Anonymous | Sunday, October 15, 2000 - 10:47 pm Waa nimankiinan ogaadeen ee mar waliba leh Iidoor waa gaalo muxuu idinka galabsaday isaaq. Isaaq ogaadeeniya xoraynteeda wuxuu ugu dagaalamay si daacad ah oo raggii Goday intay is miineeyeen isku tuuray ayay ka mid ahaayeen oo waliba markii uu siyaad barre ka dhaadhiciyay soomaalida in Ruush inoo hanjabay oo uu amray in la soo noqdo lagu abaalmariyay saraakiishii isaaqa ahaa e soo halgantay in meeshoodii lagu toogto. Waxaa kaloo jirtay in qaxootigiinii soo qaxay iyagoo la soo dhaweeyay inay isku dayeen inay dhulkayaga nagu dul gumaystaan. Haddii aad Somaliland ku nacdeen inuu xidhiidh xag dhaqaale oo wanaagsan la leeyahay Itoobiya, waxaa Somaliland ka daran kuwa la leh xidhiidh xag milateri oo marwalba u taga itoobiya sidii loo soo hubayn lahaa oo ay ula dagaalami lahaayeen dad walaalahood ah sida Moorgan iyo madax badan oo mareexaan ah. Mase ogtihiin inuu siyaad barre markuu is lahaa SNM u dhamee uu sixiixay in Ogaadeeniya ay ka mid tahay Itoobiya oo aynan ahayn dhul soomaaliyeed. marka walaalayaal dib isugu noqdoo qabiilku yuusan idin indho tirinee yaa gaalo ah yaase muslim ah. Hadaba waxaan ku odhan lahaa haddii dowladii aad taageersanayd ay sixiixday inuu dhulkaasi yahay dhul Itoobiyaan ah, Daaroodka (Puntland,Morgan,Ina masalax etc) intiisa badanina xidhiidh xag milateri oo wanaagsan la leeyihiin dowlada itoobiya aniga oo maanta usoo jeedsaday inaan danahayga ka tashado oon dhulkayga hormarsado maxaad ii gaalaynaysaa dadkaa kalana aad indhaha isaga tiraysaa. Waxaan kugu waanin laha inaadan soomaalida kala saarsaarin oo ku dadaasho sidaad mid waliba xidhiidh wanaagsan ula yeelan lahayd si aad dantaada u gaadho. Inaad xushmayso dadkii isaaqa ahaa ee u soo halgamay xoraynta ogaadeeniya iyo kuwii ku dhintay markii xabashidu bomgaraynaysay Hargaysa. Inaadan anigoo waliba xabashidu markii dadkayga la qalqalayay isoo dhawayasay aadan igu sheegin gaalnimo eed runta sheegto ood dhaleecayso dadka itoobiyaanku soo hubaynayaan ee leh waxaanu la dagaalamaynaa wadaado ka soo horjeeda itoobiya. Haddii cuqdadaadu intaa ka sii xeeldheertahay Ilaahay ha ku daweeyo. Wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaat wabillaahi towfiiq. |
Sade | Monday, October 16, 2000 - 12:12 am Waar hooy meel fog baad ka hadlaysaa oo u baahan nin caqli badan inuu fahmo laakiin nasiib darro maskax ogaadeen taas way ku adag tahay inay garato tan labaad doqontayada ha nagu dirin Iidoryahaw qarmuun |
faysal | Monday, October 16, 2000 - 12:19 am Anon, Waxaan ahay Ogaden, waxa aad sheegtay oo dhanna waa runtaa oo waan kugu raacsanahay. Hadday somalidu wanaagga, iyo ehelnimada ka dhaxaysa mar walba sidaa u sheegi lahaayeen, dadku wuu isu soo dhowaan lahaa. Nin jarmal ah ayaa 500 boqol sano ka hor intuu ku dhex safray somaliya qoray " somalidu waa dad dhaadheer , oo dhuuban oo madax yar , madax yaraantoodana waxay cadayn u tahay in ay yihiin dad aad u cqli yar. WAAN KU RAACSANAHAY, DABCAN MARKA ANIGA IYO ADIGA LAGA REEBO. Faysal |
