site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

URURKA "ALIF" OO RAADINAYA CIDDII KA DANBAYSAY DILKII,AQOONYAHAYN XASAN XAAJI CALI BIDAAR, "XASAN APPOLE" 12 SANADOOD KA HOR

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): URURKA "ALIF" OO RAADINAYA CIDDII KA DANBAYSAY DILKII,AQOONYAHAYN XASAN XAAJI CALI BIDAAR, "XASAN APPOLE" 12 SANADOOD KA HOR
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALiF

Tuesday, October 10, 2000 - 10:45 am
Mid kamida tallaabooyinka ugu horreeya ee xisbiga ALiF, AWDAL LIBERATION FRONT,uu ku talo jiro inuu qaado, ayaa waxay tahay in la raadiyo oo nolol lagu soo qabto dhammaan dadkii ogaa, kuwii ka danbeeyay, iyo kuwii gaysatay dilkii ALLAHA U NAXARIISTO'E, XASAN XAAJI CALI BIDAAR, oo loo yaqaanay XASAN-APPOLE.
Xasan Appole, marnaba ma illaawi doonno, qalbigayagana kama gu'i doono. Wuxu gacal iyo macallin iyo maganba u ahaa gunta HABAR AWAL, inay iyagu nasab xumidooda dilleena waan la wada ogsoonyahay. Hase yeeshee ninkii dilay ilaa imika cidina maxkamad ma soo saarin, danna lagama galin.
Xasan Appole, waxa kaliya ee loo dilay wuxu ahaa nin reer AWDAL ah oo Gadabuursiya, cidna wax danbi ah kamuu galin.
Hadii reer AWDAL nimo daraadeed loo dilay, xisbiga ALIF ayaan marnaba ka hadhi doonin cidii dishay ee sidaa halloo ogaado
Dhammaan dadka sharafta leh ee Soomaaliyeed eey arrintani dhibayso, rabana inay Marxuum Xasan-Appole, u xaq dhiciyaan, waxan ka codsanaynaa inay codkooda halkan ka dhiibtaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQSI

Tuesday, October 10, 2000 - 11:16 am
TO:ALIF:

waxaad tahay nin xanuunsanaya oo uurka ka buka.marka hore ilaahay ha ku daweeyo.markasta waxaa kugu jira nac iyo nacatb aad u qabtid dadka izaaqa ah,laakiin mid aaan kuu sheego hadaad wax fahmayso wax yar oo internetka lagu soo qoraa izaaq waxba qaadimaayaa,hadaalin oo ha danseegin,ha caayin dad aanad weligaa gaahi karin,oo kaaa sharaf iyo magac iyo maal intaba kaa roon.anigu qabiil gadabuursiya caayimaayo waayo waa wada walaalahay,una malaymaayo inaad gadabuursi matali karto.hadaan dib ugu soo noqdo xasan appole.ilaaahay ha u naxariisto,una malaynmayo in qof xasan appole yaqanaya uu dilay,ee waxaa dialay dad aan garanayn.laakiin adigu weli ma is weydiisay inta qof ee ay gadabuursigu naga dileen,bililiqadii ay gurteen ,intii ay qof basaaseen,hiilkii ay lagarabtaagnaayeen dawladii afweyne ee xasuuqa nagu haysay wakhtigii dagaalada,anigu waxaan hubaa oo lawada ogsoonyahay in1984kii 40 macalin lagu dilay hargeisa iyaga oo laga soo qabtay agagaarka xaliimaale,waxay runtu tahay macalimiintaas oo weilba ninka watay magaciisa laodhanjiray mahdi isxal oo gabadh idnka qaba inta uu u soo hoyday reerkii uu gabadha ka qabay inta ay cunto u kariyeen ragii dabadeedna ay soo sheegeen oo ragii oo shaah cabaya lgu qaqabtay gurigii.markaas saaxiib 40kaa iyo kuwo kale oo farabadan ayaa idinku maqan,ee keen kuwii dilay,oo soo celi bililiqada.anigu xasan appole aqoon fiican baan u lahaa,waxaanan ku dhaaranayaa in aanu xasan appole dilin qofgaranayaa ee uu dilay mid aan aqoon fiican oo aaan garanayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AGAASIME

