site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WACDARAHA ADDUUNKA.......HEES

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): WACDARAHA ADDUUNKA.......HEES
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WACDARO

Tuesday, October 17, 2000 - 11:46 am
Wacdaraha adduunka
Walaac Anigoo ku seexday maxaan walabahaar la toosay
wareer anigoo la liita maxaan werwer jiifi waayey.
Maxaan sida weer cadhaysan saqaa dhexe gaaf wareegay
intuu waqal ii hillacay maxaan kula rooray weelka
u baydhay wadiiqo leexsan wakhtigu i tilmaami waayey.
Jacaylku muxuu i wiiqay muxuu wadnahayga shiilay
maxaan shimbiraha waraystay u dhiibay waraaq daboolan
haaddii wacdigayga qaaday cid wey i tidhaahda waayay.
Waayeel dadoow inaan waalanahay
duni weer sidoo weligeed dhintoo wacadkiyo xadhkii weydaarataan
weetaynayaaWadeeco maxaan ilaashay waraabe kasoo xareeyey
sac weyda maxaan u dhaanshey Walwaal uga soo arooray
halkiisa kusoo waraabshey maxaan weli soo kaxeeyey
wadaaddo maxaan u yeedhay u loogay wankayga fiican
Waxyeello halkay u taallo naftayda maxaan ka waanshey
walaalkay niman u haystay muxuu waddo ii fadhiistay
qof aan wehelkayga mooday ka qayba galay weerarkayga
ruuxaan la wadaagay cunto ku wiirsaday dhiilladayda
Waayeel dadoow inaan waalanahay
duni weer sidoo weligeed dhintoo wacadkiyo xarkii weydaarataan
weetaynayaaMaxaan wacdaraha adduunka u soo jiray waayaheeda
warkeeda la ii dhammeeyey maxaa waran layla doonay
habeennimo layla waayey nasiib kayga ku waaberiistay
maxaa dabin lay wareejey wedkayga la ii shir-qoolay
maxaa dacar lay walaaqay waabaay ku caafimaaday
Maxaa wacad layla qaatay rumaystay Walaahi beena
maxaan webiyaal is jiidhay dhexdooda ka waab samaystay
wanaag anigoo sameeyey maxay wadhi ii danbaysay
Waayeel dadoow inaan waalanahay
duni weer sidoo weligeed dhintoo wacadkiyo xadhkii weydaarataan
weetaynayaa

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.