site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

5 ruux oo la dilay ...Dhiigyacab Uma Daaho Dilka Rayadka!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): 5 ruux oo la dilay ...Dhiigyacab Uma Daaho Dilka Rayadka!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daljir

Wednesday, October 11, 2000 - 07:42 am
Dowlada cusub ee KMG ayaa halkii ka sii waday godobtii iyo dilkii shacabka ee lugu yiqiin markii ay xubnaha ka ahaan jireen dowladii hore.

Hadaba tira dad ah oo isugu soo baxay bal inay arkaan waxa isku magacaabay dowlada xubnaheeda ayaa lagu furay rasaas. Waxaa isla meeshaas nafta kuweyday 5 qof oo rayid ah.

Sida aad la socotaanba waxaa lacag la siiyey ciidankii tolka C/qqasim ee daroogiistayaasha ahaa. Lacagtaasina waxay aheyd lacag lagu soo daabacay wadanka Canada. Waana lacagtii doorashada Salaadboy sabab u aheed, waa 25 billion oo shilin somali ah. Waaxaa kala qayb qaatay lacagtaas soo gelinteeda maamulka TV-ga STN ee moqdisho oo isla tolka ah.

Anoo ku hadlaaya magaca ummada soomaaliyeed ayaan tacsi u dirayaa eheladii iyo shacbka reer moqdishu!

Waxaan mar kale ugu baaqayaa dadka dhiiga muslimka quuta ianay faraha kala baxaan maaamulka dadka rayidka ah ee ay xabsiyada iska soo xaadiriyaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, October 11, 2000 - 08:59 am
Waa wax laga naxo!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mareer gur

Wednesday, October 11, 2000 - 09:49 am
saaxiib dal jir,cabdilkasim haddii tolkiis ciidan, lacag farabadan iyo radiye iyo sida aad noo sheegtay TV haystaan waqtigaan abaarta ah, soow markaas kuma habboona inuu noqdo hoggaamiyaha ummadda ,illeeyn nin xoog leh ayey xaajo u toostaahe.....tan kale ha illoobin nin wax heysta ayaa illaahey wax kale ugu daraaye.
muhiim waxaa ah in dadka dhiigiisa aan la daadin,laakiin macquul ma`ahan in aad xabbado ku rido golaha barlamanka soomaaliya si laguu shaqaaleeyo, waa arinta keentay in wiilkaas soomaaliyeed ku geeriyoodey maanta oo arbaco ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 16, 2000 - 06:27 am
to mareergur ma waxaad ku faaneysa tolka ayaa dadka dhaca oo TV iyo lacag faalso ah smaeysta?
War ninyahow ilaahay ka cabso oo dadka dhiigiisa ha xalaashan. hal wiilna ma dhiman ee 5 ruux ayaa geeriyootay oo afar ka midahi ayna hubaysneen.Taageerada tolka waxaa kaaga fiican inaad ku taageertid wixii fiican kaliya ee ka ilaalisid tolkaaga waxa xun. C/qasim iyo inta tuug iyo dilaa uu dabada ku wataaba aakhiro jannada ku geen maayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Saturday, October 21, 2000 - 09:55 am
wuxuu ku hadlayaa maskax mooryaan, horaa loo yiri doofaar ma daahirmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Saturday, October 21, 2000 - 01:50 pm
haddii ay dhab tahay in ay dawladdani dad laysay
waa arrin yaableh waxayna muujinaysaa dhiigyacab-
nimo iyo naxariis darro waali ah waana mid lagu
yaqaan dhaarbeenlayaasha aan weligood ka dhergin
dhiigga shacabka soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Saturday, October 21, 2000 - 01:58 pm
haddii ay dhab tahay in ay dawladdani dad laysay
waa arrin yaableh waxayna muujinaysaa dhiigyacab-
nimo iyo naxariis darro waali ah waana mid lagu
yaqaan dhaarbeenlayaasha aan weligood ka dhergin
dhiigga shacabka soomaaliyeed.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.