site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TOL LA'YEEY MA TALLANBAY DILEEN --- NINKII DHEEG LEH EE REER AWDAL AHOOW DHAQAAQ

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): TOL LA'YEEY MA TALLANBAY DILEEN --- NINKII DHEEG LEH EE REER AWDAL AHOOW DHAQAAQ
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Wednesday, October 18, 2000 - 12:30 pm
Waxan ka tiiraanyaysannahay, kanatacsiyaynaa geerida foosha xun leh ee ku timidday, General Yuusuf Tallan CALI, oo maanta lagu dilay Xamar.

TOL LA'AYEEY, MA TALLANBAY DILEEN
TOL LA'AYEEY, MA GEESIGIIBAY TOOGTEEN
TOL LA'AYEEY, MA NACASBAA TUMAATIYAY
TOL LA'AYEEY, MA AAKHIRAY U TAXAABEEN

TOL LA'AYEEY, MA TIIRAANYIYO CADHAAN QABAA
TOL LA'AYEEY, MA TOOWSIYO CIILBAA II DHEER
TOL LA'AYEEY, MA TINTAA JIDIHICO IS TAAGTAY
TOL LA'AYEEY, MA MURUGAAN LA TIICAYAA

TOL LA'AYEEY, MA TOL HIILIYAANAN LAHAYN
TOL LA'AYEEY, MA WAXBAN TASHIISHI KARIN
TOL LA'AYEEY, MA TUSMAYNI KARIN
TOL LA'AYEEY, MIYAAN TOBAN UGU AARO

TAAJIROOW ALLAHAYOOW, ADIGAAN KU TUUGAYAAYE
TIRIIGBUU AHAA YUUSUF,TABAYSAY SOOMAALI WEYNE
NAXARIISTAADA KU TAAGEEROO, TOGAGII FARDAWSIYO
TOOBIYO JANNO QAADSII, TUFAAXII NAACIIMANA SII


WALAALAYAAL, WAXA LOO DILAY YUUSUF TALLAN, SOOMAALI JACAYL.
WAXAY ILA TAHAY SIDA KALIYA EEN UGU AARAYNAAYI INAY TAHAY INAAN CALANKII SOOMAALI WEYN KA DUL TAAGNO AWDAL SIDA UGU DHAKHSO BADAN.
SHAKI KUMA JIRO, DILKIISA INAY KA DANBEEYEEN DAD DIIDDAN SOOMAALI WEYN, SIDA SOMALILAND.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUBEYS

Thursday, October 19, 2000 - 01:22 pm
ALAHA U NAXRIITO MARXUUMKAA DHAMAANTEEN SOMALI WEYN INTA NABADA JECEL OO DHAN AY KA DHINTAY , WAXAAN ILAAHAY UGA BARYEENA IN NAXARIISTIISI JANAAD KA WARAABIYO ,INTAAS KA DIB WALAAL TOL TAAN MEESHA KUMAY HELIN MARXUUMKEE TIISA AYAA GASHAY OO
SIDEE MU TOL LAAN KU YAHAY MAR HADII UU ILAAHII QALGAY UU KA UUMA DIR !! MA NIN DIR AH BAA MAANTA TALO LAAN MOOYE TOL LAAN HESHA.
waxaan iraahdo mooyi ilaahey naxariis iyo janaad ha siiyo anaga iyo eheladiisiina samir iyo iiman :
alla cidley ka heleen mooye
maxaan darsi siin lahaa
maxaan ciida kor u rogi lahaa
maxaan colkaan isku keenaa ciidan loo waayn lahaa
maxaan ka kor iyo ka hoos dabku wada qabad siin lahaa
maxaan jariiban ,jammame, janaale kurayo xoogan ka keeni lahaa
maxaan jid ay maraan daaye jilib u fadhiisan lahaa
maxaan xamartaa urtay xaafad xaafad uga miran laha
maxaan hooygey galaanba hoobiye hoo oran lahaa
maxaan colaaday dalbadeen aroor nimo ugu bishaareen lahaa
maxaan caddaado, hobyo iyo dhuusa-mareeb col dul dhigi lahaa
maxaan fartey taagan ba faal la dhici lahaa
maxaan kun bilis ah ganbo cad u xiri lahaa
maxaan isniin iyo gaadsan casar cad xalane kasoo duuli lahaa
maxaan luuq iyo doolo duul ka imaan lahaa
alla cidley ka heleen mooyee
maxaa tolaan dhigay
maxaa nabadaa la wada helay hawada u kala diri lahaa
maxaan hawaaskiyo boorkuba baaruud ugu dari lahaa
ma sure ayaa gablamay oo kurayo u aaraa looga wayn laha
cartaan u turayaa mooye
maxaan GEN, iyo nin magac leh ba aaqiro u taxaabi lahaa
gartuu ciise dhigaan dhowri mooye
maxaan nabada cirkaa ku shareeri lahaa
alla cidleey ka heleen mooye
ma sura wiil ka hari lahaa............

