site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SAXARLAAY HA FUDUDAAN...HEES.....

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): SAXARLAAY HA FUDUDAAN...HEES.....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALI

Monday, October 16, 2000 - 08:13 am
Ku sinnaan dhraartii
la sargooyey dunidee
Rabbigay sameeyee
Cirka sare u taagee
Xiddigaha siraatiyo
Lagu suga cadceeddee
Sagalkiyo daruurtiyo
Lagu xidhay sitaacee
Dhulka gogol la seexdiyo
Sabo lagu negaadiyo
Laga dhigay sin-dadabkee
Buuraha la saaree
Dhirta samayda ciiddiyo
Salka loogu joojee
Saddex laab bad iyo webi
lagu yidhi sabbeeyee
Dabadeed la saanyee
Qofba meel la siiyee
Saldhigeedu qaydnaa
Cidi uma sinnaynoo
dadku ruux sabooloo
saranseer ku raagiyo
guryo samada yaalloo
sidka dhalay ku haystoo
helay seer-ma-weydiyo
laba kala sed roon baa
subax noolba joogee
Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan
Sal-fudaydku Xaawuu
janadii ka saaree
ruux aad sugaysoo
maqan waa la saad shaa
sahan waa la dhowraa
ha sahwiyin ha selelin
sarka dhaban ha noqonin
ha saluugin qaybaha
qalinbaa saxeexee.
waxan Saatir kuu qorin
ha u suul dhbaalayn
Kala saar run iyo been
kala garo sir iyo caad
in salaaddu weligeed
kala tahay Sunniyo Faral
u ogow sax iyo maan
Inaad saamo jiiddiyo
sanqar tirasho kala daa
naf jacayl sawaabayoo
sanka kuu dalooshoo
kuu sudhay hoggaan baad
u siddaa maqaarkee
ha u gaabib seetada
sogsogtiyo cadaaddiyo
ha ku saydhin laamaha

Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Saxarlaay ha fududaan
Samir yeelo weligaa

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.