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Saturday, October 14, 2000 - 10:27 am
huska,
walaal hadaad suura-tul axzaab iyo nuurba akhriso ku arki maysid sawirka xijaabka ay haweenka soomaaliyeed qaataan iyo mid kale toona. xijaab carabi ahaan waa wax wax qariya ee ma aha wax si gaar ah u eg.

Waxaana taa kuu cadeynaya xijaabka soomalidu qaadato keligood baa qaata. waa yahee ma is weydiisay hadey wax islaami ah tahay oo Alle ka rabo xijaabka noocaas ah maxay haweenka kale ee islaamku u qaadan waayeen?.

maxaa soomaalida keliya ku raray bahalkaan gabdhihii ka dhigey wax laga wada cararo?.

dhanka reer magaalnimada walaal halkan baan ku noqday mana u arko dhibaato in wax ii kordhaan meelkasta oo aan joogo. kama xishoonayo inaan ku iraahdo maalinba maalinta kasii danbeysa caqli iyo aqoon baa ii kordheysa oo reer magaal belo ah ayaan sii noqonayaa .lol.

mida surwaalka walaal rasuulku (nnk) wuxuu yiri nin yaanu isu ekeysiin naag, naagna nin. taas micnaheedu ma aha surwaal naagi ma qaadan karto ama naagtii surwaal qaadata nin bey u ekaaneysaa.

Maanta waa wada ognahay iney jiraan surwaalo haweenka u qaas ah. waan wada ognahay in hadii aad qaadato surwaal aadan nin u ekaanaynin ee qof walba ku garan garo inaad gabar tahay. marka xadiiskaas meesha ma qabto walaashiis. ee surwaal iyo goono dheer wixii aad hesho ku tuuro. laakiin surwaal kugu dhegan oo jirkaaga sawira ha qaadan.
iskana tuur waxaan qaabka daran. ogowna huuska kuma dhihin iLaahey ka biqin. Alle ka baq aad dugsiga. Akhri quraanka laakiin yaan wadaad kuugu soo dhagan xijaab iyo Alle ka cabsi hadhowna intuu 4 caruur kaa soo tuuro ku oran xamar iska dhici. waa inaad shaqeysan kartaa luqada taqaanaa. Hadii uu hawshiisa ka soo bixi waayo wadaadkaasi waa inaad dabada ka laadaa isaga iyo aabihiiba.lol.

Qamar,

waan fahmey walaal waana ku khaldanaa inaan iraahdo gabdhaha waa la gumeystaa.

Laakiin walaaleey gumeysi maskax ayaa jira. marka culeys lagu saaro ee xaga Alle lagaa soo maro waxaa lagaa dhaadhicin karaa wax walba.

Waana runtaa oo waxaa jira kuwo aan xijabnayn oo aan luqada aqoon. waase yar yihiin marka loo fiiriyo kuwa xijaaban maxaa yeelay aad bey u yar yihiin hawenka xijaaban oo shaqeeya ama dugsi aada. hadayna aadaana waxay iska dhaafaan markey guursadaan. taasoo ah waxay ilaawayaan wax walba oo ay soo barteen. oo xataa shaqo ku noqoshadu wy ku adkaaneysa hadii ninkii kala taqaan hadhow.

Anigu waxaan qabaa iney gabadha soomaaliyeed iska dhigaan xijaabkaan oo ay ka mid noqdaan haweenka kale ee muslinka. waxna bartaan. Karti bey leeyihiin hawenka soomaliyeed waxa keliya ee ay u baahan yihiin in loo fududeeyo nolsoha lagan qaado caqabadaha dhaqanka ee ka reebey facood lana guubaabiyo.

waxaan u maleynayaa inay saan dhaami lahaayeen. waayo hada meesha haween kuma heysano.waxaan heysana qolyo reer galbeed iska doon ah oo lumey iyo qulyo xijaaban oo aadba aduun la socon oo guryaha ku qafilan.

dhinaca kuwa danbaaba iyagoo xijaaban. walaal malaa ma badna laakiin waa jiraan. eed aan jirin idinkuma eedeeynayo.

Dhinaca guurka qamareey walaaleey ii sheeg sabata aan ula xintantaan nimanka soomliyeed oo aa u dhibtaan. waxaan aqaanaa naago soomaaliyeed oo ay qabaan niman ajnabi ah. walaahey qamareey waa aduumo. waxaan ka wada baarinimadoodii baa baarinimo dhaaftey markey nin ajnabi guursadaan. nin soomaliyeed ma guursadeen bal kaaley adiguba fahan. Dabcan waxbaa jira ee nimanka ajnabigu maxay idinku sameeyaan aahahahahahaha?. walaalayaaloow noo sheega waa idiin sameyneynaa hadaad saas baariyaal u noqoneysaane!


nabadeey

ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Olow

Sunday, October 15, 2000 - 11:45 pm
Ahmed

Nin yahow waxaan ku iri ma tahay qof muslim ah?
Hadii aad tahay haddaba ilaahii ku abuuray ka baq oo ha dambaabin . Walaal laba arimood kala saar
waa mide inaad diinta ilaahay sidii aad doonto u fasirato adigoo weliba faraaya gabdhaha soomaaliyeed inay xidhaan surweel iyo sida aad u jeceshahay in gabdhaha soomaaliyeed ay horumar cilmi iyo mid shaqoba sameeyaan.

