site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MADAXWEYNAHA IYO PRIMEMENISTERKA OO MUQDISHO..

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): MADAXWEYNAHA IYO PRIMEMENISTERKA OO MUQDISHO..
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

good wisher

Saturday, October 14, 2000 - 10:07 am
Waxaa maanta magaalo madaxda muqdisho ku soo laabtay madaxweeynaha jamhuuriyadda soomaaliya.mudane.cabdulkasim iyo mudane.primemenister galaydh. waxaa aad u soo dhaweeyey shacabkii reer muqdisho iyo kuwii shabeelaha hoose.gawaari aad u qurxoon iyo kuwo gaashaaman oo ay ku rakaabsanyihiin illaa 1500 oo ciidan ah ayaa gaaf socdey weftiga si aan marna loogu soo dhuumaalaysanin ,maadaama magaalada muqdisho 10-sano uu madaxweeyne ka ahaa qoriga la yiraahdo ak-47.amaanka magaalada muqdisho aad ayuu u soo roonaanayaa,walow ay macquul tahay in uu saacad gudaheed jawigu isku bedelo sidii falastiin ,illaahbaan ka magan galnay,laakiin shacabka ayaa wax bedela iyaguna waxay caleemo qoyan ku soo dhaweeyeen doowladdooda o ay ka rajeeynayaa in ay la wareegto oo mar kale qumiso qaabkii iyo hab-doowladeedkii lumay..markii ay jid ka wershedaha marayeen ayaa mudane, galaydh wuxuu arkay guryo aad u qorxoon ,cusaybna ah indhahiisuna jacleysteen,wuxuu isaga oo ilkacaddayna madaxweeynaha weeydiiyey, mudane madaxweeyne halkani ma booliqaranta cusubbaa?.(galaydh guryahani wax hal bil gudahood lagu dhisay ma kuula egyihiin ....ayuu ugu jawaabey madaxweeynaha oo qoslaya)..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 14, 2000 - 10:11 am
goodwisher.
..soomaaliya adigoo kale way u baahantahay...aad ayaan uga helay waxad isku soo habaysay..laakiin weriye bbc-da ka raadso shaqo waad ka helaYSAA.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Islam

Saturday, October 14, 2000 - 10:12 am
Ilaah baan u raajaynaynaa wanaag iyo dadka in ey wax qabtaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanad

Saturday, October 14, 2000 - 10:13 am
WAAR WAXAAD RABTO AYAAD NOO SHEEGAYSAN...MUQDISHO QASHIN IYO WARAAbe AYAA KA BUUXA EE BEENTaada nagala tag...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadane

Saturday, October 14, 2000 - 10:15 am
you the man. we love u..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadane

Saturday, October 14, 2000 - 10:18 am
good wisher, you the man..
to hanad, shut the hell up..

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.