Tuesday, October 10, 2000 - 12:19 pm
TO: DEEQSI


Xasan Appole waxa dilay ARDAY ka mid ah kuwii uu wax barayay. Markaas ha dhaaran haddii ad nin Muslim ah tahay

Ta labaad 40k macallin ee ad sheegayso, dawladdii Af-weyne ayaa dishay, ee Gadabuursi ma dilin. Fadlan kala saar, Dawlad iyo shicib, Gadabuursi shicib ayuu ahaa u hogaasan Dawladdii dalka ka jirtay, sida imikaba qaar ay ugu hoggaansan yihiin Dawladda Somaliland, eey dagaalkii Burcona uga qayb-qaatee.

Ta saddexaad, ha af-lagaadayn Xisbiga ALIF, waayo hal qof oo kaliya lama hadlaysid, ee ugu yaraan 40 dhalinyaro ah, oo aasaasay ururkan iyo Hal Million oo uu matalo ayaad taabanaysaa.

LONG LIVE "ALiF"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQSI

Wednesday, October 11, 2000 - 04:38 am
TO:ALIF,AQLI,SOMALI,AGASIME:

waxaan kuu sheegayaa,anigu inaan aqoon fiican u lahaa xasan appole.adiguse aad ku daafacayso qabiil.xasan appole all ha u naxariisto,khalad baa lagu dilay dadka dilayna aqoon umay lahayn.gadabuursigu waxay nagu sameeyeen oo kale lama arag lamana maqal,laakiin anagu idinkamaanaan aargoosanin,sababta oo ah dagaal wuxuu faa'iido leeyahay ayaa iska yar.laakiin saaxiib colaada iyo nacaybka kugu jira iska daa,su'aal aan ku waydiiyo ayaad iska xoreynaysaa oo ku gumaysta,reer awdal waa umad fiican oo dantooda garanaya,bal maxaad ku haysatay,dawladii afweyne,dhamaanteen hadd aynu reer waqooyi nahay xamar baynu qaxooti ku wada ahayn,oo waxaynu ahayn qaldaamiin,mise waxaanad maqli karayn magaca izaaqa.bal si fiican u eeg maanta nabada ay kuwada noolyihiin dadka wada dhashay ee isku deegaanka ah.maanta awdal waxay gaadhay heer aanay weligeed gaadhin,oo waxa ay leedahay jaamacad,telephones,radios.kuma lihi somalilandbaa u samaysay,ee dadku iyagaa samaystay oo horumarkaas gaadhay,ilaahaybaan kugu dhaariyaye,hadii afweyne maanta wadanka sii xukumi lahaa,awdal waxaasoo horumar ah ma gaadhi lahayd.jawaabtu waa maya.hadal iyo dhammantii izaaq wuu jirayaa,gadabuursina wuu jirayaa,meeela u kala tagimayno,sabata oo ah ilaahaybaa isku deegaan inaga wada dhigay.markaas saaxiib waxaad doonto isugu yeedh ama alif,aqli ama waxaad doonto.laakiin dadkaaga dhibaato ha u soo jiidin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Wednesday, October 11, 2000 - 05:04 am
TO: DEEQSI

Waxan filaya inaad dhammaan jahawarersan tihiin, ood iska dhaadhiciseen qalad ah in GADABUURSI danbi idinka galay.

Marka hore Waxan ku leehay, haddii taariikhada Soomaaliyeed lagu helo in Gadabuursi oo isku raacsan Gadabuursinnimo oo naftooda ka socda ay ku soo duuleen dhul Isaaaq leeyay ooy dad ku dileen, waxan kusiinayaa xaal iyo mag 10 laab ah.
Haddiise, ad ku andacoonayso, Gadabuursigii dawladda ku jiray ayaa danbi naga galay, markaa doodaadu waa riqiis. sobabtoo ah Soomaali badan oo Isaaaq ku jiro ayaa dawladda ku jiray, markaad mucaaradka ahaydeen, markaa kuwiina dawladda u shaqaynayay ee CIGAAL ugu horreeyo, horta wax ka qabta.

