site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dowlada KMG oo Magacowday Wasiiradeeda!!!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): Dowlada KMG oo Magacowday Wasiiradeeda!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Friday, October 20, 2000 - 01:51 am
(SomaliNet) 22 wasiir ayaa lagu dhawaaqayy maanta.

Cusmaan Jaamac (Cali -Kalluun) Ra'iisal wasaare ku xigeen

C/laahi Boqor Muuse Wasiirka Gaashaandhigga

Daahir Maxamed Sheekh Wasiirka Arrimaha Gudaha

Sayid Axmed Sheekh Daahir Wasiirka Maaliyadda

Xuseen Ceelaabe Faahire Wasiirka Qorsheynta

C/laahi Gacal Cabdi Wasiirka Dib udhiska iyo dejinta

Yuusuf Macalin Amiin [Baadiyow] Wasiirka Beeraha

C/casiis Muqtaar Macallin Wasiirka Isboortiga iyo Shaqada

Maxamed Nuuraani Bakad Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Xasan Faarax Xujaale Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga Goblolada

Siciid Warsame Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeyta

C/qaadir Macalin C/raxmaan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

Xasan Abshir Faarax Wasiirka Macdanta iyo Biyaha

Xuseen maxamuud Sh. Xuseen Wasiirka Warshadaha

C/wahaab Macalin Maxamuud Wasiirka Xanaanada Xoolaha

Maxamed Meydane Buraale Wasiirka Waxbarashada iyo barbaarinta

Maxmed Warsame Cali Wasiirka Ganacsiga

Sakariye Maxamud Xaaji Wasiirka Warfaafrinta

Ing. C/qaadir Maxmed C/lle Madaxey Wasiirka Sayniska iyo Tiknolojiyada

Cabdi Guuuleed Maxamed Wasiirka Gaaddiidka

C/weli Jaamac Warsame Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda

Maxame Cali Axmed [kalay] Wasiirka Tacliinta Sare iyo Hidaha

Sida aanu ka soo xiganey jaraa'idka ka soo baxa Muqdisho(BANADIR) waxaa kale oo la magacaabin ilaa hada Wasiirada Caafimaadka, Deegaanka iyo Horumarinta, magacaabista inta ka harsan Wasiirada ayaa laga sugayaa Wasiirka Koowaad in uu ku dhawaaqo waqti aan fogeyn.


Sidoo kale waxaa saakeyto la magacaabey Duqa Magaalada Muqdisho waxaana loo magacaabey C/laahi Muuse Xussen


Qore: Saciid Axmed Cabdulwaxid - Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 20, 2000 - 01:57 am
Ahmed thanx.

Somaliyeey nimankan wasiirada noqday yaa yaqaan taariikhdooda? Wax dowladii hore ku jirey waxaan ka gartay Xasan Abshir.

Inta kale waxaan ka fahmay Zakariye oo Ingiriiska ku noolaa ahna higly educated man iyo Abdulahi Muuse oo Italy Lawyer ka ahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed Yare

Friday, October 20, 2000 - 02:04 am
Woow!! Abgaal iyo Majeerteen ay u gashay. Majeerteen waxay heleen wasiirka Gaaaaaaashaaaaandhigaaaaa iyo Macdanta iyo kheyraadka Raag dheh. Muduloodna wuxuu helay sedex wasiir Arimaha Gudaha, Beeraha, Sayniska iyo Tiknolojiyada.
Mudulood waxaa intaas u dheer iney heleen Duqa Magaalada (C/aahi Muuse) ma hubo laakiin waa qiyaasayaa waayo iyaga ayaa Xamar degaan ahaan u leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 20, 2000 - 02:05 am
Kaalay waxaan idin weydiiyay yaa yaqaan ninka loo magacaabay Beeraha iyo kan loo magacaabay Duqa Magaalada. Ma Muduloodaa????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keyse

Friday, October 20, 2000 - 02:11 am
Akhyaareey idinkoo qabiil ka fiirin nimankan historygooda noo sheega plz.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ducaale

Friday, October 20, 2000 - 02:31 am
Waxaan ku faraxsanahay inay wasiirada ka maqanyihiin kuwii dhiiga dadka galay haday ahaan lahaayeen warlordsa iyo xulafadooda ama dowladdii Siyaad Barre.

