site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Allah! Waa La Dilay! Horrror Stories!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): Allah! Waa La Dilay! Horrror Stories!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daljir

Monday, October 16, 2000 - 04:45 am
Naceybka la isku qabo ayaa aad u kordhay. Inta badan waxaa ka dambeeyey dagaalkii sokeeye ee mudada dheer soo taxnaa iyo dowladdii ka horreysay. Meelo badan oo ka mid ah Somalinet ayaa la isku caayaa, arrintaas ayaana sababtay.

Bal horta maan iswarsano....oo xanuunka isdhaafsanno? Waxaa laga yaabaa in cudurku na wada haayo.

Maadaama aan cidina noo jeedin aan ka hadalno dhacdooyinka xaqiiqda ah oo isku hagarbaxno.


Weligaa:
wax ma dishay?
qof la dilaayo ma aragtay?
maxaad isku ahaydeen marxuumka/marxuumadda?
maxaa isku tihiin kuwa wax dila?
rape/saf ma aragtay?
haka hadlin ururada iyo qabiilka guud fadlan.
ka sheekee fadlan si hufan oo fudud.

Aan iswarsano soomaaliyeey. Intii islaanimo ku dhimatayna allaha u naxariisto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wonder

Monday, October 16, 2000 - 07:53 am
Waxay ka dhacday magaalada Xamar, laba sano ka hor. Maalin ayaa la waayey laba wiil oo kala ahaa 8 iyo 10 jiro oo walaala ahaa. Waxa ay daganaayeen xaafad u dhow isbitaalka digfeer. Mid ka mid ahaa ilmaha ayaa maalintii dambe laga helay agagaarka Lambar Afar. Wiilkaas yar, markii la helay waxaa ka muuqatay jirdilyo iyo dhibaato aad u ween, waana uu wareersanaa oo habow ayuu ku yimid meesha.

Mar la weydiiyey halka uu ku suganyahay wiilkii kale waxa uu yiri " wuxuu ku jiraa tiitinka u dhow digfeer asagoo mayd ah" Haddaba wiilkii yaraa waxaa kaloo uu sheegay in nin xoog weyn uu afduubay asaga iyo walaakiisba, kadib markii uu faraxumeeyeyna uu dil ahaan uga tagay labada wiilkba. Nasiib wanaag, mid ayaan dhiman ee sooo naaxay oo doolaloow u aaday nawaaxiga ekwatore.

Wiilkii tilmaan ayaa la weydiiyey. Wiilka yari waxyuu warkii dhaafsiin waayey in ninku ahaa JAREER, xabadka nabarro hore ku lahaa oo aad u foolxun! Wiilkii yaraa ayaa gacanta la qabtay si uu u helo ninka wax dilay. Maalintii dambe ayuu ku dhagay nin xammaali ahaa oo u dhashay Jareer. Halkaas ayaana keyskii ku dhammaaday.

Ninkii ayaa la keenay dhismaha caanka ah ee ku yaal jidka soddonka. MBC, waa sarta ay deggentahay shirkadda diyaaraha Daallo Airlaines. Waxaa go'aan lagu gaaray in ninka lagu dilo middi ee aan xabbad loo adeegsan marnaba. Maalin iyo habiin ayaa jirdil lagu sameeynaayey ninkaas. Maadaama uu ahaa nin aad u jirdhisan waxaa adkaatay sida loo xirxiri lahaa. Taasi waxay sababtay dhiigbax iyo asagoo qoortiisu go'i weyday. Waagu markii uu baryey ayaa go'aan lagu gaaray in tarabuunka la geeyo oo xabbad lagu dilo.

Ogow! Muddada ninkaas la dilaayey marnaba muusan qiran inuu wax fara ah uu ku lahaa dilka labada wiil. Xukunka lagu dilayna iyo tilmaanta oo dhanna waxay qaadatay saacado kooban.

Waxaa ii sheegtay warkaan qof dumar ah oo taagneyd meesha lagu dilay ninkaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wonder

Monday, October 16, 2000 - 08:23 am
Agagaarka Baar Caynu-Shamsi ama Al-Baraka oo hadda loo yaqaan.