m

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NAFTII-HURE

Sunday, October 22, 2000 - 12:51 pm
WAXAAN KU BALANQAADAYAA HADAANAN DHIMAN INAAN TALAN U AARI DOONO.
HAWIYE BADANINA U DHIMAN DOONAAN.
HA AHAADAAN JANANAO WASIIRO IYO INA SALAAD BOY

HADAY CADAATO IN INA CIGAAL LUG KU YEESHO CIISE MUUSE BADANINA WAY U DHIMAN DOONAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Die hard Somalilander

Sunday, October 22, 2000 - 09:08 pm
Waligay inu gadabursi sida u Caqli liito uma haysan . Waar Cuqdad Isaaq la yidhaa baad weligiin qabtaan oo jirtay todobatan sanadood. Marka hore illahay waxan ka baryayaa in Cuqdada idinka saaro. Caqli xumidee maxa ina cigal xamar geeyey ma markaad habar gidir ka soo baqatay ayaad isaq xagxaganeysa. Hadad been shegayso been run u eg sheeg. Isaqa Xamar Jooga wa faqash dawlanna wey racsanyihiin manay dilin ina tallan
waxna u muu qeysan. Hadaba iska dhigga Somalilandtan aad wasa Cashaqsabtiihin. Nacas yahow Borama Somaliland bay ku taal ee maxa Somaliland uun ka siiyey. Anigu Gadabursi caayi mayo lakin adigu adhlax baad tahay.

Anigu sidii kii ku farxaayey walalihisa lagu dilay Jasira 1989kii kuma faraxsani walalkay yusuf talan ee ilahay ha u naxaristo, Janadidina haka warabiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

confused somalian

Sunday, October 22, 2000 - 09:25 pm
As a an ordinary somali what I do not understand is that i do n ot understand the difference of hunderds of somalis that are being killed every week and the general Tallan.
Can anybody tell me his history? what did he do for somalia? I heard that he was an other general from Siyad's Kacaan but what else?.
If every general of Afweyne is hero, why did we kick them out in the first place rather than calling them back now?
Confused about the Somalis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mr. Laascaanood

Monday, October 23, 2000 - 12:31 am
Wuxuu ahaa janaraal ka mid ah janaraaladii siyaad barre, laakiinse wuxuu ka dhashay qabiil yar oo aan lahayn waxay ku faanaan oo kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 23, 2000 - 09:01 am
To Die hard somalilander:


Saaxib way jiraan kuwo badan oo ka sii caqli xun oo isaaq ah kuna soo qora wax halkan, allaha u naxariisto yuusuf talan uma qaban dadkale waxa uu tarey isaaq xitaa kuwii u dhashey dayoo,
waxana uu ahaa nin wanaag badan u tarey soomalida kalena.
Gadabuursina xumaan ay u qabaan isaaq iska dayoo
somalilandten aad shegeneyid mar hore ayaad ku kala tegi leheydeen haddii aanay jirin gadabuursi
iyaaga ayaa idin kala badbaadiya markasta oo magaciina laga wayi laha gobalada waqooyi sidaana wey ogyihiin kuwiina wax garadka ah.