Anon | Monday, October 16, 2000 - 02:13 am To: Anonymous Sxb inkastoo hadalkaagu dalab leeyahay hadana waa su'aal wanaagsane anaase kaaga jawaabidoona, hada wakhtigaa igu yare waxaana kutusin doonaa in Isaaqu xumaanta iyo naca wado Isaaqu naca uu ogaadenka u qabo uu yahay xataa kan gaadhsiiyey inay ragii ogaadeen ay xabashida gacanta u galiyaan intay u xidhxidheen ogowna shalay ayey ahayde, intaad waliba labaxdeen somaliland Cigaalna madaxwaynaha idiin ahaa. Waa inoo wakhtigayga iigu horaysa netka inshaa Allaah To: Faysal walaal ceeb calayk lama sheegto reer adan u dhalan wax dan ahna kugu qaban sorry Br |
First anonymous | Monday, October 16, 2000 - 03:30 am Horta Anon waa runtaaye cigaal wuu dhiibay nimankaa aniga iyo sidaan aaminsanahay dadka isaaqa ah intiisa badan kuma raacsanin waanan kasoo horjeedaa in qof walaalkaa ah oo muslim ah loo dhiibo ama looga hiiliyo gaalo. Taasna waxay maalinta aakhiro u taalaa Cigaal. Waxa hubaal ah in ogaadeenkii joogay Hargaysa si aan bini'aadinimada ku jirin ugu xadgudbi jireen iyagoo kaashanaya daaroodka kale dadkii isaaqa ahaa ee u dhashay dhulka kuna noolaa inta ay dilkooda iyo xasuuqooda ka dambeeyeen ilaahay ayay u xisaabsan tahay. Hadaba su'aasha aan ku waydiiyay waxay tahay goormuu isaaq noqday dad gaalo ah oon ilaahay (swt) iyo rasuulkiisa (nabadgelyo iyo naxariis eebe dushiisa ha yeelee) aaminsanayn. Mida labaad haddii Somaliland ga'aansatay inay iyadu mustaqbalkeeda ka tashato ma qasbaad u argtaa? sidaa iyo nabadgelyo. |
Anon2 | Tuesday, October 17, 2000 - 03:36 am Anonymous1 walaal horta waa wax wanaagsan in lawada hadlo lana kala garqaato la'isuna garaabo. Hadii la'eego dhaqanka 2dan reer eed sheegtayna sidaas ayuu ahaan jiray laakiin muranka iyo caydu waa wax xun waana camal shaydaan. taas markii laga soo tago. Horta qofkii ama dadkii qof ama dad Islaam ah ku sheegaa gaalnimo waa meel kadhac aad u wayn waana arin aakhiro utaala cidda warkaa soo sheegtay oo anigu maqabo, manalihi Isaaq ayaa gaala ah ceeb calayk laakiin waxaa jirta arrinkale oo adiga laftaadu aad carabka ku dhufatay, ka hadalna u baahan Isaaq ahaan iyo ogaadeen ahaan taasna waa arrin gooni u ah 2dooda Waxayna tahay Isaaqa iyo Ogaadeenka qabiilo kamida ayaa daris ah wada dagana run ahaantiina aad yey isugu dhaqan dhow yihiin marka la'eego somalida kale sida reer koonfureedka ama reer waamaha oo iyaga laftooda ogaadeenku dago laakiin inta badan Ogaadenka laga hadlaaa waa kan Ogadeenya ku dhaqan ama S/Galbeed. Qabiiladaas dariska ah way dagaalamaan, xoolahay kala dhacaan, hadana sida kuwan reer xamar isku dagaalaysa isumana dilaan iskumana xad gudbaan manalaha sida gabadh lakufsado, wax laxado iyo iwm. Xoola kala dhacuna waa iska caado somali markii la'eego tariikhda. Waxaasoo dhan markii laga soo tago waxaa jirta in Xoriyadii 60kii ee Jamhuuriyadii somaliya ladhihi jiray ay dhalatay dhulka ogaadenku dagana uu ku yaraa waxa hoos imaada dhulka xoroobay markii laeego baaxada iyo tirada ogaadeenka, kadib Isaaqa iyo qoys kale oo somalida kamida ayaa si gooni ah u colaadiyey Ogaadeenka aan ka hadlo uun tan Isaaqa. Isaaqu dhibka uu ogaadeenka u gaystay waxaa kamida ahaa iyadoon lasoo koobi karin (1) In ay Isaaqu ogaadeenka u tuseen somalidii kale in ay yihiin dad