Mar aan tagay Xamar bilowgii sanadkan. Waxaa meeshaas xabsi ku leh nin la yiraahdo NUUR OWLE.
Nuur oo ka mid ahaan jiray dadkii Khalijka joogi jiray ayaa waxaa uu halkaa ka sameystay Xabsi madax banaan. Waxaa xabsiga ka shaqeeya Nuur iyo hadba ciyaalka qoryaha wata ee tolka. Waxaa uu Yiri Nuur Owle oo qaad ku cunaaya meel u dhow jeelka " Waxaan aruurinaa tuugada iyo dadka dhaca ka wada xaafadda."

Waxaa uu sameystay 3 shabaq oo ka sameysan silig kaliya. Shabaqyadaasi waxay markiiba qaadi karaan ugu badnaan 7 ruux. Shabaqyadu waxay ku xiranyihiin dhulka qufulna korka looga xiray.

Maxaabiista waxaa kaa xiga oo kaliya silig faagfaag ah. wali gacanta waa loo gudbin karaa. Nuur ama qof uu oga tagto ayaa meel kore ka waardiyeeysta. Raashinka waxaa siiya dumarka xaafada oo baryadooda iyo foolxumadooda qaadi waaya. Maxaabiista waxaa la garaacaa maqrib walba oo jeedalo ayaa lala dhacaa. dharka waxaa lugu reeba calal duluf ah. Marka waad arki kartaa jirdilka cusub iyo dhaawacyada korkooda ku yaal.

Dadweynuhu mar mar ayey u soo daawasho tagaan lakin taasi dhibkeeda ayey leedahay ayaa la yiri. Tuug xabsi ku jira, markii la daayo hadduu kuu garto inaa tahay kii daawan jiray, dhibaato ayaad kala kulmeysaa ayaa la yiri. Marka waa inaad cabsataa. Waa meel dariiq bartankiisa ah oo geed weyn u dhow. Dhaxan ayaa jirtay waqtigaan tegi jiray meeshaas.

Waxaase la yaab igu noqotay sidee qof dhan dambiila ah loogu aaminay qoful yar iyo dariiqa! Waxaan ogaaday dadka xirani inay yihiin dad aan tol ku lahyn magaalada. Ninka xabsiga lehna uu ka soo jeedo qabiilooyinka xoogga ku leh meesha. sidaas owgeed waxaa ka buuxa siligga waa dad qabiil yar ah oo cidina u hadli karin. Waxaa lagu soo daayaa lacag, qaarna lama yaqaan meel lageeyo ayaa la igu yiri.

Waxaan hayaa caddeyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wonder

Monday, October 16, 2000 - 08:43 am
Waxaa idinka illaawey waxaa isla meeshaa u dhow maxkamadda isku magacowday islaami oo xoogle. Al-Baraka oo Building uu lahaan jiray Bile Rafle Guuleed oo hadda lagu gado sharmuuteysi ayey u dhowdahay maxkamaddu. Maxkamaddaasi waxaa leh qabiilka Duduble.
No offense to Dudble people!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Monday, October 16, 2000 - 08:45 am
war yaab baad sheegaysaane bal sii wada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Monday, October 16, 2000 - 08:53 am
Daljir,