Saaxib qudhaadu cuqdada aad u qabtid gadabuursi
allaha kaa daweeyo,cayna igama mutesan isaaq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 23, 2000 - 12:41 pm
The poem you gadabursi guys recite is really strong and moving.It can lead to any one to a violent reaction.But what i dont understand is, why would you direct it to the Isaaqs? when it is common knowlegde to every Somali that the hawiye kill him in cold blood.I dont know much about Tallan's background.I read his shocking story in the news paper for the first time.I can only say may Allah forgive him and all other victims of the hawiye.Amin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TALLAN

Tuesday, October 24, 2000 - 04:50 am
XASAN APPOLE, MACALANKII IYO MAAMULIHII DUGSIGA SARE EE FARSAMADA GACANTA EE HARGEYSA WUXU IMIKA SII MOOTAN YAHAY MUDDO LAGA JOOGO 10 SANADOOD. ILAAHAY, NAXARIISTII JANNO HAKA WARAABIYO'E , XASAN APPOLE, WALIGII SIYAASAD KAMA UU QAYB QAADAN, DHIIGNA MA DAADIN. KALIYA WAXA LOO DILAY, WUXU AHAA GADABUURSI REER AWDAL AH. WAXA DILAY, HABAR AWAL OO WALIBA GACAL UU LA AHAA, WAANNA GUNNIMO IYO CIIL TAASI.
DOODDAN WAXA UGU TALO GALNAY IN LAGU XASUUSTO XASAN APPOLE, LAGAGANA HADLO, NASAB XUMIDA HABAR AWAL. HABAR AWAL WAXA KALE OOY GUMAADEEN, XASUUQEENA DAD BADAN OO REER BOORAMA, KADIB MARKII AF-WEYNE JABAY, CIIDAMADIISIINA DALKA KA GUUREEN. IMIKANA WAXAY RABAAN IN REER AWDAL NOQDAAN KABA QAADYADOODA.
"GUNNIMMO DHEREG LEH, GOBANNIMO GAAJO LEH AYAA KA ROON, REER AWDALNA WAY GARANSAN YIHIIN".
MA ILLOBO DOONNO, "COLD BLOODED MURDER" KA , XASAN APPOLE, IYO MAATADII LAGU GUMAADAY, BOORAMA.

"WE WILL NEVER FORGIVE, AND NEVER FORGET, HABAR AWAL COWARDLY ACTIONS AND WRONG DOINGS"
LONG LIVE AWDAL KINGDOM.

ALAHA U NAXARIISTO, XASAN ABOOLE IYO MAATIDII KU DHIMMATAY, GACANTA HABAR AWAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 24, 2000 - 07:10 am
Ayaa ku gumaadey boorama,ma makaahilka gadabuursi
ayaa gumaadey maxad-case iyo habar cafaan miyaad u jeedaa ilaayn boorama waa meesha kaliya ee aan dagaal ka dhicine ee nabad ah , ismacanee maxaad aheyd? nacas dhareer leh ayaad tahey dabkana shida
maantana waxaad jaanis aad u heshey in aad dhareerkaagii dadka dhexdiisa ku daadisid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 24, 2000 - 08:06 am
to. anonymous

Way jiran dad badan oo ku talax tagey qabyaalada
iyo qaar badan oo laga talaalleyba, fadlan ha la yaabin haddii aad la kulentid arrimahan halkan ku qoran waxaan u maleynayaa in aad ku jirtid kuwa laga tallaaley xanuunkaa dilaaga ah ee qabilka, saxiib iska dhaga mari
isaaq and gadabuursi waa dad is leh walalo ah, waaxan wada leh, haddii aan wax yar kaaga tabto taarikh nololeedkiisi general ka waxaa uu ahaa nin taariikh fiican ku lahaa gobalada waqooyi kana badbaadiyey kumaanyaal reer waqooyi ah oo la xasuuqaayey khatarna ku galey lafahiisu arrintaa mar hore waxana uu door weyn ka ciyaarey heshiisinta ummadda wadda dagta gobaladda waqooyi
hatana waxaa uu ku dhintey isaga oo ku jira arrin la mid ah. saaxiib waxan odhan laaha haddii aad argtaan ama aad la kulantaan mid mid khaldan oo xannuunsanay isaaq ha ahaado ama reer awdal ha ahaadee waxan ku tala jiraan in aan tallaalka wadaa gaadhsiin doono dhmmaan gobaladda waqooyi oo dhan insha allaah. Alle ha u naaxariisto janaaral
yuusuf tallan ammin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARFA,,,BARO SAMAROON OR GADABUUSI

