site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AWDAL LIBERATION FRONT----ALIF--- PART II

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): AWDAL LIBERATION FRONT----ALIF--- PART II
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Saturday, October 14, 2000 - 10:51 am
----HADDAANAN HADDAANAN---14 0CT 2000-----


Haddaanan haddaanan, u halgamin Dalkayaga
Haddaanan haddaanan, heeryo gumaysi diidin
Haddaanan haddaanan, hananin dhulkayaga

Haddaanan haddaanan, u hiilin Diintayada
Haddaanan haddaanan, u hor Ilaahay u dirnaan
Haddaanan haddaanan, u hurin naftayada

Haddaanan haddaanan, u heegnaan Calankayaga
Haddaanan haddaanan, u haqab tirin dadkayaga
Halyeeyo Soomaaliyeediyo,ma nihin hanado Islaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kumade

Saturday, October 14, 2000 - 02:06 pm
Ilaahey ha idinla garabgalo Gadabirse
Daroodna waa idin garab taaganahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awdalman

Sunday, October 15, 2000 - 09:00 am
Long life Alif!!

Alif is a reality in the 21st century!!
Alif is a rising sun!!
Alif is a movement for Democracy, social justice, civil and human rights!!!
Long life Alif!!
Long Gadaboursi!!
Long life Somalia!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gadaboursi

Sunday, October 15, 2000 - 09:04 am
Waxan ku noolahay Dalka Australia, maalin dhawayd ayaan arkay magaca Alif aad na waan ugu farxay.Diyaar baan u ahay waxala wixii ad iga baaha taan.Nabad galyo.

Guul iyo barwaaqo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Sunday, October 15, 2000 - 10:56 am
---MA DHAAXAAN KA DHAAXAANBAAN--15 OCT 2000---


Ma dhaxaan ka dhaaxaanbaan
dhalanteed run moodnoon
dhooyaalnoon haboownoon
dhakafaar wareernoon
dhan u ciirsan waynoon
dhalandhool ku noolayn

Ma dhaxaan ka dhaaxaanbaan
dhexdooda jibaaxnaay
dhurwaa iyo shabeeliyo
Abeeso dhul jiiftiyo
dhuunyaale halisoo
Dhiigeenna miranaaya

Ma dhaaxaan ka dhaaxaanbaan
dhinac marnay wanaagii
dhibnayd Maatadeenii
dhacnaanyeen agoomuhu
Dhallaankeenuna ooyoo
dhugatoobeen Cirroolihii

Ma Xalay dhawrihii dhexe
Riyadii i dhufateen
uga dhirfay jifkaa
dhab malaha noqonaysoo
xaqii loo dhabar jabuu
noo dhiibayaa ilaahay

NOO DHIIBAYAA ILAAHAY
NOO DHIIBAYAA ILAAHAY
NOO DHIIBAYAA ILAAHAY


Waa Sayid ALIF suldaan AWDAL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 16, 2000 - 11:22 am
HOO HOHO HOO
HOHO HOO HO HO HOO
ALAAH ALAAH
ALAAHU AKBAR

SOMAALIDA AWDALEEY
MAALINTAAD SUGAYSEEN
SAAKA WAALLA JOOGAA

HALGANKIYO DAGAALKANINA
SUNNA MAAHEE WAA FARAL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 16, 2000 - 12:21 pm
---MA SABAAN KA SABAANBAAN---16 0CT 2000---

Ereyada ugu horreeya oo kaliya ee halku dhiga u ah gabaygan waxan ka soo xiganay, halyeeygii, waddanagii, caaqilkii, suldaankii, SAYID MAXAMAD CABDULLE XASAN, Allaha u naxariistee. Waana erayadii ku jiray gabaygii ugu horreeyay ee Sayidku ku dagaal galinayay DARAAWIISH, gaalana kula jihaaday.