Waxaan ku farxay in wasiirka difaaca laga dhigay nin civilian ah oo isticmaala maskax. Bal aan aragno wasiirka difaacu ninkuu u magacaabo taliyaha ciidamada.

Waxaan u malaynayaa Somalia waxaa ka dhalanaysa dowlad bro west ah sababtoo ah waxaa meesha ka buuxa dad dibada (west) wax ku soo bartay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Friday, October 20, 2000 - 04:42 am
waxaba waqtiga ha isaga luminina magacyada meesha ku qoran iyo ciidday yihiin midna. Sababtoo ah waxani wax soconaya ma aha, wax somaliyi u dhan tahayna ma aha. Kuwa nimankaan maqaar saarka ah ka raadinaya dadkii dawladdii Siyaad la shaqeeyey, miyaysan ogeyn in labada nin ee liiskan soo qoratay ay labaduba wasiirro u ahaayeen alla u naxariisaygii. Kuwaan Ali Mahdi baaba ka wasiirro badnaa suu 80 buu magacaabaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amxaar

Friday, October 20, 2000 - 04:42 am
Anniga oo ahaa Gaashaanle
ciidaka difaaca,Hawada Badda cas iyo Indian ocian
Scut racet misiles 150 em.180Mh-sp.Tr200m
waxaan u magacaabi lahaa taliyaha
ciidamad, Generaal Talan oo geeriyooday
iyo Ilko-jiir. waxna ka waydii saraakiisha
caanka ah ee soomaaliyeed.
Laakiin saaxiib annigu waxaan ka dhashay
Jaarso, qabiilka la dheho.
waxaase hada wada nahay qoxooti
dal iyo dawlad waan u baahanahay.
Isbaasiiba,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALIYOUTH

Friday, October 20, 2000 - 07:09 am
Akhyaarey, Madaxweynaha Jabuuti sanad ka hor markuu dhahay somaliyaan dowlad u sameenaa waa lala yaabanaa. Shirkii jabuuti marka la isugu tagayw axaa lagu hayey xulufo is taqaan ayaa wadata. Madaxweynaa la doortay, waa la sii buuqay. UN-ka ayaa calankuu laga taagay jajaqdii ma joogsan. Dowladaha aduunkaa bilaabay inay isticmaalaan magaca "Dowlada Soomaaliya" wali lama qancin. Raiisul wasaaraa la dooray waxaa la yiri lacag buu xaday. Maanta wasiiraa la doortay, dad baa wali sii jajaq leh.

Berri waxaa arkaysaa wadankaa joogtid oo safiir loo soo diro. Waxaa arkaysaa marka laga hadlayo arimaha Soomaalida qaxootiga ah in lala tashto dowladda Soomaaliyeed. Waxaa arki doontaa adiga ama adeerkaa oo ku ag meeraysanaya safaarad Soomaaliyeed.

Waxaa arki doontaa maalinta qaranka oo si fiican loogu dabaaldego. Waxaa arki doontaa tuugada oo lala xisaabtamo. Waxaa arki doontaa eleboorka iyo dekada Xamar oo furan amaana ah. Waxaa ku soo gari doona sawiro qurxan oo xeebaha liido, jasiira, marka iyo Kismaayo ah. Saaxiibadaa ayaa labunkooda ku arki doontaa fasax ay ku tageen Soomaliya iyo farxada ka muuqata. Magaca Afgooye ayaa mar labaad si fiican u maqli doontaa.

Fad ama ha fadin, dowladani dhulka way ka kacday haddii Rabbi gacan qabtana waxaa arkaysaa ayadoo laba sano gudahood wadanka dhibaatadiisa badankeeda xaliyey.

Meelaha cay la wareeg hadhowna marka waddanka laguu nadiifiyo u dhuumo iskana dhig qof aan wax u dhimin horumarka Soomaaliya. Dowladani waxay u dhalatay dadka dhibaataysan ee Soomaaliya dadka dibada joogana hadalo diciif ah oo ay meelaha la wareegayaan wax maka tarayo.

