site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Vote for the best President: Aadan Clle Osman,C/rashiid Cali,Max,ed Siyad,Cali Mahdi,C/Qasim Salaad

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Vote for the best President: Aadan Clle Osman,C/rashiid Cali,Max,ed Siyad,Cali Mahdi,C/Qasim Salaad
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii

Friday, October 13, 2000 - 10:04 am
Aniga waxeey ila tahay in Aadan Cabdulle Cosman uu ahaa madaxweeynihii ugu wanaagsanaa tan iyo intii aan xornimada qaadanay taasna waxaa marqaati u ah dimoqoraadiyada wadanka uu xiligaas ku maamulaayey mida kale markii waqtigiisii dhamaaday waa 8 sano ka dibe si wanaagsan oo sharaf leh ayuu maamulka u wareejiyay waxaana siiyay 8 points.

C/rashiid allaha u naxariisto isaga maadaama uu mudo gaaban maamulka haayey taariiqdiisa waxba kama sheegi karo waxaan siiyay 5 points

Max,ed siyaad asna allaha u naxariisto qofkastaba waa ogyahay taariiqdiisa oo wuxuu ahaa kaligii taliye aan dhahno allaha u danbi dhaafo wixii qalad ah ee uu sameeyay waxaana siiyay 4 points.

Cali mahdi waxaan u maleeynaa inuu ahaan lahaa nin dadku wada jecelyahay waloow uusan siyaasada qibrad weeyn u laheeyn balse uu ahaa nin wax dhageeysta dadkana taladooda qaata soo waxaan siiyay 6 points.

C/Qasim waxeey u muuqataa inuu yahay nin jecel ineey soomaaliya doowlad noqoto oo islaa markaana uu asagu maamulo taasna waa xukun jaceel maadaama aanan mustaqbalka la saadaalin karin oo waxa uu danacsanyahay la ogeeyn waxaan dhihi lahaa hala siiyo jaanis koleey markaan soomaaliya cidna xoog kuma maamuli karto oo waxaan sameeyneeynaa mudaaharaad cidii musuqmaasuq iyo tuuganimo lagu soo cadeeyo maadaama uu wax badan u orday ineey soomaliya doowlad ka dhalato maabka aduunkana aan kusoo laabano ayaan waxaan siiyay 6 points.

Hadii aadan igu raacsaneeyn waxaad dhiiban kartaa fikradaada.
Dadbadan waxeey is weeydiindoonaan oo muxuu uga tagay Cigaal? waxaan uga tagay waa sidaan.

Runtii soomaaliya uma baahna mana ila haboona aniga ineey kala go'do marka hadii aad dhib ka tirsaneeysaan walaalihhina koonfureed miiska wada xaajoodka imaada waxaad xaq uleedihiina cidna idinma dhaafsiin karto lagaba yaaba inaad qaybta weeyn idinka qaadataan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ifraah

Friday, October 13, 2000 - 10:11 am
adan cade
siyad bare

cadiqasim na maxuma siduu ku socdo lakiin waa la arki hadii ala idimo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koofi dhuub

Friday, October 13, 2000 - 10:22 am
lii..
horta nin ragga ayaad tahay ..figradda.. laakiin..cabdikasim sidee lix buundo ugu siisay just hal bil gudaheed..oo hadduu sedexsano joogo maxaad siin doontaa 1000.dhibcood ama ka badan. waxaan u malaynayaa ugu yaraan waad eexatay waayo cabdilkasim ciyaarta hadda ayuu billaabay marka ciyaartiisii oo dhammaan in aad dhibco uu san shaqaysan la siiyo ma qabo.haddii kale sheekadu waxay noqonaysaa qaybintii hilibkii libaaxa iyo dacawada ee ahayd ;- libaaxoow hasha ma badh mise badh, badh libaaxbaa leh,hasha ma ladh mise ladh ,ladh libaaxbaa leh ;inta soo hartana dee libaaxbaa leh... waxaan jeclahay in aan nal ku ifiyo meel kasta oo lagu talax tagayo . anigu madaxweeynaha cusub kama soo hor jeedo waxaanna aamin sanahay in jans la siiyo.laakiin haddii xitaa hawada la qaybsanayo waa in caddaalad iyo ka fiirsasho lagu qaybsadaa...soomaaliya ha noolaato..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHUUQAAYE

Friday, October 13, 2000 - 10:50 am
SIYAAD BARE 21 POINT, A/RASHID 4 POINT, ADAN CADE 4 POINT. WAXAAN POINTIGA KU QAYMEEYEY NIN WALBA WAXA UU DALKA U QABTAY IYO INTA UU HOGAAMINAYEY. WAXAA IYAGUNA XUSID MUDAN RAGAAN KALE OO AH HOGAAMIYE KOOXEEDYO QABIIL KU DHISAN WAXAANA NR KOOMAAD SIIYEY HOGAMIYIHII UGU HOREEYEY EE OO SI CAD UGA SOO HORJEESTEY DOWLADII DICTATORKA AHAA WAANA MADAXWAYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA LA MAGAC BAXAY PUNTLAND. 2 CIGAAL, 3 C/QASIM, 4 SHAATI GUDUUD, WAXAAN BUUNDOOYINKAAN KU SIIYEY SIDA SHACABKOODU U TAAGEERSANYAHAY.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.