waxa aynu isku heeysano waxaa ka mid ah dhacdooyin horay u dhacay, iyo dhacdo hadda dhacday,
waxaa la arki jiray, qof bini aadam ah ee beerti uu lahaa ama xoolihi uu lahaa, waxoogaa ka soo qaato,kuna iibsado magaalada, ileen qofku baadiyaha ayuuba iska degan yahaye, si inti yareed uu watay u soo iibsado, waxay ka qaadan jirtay, in uu dhex maro ama u badheedho dhibaatadi uu la kulmo, dadkaasi waxaa dhibaato ah oo ay la kulmi jireen, in baad laga qaado, ama in xoolaha ay wataan laga dhaco, ama labadaba oo weliba loogi sii daro in iyaga laftigooda la dilo ama la fara xumeeyo.
waxaynu isku heesanaa,qof qof dulmiyay iyo qof dulmoon,qofbaa guri uu lahaa ama dhulki uu lahaa xoog looga qaaday, iyadoo loo adeegsanaayo awood,iyadoo aan la sii neeynin wax mag dhaw ah,caruurtiisi oo shalay hooy lahaa oo laga dhigo qaar jidadka daadsan oo aan heeysanin meel lagu soo hooyo.
waxaynu isku heeysanaa, in qabiilba qabiilka uu ka awooda roon yahay in uu cirbaha ka tumo,
in qabiilada qaar si fool xun loo liido, oo ka fog bini aadan nimada.
qof aan dambi gelin laakiin xuquuqdiisa u hadlo oo isagoo hurdo xaafadiisa laga soo toosiyo, ka dibna la waayo meel uu kusugan yahay.
waxaynu isku heeysanaa, in umada la isu adeegsado dhexdooda, iyagoo magac iyo maal loogu ballan qaadayo,oo micnaheedu tahay (yeere yeere yam ninkii hadlaa yaxaas qaad).
maanta intaan ayeey iga tahay,waana soo socotaa dhacdooyin aan goob joog u ahaa ama aan maqlay intaba, ee xuquuq dudinta iyo sharaf iska qaadka
ma wax wanaagsan oo lagu faano baaaaaaaa???????/


nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ifraah

Monday, October 16, 2000 - 08:57 am
Walaalow waa uur xumee haka sheekayn please.Hadii kale cawadaan ku riyoonaynaa bes naga dheh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wonder

Monday, October 16, 2000 - 08:58 am
Waxaan kaloo idinka ilaawey in nimanak hore ee ninka jareerka ah dilay ay u dhasheen lafta reer Dabac oo ka tirsan dir.
No offense to Dir. I myself am a Dir.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 16, 2000 - 09:16 am
Wonder walaal waxaad sheektay war aan aad u dhibsadey laakin waxaan kaloo jeclaystay sida aad u soo gudbisay oo u eg garsoonimada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wonder

Monday, October 16, 2000 - 09:37 am
Isla Xaafadda Al-Baraka, waxaan kula kulmay nin kale oo JAREER ah. Ninka garabkiisa bidix waxaa ka lusha gacanta oo laalaada, tan midigna waa go'antahay. Waa nin dheer. Korkiisa inta badani waa gubantahay. Casapopalare oo dhan waa laga yaqaana oo waa uu tuugsadaa.

Ninkaan gacanta la' iyo nin kale oo isla beeshaas ah ayaa waxay u shaqeyn jireen ganacsato kuwa shidaalka gada ah. Shidaalka halkii litre waa 0.50 USD. Habeen ayaa la waayey dhowr litre ayagoo labada nin horey loogu soo eedeeyey tuuga noocaas ah.

Labada nin waa la isku xiray. Korka ayaa inta basiin looga bilbilay kabriidna lagu daaray. Midkood wuxuu u dhintay 3rd degree burn. Kii kale waa go'day gacan iyo korkiisa inta badan oo 2nd degree burn soo gaartay.

Marka wax la siiyo, waxaa kaloo kugu qasab ah inaad ka caawisid habkii u isticmaali lahaa wayo gacanta hartay waxba ma tarto. Xaaskiisii oo laba ilmood u haysay waxaa ku kor guursadey nin kale oo isla beeshooda ah.

Ganacsatadu waxaa la yiri waa Habargidir, ma hubo laftey ahaayeen. No offense to HG!

Waxyaabaha aan maqlay wey badanyihiin lakin qolyaha yar yar ayaa aad ii walwal galiyay markaan somaliya tegey.

Ilaah un baa caadil ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ifraah

Monday, October 16, 2000 - 10:27 am
Ilaahy intaad ka cabsataan walalow naga daaya calool xume iyo oohin hanagu dilanee miyaydaan bini aadam damqada ahayn yaa rasuulilaah.this savage story ilaahayga wayn waxaan ka baryayaa in dawladan noo dhalatay ay xoogsati ayna soo celiso nidaamkii iyo kala danbayntii dadka .Qofkasta ha maro 4 faataxo in ilaahy naga qabto tuugta dadka masaakinta dhibka ku haysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous 222

Monday, October 16, 2000 - 10:28 am
Dadku maan gaabanaa!