Ku farax ama ka nax, xamar labada qabiil oo isu necebi waa abgaal iyo habar gedir hoteelada dowladdu degantahayna waxay ku yaalaan xaafada Abgaal isla markaana dowladda ninka hogaaminaya waa Habar Gedir. Wasiirka koowaad iyo wasiirka gaashaan dhiggu waa daarood, Af hayeenka dowlada, wasiirka war faafinta iyo deputy prime minister kuli waa reer waqooyi. Dhamaan dadkan iyo in ka badan 200 xubno baarlamaan iyo shaqaale kale oo muhiim ahi waxay dhex fadhiyaan Xamar waxayna ka talinayaan aayaha adiga, waaridkaada ama qurbaha ku gaboobay ama Soomaaliya ku dhibaataysan iyo caruurtaa dhali doontid. Wax ay dowladani kaaga baahantahay malaha ee afkaada amaan haka hesho. aadaab kaliya ayaa la idinka codsanayaa. Marnaba ma arkaysid qof dowladan kamida oo aflagaadeynaya dad, qabiil ama ururo kale.

Calaa ku xaal Soomaliya dowlad ayaa u dhalatay, ka nax ama ku farax cid ku khasbaysaa iska yar. Dowladani waxy siu keentay dhamaan qabiilada soomaaliyeed, ururada diinta, dad weynaha iyo wixii soomaaliya kasoo shaqeyn jirey sida dowladihiihii hore iyo dad ka qayb qaatay jabhadaha waddanka.

Maalintii la furay shirka qof walba ala casumay hadana cidii rabta albaabadu waa u furanyihiin lakin qof tariinka daraadi loo joojinayo maleh. Xor ayaa u tahay inaa soo korto ama ka degto lakin daraadaa looma joojinayo.

Sheekadii qabiil qabiil waa socotay kana samir inaa qabiilkada intaa u tagto aa ku dhahdid waa nala khayaameeyey ee sheekadu waa kaligaa, you vs dowladda marka adoo kusoo gaban qabiil heblaayo iwm dadkaada dhinac ka raac ama meelaha ka qeel qeeli.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Friday, October 20, 2000 - 07:51 am
in kastoo aan mucaarad ku ahaa dawladda A/qaasin
haddana waxaan sugayaa hadii ilaahay idmo 5 bilod
ah inay wax qaban karaan iyo in kale, nimankaas
wasiirada loo magcaabayna waxaan ka aqaan
hassan abshir oo ahaan jiray duqa magaalada xamar
iyo cismaan kaluun oo ahaan jiray wasiir isna
dawladdii siyaad barre, wax kale kama aqaan>-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Friday, October 20, 2000 - 12:06 pm
SOMALIYOUTH,

Dadka somaliyeed waxay u qaybsan yihiin laba qaybood. Qayb dawladda cusub raacsan iyo qayb kasoo horjeedda oo aan anigu ka mid ahay. Waxaa habboon iyadoo la kala fikrad duwan yahay in haddana wax la isaga dhaadhiciyo si hufan oo aan "jaqjaq" iyo wax la mid ah la isu isticmaalin . Haddaba anigoo kugu tirinaya inaad ka mid tahay kuwa u jidbaysan dawlad ku sheegta la dhisay, arrintu meeshaad ka eegtay ma ahee dawladdu waxay soconaysaa haddii ay somaliyi u dhan tahay oo la wada taageero, cid laga maarmi karona ma jirto.

Midda aad leedahay qabiiladii oo dhan baa wasiirro la siiyay, sow ma ogid in Ali Mahdi uu isba qabiilada soomaliyeed oo dhan wasiiro u magacaaba. Sidoo kale dawladdii Aydiid dhistay oo salballaaran somali oo dhan bay ka koobnayd, Mahammed Siad Barre oo dawladdii somaliyeed ugu danbaysay madax ka ahaana dawladdiisa qabiiladu waa u dhammaayeen. Intaasoo dawladood xaggee ku danbeeyeen. Marka dawladdu ma aha shakhsiyaadka qabiilada laga soo xushay oon wax kalsooni ah ehelkooda ka haysan, ee waa rabitaanka runta ah ee shacabka inay ka timaaddaa.

