site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Mr.Qaasim & Mr.Galeyr , maxeey iska-ga mid yihiin amase ku kala duwan yihiin?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Mr.Qaasim & Mr.Galeyr , maxeey iska-ga mid yihiin amase ku kala duwan yihiin?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Monday, October 09, 2000 - 09:13 pm
Jamhuuriyadda Saddexaad, madaxweynaheeda iyo wasiirkeeda koowaad Mudane Qaasim iyo Mudane Galeeyr meelo badan bey iskaga mid yihiin, waloo ey jirto meelo aad ey u kala duwan yihiin.

Si fiican u fiiri qoraaladaan soo socda, meelaha ey isaga midka yihiin:
1. 21 oktoobar 69 xukunkii dhashay, ee milateriga ahaa, bey wasiiro ka noqdeen sidaasaana soomaali ku baratey oo caan(well known)figures, ey ku noqdeen.
2. Da`dooda waa 59, waa Qaasim iyo Galeeyr.
3. Labaduba, scholarship baa Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliyeed, siisay.
4. 1962-1965 Qaasim iyo Galeeyr-ba, arday(student) bey ka ahaayeen waddamo ajnabi ah.
5. Qaasim iyo Galeeyr, waxeey ku dhasheen tuulooyiin, Dhuuso-mareeb iyo Laas-caanood

6. Qaasim iyo Galeeyr, sannadaha ey dhasheen, Soomaaliya oo dhan UK, aa gumeeysanaayey.
7. 1980-82 Qaasim iyo Galeeyr, Golaha Wasiiradda ayey isla fadhiyeen, xukunkii adkaa ee na soo maray.
8. Siyaad Barre, wuxuu ahaa Qaasim Abtigiis, Galeeyrna Seedigiis.
9. Qaasim iyo Galeeyr waa "monogomies".
10. Labaduba, english and Arabic bey si fiican ugu hadlaan.
11. Qaasim iyo Galeeyr, waxeey rajeeynayaan in ey dowladda KMG(ku meel gaar) ka dib,in ey noqdaan 60 jiraal soomaaliyeed, oo rug-cadaayaal wanaagooda lagu sheekeeysto, ee xumaantoodii hore la iloobo.

Si fiicanna u fiiri meelaha ey ku kala duwan yihiin:
1. Qaasim wuxuu ka yimid Koonforta(South)Soomaaliya, Galeeyr waa Waqooyiga(North)Soomaaliya.
2. Qaasim wuxuu wax ku bartey Masar, Galeeyr-na USA.
3. Qaasim, madaxweynanimadiisa waxaa ku farxay Alitixaad, Galeeyr-na, ganacsatayaasha soomaaliyeed meel ey joogaanba.
4. Qaasim, wuxuu tix-galiyaa suugaanta soomaaliga ah ee uu qoray, Cismaan Y. Keenadiid, bacdamaa Goboladda Mudug ey ka wadda yimaadeen, Galeeyrna-wuxuu akhristaa suugaanta Muuse Galaal, ey Goboladda Waqooyi wada yihiin.
5. Qaasim, ookiyaale ma qaato, Galeeyrna muraayad buu xirtaa.
6. Qaasim, digirta buu ku casheeyaa, Galeeyr-na haruurka.
7. Galeeyr, xaaskiisa waa laba "good-le", Qaasimna "hal-goodle"
8. Qaasim, waa madax-weyne soomaaliyeed, Galeeyrna waa wasiirka koowaad.

Gabagabaddii, labada ninba waa soomaali, ama jecloow ama nac maanta ayagaa calanka Soomaaliyeed,baabuurtooda u suran yahay; midda kale ayagaa laga warsan xaaladda qofka soomaaliga ah, mid gudaha jooga iyo mid dibadda joogaba, ee la soco sidaas.
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 09, 2000 - 09:40 pm
war ma boy baad u ahayd labadaba maxaa ku baray waxay ku casheeyaan iyo dharka naago hooda
(ciao)da baaba cadaynaysa in aad boy ahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Monday, October 09, 2000 - 10:15 pm
Anonymous,
ragga shan bilood, bey teen-dhadii Carta,Jabuuti horteed fadhiyeen oo casho ku cunaayeen, satelite-kana live looga soo daayey, ma arkin miyaa, sorry.

Anon,"laba-goodle" macnaheeda dariskaadda soomaaliga weydii marka hore, waxaadan aqoona ha ka hadlin.

ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Tuesday, October 10, 2000 - 07:51 am
Badgal.

You are a joke my dear.

Walaahi aad ayaan ugu qosley arinkaas aad kor kuqortey.

Waxey kaloo isaga mid yihiin:

1. Dakaatiro

Kala duwanaan.

Qaasim: Master Degree "as i have been told"
Galleyr: PhD "as i have seen it at Syracuase University.
Galleyr: Exrovert
Qaasin: Introvert.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Tuesday, October 10, 2000 - 08:40 am
Badgal thanx bro laakiin most somalis see things with clan-eye and cannot comprehend your analysis sicne you down played most Somalis's bible.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Tuesday, October 10, 2000 - 11:04 am
Somaali iyo Ali,
Waa ku mahadsantihiin, waana ila kasteen ujeeda aan u qorey, maqaalka.

Soomaali, maxaa tirina Q-Introvert G-Extrovert ,taas waa iga hoos baxday, thanks bro.

ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnotherSomali

Tuesday, October 10, 2000 - 11:31 am
Somali

Haddii uu Galleydh yahay Extrovert Qassimna yahay Introvert maxaa madaxweyne looga dhigi waayay Galleydh, illeen qof Introvert ah waa looga fiicanyahay xagga leadership-ka e.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luggoyo

Tuesday, October 10, 2000 - 11:51 am
You can fool some ppl sometimes but you can't fool all the ppl all the time.

What I mean is, these two guys, their teacher and their peers have fooled Somalis for some thirty years, and they still wanna fool us today.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.