site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

BAAQA URURKA "ALiF"

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): BAAQA URURKA "ALiF"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 11, 2000 - 03:50 am
....BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM.....


AWDAL LIBERATION FRONT--ALiF----

{{BAAQ AH SOOMAALINNIMMO, MUSLIMNIMMO, SINNAAN IYO CADDAALAD}}.

TO: DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED.


Walaalahayaga Soomaaliyeedoow, yar iyo waynba, rag iyo dumarba, carruur iyo ciroolaba waxan idiinku baaqaynaa inaad ka kacdiin jiifka.
waxan idiinku baaqaynaa inaad baraarugtiin ood ogaatiin halista iyo hagardaamooyinka uu maanta ku jiro Dalkeennu, Dadkeennu, Dhaqankeennu iyo Diinteennu.
Waxa inna siraya Cadaawe shisheeye oo iskugu keen dhiibaya seefaha iyo warmaha, sunna innoo walaaqaya. Waxana nasiib darro, qoomamyo iyo Ciil ah in qaar innaga mid ah, la innoo adeegsanayo, oo la duufsaday.
Kuwaasi waa walaalaheena isku sheegay, SOMALILAND, iyo PUNTLAND.

Xisbigayagu wuu qirayaa, wuuna aqoonsanyahay, godobtii uu taliskii dhiig yacabka ahaa ee Af-weyne ka galay Guud ahaan ummadda soomaaliyeed, gaar ahaanna dadka ree Woqooyiga. Waan og nahay in walaalahayo ISSAAQ, lagula dagaalamay Diyaarado iyo Hub culus, duunyadoodii iyo daarahoodiina la baabi'iyay.
Waanan ogsoonahay in xaqii Ilaahay u hiiliyay dadkaas la dhibay, oo Af-weyne ku dhintay qoxootinnimmo, iyo qurbe shisheeye.
Hase yeeshee walaalayaal, waxa in la iska indho tiro an ahayn, in maanta soomaali u jabtay Cadaawaha shisheeye. Inaynu xasuuqnay maatadeenii, masaakinnteenii, maangaradkeenii iyo masuuliyiintenii, oon munaafiqiin ka daran "Af-weyne aynu gacanta u galnay. Kuwaasi oon dan ka lahayn, Dal iyo Dad iyo Diin, balse dhawranaya danao iyaga u gaar ah. Kuwaasi oo diraadiraalayn joogto ah wada iskuna dilay dakii walaalaha ahaa oo qaybiyay, qabiil-qabiil. Kuwaasi oo dan iyo muraad toonna an ka lahayn, maslaxad iyo Dawladnimmo dhalata.
Waxa in la isku sheego ah, in maanta Cadaw kaafiriin ah oo Amxaaro, Suwaahili, Yuhuud iyo Maraykan ay ku taamayaan, qay-qaybsanka Soomaaliyeed, si ay u fushadaan danahooda gaarka ah ee ah gaalaynta iyo dhalanhabaabinta dhallaanka soo koraya.
Waxa marag ma doonto ah, in walaalo badan oo Soomaaliyeed oo u qaxay Kenya iyo Itoobiya, si waxshinnimmo loola dhaqmay, qaarkood ku jiraan jeelal, qaar la kufsaday, qaarna la dhacay. Iyadoo himilada kaliya ee Suwaahili iyo Amhaaro wataan ay tahay inay tafiir jiraan Soomaalidda dhabta ah ee dhaladka ah.

GEED BAA HALOO YIDHI, "GUDINYAHAY IMA GOOYSEEN HADDAAN GOBOLKAY KUGU JIRIN.

Xisbiga ALIF, wuxu idiinku baaqayaa inaad is bahaysataan, inaad runta isku sheegtaan inaad xaqa ku heshiisaan, hor Ilaahayna u Midoowdaan.
Ninkaan maanta garan dar-daraankan, dhel-dheelna u qaatoow, mar danbaad ogaani doontaa, ood ka qooma-mayni doontaa.
Waxa naga WALLAAHIYA, BILLAAHIYA, TALLAAHIYA, inaan u heellennahay, higsanaynana horumar Soomaaliyeed oo ku hogaansan Diinta iyo dhaqanka Islaamka.
Waxanan idinku dhiirri galinaynaa, inaad Ilahay daraadii u midowdaan, inaad difaacdaan Diinteenna, iyo Dalkeenna intuuna dhaxal wareegin.
Inaad iska illoowdaan wixii horey u dhacay, ee taliskii macangaga ahaa ee AF-weynne dhammaan innoo gaystay.
Waxan magaca Ilaaha weyn ee koreeye idiinku dhaarinaynaa Inaad ku walaaloowdaan Soomaalinnimmo iyo Muslimnnimo.
Waxan Ilaaha Muqaddaska ah idiinku dhaarinaynaa, inaad dhiig yeelatiin, inaydaan raacin una adeegin Gaalo. Iyo inaad ka digtoonaatiin, kuwa inna dagaya, isku keen diraya, ee dareenlaawayaasha ah.

Ugu danbayn, waxan deeqloow Ilaahay ka dalbaynaa inuu Diintayada, Dalkayaga, Dadkayaga ku Ilaaliyo daymo naxariis leh, daranyada ka dhawro.
Daayimoow Ilaahoow,soo hadee inta hallaysan, Daayimoow noo dulqaado, Daayimoow danbigeenna dhaaf

WA-SALAAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAHI WA BARAKAAT

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.