Ma sabaan ka saabaanbaan
Siliciyo dhibaatada
Saxariita ku noolaynoo
Seeriheennii Booramiyo
Sogsoglayiyo Libaaxley
Saw cadaw dul saarnaa

Ma sabaan-ka sabaanbaan
Soowdba aan lahaynoon
Dabnaheenna an soohnoon
Sanqadhba an diidnoon
Nabad laysku sikhaali
Subraar beena u sidanay

Ma sabaan ka sabaanbaan
Surka kuwii inna gooyee
Sadqeeyay maatadeeniiyee
Saablayda inna wada jaray
Su'aal waydiini waynoon
Sasabahooda maqlaynay

Ma sabaan ka sabaanbaan
Samaanta dhawr lahynoon
Saacidynay wanaagoo
Soohdinta dhulkayaga
Summadlaawayaal u dhalan
Soodhka lannoogu dhiibay

Ma saaka la joogaa
maalintan sugaynoon
Seermawaydiyo khayrbuu
Sarreeyoow Ilaahay
Saatir noogu yaboohoo
Soomaaliyaa is raacday


Waa sayid ALIF suldaan AWDAL
'waa innoo sahandanbe iyo guul'

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Monday, October 16, 2000 - 01:16 pm
------SOOMAALAAY IS MAQAL-----16 0CT 2000----


Summad midaan wadaagnaa
Soowd kaliyaan leenahay
Dhaqan suubaniyo
Diinta waan ka simanahaye
Sara kacoo saf mida galoo
Soomaalaay is maqal


Waa Sayid ALIF

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 16, 2000 - 03:54 pm
Long life ALIF!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 17, 2000 - 02:30 am
---------BARAARUGA----------17 0CT 2000------


BARAARUGA DADKAYGOOW
BOODHKA ISKA DUUSHOO
KA BOODA HURDADOO
BOODHKA ISKA DUUSHO
U BIRMADA DHULKEENAN
BOOBAAYO CADAAWUHU

BARAARUGA DADKAYGOOW
SIDII ADHI BARAAROO
BARQO DAAQAY CAWSKII
BEERKA HA U JIIFINEE
BAYAAN U ARKA WAXA JIRA
BILIHIYO SANADAHANE

BARAARUGA DADKAYGOOW
ILLEYN WAAD BAAHANTAHAY
BAKHTIGA LOOMA QUUTOO
BIYANA SACABADADA
LOOGU OON BAXAAYE
BUULKIINA LAHAADA

BARAARUGA DADKAYGOOW
BAL DAYAAY HAREERAHA
BAALAHANA JALLEECA
BAHAL IYO WARAABAA
BARBARRADEENA JOOGOO
BOOBAAYA HILBAHEENEE

BARAARUGA DADKAYGOOW
BOQORKII ILAAHAY
BARYADIISA BADIYOO
BADBAADIYA DIINTEENIYO
DHAQANKAN BADDALMAAYEE
BURBURINAYAAN GAALADU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAKI/BORAMA/DJIBOUTI/ZEILA

Tuesday, October 17, 2000 - 06:43 am
Aniga oo ku hadlaya magaca MAHD-ASSE waxan hambalyo iyo taageero u dirayaa Mr IDRIS HASSAN DIIRIYE.

AWDALLAND=MAHD-ASSELAND.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

love

Tuesday, October 17, 2000 - 06:53 am
TO:ALIF:

been ha kasheegin taariikhda iyo gbayada,ma hadaad gabaygii geesigii timacade siisay ina cabdile xasan.gabayga kasabaan ka sabaan waxaa iska leh oo tiriyay alla ha u naxariisto cabdilaahi suldaan timacade.saaxiib taariikhdu waa lama ilaawaan hadii aad necebtahay iyo hadii kalaba gabaygaas waxaa tiriyay timacade.acuudi bilaahi mina shaydaani rajiim.saaxiib cadaawadu ma ilaa halkaas ayay kula gaadhay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 17, 2000 - 09:36 am
TO: Love