Marka labaad, waxan iska xoraynaynaa ISAAAQ, iyo kuwa sheeganaya Gadabursi ee u adeegaya. Waxan rabnaa in Awdal, ay ka taliyaan dadkii u dhashay AWDAL, oo kaliya, calankii xooriyadda soomaaliyeed ee Buluuga ahaanna laga kor taago. laguna xukumo dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Ugu danbayn, waxan kugu marti qaadayaa inaad akhristo Baaqa ALIF oo ah 'Topic' cusub oo Forumkan ku qoran, waxad ogaandoontaa inaan ka hadlayno dan guud, oo qabiil nacayb iyo meel soke an ka sarreynno. Intaan hadalka ka bixinna waxan kaa codsanayaa inaad ka bixin nuxurka Doodan, oo ad sheegtaan Magaciisa oo saddexan ninkii dilay Xasan Appole.

Waad mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQSI

Wednesday, October 11, 2000 - 05:56 am
TO:AQLI:

SAAXIIB IZAAQ KUMA GUMAYSTO,AWDALNA IDINKAA KA TALIYA.XAQNA WAAD U LEEDAHAY INAAD GOBOLKAAGA KA TALISID.SU'AAL WAXAAD II SHEEGTAA WAXAAD KU HAYSATAY CALANKA BULUUGA AH IYO WAXAAD KA WAYDAY WANAAGA IYO NOLOSHA FIICAN EE AY DADKAAGU KU NOOLYIHIIN.JAWAABTA XASAN APPOLE,WALAAL XASAN CIDII DISHAY HELIMAYSID HA DAALIN.QOF AAAN AQOON U LAHAYNBAA XASAN DILAY,KUMANAAN XASAN OO KALE AH BAA SOMALIDA KA DHIMATAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Wednesday, October 11, 2000 - 10:06 am
To: DEEQSI

Been ha sheegin saaxiib, kama talinno annagu dhulkayagii. Ninka ad ka dhigateen Madax weyne xigeenna maaha dadkii u dhashay AWDAL ee wuxu ka yimid ITOOBIYA. Calanka buluuga ahi waa calankii xorriyadda Soomaaliyeed, qasab ayayna ku tahay Gobol kasta oo xor ah oo soomaaliyeed inuu calankaas haysto, Gobol an xor ahayn sida SOMALIALND mooyiye.

Dadkii dilay Xasan Appole iyo dadkii ka danbeeyay xasuuqii ka dhacay Boorama, Dila, iyo meelo kale oo Awdal ah ka dib dhicitaankii Af-weyn, waan raadsan doonnaa waanan heli doonnaa waanan xukumi donnaa. Dumarkii iyo caruurtii iyo dhalinyaradii an colaad filanaynin eed Kaaraya dul mariseen, haddii ad tihiin Habar Awal, iyadan l ailoobi maayo, ALIFna wuu idinkala xisaabtami doonaa.
Wali dagaal toos ah xagga Gadabuursi idiinkama iman, idinkuse waxaba iskulama aydaan hadhin. Waa wakhtigayagii imika, waana wakhtigii xaqa iyo Xorriyadda AWDAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQSI

Wednesday, October 11, 2000 - 10:56 am
TO:AQLI:

ANAGU MADOONAYNO CALANKA BULUUGA AH,SABABTA OO AH ANIGA WAX UU IGALA MAQANYAHAY BAAN JIRINBA,ADIGAN AWXBA KAALAMA MAQNA.INDHAHA HA ISK TUURIN RUNTA AYNU ISU SHEEGNO,KA SU'AASHII AAN HORE KUU WEYDIIYAY,MAXAAD KU HAYSATAY CALANKII BULUUGA HAA,JAWAABTU WAA WAXBA,MARKAAD JAAMACAD U BAAHATO WAXAA KHASAB KUGU AHAYD INAAD XAMAR TAGTO,MARKA AAD DHOOFAYSO,WAXAA KHASAB KUGU AHAYAD INAAD XAMAR TAGTO,BAL IISHEEG WAXAAD KU HAYSATAY XAMAR.SAAXIIB XORIYADAAD II SHEEGAAYSAA MAXAY TAHAY,MA XORIYADBAA INTA CASHUUR LA IGA QAADO,OO LACAGAYDII INTA LAGU SOO KIRAYSTO ROODIISHIYAN DIYAARADO WATA MAGAALOOYINKAYG SI WAXAKHNIMO AH LOOGU DUQEEYO,OO DUMAR IYO CARUUR QAXAYA LAGU GARAACO,MA TAASAA XORIYADD AAD IISHEEGAYSAA.SAAXIIB ANAGU DIB UGU NOQONMAYNO,DHIBAATADII AANU KASOO BAXNAY. DAGAALKA AAD SHEEGAYSANA WAXBA KU QAADI MAYSID EE UMADA WALAALAHA AH EE ISKU DEEGAANKA AH HA ISKU DIRIN,DAGAAL FAA'IIDO KA KEEENI MAYSID.XAMAR IYO KOOMFURNA WXABA KUUMA YAALAAN,CALANKA BULUUGA AHNA CID IGU KHASBI KARTAA MA JIRTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Wednesday, October 11, 2000 - 11:12 am
TO: DEEQSI