Gabadha muslimka ah ilaahey ayaa ku adoonsaday inay is xijaabaan oo ay jirkooda asturaan.
Haddaba gabadha muslimka ah haddii ay tacliin baranayso ama ay shaqaynayso waa inay mar kasta ku jirtaa xuduudkii islaamka oo aanay marnaba diinteeda uga bixin.

Ahmed.. waxaan ku lee yahay ilaahey ka baq oo diintiisa ka xishoo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Monday, October 16, 2000 - 06:45 am
To Ahmed

Horta arrinka diinta wax badan kaa oran maayo waayo waa la iiga cilmi badan yahey

laakiin waa iga qoslisey waa runtaa gabdhaheena in ay baari u yihiin raga ajnabiga ah waana arrin aan markasta isweydiiyo talow ma xiisaa ma garran

aniga gef igama aha oo hadii aan arki lahaa kuwo qaba rag malimiin ah waxaan is oran lahaa waa gfabdho ilaahey ka cabsanaya laakiin waxaan arkey kuwo gaalo la joogo oo raaliya ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Monday, October 16, 2000 - 01:47 pm
olow,

walaal, haa muslin weliba diinta ku dhaqma ayaan ahey. olow walaal waxyaabo badan oo aynu islaam u naqaan ayaa dhaqan ah oo muslim aheyn. tusaale ahaan gudniinka haweenka waxaan u wada malayn jirney diin laakiin hada intuu ka baxay?.

waan ogahay inaanan kaaga dhaadhicin karin halkan. Ilaahey dan iyo xaajo toona kama lama waxa dhar ah ee gabar yari qaadato, surwaal, googarad, cambuur iwm. waa iney gabadhu qaadataa dhar aaney ragga dareenkooda ku kicineyn.

waayahee walaaloow maanta waa ognahay oo wax badan baa is bedeley oo surwaal rag dareenkiis kicin maayo hadii uusan aheyn midka ku dhegan oo gabadha dabadeeda sawiraya. intey gabadhu surwaal qaadato ayey qaadan kartaa shaati ama jaakad weyn oo qarisa dabadeeda oo lugaheeda oo keliya la arko. marka walaal cabsida Alle iyo inaaney gabadhu raga fasahaadin ayaa muhiim ah ee surwaal iyo xijaab midna muhiim ma aha dhar ahaan.


qamar,

Aad baan ugu faraxsanahay inaan kaa qosliyey. waxaan is lahaa armaad ka xanaajisay inanta lol.

Qamar walaaleey macaaneey aan kala faa'iideysano oo iska daa xishoodka. waxaan kuu sheegaya waxaad u baahan tahay inaad raga ka ogaatid. tusaale ahaan gabadha noocee ah ayey jecel yihiin?. Maxay badi neceb yihiin ragu?.

Markaa adna waxaa lagaa rabaa inaad ka jawaabta su'aalaha aan ka weydiinayo haweenka soomliyeed oo aan ku wareeray.lol.

Fiiri qofna kuma yaqaano anna sidii kale. magacana waa bedelan karta marka aynu kala faaiideysano. marka ha xishoon, waxaa laga yaabaa inaad hada ka dib ogaatid gabdhaha ragu raadinayaan ka dib markaan sirta kuu sheego eeheheheeh.

Haye diyaar ma tahay inaad heshiiskaan saxiixdo. ogowna qamareey khabiir baan ahay xaga raga waxyaalo badan baan kuu sheegaya.lol.


Waadna diidey inaad noo sheegto waxa nimanka ajnabiga aad baariyaal ugu tihiin anagana ilaahey noogu kiin taagey?. waad ogtahaye qamareey runta sheeg.


nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Tuesday, October 17, 2000 - 07:06 am
To Ahmed

heshiiska saxiixiisa ha ii dambeeyee aawaye gabdhihii

gabdhaheena waxaan kula yaabey ma yaqaaniin miyaa sida loo hadlo

waa arkaa kuwo maalin kasta ceytamaya oo leh haa ajnabiga ayaa fiican


iigama jawaabaan sababta aniga waxaan raadinayaa gabdhihii ee aawayeen

hadaan wax yar aan kaaga sheego waxa aan anigu eego qofku waa inuu leeyahey hami

tan kale in qofka aad isku haleyn kartid in aad mustaqbalka wada noolaan kartiin

see you

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Tuesday, October 17, 2000 - 01:59 pm
qamar,

sheeko kale ayaad ba ii bilowdey sow ma aha dumaashi!. waana diidey inaan kala faa'iideysano.Waa ii soo baryeeysa.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamar

Wednesday, October 18, 2000 - 07:27 am
to ahmed

salaama

dee walaal waan kuu jawaabey

waxaan rabaa inaan ka hadlno arrin ummadeena oo dhan u dhaxeysa ey malahana badownimo noo geysey

si wanaagsan baad markiki hore dooda ku bilowdey

ee hada maxaa ku heley

bye

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.