Waad ku mahadsantahay fikradda.
Laakiin aad iyo aad ayaad u qaldantay, waxana kuu jawaabi doona Soomaalida kale.
Dib ugu noqo taariikhda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

love

Tuesday, October 17, 2000 - 09:59 am
TO:ALIF:

walaal wallaahi waa gabeygii timacade,somaliduna hada waxay isku qabsadaan ninkaasi anaga ayuu ahaa .waxaan aad ugu qosaly qaar yidhi axmed guray wuxuu ahaa mareexaan,waxay ka yaabay waxa mareexaan geeyay zeylac qarnigii 15aad,waxaana l ogyahay inuu ahaa nin reer awdal ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 17, 2000 - 10:26 am
----SOOMAALAAY SU'AAL HOO------17 OCT 2000


SOOMAALAAY SU'AAL HOO
SIDANI MAXAY TAHAY
YAA SIRAY DALKEENII
SIBRA JARAY DADKEENII
SUNTA INNOO WALAAQOO
SIIYAY UMMADDEENII


SOOMAALAAY SU'AAL HOO
HALKEEDBAAD KU SOCOTAA
KALA SOOCNIDEENANI
SAMO YAY U LEEDAHOO
SOBABTEEDA KEENOO
KU SADBUURSANAAYA


SOOMAALAAY SU'AAL HOO
CALANKAAN SAG-SAAGNIYO
CIIDEENAN SABOOSHAYIYO
SAHAL DIINTA LAGA DHIGTAY
SOBABTEEDA YAA LAHOO
KU SADBUURSANAAYA


SOOMAALAAY SU'AAL HOO
SIXIR WEEYI QABYAALADIYE
SARREYYOW ILAAHAY
SAATIR MAKA BARINAA
INUU INNAGA SAL GUURSHOO
SAAFI KA YEELO IDAYLKEEN


SOOMAALAAY SU'AAL HOO
TALISKII SIRGACNAA'IYO
SOCOY KACAANKII AF-WEYNA'E
SUTIDA DAWLADDAN QAADDAYEE
SINAAN IYO RABTA CADDAALAD
MA SIINAA TAAGEERADEENA


WAA Sayid ALIF

waa innoo sahandanbe iyo guul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 18, 2000 - 05:33 am
-------ADDUUNYADAN---------------18 OCT 200----


ADDUUNYADAN DAR-DARANEE,
DALAWGU NAAFEEYAY
ADDUUNYADAN DABARADIYO,
DAKHALADA LOO LAABAY
ADDUUNYADA DAB MUNAAFIQ SHIDAY
MU'MINKII KU DALAQ YIDHI

ADUUNYADAN DEGAANKAYGII
DAD U DHALAN LA SIIYAY
ADDUUNYADAN DEGMADII AWDAL
DUUD XAMAALO JOOGAAN
ADDUUNYADAN DILA IYO BOORAMA
AMXAARO DURDURINAYSO

ADDUNYADAN DAALIMIINTIYO
DAACADLAAWAYAASHU BUUXAAN
ADDUUNYADAN DANYAARTII IYO
MAATADII LA DOOXAY
ADDUUNYADAN DIINTII ISLAAMKIYO
LA DAFIRAY QURAANKII

ADDUUNYADAN SOOMAALIDII
DARDARTEE KALA TUURTAY
ADDUUNYADAN DABADHILIFYAASHII
DILLAALAYAAN GAYIGOODII
ADDUUNYADA DANI KUU GASHAY
CADAWGII KU DILAAYAY

ISKU DAALIN MAAYO WQRKEEDOO
DANI IGAMA HAYSEE
DULUCDAYDA HADLKIYO
DOODAYDU WAXAY TAHAY
DUCO AN ILAAHAY
UGA DALBAY DALKAYGA

DOORROONE WAA EEBAHAY
DARAJIYO XILQAAD LEHE
MA DAKAAMOO ISAAGAAN
DUUGOOBIN WALIGIIYE
WUXU DOONABA ISAGAA
DE-DEG KU YEELI KARAAYEE