farabadn oo Juuj iyo wamaa Juuj ah oo haday dalka soo galaan cidkale aan wax u ogalayn sidaa darteed waa in lkaga hortago loona arkaa inaysan xaq ku lahayn dhulkan xoroobay (2) In oagdeenkii dariska idinla ahaa iyo guud ahaanba aad ku cidhiidhidaan magaalooyinkii aad daganaydeen markay imaadaan sida Hargaysa, Berbera iwm haday dacaayad afka ah ahaan lahayd iyo haday dhac muuqda ahaydba sida ogaadeenkii ganacatada ahaa ee xoolaha ka dhoofin jiray Berbera oo innaba ha yaratee wax naxaris ah aydan ugali jiray (3) Guud ahaan idinkoo ku dadaalay in Ogaadeenku aanu ka muuqan Jamhuuruyadii markaa jirtay idinka ku talagalkiina markii la'eego. Qaybaha kale waan kuu soo wadaa waa inoo marka xigta inshaa Allaah |
Anon2 | Wednesday, October 18, 2000 - 08:57 am To: Anonymous sxb adaa hadalka inoo bilaabaye ku'aaway, mise runtaadan jeclayn Illeen adaa Isaaq iyo Absame ama ogaaden ka hadalaye sxb hadaad rabto inaad ogaato meesha sartu ka qudhunsantahay ama dhibaatadu kasoo bilaabatay diyaar ayaan u ahay inaan kula wado kana hadalo intii garaad kay ah ama aan ka warqabo. Sidaas iyo Isfahan wanaagsan |
Anon2 | Thursday, October 19, 2000 - 02:12 am War ninkii Isaaqa sheeganayey ee hadalka bilaabay ma faryaro bidix buu ka baxay aaway xagee aaday??? Runtu waa xal dhaba hadii la isla garto ee hadalkaad biloewday inoo wad sxb |
anon1 | Thursday, October 19, 2000 - 03:35 am Horta marka hore waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan eed iigu soo jawaabtay waxaanan rajaynayaa inkastooy labadaadii iimayl ee dambe aad moodo inuu samirku kaa soo lumayo inay cimiladaa wanaagsan doodu inoogu socon doonto. Haddaba dhibaatada ina haysata haddaynu soomaali nahay waxa weeyaan inaynu wax bilaa taariikh ah ama aan raad loo raaco lahayn ku soo qaadano doodeena. Taa waxaan ula jeedaa inaanan ku qanacsanayn waxyaabaha aad ku soo qaadatay dood ahaan. Marka hore arrintan aad soo sheegtay iyo taariikhdii soomaaliya siday u dhacday mid is leh ma aha sababtoo ah,wax tartan ah oo dhexyaalay Ogaadeen iyo isaaq ma jirin sababtoo ah markaynu tartamayno ayaan isku dayi karaa inaan matalan kaa badiyo ee hadaynaan tartamayn waxa ina dhex mari karaa muxuu yahay. Midda kale waxaa barigaa wax loo qaybsanayay koonfur iyo waqooyi ooy cidda meelahaa laga soo doorto ayaa ka qayb galaysay baarlamaanka, midda kale uma arko inay isaaq uga aqoon badnaayeen soomaalida kale Ogaadeen ooy markaa iyagu ka dhaadhacsiinayeen waxa uu Ogaadeen yahay lagana maqlayay. Qaybtaada labaad ee doodda waxaan isku dayayaa inaan inyar wax ka dhaho ee aanan sii gudo galin sababtoo ah waa wax jira in qabiil walba uu qabiilka kale wax ka tirsanayo. Laakiinse xagga xoolaha laga dhoofinayo Berbera way jirtaa in laga keeni jiray ilaa iyo hadana qaarkood laga keeno soomaali galbeed laakiinse waxaa keeni jiray ilaa iyo hadana keena baayacmushtiriin isaaq ah oo iyagu ka soo iibsada dabeetana sii dhoofiya. Xagga kale laga yaabo in lays caayo laakiinse dad Ogaadeen ah oo lagu cadaadin jiray Hargaysa iyo Berbera ma jirin, laakiinse xagga is dacaayadaynta way jirtaa oo idinkaba dadka isaaqa ah ee idin la dega intaa iyo in ka daran ayaad