Tuesday, October 24, 2000 - 12:54 pm
waa warar aad u layaableh ninba taagii hadal?
HADA WAA AYO ((SAMAROOR OR GADA BUURSI)))
WANAAGSANE BARO SAMAROON???????????????????
SAMAROON SICIID? WAA MAGACA ODAYGA AAN KA TAFIIRANAY WUXUUNA LAMID YAHAY SIDA {HAWIYE, ISAQ ,DAROD,WAY JIRTAA IN TAFIIR AHAAN AY KABADAN YIHIIN SIDA QABIILKA HAWIYAHA LAKIN WAA LABA QABIIL OO IS LEH IN KASTOO SAMAROON HADII UU WADA DAGANAAN SOMALIYA UU KABAD NAAN LAHAA HAWIYE WAAYO QAAR NAGA MID AH WAXAY DAGAAN ITOOBIYA, QAARNA, JABOUTI,,, WAXAYNA DAGAAN WAQOOYIGA SOOMALIYA, WAXAYNA KAMID YIHIIN LABA QABIIL EE UGU WAA WAYN WAQOOYIGA WAA {{{SAMAROON SICIID IYO ISAQ}}} BAROSHO WANAAGSAN----THE MAN WHO ASKED ---WHAT IS THE SAMAROON ---- IS THE TIME FOR YOU TO LEARN WHO THEY ARE AT LEAST KNOW YOU KNOW WHO ARE THEY THANK YOU ASKING ME THAT QUATION?

MARKA LABAAD
NINKA KAHADLAY SAMAROON WAA DADYAR OO NIN KALE OOY KU FAANAAN MALAHA WAA (MR;LAASCAANOOD))) WAXAAN KU ODHAN LAHAA NIN KALE WAX HANAGA SHEEGO LAKIN LAASCAANOOD WHO ARE U MY SUGUTION IS U ARE FROM LASCANOOD ANY WAY,,,,SAMAROO WAREER LAYAQAAN ALLENA YAQAAN DHULNA UU SIIYAY OO AAN AHAYN GURDISH,,,SO ..HOOS TAADA EEG BAL ADIGU YAATAHAY LAACAANOODOW

MARKA SADEXAAD (((MR SAMAROON IYO AHMED JAMA))) RUNTII SIDAAN QABO SAMAROONOW,,,GADABUURSI LAMA GUMAYSTO LOOMANA TALIYO SOOMAALINA WALIGEED ISMA AYSAN GUMAYSAN ISMANA GUMAYSATO HADA IYO MAR HOREBA MARKAAD SAMAROON WAA DAD MADAX BANAAN OO DHUL KOODA UTALIYA SAMAROON RAGANA WAA LA ISKA CILIYAA HADAY QORI NOQOTO AMABA SIYAASAD AMA CAQLI SAMAROON SXB ISAAQ WAX AYAAN WADA QAYBSANAY LAKIIN HABI KUMA NIHIN MISE WAA BEENTAY MARKAA WAXAA KUU BANAAN INAAN TIDHAAH TID DOWLADA REER ISAAQ AYAA LEH DHULKAAGAN AAD CIIDAMO DHIGATO MARKAA BAL NIN KII ISAAQA EE KUSOO GALA ARAG TAASIN WAA ARIN U TAALA DADKA REER AWDDAL MEELKASTA OO AY KUNOOL YIHIIN KANA TASHAN KARA TAASI WAA MID,MR AHMED JAMA RUNTIIN ERAYADAADII ERAYO AYEY AHAAYEEN RUNTII EQAN CIYAY OO REER REER GUMAYSTAA MAJIRO WAANA TAB IYO XEELAD SIDII LA ISAGA RAYLAHAA NIN WALBA TAAGDII NIN KII SIYAASAD KU GUULAYSTANA ISAGA IYO GARAAD KII NIN DAGAAL KUGUULAYSTANA ISAGA IYO RAGA NIMADII MARKAA RAG WAA IS GURAYAA WAXAANAD TAHAY NIN RA'YIGIISU RUN TII NADIIF YAHAY,,, SAMAROON INA ADEER WAXAAN AHAY NIN INA ADEER KAA AH MID WAA TALO MIDNA WAA IGA WAANO,,TALADO WAA RAGA AAN IS KA DHICINO ,, QORI HANOQOTO,,AMA SIYAASAD NIN WALBA IYO DADAALKII ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