Waar illeyn, nimuu qalbigu daxalaystay lama dawayn karo.
Waxan ku leehay, annagu waxaba kuma haysan dawladdii Af-weyne, tan imikana waxaba kama sugayno, Xamar iyo Hargeysa in midkood lannooga taliyana ma rabno.
Waxan rabnaa inaan lahaanno taladayada, inaan Jaamicaddo kale sii dhisanno, inaan ZAYLAC dhisno, inaan soo cellinno taariikhdayadii. hase yeeshee waxaa oo dhan ma samayn karno, inta kolba
Cigaal nin danayste ah noo soo dirayo, oo uba dhalan AWDAL.
Calanka buluuga ah idinku maxaad uga gubanaysiin, Daarood ma leh, Haweiyena ma laha, cidina malaha, For God sake, waa calankii xorriyadda soomaaliyeed. Waana calanka an saari doonno, maalinta ugu horreeysa een Saylac ka dagno.

Imika iyo haatanna, an u soo noqonno, nuxurkii dooddan.
Ayaa dilay XASAN APPOLE, magacii oo saddexan keen
Ayaa ka danbeeyay xasuuqii SNM ee Cold Blooded murderka ahaa, ee ka dhacay BOORAMA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQSI

Wednesday, October 11, 2000 - 11:23 am
TO:AQLI:

WAXAN U MALAYNAYAA IN ADIGA UU QALBIGU KU DAXALAYSTAY WAAYO,MAANTA OO DHAN BAAD KU MEERAYSANAYSAA AYAA XASAN APOLE DILAY.SHEEKADU XAGAY KAA DHAAFSANTAHAY,WAAR MAGAALO MADAXDII LABAAD AYAA LAGU GARAACAY OO LAGU DUQEEYAY DIYAARADO INTA LOO SOO KIRIAYSATAY CALOOSHOODA U SHAQAYSTAYAAL,UGU YARAAN 10,000 OO QOF AYAA LAWAAYAY IN KA BILGUDAHEED.WAAR CALANKA AAD II SHEEGAYSAA MIYAANU AHAYAN KA LOO ADEEGSADAY MAATADA IYO CARUURTA.DOODAADU DDOD MACNALEH MA AHA SABATA OO AH HAL QOF BAAD KA HADLAYSAA ANA WAXAAN KA HADLAYAA 10,000 OO QOF.HADAAD DOONAYSO INAAD IS MAAMUSHO WAAD ISMAAMULI KARTAAN DAAHIR RIYAALE WAA INAADEERKA,WAA NIN KULA DHASHAY,ADIGA AYUUNBAAN ISKA BEDELI KARA.WAA IN AAD QIRTAA DHIBAAATADA IGA SOO GAADHAY CALANKA AAD SHEEGAYSID.CID I KHASBI KARTAANA MA JIRTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Wednesday, October 11, 2000 - 11:55 am
TO: DEEQSI,

Saaxiib dadka Af-weyne ku garaacay diyaaradaha iyo inta ku dhimmatay gacantiisaba, dad badan oo qaraabaday ah ayaa ku jiray. Ilaahay dhammaantood ha u naxariisto, laakiin Calanka buluuga ahi cidna ma dilin, cidna ma dhibin, inaad maanta gubtiin ood Caalam weynaha oo dhan ad ku gubtiinna waa Murugo iyo Ciil.
Oodi ab ka dhoow, marka xaq loo hadlana, Isaaq iyo Ciise Soomaalida kale waan iska xignaa, dhibaatadooduna waa dhibaatadayada, kumana farxno khasaarahooda. Kaliya waxan idinka dalbaynaa, inaad noo ogolaatiin xorriyaddayada, ood Goblokayaga faraha kala baxdiin, ama Calan buluuga ah an saarno, ama calan kalaba an saarno'e.