ku samaysaan oo waliba ku jirto dhac iyo dil. Hase ahaatee waxyaabahaa jaahilnimadu keentay in laga doodo waxaa ka wanaagsan in la isku dayo in la dhaleeceeyo. Midda arin ilaa iyo hadda igaa dhaadhici la ayaad ku soo gabagabaysay doodaadii oo ah inaanu ku dadaalnay inaynan Ogaadeenku ka muuqan Jamhuuriyadii markaa jirtay. Waxaan jeclaan lahaa hadaba inaad iisoo sheegto mar hadaynaan deegaankaynu wada wadaagno uusan ku jirin xuduudihii Jamhuuriyadaa barigaa jirtay aananna madax ka ahayn jamhuuriyadaa kana muuqan naftaydu waxa aan sameeyay een ku dadaalay inaadan adigu ka muuqan iyo faa'iidada iga soo galaysay aniga ka muuqasha la'aantaada waxay ahayd. Waad mahadsantahay |
Waamo | Thursday, October 19, 2000 - 07:49 am Dhiibitaanka nimankaa Soomaliyeed u dhiibey Cigaal Axmaaro waxaay ku tusineysaa Isaaq sida aay daciif u yihiin sawabtoo ah waa niman Somaliyeed oo muslim ah qabo ee Gaalo madow u geey walee Isaaqow ceeb ayaa taariqda idiin gashey. Walee ogadeen mi ihi. Ninbaa wuxuu dhahay cigaal baay u talaa Hargeys Burco Barbara Wax banaan bax ah makasameysen. jawaabta waa maya waad ku raacsaneeden in uu dhiibo. War Soomalida cid hadaay oogu liidato waa Isaaq war Hawiyaha dhulkooda waxaa jooga Oromo aaysan waligood dhiibin. DHACIIF FOQUL DHACIIR |
Anon2 | Thursday, October 19, 2000 - 09:30 am Anon2 sxb waan ku salamaay wadna ku mahadsantahay doodaada, waxaadse moodaa inaadan iga sugin waxaan soowaday oo ah inaan horta kuu dhameeyo taarikhda aan bilaabay, taariikhduna waa ma guuraan. Gadaal ayaanse ka dhamaysan haddii Rabbi idmo Hadaanse wax yar kaa dhoho dhowrkan qodob eed ka soo hadashay Mida xaga Isaaqa iyo Qabaa'ilada ogaadeenka ah ey dariska yihiin miyaa? Waligood intay jireen hadaadan is indha tiraynin waxaa ka dhexeeyey hurguf iyo xafiiltan ama tartan Tolnimo, ma ahayn mid shisheeye ama nooca ay hada reer koonfureedku isu laayeen oo kale, waana iska caadi in xataa 2da ilma'adeerka ah uu ka dhexeeyo xafiiltan ama tartan xadduu doonaba hala'ekaadee taasna aduunka dhan ayey ka jirtaa aniga iyo adiga toonana ma inkiri karo Tan 2aad walaaloow hadaan wax uun runta ka sheegayno ogoow xoolaha laga dhoofiyo Berbea waxay ka imadaan ugu yaraan 95% Gobolka Ogaadeenya (dhibna uma arko hadaad ku magacowdo S/Galbeed iyo waxaad rabtaba sababtoo wuxuu yahay unbuu ahaanayaa) Hadaysan jirin xoolahaasna Berbera wax laga dhoofin lahaabaa iska yar dhulka Isaaqu dagana run ahaantii waa dhul saxaara u badan oo xoolo daaqeen wanaagsan lahayn anoon xumaan iga ahayn adaa iiga markhaati ah iyo inyta taqaana S/Land ama Waqooyo Galbeed. Mida ah inaad dadka Ogaadeenka ah ku dhibi jirteen dhulkaad degtaan waa marag madoonto waana caan oo xataa magacyo gooni ah ayaa loo yaqaanaa. Naca iyo dhagartana walaaloow Isaaqa ayaa aad ugu dheereeye anoon Ogaadeenka lahayn wa ceeb kasaliin oo iyaga laftoodu dhibkooda gaysta laakiin ma aha wax la is barbar dhigi karo ninka ogaadeenka inuu ku dillo u leh inuu ku bariiyana u leh laakiin intay tashadaan inay xabashi rag Isaaq u dhiibaan ama ay u shirqoolaan ma dhicin mana dhici jirin Mida ah inaad ku dadaasheen hadana aad ku dadaalaysaan dhibka Ogaadeenka