Bulshooy adigay boqrday Adaa bili igu shakalay Baruudka adaygu xidhay Haddaan ahay wiil bir kulul Burjiga adigaa iska leh Badheedhka adaa i faray Dagaalka adaa i baday Belaayo haddaanay dhicin Dantaada haddaan la bi'in Haddaan baradaadu guban Miyaynu is baran lahayn
Haddaan wanka badhida weyn Baraarkana loo qalqalin Ninkii cunay booligaaga Haddaan buro loogu darin Saboolka haddan la badin Haddaan boqol ruux la korin Dhulkii beeraha lahaa Haddaan basanbaas ka dhicin Bal iyo xaab laga idlayn Dadkii qabay berisamaadka Haddaan badhax loo shubshubin Barwaaqadu tuugsi noqon Haddaan badar loo kaltamay Biyaha sixin looga dhigin Basaasta ninkii huwaday Badhaadhnay haddaanu oran Naftiisana been ku furan Miyaynu is baran lahayn
Haddaan waa kuu beryaa Bayuur iyo ummal ku tarin Haddaan berritiyo sed maqan Bushaara lagaaga dhigin Baxnaanadu kugu adkaan Haddaan sida Baar-caddaa Baloolliyo badowyaley Naftaadu ku ciil belbelin Qabiilka haddaan la bilin Haddaan boodhka laga tuntumin Haddaan is bahaysigeenna is biirsiga wada-jirkaaga Budh iyo xoog lagu furfurin Bartaada haddaan la dhicin Bukaanka haddaan la nicin Haddaan bogso lagu daweyn Miyaynu is baran lahayn
Barbaarta haddaan la layn Billaawuhu dhiig matagin Ninkii ku bud dhigi lahaa Haddaan baqayuhu ka lalin Halyeyga badbaadadaada Haddaan bahaluhu ku shirin Haddaan bir ma geydadaada rasaas loo berentensiin Waraabuhu baan ka dhigan Baroorta qofkii lahaa Haddaanu u rogan bil-khayr Belaayo xijaab ka dhigan Wixii hadhay baylahdaada Haddaan buntukh loogu talin xanuun lagu baraq nuglayn Nin bayr lihi salow ku gelin Miyaynu is baran lahayn
Basaas iyo oon dartii Haddaan dhulku baali noqon Haddaan sida bagagidii Banaadir indhuu ka nixin Bariiso haddaan la qixin Boqoolku is daba taxnaan Bugaan bugtu gelin Xijaas Badroolka haddaan la yu'an Hablihii boqorkiyo dhacalaha Baftada lagu wada yiqiin Haddaan baxsadkooda dheer Baxreyn laga soo qab qaban Haddaan boqorrada Carbeed Amiirada baalka xidhan Kun jeer baryo loogu tegin Miyaynu is baran lahayn
Haddaan bari ina qalayn Haddaan bogox ina fantayn Beelahaa ageheenna yaal Haddaynaan buro ku noqon Tukii baallaha caddaa Adduunyadu baadideenna Bannaanada kaga xeroon Boogteenniyo dhaawaceenna Haddaan baga laynna odhan