Tan international recognition-ka aad ka hadashay, ma maqal anigu, laakiinse miyaadan ogayn xitaa haddii wuxuun aqoonsi ah ay hesho, in dawladdii Siad ay haysatay full international recongnition with diplomatic missions all over the world, xaggeese ku danbaysay.

Marka adeer, keep in mind what matters is the will of the people (all the people). Also, don't forget we are not anti-Somalia, we are Somalis too. What we are against is, to empower the same thugs and criminals who destroyed our nation. Is that clear!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KULMIS

Saturday, October 21, 2000 - 09:26 am
MR KACAANDIID U BALBALAARI AF SOOMALI UGU QOR WAXAAN DIIDANAHAY MA AHAN SOOMAALINIMADA EE WAA ILMA AFWEYNE IYO DAMBIILAYAASHII QARANKA DUMIYEY.
NO ILMO AFWEYNE
LONG LIVE SOMALIA
LA DAGAALANKA AFWEYNE WAXAA KU NAFWAAYEY IN KA BADAN HAL MILYAN OO RUUX HA UFIKIRIN IN KAAS IYO DADKIISII DIB USOO NOQDAAN. WAXAASE JIRTA IN ARINKA JABUUTI UUSAN SI U XUMAYN WAAYO DAMBIILAYAASHII AYAA ISA SOO SOOCAY OON KA SOO DHEXBAXAY QABIILOOYINKAY KU DHEXDHUUMANAYEEN.

GUDUN AFLEEY KULA DOONAYAAN
GEEDKAAD GASHABA WAY GOOYNAYAAN

ILMO AFWEYN MA SOO MIIRANTEEN WAX YAR NAGA WAR SUGA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Saturday, October 21, 2000 - 04:19 pm
Somaliyouth,
Aad iyo aad baan kugu raacsanahay qoraalkaada badidiisa.

Midda ku saabsan, mucaarad noqoshadda ma fahmin dadka sheeganaayow. Dowladda cusub ee hadda dhalatey hadaad diidantahay, fine. laakiin, waa in aad xalka kale ee Soomaali kuligeed ey ku qanacsantahay aad soo keentaa markaas, taasna waa in aan sugnaa 50 sanno oo kale oo ictiraafid la`aan dowladeed aan ku noolaan.
Mucaaradka daacada ah waa in uu marka hore Qaranka Soomaaliyeed ictiraafaa ee hadda jira , ka dibna wax kasta oo qalad ah farta ku fiiqaa, ka dibna haduu qanciyo shacabka ayagaa ku raacaaya, laakiin "mini-state" ii gaar ah ayaan sameysanaayaa , mana la ii soo gali karo, iyo dan Soomaaliyeed baan rabaa , kala daa.

ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Sunday, October 22, 2000 - 07:46 am
KULMIS,

Adigaa faahfaahiyey waxaan ujeeday. Mahadsanid.

BADGAL,

LOOK. What U call "mini-states", we call, autanimous regional administrations, serving their local communities. We all know the difference b/n these regions, and the other state less regions in Somalia.

Midda kale yaa kugu yiri haddii aan la taageerin dawlad ku sheeggan ay majaraha u hayaan, kuwii aannu ku ogeyn qaranka aad ka hadlayso, oo maanta meel ay ku sheegaan aan aqoon, yaa kugu yiri 50 sano aqoonsi heli mayno. Don't tell me Djibouti baan ka maqlay. Midda kale page kalena waxaad ku lahayd 70% somalidu dawladday raacsan tahay, marka iska daa numerical statistics-ka aad soo tuurayso caddayn la'aanta.

Tan kale ogow Somalia aqoonsi qaranimo uma baahna, oo waxaa qaran loo aqoonsaday 40 sano ka hor. Waxay u baahan tahay dawlad loo dhan yahay oo aan cid gaar ah marooqsan, oo shacabkoo dhan doorteen. Taasna wali waa sugaynaa,kamana aannu quusan. Xalka aad na waydiinayso intayada diiddan waxan arta lagu dhoodhoobay, aniga waxay iila muuqataa in degaan walba dad matala oo mandate ka haysata usoo wakiilato shirarka dib u heshiisiineed. Lana ogaado inaan qolana laga maarmin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.