site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HOOYO.....TO ALL MAM'S OUT THERE LOVE!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): HOOYO.....TO ALL MAM'S OUT THERE LOVE!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOVE

Sunday, October 15, 2000 - 08:48 am
Hooyooy la'aantaa,
Adduunyadu hubaashii
habeen kama baxdeenoo,
iftiin lama haleenoo
dadku uma hayaameen,
dayax heego joogoo
sida haad mafuuleen,
xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaareen,
hubka laguma tuureen
cirka hirar ka muuqdoo,
ruux aad hagayso
usha mid aad u haysaa.
Hilin toosan weligii,
ka habaabi maayo
hooyooy addoomuhu,
halkay maanta joogaan
adigow horseedoo,
intaad hanad xambaartee
haaneedka siisee,
horaadada jaqsiisee
habtay baan xisaab iyo,
tiro lagu heleynoo
Marka aad nin hiillo,
laga baqo hashiisiyo
halyey diran dhashaabaa,
hooyo lagu xasuustaa
marka aad nin hoo-loo,
gurigiisa habaqluhu
isku soo halleeyoo,
hayntiisa quudhoo
hor Illaahay geystiyo
lama hure dhashaabaa
hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin himilada
hilin toosan mariyoo
hir markii la gaaraba
ku labaad hilaadshoo
haga maatadisoo
la higsado dhashaa baa
hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin hoogiyo
ka hor tago dagaalkoo
garta hubin yaqaannoo
xaqa hoos u eegoo
halistiyo colaadaha
dabka hura bakhtiiyoo
ku hagoogata dhiigoo
dadka kale hagaajoo
kala haga dhashaa baa
hooyo lagu xasuustaa
Markaad hoobal caaniyo
hindisa farshaxanoo
hab-dhaca iyo luuqdiyo
hawraarta maansada
heensayn yaqaaniyoo
Rabbi hibo u siiyoo
labadaba hannaanshiyo
hal abuur dhashaa baa
hooyo lagu xasuustaa
Dumar iyo haween baa
nolol lagu haweystaa
kuwa lagu hammiyayee
sida hawd caleen weyn
rag u wada hammuume
ishu halacsanaysaa
hablahaaga weeyee
marka guur la haybshee
gabar heego dheeroo
hoobaan la moodoo
karti iyo hub qaadloo
quruxdana ka hodaniyo
hufan laga aroostaa
hooyo lagu xasuustaa
Hooyooy la'aantaa
higgaad lama barteenoo
hooyooy lan'aantaa
hadal lama kareenoo
ruuxaad habinoo
kolba aanad hees iyo
hoobay ku sabinoo
hawshaada waayaa
hanaqaadi maayee
hoygii kalgacalkee
naxariistu hadataay
Hooyo dushaadaa
nabad lagu hubaayoo
hooyooy dhabtaadaa
hurdo lagu gam'aayoo
hooyooy taftaadaa
dugsi laga helaayoo
waxaa lagu hal maalaa
hooyo ababintaadee
hayin lagu baraaraay
hogol lagu qaboobaay
gogol lama huraaneey
dugsigii hufnaantaay
hidda lagu arooraay
Intaad hooyo nooshahay
hambalyiyo salaan baa
hanti kaaga dhigayaa
hamrashiyo xaq-dhawr baan
dusha kaa huwinayaa
hooyo dhimashadaaduna
hoogeyga weeyoo
Weligay hoggaagaan
ka dul heesayaayoo
hiyiga laabtaan
kugu haynayaayoo
hengel baan u xirayaa
inta haadka duushiyo
idil habar dugaaggee
IFKA HIBO KU NOOLOOW
AAKHIRO HALKII ROON

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Sunday, October 15, 2000 - 08:56 am
afkaaka caano lugu qabey..love
waa fariinta kaliya ee i cajabisay...
sababtoo ah waxay cadeyneysaa love for hooya... nationalsim for wadan iyo gabdhaha somaaliyeed noloshooda....maxamed saleeban tubeec......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdirisaaq

Sunday, October 15, 2000 - 02:35 pm
That is really beautuful.Hoyos are the most important in the world.And deserve all love and care.May Allah put them in paradise Here and Hereafter,Amin.May he make the earth A haven of peace,Amin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqa

Wednesday, October 18, 2000 - 10:50 am
that is absolutely beautiful, the best thing i have seen in this site, and of course a suitable tribute to all mums around the world.

afkaada caano lagu qabey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Wednesday, October 18, 2000 - 01:15 pm
saaxiib waad mahadsan tahay, waxaan kaloo mahad
gaar ah u celinayaa mohamed saleeban tubeec oo
heestaas qaaday iyo mohamed ibraahin hadraawi oo
alifiteeda iska lahaa, waxayna heestaasi ina
xasuusinaysaa qiimaha & qaayaha hooyadu leedahay
dhammaantiin ilaahay ajar iyo xasanaad haydinka
siiyo, waxaan aad u naxaa markaan arko ama maqlo
qof hooyo caynaaya, saaxiibayaal hooyo cay maleh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEEDI

Wednesday, October 18, 2000 - 01:24 pm
YAASALAAM..........

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.