Nin reer magaal ah baa dadkan helay, mana eysan fahmin macnaha uu u jeedo, weyse ka daba dhaqaaqeen.

Ha la heshiiyo, maahan Alla dey meeshaan kugu dhuftey iyo ma arkeysey sidaan kuu garaacey, waase faataxada noo mara oo aan halmaanno wixii dhacey oo ku dadaalno in aan wax danbe dhicin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 16, 2000 - 11:22 am
Wonder: Mahadsanid. Bal aan aragno in dadka dhibkaas geystey lasoo taago maxkamad cadaalad ah. Waxaa ka hadashay af soomali kuma aqaan lakin ingiriiskuw axay dhahaan "tip of iceberg" marka shiikhoow dhibku ma yara dadk la dulmiyo ee Soomaaliyana waa dadka aan qabiilka xooga lahayn ka dhashay. "Beelaha aan hubeysneyn"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUUL-DHEERE

Monday, October 16, 2000 - 12:44 pm
MARKII IIGU DANBAYSAY COSOPOLARE DADKII TUUGSAN JIRAY WAXAA KA MID AHAA


MAANDHOW CALI BIDAAR
KUMYO TAAN
CALI BOOGLE
CALI DHAREEROW
XAAWO WAALAY
SHAAGLE
SUUL -DHEERE( OO ANIGA AH MAANTANA QURBAHA JOOGA)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 16, 2000 - 01:13 pm
LOL @suuldheere

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Monday, October 16, 2000 - 08:27 pm
Waxaa dhacday, dad reer baadiya ah ayaa waxay soo aadeen in ay ka adeegtaan magaalada,dadkaasi oo isugu jiray rag iyo dumar, meel dhexe marki ay soo marayaan welina aysan soo gaarin magaaladi ayaa wuxuu joogsaday gaarigi ay la socdeen meel KONTOROL ah oo ay askari taagneed,gaarigi ragi watay baad in laga qaado ayaa caado u ahayd, lagana qaad,intaas looguma simin ee askartii waxay kala soo degeen dadkii saarnaa gaariga qaar ka mid ah,oo rag iyo dumarba leh, dadkaasi waxaa ku jiray rag iyo dumar isla dhashay,amaba is dhalay, dumarkii ayaa hortooda lagu fara xumeeyay,ka dibna ragii ayaa la yiri,idina sidoo kaleh fara xumeeynta qayb ka qaata, ninbaa walaashii la dhalatay qori dhafoorka laga saaray oo lagu yiri fara xumee,il xumada taasi ka daran maxay tahay? intaas waxaa u sii dheeraa qaarkood oo weliba dil fool xun loogu daray.
maxaa dhici hooyadi ku dhashay marka hortaada lagu fara xumeeyo, ama adigaba faraxumee lagu yiraahdo, aadba geerida ka xigtideh.
waxyaabaha umada dhex yaalo waa waxyaabo ku biloowday sidaa,qaarkeen ayaana kala aar goostay.
miyeeysan ahayn wax rag isku dilo waxa dhacay?

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FADUMOFAREEY

Monday, October 16, 2000 - 09:37 pm
xamarDaye:

walaaloow caloosha ayaa i rogmatay ee ha inooga sheekeeynin, waxaasi waa diin ka bixid,wax kaleh oo aan iraahdo garan maayo, ilaah ha soo hanuuniyo somalida,waa ceebtaas,waa ilxumadaas,
aloow ha ina joojinin goobtaas oo kaleh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali Yare