hadayba idinka muuqataa oo xataa AXMaaro(xabashi)nooga hiiliseen, Isaaq oo waliba maanta dowlad sheeganaya iska daa kii qabiilka qayaxan ahaaye wax garadkiisiina u hogaaminayo oo aqoon diimeed iyo mid maadi ahba leh runtiina ariintan nimankaas iyo kuwo lamida meel aad iyo aad u xun ayey gaadhsisay qof walba oo somali ah oo in yar oo damiira kujiro iska daa ogaadeenkeee Waxaa intaa dheer ogoow Cigaalbuu ahaa ninkii u SAXIIXAY kana tanaasulay dhulkii ladhihi jiray F.N.D. oo uga hadhay Kenya una waa wax taariikhda ku cad. Waadna ogtahay hadaad ka war qabto in maanta Cigaal markuu kenya tago loogu soo dhaweeyo si gooni ah isagoo abaalgud loogaga dhigayo saxiixii CARUUSHA ee uu ku ogolaaday in NFD kamid ahaato Kenya NEXT PAGE QAYBTA KALE ...........> |
Anon2 | Thursday, October 19, 2000 - 09:32 am Hadaad leedahay somaliya madax kama aanan ahayna kaaasba Cigaaloo Ra'iisulwasaara ka ahaa maantana hogaamiye idiin ah ayuu ahaa Ogowna Isaaq ayaa ka shaqeeyey dhibka maanta somalida haysa markii danbay lagadoontay ma'ahaane Tukalana iga hoo mala socotaa in Isaaq intuu INGIRIIS soo hor qaado ku layn jiray oagaadeenka waa markaan taariikhda wax yar dib kuugu ifiyo xataa xoriyada ka hor waligiinba intay reer yurub imaadeen iyagaad ku xidhnaydeen dadkana gaga dhaweydeen hadanan unta diidanayn dadkana waad ku dhibi jirteen Waxaa kaloo xusid mudan in ogaadeen ahaa kii madaxa ka ahaa xoriyada somalya oo dhan waqooyina ugu horayso Waa Sayid Maxamed C/lle Xasna marka markaad leedahay ragii isaaqee ku dhintay dagaalkii 1977 rag baa ragaas ka horeyee kuwaasna xus walaaloow ogowna 1977 dagaal somali intii gumaysiga ku hadahay lagu xorayn buu ahaaye ma ahayn mid ogaadeen qabiil ladhoho lagu xoraynayo Tan ugu Dambaysa war Isaaq maxaad isla indha tiraysaan soo ma ogid inaad tihiin dadkii bilaabay dhibaatadan somaliya maanta ka taagan qayb libaaxna ka cayaaray markii danbay idinla gadoontay mooyaane. Yaa asaasay sheekadii ahayd DABAR-GOYNTA DAAROODKA yaa bilaabay IRIRIYO Ma hadaad rabtaa inaan ragii ka shaqeeyey hal hal kuugu magacaabo waxaa soo dhan Isaaq ayaa ka danbeeyey walaalayaaloow mahadaad asharaaf noqoteen mise xaqiiqada la qarinkaraa Hada iyo dan wixii dhacay dhac ee walalayaaloow xumaanta iyo xabashida aad maalin walba wiil reer ogaadeenya ah ama ogaadeenkaba ah aad suuqaqa hargaysa ka qabataan ood u afduubaysaan intaad joojisaan aan walaalo wada jira ahaano wanaagana bilaaba idinkaa xumaantaba bilaabee CUDURDAAR Waxaan ku qaldamay haka raali ahaadeen walaaladay |
WAQOOYI/GALBEED | Thursday, October 19, 2000 - 09:54 pm Waar ninkagan labaxay Anon2 sxb waxaad hseegtay intiisa badan wa run laakiin ma ogolin in arintaas oo akle public laga dhigo siyaasadaas wakhtigeeda ayey taagnayd maantana waa marxalad kale soo aan ka hadao tan maanta iska iloow wixii hore |
