site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Kuwa igu kacsan mise kuwa i raacsan?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): Kuwa igu kacsan mise kuwa i raacsan?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Madeey

Friday, October 20, 2000 - 11:43 am
Natiijaddii shirkii Jabuuti waxaay keentay in Dowladda C/Qasim yeelato Dad ku kacsan sideedaba iyo dad ayidsan oo oo uu isku haleen karo.

Kuwa ku kacsan
==============

a) Kuwa dhow-dhow: oo ah kuwa marka hore si qaab xun isula wayn, karti saasana haynin oo haddii la iska jeedin (wax la siin) ugu yaraan banad iyo qushmaan ku keeni kara nadaamka dowlada. Kuwaasi waxaa kamid ah Abgaalka oo siyaasad ahaan laga cararayo inuu xagga iyo Muuse Suudi u didaan, Majeerteen oo la rabo in laga soo dumo Askariga C/hi Yusuf iyo Isaaqa oo ayagoo awalba 'buufis' xun inta ku dhacay, haddana helay tuug qaa'ina ah oo raba in uu dantiisa ku wato magaca shacabka reer sh. Isxaaq.

C/Qassim wuu fahmay cayaarta siddii aan ku fakirayey ayuuna yeelay, yacnii in dadka uu soo dummo.

b) kuwa macquulka ahayn: oo ah laadariinta oo dhan, sida Ina Caydiid "little Gorilla", Cusmaan Caato (bililiqo), Qanyare (Afxame), Yalaxoow (Caqli maafish), Bood (Bootaale), Jees (hurdaaye), Shaati-Guduud (Amxaar-side), C/hi Yusuf (Hayeey Siyaad Barre!). Dhamaani raggani waxooda ama waxa aay ku mudacayaan wax saas ah ma ahan kaliya dhiig aay qubaan ayaa haya. Mar dhowna meelahaas ayeey suuxsanaayeen waad maqli.


Dadka uu isku halayn karo:
==========================

Waa ay badan yihiinoo marka laga reebo kuwaan aan kor ku sheegay maahinee inta kale ee soomaliweyn waa aay ayidsan tahay.

Calaa kuli xaal C/Qasim and co. cayaarta siddii loo cayaari lahaa waa aay u tumeen waloow meelo badan wax xoggaa ahi qaldaad ka suubsheen balse ka soco. Rabbi kheyr hanooga dhigo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guilty

Friday, October 20, 2000 - 11:54 am
u funny and i like what u said and is true in reality.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudulood

Saturday, October 21, 2000 - 05:09 am
Waa runtaa Saxiib!
Haddii uusan wax cad na siin, dowladu wuxuu la aadi lahaa Dhuusamareeb! :)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

asia

Sunday, October 22, 2000 - 11:51 am
kuwa kucsan waa tuugo,kuwa kalena ka daran.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.