Tuesday, October 17, 2000 - 06:06 am
Maamul la'aan iyo dawlad la'aan ayaa inoo sababay.Maanta ka biloow ninkii "law and order"kusoo celiya shacabka sidaa u tabaalaysan waa inaan gacan ku siinaa.Taas iyo mid aad uga sii xun ayaa Magaalada Hargaysa lagu sameeyay markii SNM qabsatay. Casar gaaban ayay laba naagood soo daba galeen nin.Maqaaya ayuu fadhiistay.Mudo kadib ninkii waxaay labadii naagood ku boobsiiyeen saaf iyo bir kuwiiyoo madaxiisii la dhacaya.Markuu dhulka ku dhacay ayay kusii celcelinayeen iyo ku dhawaaqayo magac qabiil.Ninku xuxuu ahaa Soomaalida dagta Itobiya.Dadkii meesha joogay illaa intii naftu ka baxaysay waa lagu daawanayay.Naagaha mid ka mid ah ayaa la sheegay in ninkeedii dagaalkii 88kii lagu dilay oo ay aar goosanasay.Qisadani waxay dhacday 1992.Kuwo sidaa u fool xun ayaa Hargaysa lagu hayaa qabiilooyinka loo yaqaan Midgaha iyo Madhibaanka.Niyad jabinta iyo asal caytu waa ka caadi magaalada Hargaysa.Daami meel la yidhaa meel aan ahayn looma ogala qabiilooyinkaa yayar.Gabdhahooda kusigu waa la caadaystay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISBATOORE CARAYS

Tuesday, October 17, 2000 - 07:31 pm
waa dawlad ku sheegii carta oo muqlis soo daahiray iska kaaya dhigaayo saxiibayaal maad beenta iyo naraationka nagadhaaftaan wixii dhacay waa lawada ogsoon yahee. stupid maangaab yaal dheh. saaxiibayaal sheekooyinkii dawladii ina siyaad ee dhulbahante,mareexaan,h/gidir,abgaal,mursade,mj,
ogaden,h/awl,h/y,h/j,xawadle qaar kamid ah ay dhiigii umada miiranaayeen maad banaanka soo dhigaysaan. mise waxaad maqasheen waa dawladii masaakiinta? saaxiibayaal waxaas oo dhan cadaalad baa ka horaysee cadaalada soo qabta SHIIIIIT

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali wayne

Tuesday, October 17, 2000 - 08:40 pm
ISBATOORE WAREERSAN,

SAAXIIB WAA MAXAY QABIILADA AAD MADAXA ISU GELISAY IYO SIDA AAD U HADASHAYBA, OO AYAMAA WAXA
AAD KU HADASHAY KAA FAHMAY?

WAR WAAD WAREERSAN TAHAY, SIYAASAD IYO QABIILBA MID AAD SHEEKADEED LA SOCOTO MA JIRTO,EE ADEEGA DEG DEGA AH INA DAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Wednesday, October 18, 2000 - 12:42 pm
waxaan oran lahaa iyadoon qabiil laga hadlin ama
caayin qof waliba haka sheekeeyo wixii uu dhib soo
arkay ama soo maray, waxaase habboon in runta la
sheego oo aynaan been isu sheegin daacadnino haloo
wada hadlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Wednesday, October 18, 2000 - 03:56 pm
Waxay ahayd 1990kii,bishii oktoobar, waa dhacdo aan u soo taagnaa,oo aan la iiga sheekeeynin:
waqti aad u xun oo kala guur ah ayeeyna ahayd,
waxaa dhacday goor ay habeen tahay ayaa,waxaa soo galay xaafad aan deganeen gaari weyn oo militery
taarigadiisu tahay wuxuuna ka mid ahaa gawaarida loogu adeego askarta xirooyinka,ugu yaraan gaarigaasi waxaa saarneed lix askar ah, runti waxba kama aynan dhiganin waayo waagii dambaba iska caadi ayeey ahayd in gawaarida doowlada lagu qaraaf tago, guri hortiis ayeey istaageen si caadi ah ayeey uga soo degeen weey garaaceen waa lagaga furay wayna galeen, haddaba inagu dhalllinyarada xaafada derbi ay isu yimaadaan habeenki waqtiga dambe ayeeynu fadhinay,caadi ayeeynu u aragnay arintu,ugu yaraan 45 daqiiqadood ka dib ayeey askarti qaarkood ka soo bexeen gurigi iyagoo alaabo isla sido, gaarigi ayeeyna rarid ugu dhaqaaqeen,askartu xataa isla hadlimaayaan oo wax hadal ah kama aynan maqlin, waxoogaa beeynu u jirnaa inaguna,gaarigi ayeey buuxiyeen,wayna dhaqaaqeen,mar ay waxoo gaa sii maqan yihiin ayaa gurigi nin deganaa soo baxay, ninku wuu ooyayaa, war maxaa ku helay, wuxuu yiri maal aduun waxba ma ahaneh, maxay reerkeeyga ugu gardaroodeen, markaas ayaanu garanay waxa ka socday meesha,wixi aqalka yiilay cash iyo alaabo oo xataa alaabti wax lagu cunayay leh war rarteed , reerkiina way ka fara xumeeyeen, caruurta hortooda,ma tahay wax laqaadan karo waxyaabahaas oo kaleh?
marba dabka haddii uu gacanta u galo wax ma garato
way iman in la isku gar daroodo, waxa ay somali isku heeysato oo dhex maray waa waxaas oo kaleh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dubbe