Imika iyo haatanna, ha iloobin inaad raadiso ood sheegto magaca qofkii dilay XASAN APPOLE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQSI

Wednesday, October 11, 2000 - 12:10 pm
TO:AQLI:

horta marka hore waad salaamantahay,marka labaadna waa runtaa waxaad xaq u leedahay inaad gobolkaaga aad ka talisid,laakiin waa inaynu ku raadinaa nabad,anigu ma jecli siyaasada cigaal,laakiin wuxuu dhaamaa kuwa isku sheega SNMta,oo iyagu weli dagaalkii aan ilaabin.umadda reer awdalna aakhirka iyagaa aayahooda ka tashan doona.laakiin walaal dagaal dambe uma taaghayno,umadu nabadbay kuwada nooshahay.laakiin talis waynu diidi karnaa.reerawdalna xaqbay u leeyihiin inay iyagu is maamulaan.arinta xasan apole,anigu waxaan maqlay oo uu ilaahay igu ogyahay,inay dileen inamo yaryar oo aan aqoon fiican u lahayn.dadkii garanayna aad iyo aad bay uga xumaadeen,sababta oo ah nin wuxuu ahaa macalin ah oo aad ay ardaydiisu u jecelyihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Wednesday, October 11, 2000 - 12:23 pm
TO: DEEQSI

Waad mahadsantahay saaxiib, anigu sida an ogsoonahay CIGAAL maba ahayn in marka horaba la doorto. Reer Booramana qalad weyn ayay samaeeyeen in magaaladooda lagu doorto. Sida an u haysto ninkaasi waa salid iyo Iblays Ilaahay inoogu daw galay, filina maayo inuu yahay nin samaan iyo wanaag wax ku leh.
Reer AWDAL haddii an nahay, waan ka daalnay inaan sugno in kolba madaxweyne cusub iyo maamul cusub oo meel kale ka yimid. Imika iyo haatanna aniga ilama aha in la sugo ilaa inta Cigaal xukumada ka dagayo, iyo ilaa inta ad idinku noo ogolaanaysaan xorriyadayada. Waayo taasi waa hebednimo, iyo xaqiirnimo, mana aha wax an qaadan karon.
Xisbiga ALIF, dagaal waxba kuma rabo, qoraal iyo qawl ayuu ku qaadan karaa xorriyadiisa iyo aqoonsigiisa.
Talaabada ugu horreysa een qaadayno waxay tahay, inaan la kulanno dhammaan, siyaasiyiinta, aqoonyahaniinta, iyo indheer garadka Issaaq, oon ka dalbanno, in ciidamadda SOMALILAND, ka baxaan gobolkayaga sanadka cusub.
Haddii ad dagaal dooratiin, ogsoonaada midkii ay wax ka daadan doonaan haddii weel buuxa iyo weel madhan la isku dhufto.

Imika iyo haatanna, innamada yar-yar ee dilay Xasan Appole, masoo raadinaysiin, oo maxkamad ma saaraysiin?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Jibbaar

Wednesday, October 11, 2000 - 02:34 pm
Waxan jeclahay inaan doodan ku biirsado, in si fiican loo garanayo cidii ka danbaysay dilka waxshinnimada leh ee loo gaystay "Xasan Appole'
waxan hubaa in dhammaan habar Awal garanayaan ninkii dilay, iyaguuna waajib ka saaran yahay inay ninkaas Maxkamad soo taagaan. waxa la sheegay in ninkaa dilay Xasan appole, uu ilaa bari dhawayto sitay oo xidhan jiray kabihiisii. Hase yeeshee waan ka xumahay in qofna magaciisa ii sheegin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.