site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WARQAD KU SOCOTA MADAXWEENAHA SOOMAALIYA

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): WARQAD KU SOCOTA MADAXWEENAHA SOOMAALIYA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Thursday, October 12, 2000 - 06:14 am
Mudane Madaxweene waxa ay nagu noqotay fajac shalay markii Hotelkii mudanayaashu baarlamanka ku jireen xabada ooda looga qaaday. Arinta si kastaba ha ahaatee inkastoo la yiri waxa ay ahaayeen niman shaqo doon ah hadana halkaa waxaa ku geeriyootay ilaa iyo 4 qof. Qof waliba maalintuu dhimanayo Ilaah baa u qoray laakiin inaad adigoo mas’uul qaadi karin nabadgelyadooda ma wax caqligal ahaa inaad tiraahdo aynu u shaqo tagno Xamar? Ilaah baan shalay ku dilin qof ka mid baarlamanka laakiin haddii ay taasi dhici laheed waxaa hubaal noqon laheed in rag badani ay goboladoodii ku noqon lahaayeen. Anagoo idil waanu dooneen in Soomaali dowlad yeelataa laakiin marnaba yeeli kari mayno inaan si cawaanimo ku jirto qof naftiisa ugu waayaa macna daro ah. Waxaan kugula talin lahaa marka hore inaad nadiifiso Xamar inta aadan qaadin balan aadan ka bixi kareen. Mudane Madaxweene, jiritaanka dowlada cusubi ayaamahanba shaki fara badan ayaa soo galay. Adigana ma ahan inaad qaadataa talaabooyin badin kara shakigaas umada Soomaaliyeed soo galay. Shakigaas oo ka yimid dhinac walba: Diidmada RRA, jagooyinka sar sare oo aad u wada magacowday ina adeeradaa, ra’iisul wasaarah oo waqti badan kugu qaatay adigoo ogaa in Cali Qaliif ahaa ninka aad jagadaa la dooneysay markii horeba, IWM. Mudane madaxweene waxaan kaaga tegayaa fariintan oo ah qeeb aan ka soo qaatay heesk caan ah haddii aad I fahmi kartid murtida ka danbeeso “Gacantaa adigaa isku gooracayee, god abeeso adigaa galoyoo ku gubtee, maxaa kuu galaa, wax kuu ma galeee……” Intaan laguu heesin heeskaas Mudane madaxweene ka fiirso talaabooyinka aad qaadeeeso haddaad dooneeso in dowladani waarto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. Salad X.

Thursday, October 12, 2000 - 07:24 am
Jaalle Somali, waanu akhrinay warkaagi. Waxaad ka hadleysidna waxba kama jiraan. Nimanka baarlamaanka waxaa lagu soo dhaweeyey caleemo qoyan iyo ubax isdaba joog ah. Xabbadna ma dhicin ee waxaa dicaayadaas faafiyey idaacada BEEB BEEN SII. Sidaas owgeed waxaa ciidanka somaliyeed oo aan u xilsaaray nin la hubo waxqabadkiisa, Galaal aadna aan isugu xirananahay ayna sugeen ammaanka magaalada xamar.

Jaallayaal, mar dhow ayaan magacaabi doonaa xisbiga wadanka iyo dhallinyarada amaanka dowlada (koofiya guduud). Waxaan ballanqaadayaa inaan soo nooleeeyo jeelashii wadanka sida GODKA. Arrintaas Jilicoow ayaan u xilsaari doonaa. Geelle ayaa si sharafle maxkamadaha u qaabili doona.

Jaallayaaal, dowladdu wey dhaqaaaqday ninkii ka haraaana waa loo har. Shacabka soomaaliyeed waa soo jeesteen weeyna na doorteen si buuxda. Ummmadda boqolkiiba waxaa na raacsan 99.9. waxaa naga soo horjeeda waa koox dabadhilifya ah sida Mr/Mrs Somali iyo laba kale oo aan maqlay inay qurbaha aalkolo ku cabaan.