Friday, October 20, 2000 - 09:01 pm
Sheeko dhab ah (Maxay jidka isku dhig-dhigayaan)

Sheekadan waa mid xaqiiqo ah: Wiil dhalinyaro ah oo watay baabuur cusub oo ahaa nooca Landcruiser ayaa ku jiiray nin reer-baadiye ah, isgoyska ex-control Af-gooye, sanadku waa 1987. Naf dhulka lama dhicin. Dad badan ayaa ku soo yaacay meydkii oo dhulka yaalla, wiilkiina wuu naxay, wuxuuna garan waayey wax uu sameeyo, dadkii kor-taagnaa odeyga dhintay buu ku dhexjiray markii aabihiis oo surwaal daba-gaab wata iyo bastoolad oo waardiyeyaashiisana la socdaan uu aqoonsaday baabuurka wiilkiisa. Markii wiilka ninka baabuurka ku dilay aabihiis gartay waxa meesha ka dhacay iyo ninka goobta yaalla ayuu inta xanaaq awgiis qeyliyey yiri: waryaa ka soco meesha, maxaa kaa galay dadkan jidka isdhig-dhigaya.

Wiilkii wuxuu yiri Aabbe anaa jiiray ninka, laakiin wiilka aabihis inta sii xanaaqay buu ku celyey war kaxee baabuurka oo ka soco meesha. Reerkaas waxey degenaayeen oo guryo badan ku lahaayeen xaafaddii loo yaqaanay Booli-Qaran, magacoodana ma doonayo in aan sheego. Waase arin ka mid ah dhibaatooyinkii waayahaas ka jiray Muqdisho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Saturday, October 21, 2000 - 10:10 am
waa taariikh dhab ah mar aan tegay dalka kenya,
waxaan kula kulmay nin aan doonayn in magaciisa
halkan ku qoro ama sheego, waxaa uu ii sheegay in
uu ka qayb-galay shir lagu qabtay magaaladanairobi
shirkaas oo laga hadlayey arrimo, qabiil, waxaana
uu ii sheegay in uu shirkaas kala kulmay arrimo
yaab leh, waxaana ka mid ah markii su,aal la wayd-
iyey nin ka mid ah dadkii shirka ka soo qayb-galay
su,aashaas oo hayd sababtii uu u xasuuqay dad aan
waxba galabsan laguna xasuuqay magaalada baraawe,
dadkaas waxay ahaayeen dumar, caruur iyo dad waa-
yeel ah waxayna galeen masaajid ka dibna koox uu
watay ninka dadkaas xasuuqay ayaa intuu masjidka
galay xasuuqay dadkaas, dhiigii ka soo qulqulay
masaajidka waxaa uu gaaray ilaa 20 feet, wuxuuna
ku jawaabay masaajidka cabsi ilaah uma geline
waxay u galeen arrimo qabiil la xiriira.rumaysto
ama ha rumaysan waa qiso dhacday waxaana laga
yaabaa in la heli doono dad goob joog u ahaa arri-
taas dhacdada ah.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.