site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DIGNIIN

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): DIGNIIN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaamac

Wednesday, October 11, 2000 - 11:38 pm
Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi wabarakaat.

Marka hore walaalayaal dhamaantiin waad salaamantihiin. Marka xiga waxaan jeclaan lahaa aniga xagayga ka cadeeyo
qabiil qabiil ka fiican inuusan jirin een dhamaanteen aan wada fiicanahay.
markaan eeg eegay dooda meesha ka socota iyo sida laysu caynayo foolxumadeeda run ahaantii waan ka
wiswisay, laakiinse waxaa ii cadaatay arin yaroon jeclaan lahaa inaan idiinka digo.
Anigu horta waxaan ahay isaaq hooyaday waa daarood xamarna waan ku koray saaxiibo iyo asxaab badan oo
qabiilo kala duwan lehna waanu soo wada soconay.
Waxaa barigaa ii cadaatay hadana iiga cad doodihiina in Soomaali ku dhex jiro qabiil yar oo danayste ah
oo qabiil walba ku dhex jira fahmayna sida qabiilada kala duwan la isugu diro si ay iyagu dhinac walba
uga faa'iidaystaan. Qabiil kaasu waa DHULBAHANTE.
Dhulbahante markii siyaad bare dhulka haystay wuxuu la jiray siyaad barre tusaale warshaddii mareeray dadkii
ka shaqayn jiray waxay u badnaayeen ilaa markii danbe ninkii (Galayr) iyaga ahaa uu isagoon
naftiisa u cabsanayn dharaar cad xoolihii dalka oo ay u baahnaayeen masaakiintii soomaalidu intuu diyaarad
ka buuxsaday kala dagay Nairobi (What a shame).
Dagaaladii soomaalida ka dib jawigii siyaasadda ee soomaalidu wuu is badalay. Somaliland markii ay goosanaysay
garaadyadoodu way joogeen oo waxay kitaab quraan ah gacanta ku galiyeen inay goosashada Somaliland raali ka
yihiin oo ay ka qayb qaadanayaan waxaana la siiyay jagooyin wasiirnimo oo muhiim ah.
Markii col. cabdilaahi yuusuf ku dhawaaqay dowlad goboleedka Puntland markiiba qaarkood way ku gacan saydheen
Somaliland si ay xaggaana tuubadooda uga taagtaan (what a munaafiqiin) oo waxa la siiyay madaxwayne ku xigeenka.
Markii carta lagu magacaabay cabdiqaasim iyadoon wiig la joogin ayay kaga dhawaaqeen booliskoodu Laascaanood inaynan
Puntland dambe ka amarqaadanayn oo ay ka amarqaadanayaan dowladda cusub (Again what a munaafiqiin).
Marka waxaan uga digayaa Soomaali nimankan, waxay leeyihiin noocyo badan waxay yaqaanaan qabiil walba waxa
lagu caayo. Maantana markay isaaq iyo majeerteen isku diri waayeen ayay waxay rabaan inay hawiye iyo isaaq
isku diraan si ay uga dhex faa'iidaystaan.
Waxaan iyaga ku odhanayaa qabiil yar baad tihiinee intaad cayda iyo aflagaadada iska daysaan jawigii siyaasada
ee soomaaliya wuu isbadalee oo wuxuu qaybsamay sadex qayboodee (Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya) intaad
ilaahaygii idin abuurtay ka cabsataan oo aad Soomaalinimadan beenta ah eed meel walba kaga qadhaabsaysaan
iska daysaan meel uun raaca.
Waxaan kaloo idin odhan lahaa, ha ku riyoonina inaad mar labaad beerihii mareeray aad u talisaan sababtoo ah
waxaa u soo baraarugay dadkii (HAWIYE) xaqa u lahaa. Isaaq iyo Gadabuursi ama Majeerteen iyo isaaq ama Hawiye iyo Isaaq
oo aad isku dirtaan naar iyo cadaab eebe mooyaanee waxkalood ka helaysaan ma jiro.
Ogaadana wakhtigii qabiil yar uu u talin jiray wadanka wuu dhamaadoo meeshaad tagtaanba (Hargaysa, Garoowe iyo
Xamar) waxaad galaysaan qaybta labaad ama kuwa ka sii hooseeya (never nr. 1).
Waxaan ku bogaadinayaa soomaalida qalbigoodu nadiifta yahay inay ilaahii abuurtay u soo noqdaan oo ay ku
dadaalaan is ixtiraamka ogaadaana qof waliba inuu isagu ka mas'uul yahay aayihiisa haddii Somaliland goosatana
micnaheedu ma aha in mindiyaha laysu soo safaysto oo la is dooxdooxo oo cadowgeenu inaga faa'iidaysto
ee ay micnaheedu tahay inay ku dhaqaaqeen wax ay xaq u leeyihiin taasoo ah ka tashiga aayahooda sida aan
uu aaminsanahay inay Puntland ama meelaha kale ee ay soomaalidu degto uga tashan doonaan aayahooda sida
iyaga ula muuqata inay u fiicantahay.

Sidaa iyo nabadgelyo wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaat wabillaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Thursday, October 12, 2000 - 04:43 am
waxaa tahay wase mesha ka bax bal waxaad mesha la soo gashay arag.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.