MR CABDI OO AH HABAR GIDIR ,,I RAYADAADA WAXAA KAMID AHAA RAG WAX KAMA TAQAANAAN SXB HADAAD ABGAAL U TAHAY HALYEY OOD XAMAR WAASHAY ILAAHAY BOORAMA HA KUKEENO MARKAA AYAAD ARKI WAXAAN NAHAY MR CABDI ,,,HABARGIDIR IYO SAMAROON HADAY INOO BILAABATAY ,,, DAGAAALKII QABOOBAA SXB.....

MR ABDI HASSAN ,, ARINTU QABIIL WAY TAHAY OO TALAN WUXUU KADHASHAY SAMAROON SXB MARKAA RAGUU KADHASHAY AYAA U AARI DOONA MARKAA ARINTU WAA QABIIL SOOOMAALIDA KALE EE USOO TACSIYAYSAY TALAN IYO DAD KIISA WAA XAQ ISLAAMI AH OO WAAJIB AH.....

NIN TIRIYEY QUBAYS AAD AYAAD WADNAHAYGA UGELGISHAY OO NETKA AYAAN KU QIIROODAY SXB ALE HA UNAXARIISTO TALAN..........

WANAAGSANOW ..BARO SAMAROON ......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ATEYE

Tuesday, October 24, 2000 - 01:54 pm
=====TALLAN MEMORIAL TRIBUTE======


WAAR WAAD NA CIISHEEN
21 0CTOBER 2000


Cibaaraha Adduunyo, ayaanba waa cayne
Cedceedaa waeegtiyo, wakhtigays cidheedhsha'e
Waagii caddaadina, wax cusubuu la baryaaye

Adoo Caawa wacnaabaad, barri ciilkaambidaaye
Kuma culatid waligeed, cod-cod iyo ugbaade
Caadilkaana yaqaana, cid waliba waxay mudane

Caalamkoo idil markaad, caaro walba eegto
Caabuq wuu wada jiraa, hadana kala culuse
Carriga Soomaaliyeebaana, ugu sii cawo darane

Ciirsila dhulkeenu weeyi, laga wada carraabaye
Caddaalad lama ilaashoo, cirkaa lagu laalaye
Cuur Awliyo habaarantaana, caydhsaday ummaddiiye

Carqaladda kuwan wada, cod yarbaan odhanayaaye
Caqli iyo ma lihidina, caqiido iyo Iimane
Caalle iyo waxad tihiin, coon iyo jaahile

Hilbihii dadkiinaad cunteen, ood calashanaysiine
Ciiddiinii hooyiyo, calankiibaad gubteenne
Cadaawe shisheeyiyo gaalaad,ciidan u noqoteene

Ciiltire YUUSUF TALLAN baad, ciidho u toogateene
Curad loo hanweynaabaad, calaf beeliseene
Cirroole nabad doonaad, cabteen dhiigiisiiye

Waar waad na ciisheenood, na calool xumaysane
Waar curuqdiyo jiidhkiyo, cududahaad na damaqdeene
Waar cindigiyo laabtaan, marna idinka cafinaynine

Casiisbaan idiin baraye, cidhibtiinnu ha go'do
Casiisbaan idiin baryaye, ifka ku caddibnaada
Csiisbaan idiin baryaye, cadaab laydinku cayuuq.

======= ======== ===========


Anigu waxan is leehay dilka Yuusuf Tallan waxa ka danbeeyay XABASHI iyo Xulafadeeda.
Bishuse horteenna ayay imani.


A.ATEYE
LONDON-UK

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.