site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DHUL AAN CEELAHENYBAA DHAANKII U RARAYAA????????????

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): DHUL AAN CEELAHENYBAA DHAANKII U RARAYAA????????????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALI

Monday, October 16, 2000 - 08:22 am
Dhulaan ceel lahaybaa dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaadiyo dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay dhankan anigu kaa xigo
Dharka lama yaqaanee dhuug baanu xidhanaa
Adna dhogorta xoolaha malaa waad ka dhigataa
Buuraha dhexdoodiyo dhagaxbaan ku seexdaa
Adna wax ima dhaantide dhulka hoos u qodan iyo
Dhufays baad u hoyataa dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer yeysu soo dhaweeya
Markaad adigu dhimataa naftu iga dhaqaaqdaa
Markaad adigu dheregtaa dhibaatadu I deysaa
Dheehaagan wacan baa aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii ad reebtaa dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhowaadana waad iga dhaqaaqdaa
Ana kuma dhegaystee anoon dhuumanayn baan
Dhegaha kaa furaystaa wixii adiga kaa dhumay
Anigana I dhaafoo dhaan dhaan hadaan ahay
Adna dhoohanaa tahay dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer saysu soo dhaweeya
Kol hadaynu dhuuxiyo dhiigii ka simanahay
Midabkiyo dhawaaqiyo diintiyo dhalashada
Iyo dhaqan wadaag nahay dhudhunkaak I goysaa
Waa dhantaalan kaagee labadeenu dhuun iyo
Moqor baan ka dhiganee dhidibkaynu taagniyo
Dhismihii adkaan jiray inaan kala dhaltaalaa
Dhegxumo iyo yaab iyo talo dhacan tay weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee aayaha dhasheeniiyo
Midnimada ma dhowraa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUUSE CARE

Monday, October 16, 2000 - 10:31 pm
waad ishaartay!

reerkuna tawfiiq baan u filayaa antenadayduna way
taagatay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.