site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Qabiilada somalida an tallo fiican siiyo dhamaantood !

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Qabiilada somalida an tallo fiican siiyo dhamaantood !
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sanyarre

Wednesday, October 11, 2000 - 11:06 am
Halkan waxan rabaa in aan qabiilada somalida sheegta halka hadal iyo waano ka idhaahdo, aniga oo aan wax xumaanto qolona u haynnin daddayduna aanay sidaa u waynayn. (Oday da weyn ma ihi).

TO: ALL DAAROODS.
Waar ilaahay ka yaaba oo iska daaya xukun jacaylka aydun rabtaan in aydun cidwalba u talisaan tii hore ba waxba ka keeni waydee.
Mudo 22 sanadood ah ayaydun talinayseen tii umadda gaadhayna waa la ogaa, kolkaa bal yarra nasta oo fiiriya dadka kale waxay qaban karaan.

TO: HAWIYE;
Saaxiib yaal dawlad nimada somalida qaata oo bal idinku nabadgalyo uun dhalliya, oo dhexdiina uun heshiiya cid idinkula tartamaysaa ma jirto e.
Maxa isku kiin diray ee aydun isla cunaysaan? Qaata wixi aydun qaadaneyssaan oo bal wax uun inoo hagaajiya.

TO: ISAAQ:
Dad yahow reer Somaliland, si fiican ayaydun wax u wadaan oo dhibaato dhexdiina jirtaa ma aysan jirto hadda, laakiin walli cadho yar ayaa idinka muuqata oo qofkii somali soo haddal qaadaba cadho weyn baydu kula dhacaysaan. Somaliland way socotay waana dawlad kolkaa hoos ha u noqonina, dadka kale ee idinla dagaan markay ka hadlaan waxay runtii darameeyaan xumaan ha u qaadanina, maxaa yeelay democradiaydu meel kasta way jirta dhaliilina meelkasta way ka iman karta (no body is perfect) Ilaahii ina abuuray mooyee. Kolkaa hoos yaan loo noqonin.

TO:DIGIL, MIRIFLE, AND OTHERS.
Waar ragg yahow dhibaato aad u xun oo runtii laga damqado ayaa idin soo gaadhay, gaar ahaan qabaiilkiina yar yar, garna wax kasta ayaydun u leedihiin , dadka somaliyeed dhamaana inay taas fahmaa ayay ila tahay.
Laakiin waxanu idinka baahanahay waxoogaa is aaminaad, maadaama la rabo in dhibaatadii hore laga baxo, sida lagaga bixikaraana waa is kaashi taa ha la ogaado. Idinku wax ceeb ah oo aydun leedihiin wallaahi garan maayo.


Hadalkii waxan ku soo gooyay nabad-galyadu qofkasta way khusaysaa, qabiil kastana waa u baahanyahay maanta in uu ku noolaado nabad-galyo.(SOMALIDUNA HORE AYA LA ISU BARTAYOO REERA REER KAMA ADKA KAMANA BADDNA)

sidaa iyo nabad-galyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kablalax

Wednesday, October 11, 2000 - 11:21 am
War nin yahow IIDOOR
Fikradahaaga aad siisey qabiilada kale
aad baay u fiicneed laakiin tan aad siisey
Iidoorku waxaay aheyd mid aanan ku
saleysneen runta.
Talada aad siin laheyd ayaa waxey aheyd
war nimanyahow 88 waaliga soo gudbayee
ee iska dhaafa cuqdada idinhaayso wax
Xurnimo ladhaho waligiin ma heleysaanee
Soomaliya waa la soo galaan laakiin
waa malaga baxaan ee ha is daalinina anagana
hana daalinina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Wednesday, October 11, 2000 - 02:35 pm
TO:kablalax

afkaaga cano lagu qabay good point baad tabatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyarre

Thursday, October 12, 2000 - 03:56 am
Waxan aad uga xumahay idinka oo markiiba ii arly inaan ahay nin qabiil, taasina runti waa ta dadbadani isku haystaan maanta.
Talo hadii ay dadka somaliyeed u banaantahay ha ka tashadeen aayahooda ummadeed. Nabad-galyaduna waa qaali e somalia dariskeeda ha kula noolaato dhibaato la aan. Cidii hagaajisata dhulkeedaba ma waxaydun u arkaysaan caddow. Ilaahay dadkii wuxu ka siiyay iidoor, iidoor.
Waar nabad-galyo keena dhulka oo aynu dadka jaarka ah kula noolaano xasilooni.


Sidaa iyo Nabad-galyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Thursday, October 12, 2000 - 10:40 am
sanyare waxaan oran lahaa dadkan ha ku daalin
intooda badan waxaa maskaxdooda buuxiyey qabiil
hal dheg bayna wax ka maqlaan dhegtaasina waa
kuwa somalida hoggaanka u haya somaliyana hore iyo
diba u burburiyey dhabarkana ka jebiyey, waana dad
maskaxdooda lagu qufulay qabiil,mana xasuustaan
ilaahii abuurtay ama dantooda gaar ahaan qabilkana
xukuma maskaxdoodunaku shaqeysaa markaa kuwan ceeb
iyo cay uunbaad kala kulmaysaaye isaga carar inta
aanay haylaha kaa furan.horaana loo yiri waano
abuur baa ka horaysay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.