Jaallayaal, qaabka dowladda loo soo dhisi doono waan u sheegay Gallayr mar hore. Waxaan ku iri jagyooyinka sidaan u kala qaybi:

Maareeyaha warshadda Mareeray u dhiib nin aad ku kalsoontahay. Wasiirka Ciidan iyo boliiska u kala qaybi Badmaceeye iyo Galaal. Arrimaha dibedda u dhiib C. Cadow waxaan ku qancinaynaa tolkiisa oo ayaantaan na dhibaye. Wasaaradda shidaalka u dhiib Xuseen Caydiid waayo asaga ayaa khibrad dheer u leh oo Gas Station horey uga shaqeyn jiray. Waraasada Dalxiiska u dhiib Morgan waayo weli dalxiis ayuu ku maqanyahay. Waxaad abuurtaa wasaarad cusub oo la yiraa karinta raashinka una dhiib Cali Mahdi. Waxay ila tahay jaalayaal in aanan ka wada hadleen duqa magaalada. Waxa joogta 2 nin oo aad ugu xeel dheer. Wasaaradda Hanuuninta iyo dadweynaha waxaad u dhiibta kolba kii kuu soo hormara Laascaanood ama Dhuusamareeb nin ku shashay. Bulsho! Bile!

Jaallayaal, waxaan ka codsanayaa dadka tuugsada iyo jiisaska iyo masaakiinta in ay ka baxaan magaalada oo ay aadaan gobolda si bilicda magaalada Xamar ay u soo laabato. Lafole ayaan xarun ku meel gaar ah uga dhisi doonaa. Inta ka horreysa banaanadiinaas naga aada adinkoo ku mahadsan!

Jaallayaal, waad ogtihiin arrinta waqooyi. Waxaa jooga geesiyaashii u soo halgamay. Waa dadkeenii. waa walaaheen. Waxayna si buuxda u yiraahdeen shacabka iyo odayaashuba waan idin taageersanahay. Farrimaha gaarka ah ee ay ii soo direen waxaa ka mid ahaa " maad halyeeyadeenii noo soo celisid sida Gaani." Ballan ayaan ka qaadayaa inay booqasho ku tagaan Hargeysa iyo Berbera iyo Burco. Bulsho! Bile!

Somaliya ha is raacdo! Midnimo!

Sanawi waxaan ku iri jooji qashqashaada aad wadid aniguna waxaan kaa joojinaaya jabhad ku sheegta OLF. Waan isku raacnay arrintaas.

Jaallayaal, Somaliya waxay noqoneysaa wadanka ugu horeeya Afrikada madow mudo 9 bilood ah. Aniga ayaa idinka ballan qaaday! Quranka iyo diintana aan ku fara adeegno. Waxan nahay bulsho islaam ah jaallayaal. Bulsho! Bile!

Qudbdeyda soo socota waxaan uga hadli doonaa 5 ta golaha sare .

Madaxweynaha Jamhuuriyada dibusooneeleynta Somaaliyeed (JDS), Jaalle Abdiqasim Salad Xasan ahna .... yet to be announced
ahna ... yet to be announced
ahna ... yet to be announced
ahna ... yet to be announced

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taliye

Thursday, October 12, 2000 - 07:45 am
madaxwayne good job baad wadaa anagana bulsho bile
somaliya waxay noqon wadan sharaftisii hore soo ceshada

oo aduunka oo dhan usoo dalxiis tagaan

hadii ala yiraahdo. amiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUN SHEEG

Thursday, October 12, 2000 - 11:03 am
Waa run oo Abdiqaasim qalad yar yar ayuu ku kacay isagoo weli aan caga dhigan. Ninkan kula taliyey waxaan u maleen inuu yahay somaliga runta ah ee ka danqada dhibaatada dadkeena. Wiilasha adeerada uu yahay Cabdiqaasinow u gudbiya warqadan oo talada dhegeesta haddii kale waxaad noqon doontaan adeerkiin Caydiid weyne ama yare oo kale. Talada dhegeesta in aanay meesha laysku cunin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.