DEEQLOOW ILAAHAY
WAXAN BARYAY DAAYIM
INUU DARUUR CAAFIMAAD
INNOO WADA DAROORSHO
DAYMO NAXARIIS LEH KU EEGO
DADKIYO DALKAYGA'E

DEEQLOOW ILAAHAY
WAXAN BARYAY DAAYIM
INUU DANBIGEENA DHAAFOO
INNOO WADA DULQAATOO
DAAWEEYO QALBIGEENOO
KA DILO QABYAALADDA

DEEQLOOW ILAAHAY
WAXAN BARYAY DAAYIM
INUU DARANYADANIYO
DALANBAABIGA INAGA SAAROO
DAWLAD CADDILA KEENOO
DAACAD NOO HOGAAMISA.


Waa Sayid ALIF
WAA INNOO SAHANDANBE IYO GUUL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mr. laascaanood

Wednesday, October 18, 2000 - 06:16 am
Waryaahee dameeradii isaaqu raran jiray maantay hurdadii ka kaceen. Sidaa isaga celiya oo isaga
erya.
Mr. laascaanood

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JIFO

Wednesday, October 18, 2000 - 06:24 am
TO:MR LAASCAAANOOD;

MAXAY WAX ISKA CELIYAAN SAWTAN GENERALKII KELIAHAA EE AY LAHAAYEEN EE MR.TALAN LAGU DILAY XAMAR.HAWITE AYAY U CARARAYEEN HADABA WAX KA GUR WAA KUWAA DILAY GENERALKII TALAN AHAA,ALA HA U NAXARIISTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TO LAS-SHEYDAAN

Wednesday, October 18, 2000 - 09:22 am
Waar magaalada magaca haka dilin waxaa tahey tuli, gadhmuun, nacas iwm.
Dad Somli ah oo farabaden ayaad aflagaado u geysaneysaa. Laas caanoodna ha sheegey waxaa tahey laas sheydaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FROM WARFA TO LASCAANOOD BEVAE YOUR SELF

Tuesday, October 24, 2000 - 01:25 pm
TO MR LASCANOD ...SXB ..WE HAVE ALOTS OF GENERALS WHO ARE FAMOUS AND WELL KNOWN THROUGHT TO THE SOMALIANS WE DONT HAVE TO TEL YOU THAT BRO LASCAANOOD BEHAVE YOUR SELF AND GO BACK TO LASCAANOOD THE DESERT EREA ,,,, THAT IS WHERE YOU FROM ....DUM....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Tuesday, October 24, 2000 - 03:01 pm
TO: DHAMMAAN TAAGEERAYAASHA ALIF

WALAALAYAAL,

WAAN KA XUMAHAY INAAN IDINKA WAR GELIYO IN ABBAANDUULAHA URURKA ALIF, "SAYID ALIF" UU MUDDO KA MAQNAAN DOONO FAGAARAHA, RA'YIGA DADWEYNAHA.

TANI WAXAN SOBABAY GEERIDA NAXDINTA BADAN EE "GENERAL YUUSUF TALLAN".
WAXAN IRABNAA INAAN TACSI AWGEED U JOOJINNO WAX KAST OO IIDHE IYO ABAABUL AH.
HALYEEY "TALLAN" NIN LA ILAAWI KARO MAAHA, WAANA INAAN U QAADANNO WAKHTI AAMUSNAAN IYO FAATAXO AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BS Boy

Wednesday, October 25, 2000 - 02:59 am
Waan ka xumahay dadkan uu khalday qofkan sheegtay caasimada Laascaanood. Waa nin Isaaqa oo ka xun aragtida saxa ah ee aad maanta gaadheen. Dhulbahantena weligiiba waxuu raacaa qofkii cadaaladiisa u diriaraya. Hore u socdoo wax na tusa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.