site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XISBIGA "ALIF" OO U HAMBALYEEYAY "IDIRIS XASAN DIIRIYE"

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): XISBIGA "ALIF" OO U HAMBALYEEYAY "IDIRIS XASAN DIIRIYE"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Sunday, October 15, 2000 - 07:57 pm
Annga oo ah ururka dhalinyarada "ALIF", waxan hambalyo iyo taageero u diraynaa Mudane:IDIRIS HASSAN DIIRIYE, oo loo doortay af-hayeenka dawladda cusub ee Soomaaliya.

Idiris Xasan Diiriye waa aqoonyahan Soomaaliyed oo dalka aad looga yaqaanno, waana madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliyed.
Idiris Wuxu ku dhashay kuna barbaaray BOORAMA.
Waa isku duba ridihii(Director) filimkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee "Dan iyo Xarrago".
Waana ninkii keenay fikradda, magaca iyo Aasaaska xibiga SDA, SOMALI DEMOCRATIC ALIANCE, ee mucaaradka ku ahaa Dawladdii Af-weyne.

Idiris Wuxu Master of Science ku smayeeyay Cilmiga, dhaqaalaha ECONOMIC. Waxana u dheer Postgaraduate Diploma of Education, and film studies. Idiris muddo dheer ayuu ka shaqeeyay idaacada BBC SOMALI and AFRICAN Services. Waana nin si aad ah loogu ixtiraamo cod karnimadiisa iyo hawl karaannimadiisa.

Waxan u rajaynaynaa Mudane IDRIS guul, ummadda soomaaliyeedna Bas-bash iyo barwaaqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dilla

Sunday, October 15, 2000 - 09:13 pm
Waxaan aniga oo ku hdlaya magaca dhallinyarada beeshaa dilla aan u habmbalyeynayaa ..MUDANE IdIS XASAN DIIRIYE xilka loo magacaabey inilaahey u fududeeyo...noqdana kii dadkiisa iyodalkiisa iyo danaha gobolkiisaba wax ka qabta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boorame

Sunday, October 15, 2000 - 11:30 pm
Waxaan halkan halbalyo uga soo jiidaneynaa mudane idris hassan diiriye , jagaadaa loo magacabaay.
ilaheey ha u fududeeyo xilkaa.
aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awdalman

Monday, October 16, 2000 - 03:40 pm
Waxan halkan ugu hambalyaynaynaa madani Idriss Hassan Diiriye oo loo doortay inoo noqdo afhayeenka dawlada cusub ee Soomaalida.Waxan u rajaynaynaa inoo Idriss noqdo nin dalkiisa, dadkiisa iyo gobolkiisa si daacadnimah ugu adeego.

wa bilaahi tawfiiq!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 16, 2000 - 07:02 pm
War isku xishoodaay! Ma waxaad ugu hambalyeynaysaaan ninka dhan inuu u hadlo nin kale oo faciisa ah? Waxaa tihiin dad jago ka carartay ee waxan jaga ha u malaynina . Waa secretiat job.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Obsiiye

Tuesday, October 17, 2000 - 12:02 am
To: Anonymous

Waxan kuu sheegaynaa in IDRIS uu ka aqoon iyo Cilmi badan yahay ninka ah Madaxweynahya. Waxa loo doortayna maaha in uu hadlo Madaxweynha, ee waxay tahay inuuu u hadlo dawladda. Tan waxa kale oo macnaheedu tahay inuu Idiris yahay Xoghayaha Dawladda oo baryihii hore Madaxwaynaha dalku isku darasan jiray, jagada xoghayenimo iyo Madaxweynenimo.
Ugu danbayntii waxan ugu hambalyaynay Idiris maaha jago, waxan ugu hambalyaynay inuu dalkiisa oo muddo Soddomeeye sanadood ah uu ka maqnaa uu ku laabto, kana qaybqaato dhismaha Dalkiisa, Masuulnimana u qaado Dawladda soomaaliyeed.
Waxan ka hadlaynaa meel fog, waxan ogsoonahay in Idiris mustaqbal aad u fiican ku leeyahay maamulka dalka soomaaliyeed.

Ururka ALIF, waxa kale oo u sugayaa in Mudanayaasha 'Xuseen Maxamad Ceelaabe iyo Bashiir Faarax Kaahiye oo reer Awdal ah, loo kala dhiibo wasaaradda Maaliyadda, iyo Waxabarashada.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.