anon1 | Friday, October 20, 2000 - 12:54 am Horta ninyahow adigoo mahadsan, waxaad moodaa inaad hadalka siduu ahaa mooyee si kale aad u sheegayso. Horta wax dabargoynta daaroodka la dhihi jiray oo uu isaaq ku dhaqaaqay haba yaraatee ma jirin. Haddaan taariikhda dib kuugu noqdo qabiilkii ugu horeeyay ee soomaali ahaa ee lala dagaalamay wuxuu ahaa majeerteen ka dib markii ay isku dayeen inay inqilaabaan dowladii barrigaa jirtay oo markaa si xun loo galay. qabiilkii ku xigay ee la isku dayay in la dabargooyo oo aad idinku waliba qayb wayn ka qaadateen maadaama qaxootigiinii joogay Hargaysa looga balanqaaday inay iyagu dhulka la wareegi doonaan wuxuu ahaa Isaaq. Daarood la dabar gooyay oo uu isaaq dabargoynayay ma jirinee malaha waxaad isku dayaysaa inaad waxaan jirin naga dhaadhiciso. Isaaq ha iska hadal badnaado laakiinse waxaan ku leeyahay waxay ahaayeen dadkii ugu wadanisaa Soomaaliya mana ahayn dad madaxnimo jecel ee waxay ahaayeen dad baayacmushtar ah oo iyagu iskood u xamaasha. Waliba waxaanu odhan jirnay qofka dawladda u shaqeeya waa miskiin oo wax ma haysto. Marka walaal dadkii Soomaaliya qasayay ee ay ku soo gaddoontay way iska cadahay oo waxaan u malaynayaa inaynan taasi u baahnayn faahfaahin. Waxaan kaloo kuu sheegayaa anigu bari dhawayto oo aan tagay Addis Ababa waxaan kula kulmay wadaad dhalinyaro ah oo reerkoodu dagan yahay Qabridahare wuxuu igu yidhi waxaan barigii xamar laga qaxayay u qaxay Nairobi waxaanan iminka joogaa Addis Ababa dhowr bilood. Wuxuu igu yidhi oo aanan been ka sheegayn haddii aan tago Qabridahare waxaa axmaarada u tagaya u ku odhanaya nin ATTixaad ah ayaa soo galay Ogaadeenka u shaqeeya oo halkaasaa bilaa hadal lagugu tooganayaa. Waxaan kaloo soo arkay inan isaaq ahaa oo igu yidhi markaan soo galayay Itoobiya ee iigu horaysay waxaa hoteelkii saqdii dhexe igu soo garaacay askar isugu jira Ogaadeenkii xabashida u shaqaynayay iyo xabashi. Marka intaad Cigaal eegayso waxaad eegtaa Ogaadeenka xabashida indhaha u dhagaha u yeelay ee hadday doonaan inay is dilaan midkoodba midka kale xabashida uga horaynayo oo uu ku odhanayo waa Allitixaad. Waxaad kaloo nagu cayday inaanu markasta gaalada la jirno, Hadaba haddaad xasuustaada dib ugu noqoto shalay markaad Hargaysa iyo Burco burburinaysay oo aad waliba maatadii qaxayasay bamgaraynaysay wuxuu ahaa xabashi kaan dhulkiisa markaan qaxayay aan lahaa ilaahoow mar i gaadhsii, marka hadaad ileedahay keebaad kala dooranaysaa nin raba inuu ku cidhibtiro iyo nin raba inuu kula shaqaysto waxaan dooranayaa ka raba inuu ila shaqaysto. Marka ogoow inuu aniga ilaahay caqli i siiyay oo aan xor u leeyahay inaan doorto meeshii aniga ii wanaagsan. Midda kale xidhiidhka aanu la leenahay Itoobiya waa mid dhaqaalee maad eegtid sidaan horay kuugu soo sheegayba daaroodka maalin walba Addis Ababa joogee hub iyo ciidama loogu soo deeqo mise kuwaa ma doonayaan inay indhahaagu arkaan. Xagga kale xoolaha laga keeno Ogaadeeniya ama s/galbeed ha umalayn i Ogaadeen uun laga soo iibsado ee qabiilo badan ayaa laga soo iibsadaa oo uu ku jiro kumana aadan sheegin run in dhulka Somaliland yahay dhul aan xoolo lagu dhaqan karin oo saxara ah ee waa dhul noocyo badan isugu jira midda kale maanta adduunyadu way hormartay oo xoolo kaliya dhoofintooda laguma noola. Inkastoon jeclaan lahaa inaan sii wado hadalka waxaa laakiinse igu yar wakhtiga waxaan hadaba hadalkayga ku soo gabagabaynayaa haddaanu soomaali qasaynay maanta ka baxnee ha degto. |